Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qaybta 6aad::
Nabiga
(scw) Oo La Amray U Istaagidda Gudbinta Dacwada
Rasuulka Alle (scw) soo dagidda bilowga
suuraddaan mudathir, waxaa lagu soo dajiyay lix aayadood oo mid waliba
xambaarsan tahay ujeeddo wayn iyo murti xeeldheer.
((Hooy kan (nabiga) is dadayoow: Istaag oo
dig: Allahaanna waynee: Dharkaagana daahiri: Waxa xunna (sanabada) ka fogoow:
Hana manna –abaal- sheegan adigoo badsanaya)) muuqaalkooda hore aayadahaani
waxay u muuqanayaan irshaadaad iska fudud iyo murti macna kooban, laakiinse
marka hoos loogu fiirsado oo guntooda loo dhaadhaco, waa xigmado aad u qoto
dheer oo ujeeddooyin macnahoodu fog yahay xambaarsan, sidoo kale waxay
taabanayaan dhinacyo badan oo nolosha dadka ah waxayna ku reebayaan raad
mahadho reeba.
Waxaana
Nabiga (scw) lagu amray amarro dhawr ah oo waawayn.
1- Halka laga amrayo u istaagidda digniinta,
hadafkeedu waxa weeye qofkasta oo dunidaan guudkeeda ku nool oo khilaafsan
sida Allaha khalqiga abuuray ka doonayo inuu uga digo cirib dambeedka xun ee
uu ka dhaxlayo hadduusan Alle u hogaansamin ilaa qalbigiisa cabsida Alle
gasho.
2- Halka laga amrayo waynaynta Alle,
ujeeddadeedu waxa weeye inaan cidina arladaan korkeeda islawayni ku joogi
karin, cidkasta oo islawayni sheeganaysa iyo in la caabudo in hankeeda la
jabiyo, ilaa dunida guudkeeda uusan kusoo harin waynaanta Alle mooyee.
3- Halka laga amrayo inuu daahiriyo
dharkiisa, hadafkeedu waxa weeye inuu si xeeldheer u daahiriyo naftiisa inta
muuqata iyo inta qarsoon labadaba, sidoo kale inuu ka fogaado wax walba oo
ceeb ama nuqsaan u soo jiidi kara, ilaa uu gaaro heerka ugu sarreeya ee ruux
aadane ahi gaari karo isagoo ay hogaanka u hayso hanuuninta iyo nuurka xagga
Alle ka imaanaya, si uu u noqdo tusaalaha basharka toosani ku higsadaan
dadka xunina ka haybaystaan.
4- Halka laga amrayo in uusan manna sheegan
(abaal sheegan), ujeeddadeedu waxa weeye inuusan marna tirin hawlaha waawayn
ee uu Alla dartiis u fulinayo iyo dadaalkiisa aan waxba loola harin ee uu
qabanayo gudashada waajibka Alle saaray dartiis, waa inuu kartidiisa oo dhan
isticmaalaa, naftiisa huraa, maalkiisa bixiyaa, habaynkii soo jeedaa, qorax
iyo qobbaba istaagaa isagoo aan waxba sheegaynayn.
5- Aayadda ugu dambaysaana waxay si dadban
u tilmaamaysaa inuu dhib badan kala kulmi doono kuwa aan madaxooda khayrku
galin, sida khilaafsanaan, ka hor imaad, ku jeesjeesid, caga juglayn, hadal
xumo, ka shaqayn dilkiisa isaga iyo akhyaarta saaxiibadiis ah, sidoo kale in
lagu haddadi doono dhamaan ciddii raacda in la tirtirayo, sidaa darteed Alle
wuxuu amrayaa kulli waxaas oo dhan inuu u dulqaato uuna kala hortago
adkaysiga xadiidka iyo quwada maroodiga oo kale isagoo aan magac aduunyo ku
raadinayn ee Alle kaliya ku raalli galinaya.
Amarradaan maxaa ka sahlan muuqaalkooda
daahirka ah, maxaase ka yaab badan habka soo jiidashada leh ee daggan ee ay
u marayaan, maxaase ka hawl badan oo ka dhib badan fulintooda amase ku camal
falkooda, waxaad mooddaa duufaan xoog wayn oo kacday oo hanqartay oo
hilaacday oo dunida dacalladeeda martay oo guri walba gudihiisa baabbisay,
islamarkaana boorkii, xayaabadii iyo cawuskiiba qaaday.
Aayadaha laf ahaantoodu waxay si sarbeeban
u caddaynayaan arrimo kale oo galaya aaminsanaanta iyo dacwada labadaba,
digniintu waxay keenaysaa inay jiraan camallo xun oo dadka sameeyaa ay la
kulmi doonaan cirib dambeed xun oo aan la mahadin, islamarkaana waxaa la
wada ogsoon yahay inaan dhamaan waxa dadku sameeyo aduunka korkiisa lagaga
gudin ama lagu abaalmarin sidaa darteed waa in ay jirto maalin kale oo aan
ahayn ayaamahaan aduunka oo dadka la abaalmarin doono amase dambiyada dadka
sameeya laga goyn doono, waana maalinta loo yaqaan qiyaamada amase maalinta
xisaabta ee wayn, sidoo kale maalinkaas jiritaankiisu wuxuu keensanayaa inay
jirto nolol kale oo aan ahayn noloshaan dunida korkeeda ka jirta waana
arrimaha dadkaasi markaas aysan rumaysnayn.
Aayadaha intooda kale waxay adoomada Alle
ka dalbayaan in Alle kaligii la caabudo, in umuuraha Alle loo bandhigto oo
isaga la isu dhiibo, in raalli galinta nafta laga tago oo laga hormariyo
raalli galinta Alle, in nafta laga ilaaliyo ceebaha iyo waxyaalaha
foolxumadu ugu jirto laguna tarbiyeeyo kasbashada camallada sarreeya ee
sharafta badan, waxaas oo dhanise waa marka la rumeeyo risaaladaan loo soo
dhiibay Rasuulka Alle, oo la hoosgalo hogaamintiisa toosan lagana tilmaan
qaato jahayntiisa quman.
Dhanka kale aayadahaan bilowgooda waxaa
Allaha wayn ee sarreeyaa uu Nabiga (scw) kaga dalbay inuu u istaago xilkaan
ballaaran qaadistiisa, gudbinta diintaan toosan iyo gaarsiinteeda aadanaha
dunida daafaheeda jooga, inuu ka baxo hurdada macaan ee firaashka dugsoon
korkiisa uuna u istaago halgan iyo jihaad dheer, loollan, lagdan iyo dhib
aan dhamaanayn ilaa cimrigu dhamaado, ((Hooy kan (nabiga) Isdadayoow:
Istaago oo dig)) waxaad mooddaa in la yiri ‘ninkii naftiisa kaliya u nooli
waa suuroowdaa inuu noloshiisa iska raaxaysto, adigase ninkaagan xilkaan
culus qaadayoow maxaa adiga iyo raaxo isu kiin soo arkay, maxaase adiga iyo
hurdo iska kiin galay, maxaase firaash dugsoon, hoos harac ah iyo nolol dan
la’aan ah kuugu jira?.
U istaag daal iyo rabaax, soojeed dheer,
guure iyo garaaroco, hawl badan, halgan iyo harwaa inta cimrigaaga ka hartay
ah, u istaag meel marinta mas’uuliyadda wayn ee adiga ku sugaysa, waa
dhamaatay fursaddii hurdada iyo raaxada wixii maanta ka dambeeyaana waa dhib
xariirsan iyo loollan dheraran ee u diyaar garoow.
Runtii waa kalimad wayn iyo dalab laga
argaraxo oo Nabiga (scw) ka saaraysa harka qabow kuna riixaysa mowjadaha
badda iyo meerayaasha dhexdooda, ku riixaysa soo jiidasho iyo kasii
dhifsasho damiirka dadka iyo garaadkooda, Nabiguna (scw) waa u istaagay
heerka ugu sarreeya una gutay hannaanka ugu habboon una taagnaa in ka badan
labaatan sano!!.
Isagoo aan dagin nasan una noolaan
naftiisa iyo ehelkiisa midna, u taagnaa culayska amaanadii waynayd, dacwadii
Alle iyo farriintii dunidaan loo soo diray, isagoo ay dhabarkiisa saaran
tahay mas’uuliyaddii bashariyadda dhamaanteed, culayskii caqiiqada toosan,
ku halgankii goobo kala duwan, iska hor imaadyo dhiig ku daadatay, kuwo
maalka iyo maskaxda lagula diraray, kuwo seefta iyo qoriga baadkiisa lagu
muquunshay, kuwa xujada iyo qalinka caaradiisa lagu qanciyay, kuwa sirtoodii
sansaanka suubban lagu saaqay, isagoo (scw) aan arrini arrin ka
mashquulinayn muddadaas dheer laga soo bilaabo maalinta uu maqlay dhawaaqa
wayn ee jahada sare ka yeeraya ee ku kallifay gaarsiinta xilkaan ballaaran,
Allaha wayn ee kaydadka raxmadda gacanta ku hayaayi haka abaal mariyo annaga
iyo bashariyadda oo dhan, abaal marin tan ugu khayr badan.
Hadaba waraaqahaan soo socdaayi kama duwana
muuqaal yar oo kamida halgankii dheeraa ee ballaaraa oo uu Nabigu (scw)
maray muddadaas dhexdeeda.
Dawrarkii Dacwada Iyo Marxaladeheeda
Kala Duwan
Sida la ogsoon yahay taariikh yahannadu
waxay dacwada Nabiga (scw) u qaybiyaan labo dawr oo mid waliba kan kale ka
soocan yahay si muuqata, waxayna kala yihiin;
1- Dawrka loo yaqaan Makki-ga (intuu nabigu
makko joogay) oo gaaraya sadex iyo toban sano oo waxyar dhiman.
2- Dawrka Madani-ga (intuu nabigu Madiina
joogay) oo gaaraysa toban sano oo dhamays tiran.
Labadaan dawr mid kasta waxaa ku guda jira
marxalado kala duwan oo u khaas ah, waxayna taasi si cad u muuqanaysaa
markii si xeel dheer loo fiiriyo duruufaha ay dacwada Nabigu (scw) soo
martay labadaan dawr dhexdooda, waxaa hadaba suura gashay in dawrka Makki-ga
ah loo qaybiyay sadex marxaladood oo kala ah.
A- Marxaladdii dacwadu ay ku socotay habka
qarsoodida ah, oo qaadatay sadex sano.
B- Marxaladdii dacwada loo iclaamiyey oo
kor loogu muujiyey reer Makko kaliya, oo qaadatay laga soo bilaabo bilowgii
sanadka afraad ee taariikh-da nabinnimada ilaa dhamaadka sanadkii tobnaad ee
nabinnimada.
C- Marxaladdii dacwada ka baxsan seeraha
Makko, laguna faafiyay xuduudaha ka baxsan Makka, kana bilaabata dhamaadka
sanadkii tobnaad ee nabinnimada ilaa hijradii Nabiga (scw) uu madiina u
hijrooday.
Waxaan hadaba halkaan ku faahfaahin doonnaa
–insha Allah- marxaladaha dawrka Makki-ga ah, dawrka madaniga ahina gadaal
ayuu inoogu imaan doonaa isagoo marxaladihiisa wata markii meeshiisa la
gaaro insha allaah.
Dawrka Makki-ga Ah
- Marxaladda Koowaad Ee Halgankii
Dacwada
- Sadexdii Sano Ee Dacwada Qarsoodida
ah
Sida la ogsoon yahay Makko waxay ahayd
saldhiga diiniga ah ee carbeed, waxaana ku noolaa kuwa u khidmeeya Kacbada
sharafta leh, kuwa u quma u adeegidda sanabada iyo wathannada muqadaska u ah
carab inteeda kale, hadaba in laga gaaro maqsuudka amase muraadka islaaxinta
ah ee la doonayo amase in lagu qanciyo kalinimada Alle iyo rumaynta aakharo
waa arrin aad u qallafsan marka loo fiiriyo meel ka fog, waxayna u baahan
tahay hawl fooqal caqli ah iyo go’aan aysan gilgili karin masiibooyinka iyo
dhacdooyinka xanuunka badani, sidaa darteed si duruuftaan loola falgalo
waxaa xigmaddu tusinaysay in dacwada bilowgeedu ku socdo hab qarsoodi ah, si
aan reer Makko uga duldhicin wax aysan filanayn oo ka caraysiiya.
Ibn Isxaaq wuxuu yiri, waxaana u dhexeeyay
intii uu Nabigu (scw) qarsoodida ku waday ilaa laga amray inuu shaaciyo
sadex sano oo kaamil ah.
Racii Ugu Horreeyay Ee Saxaabada
Tallaabadii ugu horreysay ee uu Nabigu (scw)
ku bilaabay dacwadiisa waxay ahayd inuu diinta Islamka u bandhigo dadka kuwa
ugu dhaw, dadka ay isku xiran yihiin iyo qoyskiisa iyo saaxiibadiis, wuxuu
hadaba ugu yeeray Islaam nimada, wuxuuna u bandhigay qof kasta oo uu astaan
khayr ku maleeyay ee dadka uu yaqaan iyaguna yaqaan runtiisa iyo amaanadiisa,
qof kasta oo uu ku yaqaan jacaylka Alle iyo u hogaan sanmidda xaqa ayaguna
ku yaqaan akhlaaqdiisa sarraysa iyo shakhsiyaddiisa qaaliga ah.
Waxaa hadaba ajiibay (kuwa aan waligood ka
shakiyin runtiisa) koox lagu yaqaan taariikhda Islamka racii ugu hormaray
khayrka, waxaana kuwaas ugu horreeyay zawjada Nabiga (scw) Umul mu’muniin
Khadiija Bint Khuwaylid, iyo saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha
Ibn Shuraxbiil Alkalabi,iyo wiilka yar ee ay ilma adeerka yihiin Caliyi Ibn
Abitalib wuxuuna ahaa wiil yar oo Nabigu koriyo iyo saaxiibkiisa khaaska ah
ee Abuubakar Assidiq, kooxdaani waxay islaameen maalintii ugu horreysay ee
dacwada Islamka.
- Khadiija Bint Khuwaylid
- Zayd ibn Xaaritha Ibn Shuraxbiil Al-Kalabi
- Cali Ibn Abitalib
- Abuubakar Assidiq
Abubakar markuu islaamay dhankiisa ayuu
isna ka bilaabay faafinta diinta, wuxuuna ahaa nin saaxiibo badan oo soo
jiidasho leh oo akhlaaq wanaagsan iyo sadaqo badni lagu yaqaan, wuxuu kaloo
ahaa nin ganacsade ah oo aan gurigiisa raggu ka dhamaan lacagtiisa iyo
cilmigiisa darteed, wuxuu hadaba dacwada islaamka ugu yeeray saaxiibadiisa
uu ku kalsoon yahay ee la fariista islamarkiibana waxaa dacwadiisa ku
islaamay Cuthmaan Ibn cafaan Al-amawi, Azubayr Ibnul Cawaam Al-asadi,
Cabdiraxmaan Ibn Cowf iyo Sacad Ibn Abiwaqaaf Azuhri labaduba, Dalxata Ibn
Cubaydillah Attaymi, kooxdaan siddeedda ahi waxay ahaayeen hordhacmadii ugu
horreeyay ee Islaamka.
Waxaa kaloo dadkii horay u islaamay kamida
Bilaal Ibn Rabaax Alxabashi, kadibna waxaa kusoo xigsaday ummaddaan
aaminkeedii Abucubadayda Caamir Ibnul jaraax Alfihri, sidoo kale Abusalama
Ibn Cabdil Asad iyo Al-arqam Ibn Abil Arqam Almakhzumi labaduba, Cuthmaan
Ibn Madcuun iyo walaalihiis Quddaama iyo Cabdullahi, Cubaydata Ibn Xaarith
Ibn Mudalib Ibn Cabdi Manaaf, Saciid Ibn Zayd Al-cadawi iyo haweenaydiisa
Faadima Bint Alkhatab Al-cadawiya Cumar walaashiis, Khabaab Ibn Arath,
Cabdulaahi Ibn Mascuud Al-hudali iyo saxaabo kale oo badan.
Ibn Isxaaq wuxuu yiri, kadibna dadkii ayaa
Islaamka u soo galay raxan raxan rag iyo dumarba ilaa hadal haynta Islamku
ku faaftay Makko oo lagu sheekaystay.
Dadkaani hadaba waxay kusoo islaameen si
qarsoodi ah Nabiguna (scw) wuxuu kula kulmi jiray oo wax ku bari jiray oo
caqiidada iyo qur’aanka soo daga ugu akhrin jiray si qarsoodi ah, sababtoo
ah wali dacwadu waxay ku jirtay marxaladdeeda qarsoodida iyo kali kalida ah,
waxyiguna wuxuu usoo dagi jiray si aad u badan kadib markay soo dagtay
Mudathir, suuradaha iyo aayadaha soo dagaya mudadaaasna waxay ahaayeen
aayado gaagaaban oo leh joogsiyaal iyo xubno aad u qurux badan, xambaarsan
xujooyin iyo baraahiin aan cidina la doodi karin, leh hab dhacmeedyo dagan
oo aad u macaan iyo soo jiidasho, la falgalaya jawigaas cakiran ee ee
qarsoon, dhiirrigalinaya nadiifinta ruuxda, ceebaynaya ku wasakhaynteeda
dhaldhalaalka aduunka, dhalan xumaynaya cibaadada shirkiga, tilmaamaya oo
sifaynaya jannada iyo naarta sidii ayagoo kuu muuqda, dadka mu’miniinta ah u
kaxaynaya duni kale oo aan ahayn dunida ay ku nool yihiin iyaga iyo dadka oo
dhani markaas.
Sababaha Islaamidda Saxaabadaan Qaarkood.
Ibn Isxaaq wuxuu yiri, Jibriil (cs) ayaa
meel waadi dhiniciis ah ciribta ku dhuftay markaasaa il biya ahi kasoo
burqatay, markaas ayuu ku weeso qaatay Muxamedna (scw) ku weeso qaatay,
kadibna wuxuu tukaday labo rakcadood, markaas ayaa Nabigu (scw) soo laabtay
isagoo Alle naftiisa qaboojiyey ishiisana farax galiyey, markaas ayuu inta
Khadiija gacanta qabtay ishii biyaha ahayd la aaday, markaas ayuu u weeso
qaatay sidii Jibriil u weeso qaatay,markaas ayey isaga iyo Khadiija labo
rakcadood tukadeen, kadibna Nabiga (scw) iyo Khadiija waxay u tukan jireen
si qarsoodi ah, maalin ayaa Cali soo maray ayagoo tukanaya markaas ayuu Cali
yiri, Muxamadow waa maxay waxaan aad samaynaysaan? Markaas ayuu yiri, waa
diin Alle u doortay naftiisa lana soo diray Rusushiisa, waxaan hadaba kuugu
yeerayaa rumaynta Alle kaligiis iyo inaad ku kufrido Laate iyo Cuzaa.
Markaa ayuu Cali yiri, diintaani waa mid
aanan waligay maqlin maanta ka hor, sidaa darteed go’aan ka gaari mayo ilaa
aan aabahay u sheego, Nabiguna (scw) wuxuu diidanaa inuu sirtaan faafiyo
inta aan shaaca laga qaadin, markaas ayuu yiri, Caliyow haddaadan adigu
Islaamin qari sirtaan, Cali habaynkii ayuu joogay kadibna qalbigiisa ayaa
Alle Islaamka galiyey, markii uu waa bariistay ayuu Nabiga (scw) u yimid oo
hortiisa ku islaamay kadibna way ka qariyeen Abudalib.
Ilaa uu maalin soo maray ayagoo tukanaya
markaas ayuu Nabiga ku yiri, Adeer waa maxay waxaan aad samaynaysaan?
Markaas ayuu yiri, adeer waxaani waa diintii Alle, diinta Malaa'iktiisa,
rusushiisa iyo Diintii Ibraahiim, oo Alle ila soo diray si aan adoomada u
gaarsiiyo adigana adeer waxaad tahay qofka ugu mudan qof aan naseexadayda
gaarsiiyo ama naftayda u huro ama aan hanuunka ugu yeero iyo qofka ugu mudan
inuu iga ajiibo iguna garab istaago, markaas ayuu yiri, adeer anigu haddeer
ma awoodo inaan ka tago diintii aabayaashay laakiin wallaahay anoo nool
inaan waligay la iikaa gacan dhaafi karin ee wado diintaada, intuu cali
eegay ayuu yiri aduguna ma Islaamtay markaasuu yiri, haa, markaas ayuu yiri,
wax aan khayr ahayn Muxamed kuuguma yeerin ee raac oo ugu kaalmee.
Kadibna waxaa Islaamay Zayd Ibn xaaritha,
cali kadib wuxuuna yiri, Cali waxaa Alle ku galladaystay in Nabigu (scw)
korin jiray Islaamnimada kahor.
Muxamed Ibn Kacab Alquradi wuxuu yiri,
qofkii ugu horeeyay ooslaamay waa Khadiija kadibna waxaa Islamay Abuubakar
iyo Cali, Calibaana horreeyey, Abuubakar na waa ninkii ugu horreeyey oo
diintiisa muujistay.
Nabigu (scw) wuxuu yiri, waligay qof diinta
uguma aanan yeerin illaa hakad iyo ka fiirsi ayuu lahaa Abuubakar mooyee,
kama uusan hakan markaan u sheegay kamana laallaaban.
Dalxata Ibn Cubaydillah wuxuu yiri, waxaan
tagay suuqa wayn ee magaalada Busraa, mise nin raahib ah ayaa Sowmacaddiisii
(macbad mowlac) kasoo dagay, oo wuxuu leeyahay waryaa xaramka ka yimid, cid
reer Makko ahi halkaan ma joogtaa? Markaas ayaan waxaan iri, haa anigaa ka
imid, markaas ayuu yiri, wali Axmed masoo baxay? Saanne oo Axmad waa kuma?
Suuye Ibn Cabdillahi Ibn Cabdil Mudalib, waa bishaan markuu soo bixi lahaaye,
waana nabiyada kii ugu dambeeyey, meeshuu kasoo baxayaana waa Xaramka meesha
uu u hijroon doonaana waa dhul timir, dhagax madow iyo carraseel leh, hadaba
ogoow ninyohow yaan cidina kaaga hor marin.
Dalxa wuxuu yiri, hadalkaan ayaa qalbiga
igaga dhacay, markaas ayaan usoo dagdagay xagga Makko, markaa imid ayaan
waxaan leeyahay, war wax dhacay ma jiraan, maxaa magaalada bishaan ku cusub?
Markaasey yiraahdeen, haa Muxamed Ibn Cabdillahi Amiinkii ayaa nabinnimo
sheegtay, waxaana raacay Ibn Abii Quxaafa (abuubarkar) markaas ayaan usoo
galay Abuubakar oo iri, ma ninkaanaad raacday? Markaas ayuu yiri haa,
adigana waan kuugu yeerayaa ee raac oo rumee, markaas ayaan uga warramay
hadalkii raahibku yiri, markaas ayuu gacanta ku dhagay Abuubakar ilaa uu
Nabiga (scw) ugala soo galay markaas ayuu Dalxa Islaamay, markii Abuubakar
Iyo Dalxa Islaameen waxaa qabtay Nowfal Ibn Khuwaylid Al-cadawi markaas ayuu
geed salkiis xarig kula xiray, Bani-taymna –waa laftoodee- kama celin,
Nowfalna waxaa lagu niinaasi jiray libaaxii Qureysheed, marka halkaas ayaa
labadooda loogu magacaabay Al-qarnayn labadii tiirka ku xirnaa.
Cammaar Ibn Yaasir isaga, aabihiis Yaasir
Ibn Caamir iyo hooyadiis Sumaya Bint Khayaad waxay ayaguna ka mid ahaayeen
dadka horay u islaamay, marka Bukhaari iyo Muslim waxay wariyeen inuu
Cammaar yiri, waxaan ark ay Rasuulka Alle (scw) oo aysan la socon (rumaysnayn)
shan addoon, labo dumar ah iyo Abuubakar mooyee," Sidaasna tira ahaan
Cammaar sagaal ku noqonayo.
Calina muusan sheegin sababtoo ah, wuxuu
ahaa caruur toban jir ah sidaa waxaa yiri Al-imamu Dahabi.
Sidoo kale labada sheikh waxay soo saareen
Sacad Ibn Abiwaqaas inuu yiri, “wallee waxaan joogay todobo maalmood anigoo
Islaamka sadex meeloodkiis ah” wuxuuna ka wadaa in sadex qof oo uu ku jiro
oo kaliyihi ay muslim ahaayeen.
Imaamu Muslim wuxuu soo saaray Camar Ibn
Cabasah inuu yiri, “waxaan u imid Rasuulka Alle (scw) isagoo Makko jooga oo
is qarinaya markaas ayaan iri kumaad tahay? Markaas ayuu yiri “waxaan ahay
nabi” saanne oo nabi waa maxay? Suuye “Rasuulkii Alle” saanne ma ilaahay baa
kusoo diray markaas ayuu yiri, “haa” saanne oo muxuu kula soo diray markaas
ayuu yiri, “In Alle kaliya la caabudo oo sanabada la jajabiyo oo qaraabada
la xariiriyo” markaas ayaan iri, alla waxa lagula soo diray fiicanaa, yaa ku
rumeeyey, markaas ayuu yiri, “nin xor ah iyo nin addoon ah” wuxuuna ka wadaa
Abuubakar iyo Bilaal, markaas ayaan iri, rasuulka Allow anna waan ku
rumeeyey, Camar wuxuu marka oran jiray, “wallee waxaan is arkay anigoo
sadexdooda afar ku ah”.
Cabdullahi Ibn Mascuud wuxuu yiri, waxaan
ahaa wiil kuray ah oo la jooga ari uu leeyay Cuqbata Ibn Abi-mucayd (1)
Makka duleedkeeda, waxaa marka isoo maray Rasuulka Alle (scw) iyo Abuubakar,
ayagoo kasoo cararay niman mushrikiin ah oo raacdaysanayey, markaas ayuu
yiri, ninyohow dhallin yarada ahi wax caano ah ma haysaa oo aad naga
waraabisid? Markaas ayaan iri, anigu waxaan ahay ammaano haye oo idinma siin
karo caanaha, markaas ayuu yiri, ma nookeeni kartaa ceesaan yar oo aan wali
orgoon?.
Markaas ayaan iri, haa haddaad caano ka
lisi kartid waana u keenay, marka Abuubakar ayaa ceesaantii lugta qabtay
Nabiguna naasaheeda ayuu qabtay waana duceeyey markaasaa ceesaanta
naasaheedii darareen oo caano kasoo buuxsameen sidii neef dihin, Abuubakar
ayaa keenay dhagax godan sidii weelkii, markaas ayuu ku lisay ilaa ay caano
cabbeen anigana ay I waraabiyeen, markaas ayaa naasihii baaba’een markii
muddo lagu joogay ayaan Nabiga (scw) Makko ugu imid oo ku iri, ibar
hadalkaas wanaagsan oo aad ku akhriday ceesaanta, markaas ayuu qur’aanka
ibaray oo yiri “waxaad tahay wiil yar oo wax baran kara” waxaanna afkiisa ka
qaatay todobaatan suuradood oo aan nina igula doodi karin.
Mid kasta saxaabadaan kamida waxaa
taariikhdiisa la socota sheeko layaab badan oo sabab ugu ahayd
Islamnnimadiisa iyo u hogaansankiisa xaqa.
Salaadda
kuna tasbiixso adoo ku dheehan mahadda
Eebahaa Galab iyo Aroorba:
Suurat Ghaafir ayaada 55aad. |
Marka la fiiriyey qur’aanka soo dagay waqti
hore oo maalmaha Nabiga (scw) kamida, waxaa muuqata in bilowgii
nabinnimadaba la amray salaadda, wuxuu yiri Muqaatil Ibn Sulaymaan, bilowgii
Islaamka, Alle wuxuu waajib yeelay salaadda labo rakcadood oo subixii ah iyo
labo rakcadood oo galabtii ah sida lagu caddeeyey qowlka Alle (( Tasbiixso
adigoo ay kuu weheliso xamdinaqa Rabbigaa galabkii iyo aroortiiba)) suuradda
40:55, sidoo kale Al-xaafith Ibn Xajar wuxuu yiri, in Nabigu (scw) Israaga
ka hor tukan jiray waa hubaal sidoo kale saxaabadiisa, hasayeeshee waxaa la
isku khilaafay in ay jiraan salaadaha shanta ah kahor wax salaada oo la isku
farad yeelay iyo inkale, waxaana la yiri faradku wuxuu un ahaa salaad qorax
soo baxa ka horraysa iyo salaad ka dambaysa.
Zayd Ibn xaaritha waxaa laga wariyay inuu
yiri, markii ugu horraysay oo Rasuulka Alle (scw) loo waxyooday, Jibriil
ayaa u yimid wuxuuna baray weesada, markii uu dhameeyey weesadii wuxuu
qaatay sacab biyo ah markaas ayuu cawradiisa ku firdhiyey, Ibn Cabbaas waxaa
laga wariyey inuu yiri, taasina waxay ahayd markii ugu horreysay ee salaadda
la waajib yeelay.
Ibn Hishaam-na wuxuu sheegay in Nabiga (scw)
iyo saxaabadiisu markii salaadda la gaaro ay aadi jireen meelaha cidlada ah,
ayagoo salaaddooda la dhuumanaya, mar kamida waqtiyadaasna waxaa dhacday in
Abu-talib uu arkay Nabiha (scw) iyo Cali oo tukanaya, marka arrintaan ayuu
waydiiyey markii uu hubsaday waxaan ay samaynayaanna wuxuu kula taliyey inay
ku sugnaadaan camalkoodaan.
Warkii Oo Qureysh Si Duuduub ah ku
Gaaray
Marka taariikhdaan dacalladeeda la fiiriyo
waxaa muuqanaysa marxaladdaan dhexdeeda inkastoo dacwadu ay qarsoodi ku
socotay in hadalhaynteedu ay Qureysh gaartay, laakiinse aysan wax wayn u
qaadan sidaa darteed aysan waxba u dan galin.
Maxamed Al-ghazaali wuxuu yiri, wararkaani
waxay u duulduuleen Qureysh wax danase umaysan yeelan, waxaana laga yaabaa
inay Muxamed (scw) moodeen mid kamida kuwaas Dayaaniyiinta (2) loo yaqaannay
ee ka hadli jiray ilaahnimada iyo xuquuqdeeda, sidii uu yeelay Ubaya Ibn
Abisalti, Qeys Ibn Saacida, Camar Ibn Nufeyl iyo kuwa la midka ahaa,
hasayeeshee waxay cabsi badan ka qabeen in akhbaartiisu faafto ama uu raad
sii jiitama yeesho, sidaa darteed waxay bilaabeen inay u kuurgalayaan
dacwadiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa si xeeldheer.
Sidaa marka waxaa ku gudbay sadex sano oo
dacwada Nabigu (scw) ay wali si qarsoodi iyo kali kali ah ku socotay,
muddadaan dhexdeedana waxaa dhisantay jamaaco mu’miniin ah oo oogaya
walaalnimadii iyo iskaalmaysigii Islaamka, iyo gaarsiinta risaalada Islaamka
iyo dhaxalgalinteeda, markaas ayaa waxaa soo dagay waxyigii Alle oo Rasuulka
Alle ku kallifaya kuna waajib yeelaya inuu dacwada shaaca ka qaado sidoo
kale inuu riddiyo baadilka ay kufaarta qureysheed ku jiraan, inuu dagaal af
ah oo kulul ku qaado sanabadooda, inuu caddeeyo kufriga ay ku sugan yihiin.
Marxalladii Labaad Ee Dawrka Makkiga ah
- Dacwadii oo kor loola jahray
- Amarkii ugu horreeyey Ee Muujinta
Dacwada
Una Dig Qaraabadaada Kuu sii dhaw.
Suurat Ash-Shucaraa': Aayad 214aad. |
Amarkii ugu horreeyey ee muujinta xaqa lagu
amray ee Nabiga (scw) ku soo daga wuxuu ahaa qowlka Alle ((u dig
qaraabadaada dhawdhaw)) 26:214 iyo suuradda ay aayaddu ku jirto ee Shucaraa,
waxaa suuradaan bilowgeeda lagaga sheekeeyey qisada nabiga Alle ee
Muusa (cs) lagasoo bilaabo
noqoshadii nabiga, lasoo maro hijradii uu reer Bani-israel la hijrooday, ka
badbaadintii
fircon (pharaoh) iyo qoomkiisa,
laguna dhameeyey qarqintii lagu maasheeyey fircoon iyo qoomkiisa, waxaana
qisadaan ku jira dhamaan marxaladihii uu Muuse soo maray muddadii uu ummadda
Faraacinada diinta ugu yeerayay.
Sida lagu tafsiiray waxaa qisadaan sidaan
Alle ugu faahfaahiyay si Nabiga (scw) iyo saxaabadiisa hortooda tusaale cad
uu u yaallo oo ay uga qiyaas qaataan waxa ay la kulmi doonaan oo beeninta
iyo cadaadinta ah markay dacwadooda sare u muujiyaan, sidoo kale inuu u
caddaado dhibka iyo shidada badan oo ay la kulmi doonaan.
Dhinaca kale marka laga fiiriyo suuradaani
waxay ka sheekaysay sidii xumayd ee ay ku dambeeyeen kuwii rususha Alle
beeniyey ee qoomkii Nuux, Caad, Thamud, qoomkii Ibraahiim, qoomkii Luud, iyo
qoomam kale.
Qisada Muuse iyo Fircoon kadib, waxaa
halkaan ku jira tilmaan sarbeeban oo ah inay ogaadaan kuwa Nabiga beenin
doonaa sida xun ee xaaladdoodu ay ku dambayn doonto hadday ku adkaystaan
indha adaygga iyo madax qallayfka, sidoo kale inay mu’miniintu ogaadaan in
mustaqbalka fiican ay ayagu yeelan doonaan ee aysan gaaladu lahayn.
Nabiga oo Qaraabadiisa la kulmaya
Markii aayaddaani ay soo dagtay
tallaabadii ugu horreysay ee uu Nabigu (scw) qaaday waxay ahayd inuu marti
qaad ugu yeeray qoyskiisa Bani-haashim, marka way yimaadeen ayagoo ay
weheliyaan dhawr nin oo Bani-mudalib ah, waxayna tiradoodu isku noqotay shan
iyo afartan nin oo gaashaan qaad ah, markii meeshii la yimid waxaa la cunay
marti qaadkii loo sameeyay raashinkaas oo yaraa oo Alle barakeeyay raggii oo
dhan ay ka wada dhargeen.
Markii uu Nabigu hadli lahaa waxaa hadalkii
ka boobay Abu-lahab oo yiri ninkaani waa idin sixray -raasshinka yar oo
deeqay dartiis- haddana inta Nabiga (scw) soo eegay ayuu yiri, “kuwaani waa
adeerradaa iyo ilma adeertaa ee hadal oo gaalnimada jooji, ogowna inaan
tolkaa lahayn awood uu carab oo dhan kaga hortago, anigaana ugu xaq leh cid
gacanta ku qabata, joog ilma adeertaa baa kugu filan inay xadkaaga kugu
hayaan, haddaad kusii socoto waxa aad ku jirto waxaa u fudud inay ayagu ku
xiraan intaan lafaha Qureysheed kugu soo boodin, oo gacanta carbeed kusoo
gaarin, waligay maanan arag nin dadkiisii ula yimid wax ka shar badan waxa
aad ula timid dadkaagii” sidaa darteed fadhigaan Nabigu (scw) waa aamusay oo
waxba muusan ka oran waana lagu kala tagay.
Haddana fadhi labaad ayuu Nabigu qabtay oo
qado lagu sameeyay wuxuuna yiri, (( Mahad idilkeed waxay u sugnaatay Allaha
wayn anigoo mahadinaya, oo kaalmo waydiisanaya, oo rumaynaya, oo isaga
tawakulaya, waxaanna qirayaa inaan ilaah xaq lagu caabudo jirin Allah mooyee
oo kaligiis ah oo cid la wadaagtaayi jirin)) kadibna wuxuu yiri, “ninkii
sahmiyey dadkiisa been uma sheego waxaan ku dhaartay Allaha aan ilaah kale
jirine, waxaan ahay rasuulkii Alle idiin soo diray si gaar ah, dadkana loo
soo diray si guud, wallaahay waad dhimanaysaan sidaad u seexataan oo kale,
waana la idin soo bixin doonaa sidaad usoo toostaan, waana la idin xisaabin
doonaa waxaad camal falaysaan, markaasna ama waa janno lagu waarayo ama waa
naar lagu waarayo oo aan waxba ka dhaxayn”.
Abutalib ayaa hadlay oo wuxuu yiri, Alla
yaa naga jecel inaan ku caawino, yaa naga aqbali og naseexadaada, yaa nooga
kaa rumaysi badan hadalkaaga, kuwaanina waa reer aabahaa oo kuusoo ururay,
aniguna mid kamida unbaan ahay inkastoo aan ahay kan ugu dagdagi og waxa aad
jeceshahay, hadaba ku soco waxa lagu amrayo, Allaan ku dhaartaye waligay ka
daali mayo inaan ku ilaalinayo oo ku difaacayo, inkastoo naftaydu aysan iga
yeelayn inaan ka tago diintii Cabdulmudalib.
Abu-lahab ayaa markaa wuxuu yiri, waxaan
aad ku hadashay wallaahay waa xumaan, war hooy gacmaha qabta oo xira intaan
cid aan idinka ahayni qaban, markaas ayaa waxaa u jawaabay Abudalib oo yiri,
wallaahay waligayo waan difaacaynaa intaan jirno.
Buurta Safa Dusheeda
Kadib markii uu Nabigu (scw) hubsaday
ballan qaadka uu Abutalib ka helay ilaalintiisa isagoo dacwada Alle ummadda
gaarsiinaya, wuxuu maalin fuulay buurta Safa dusheeda markaas ayuu qayliyey
codkiisa heerka ugu sarreeya “Waa wareey!! War isu kaalayooy! Waa wareey!”
dadkii oo dhan ayaa codka xaggiisa ku yaacay waxaana meesha isugu yimid
dhamaan lafaha Qureysheed oo dhan, markaas ayuu Nabigu dadkaas ugu yeeray
Towxiidka iyo Iimaanka iyo inay Rumeeyaan risaaladiisa iyo inay jirto maalin
dambe oo dadka la soo saari doono oo layiraahdo aakharo.
Al-Imamul
Bukhaari
oo qisadaan dacaladeeda dacal kamida ka wariyay Cabdullahi Ibn
Cabbas wuxuu yiri, “markii ay soo dagtay aayaddaan qur’aanka ah ee ((U dig
qaraabadaada dhawdhaw)) Nabigu (scw) wuxuu fuulay buurta Safa dusheeda,
wuxuuna bilaabay inuu u yeerayo lafaha qureysheed isagoo magacaabaya yaa
Bani-Fihir (qureysh) war reer bani-fihiroow! Yaa Bani-Ciddiyi! Lafaha
Qureysheed isagoo magacaabaya ilaa ay isu yimaadeen, xataa qofkii aan
awoodin inuu yimaado qof kale ayuu soo dirayey si uu usoo fiiriyo waxa
dhacay waxay yihiin, Qureysha waa timid, waxaa kaloo dhankiisa yimid Abu-lahab.
Wuxuu Nabigu (scw) yiri, “ka warama haddaan
idiin sheego ciidan fardoolay ah oo toggaan dhiniciisa soo socda oo raba
inay idinku soo duulaan” ma iga rumaysan lahaydeen? Waxay ku jawaabeen, wax
aan run ahayn hore kuuguma aannaan baran, markaas ayuu yiri, “hadaba waxaan
idiin ahay dige (qayla dhaanshe) cadaab kulul intuusan imaan hortiis” Abu-lahab
ayaa wuxuu yiri, Hoog Alle kubad maanta gudaheeda, war ma waxaasaad isagu
kaaya yeertay? Markaas ayaa Alla soo dajiyay suuradaan ((Tabbat yadaa
Abii-lahab)) wuxuu khasaare ku dhacay gacmaha Abilahab:
Suurat Al-Masad (111:1-5) |
Sidoo kale Imaamu Muslin ayaa isaguna
qisadaan dacal kale ka wariyey Abi-hurayra wuxuuna yiri, markay soo dagtay
aayaddaan ((U dig qaraabadaada dhawdhaw)) Rasuulka Alle (scw) ayaa dhawaaqay
isagoo si guud iyo si khaas ahba dadka ugu yeeray, marka wuxuu yiri Nabigu (scw),
“war kulankii Qureysheedoow naftiina naar ka badbaadiya, war kulankii Bani
kacaboow! Naftiina naar ka badbaadiya! Faatima Bint Muxamadeey! Naftaada
naar ka badbaadi! Anigu waxba kaagama awoodo Alla agtiisa, inaad leedihiin
qaraabanimo mooyee aan xarigeeda qoyn doono (xariirin doono).
Kalimaadkaas daacadnimada iyo talagalyada
ah ee uu sare u qaaday run ahaantii waa yoolka ugu sarreeya ee gaarsiinta
dacwada laga gaaro, wuxuuna Nabigu (scw) ugu caddeeyay dadka qofkii ugu
dhawaa in rumaynta diintaan la rumeeyo ay tahay xarigga kaliya ee
ehelnimadoodu ku xariirsanaan karto, sidoo kale in hiilkii qaraabada ee
nadaamka carabtu ku socdayi ay ku dhalaashay kulaylka digniintaas codka
dheer ee ka timid xagga Alle.
Qarxintii Xaqa Iyo Caradii Mushrikiinta
ee Muuji waxa lagu fari iskagana
geedso Mushrikiinta.
Suurat Al-Xijr: Aayada 94aad |
Ayadoo codkaas dheer uu wali gaalada
dhagahooda ka qaylinayo ayaa Alla soo dajiyay qowlka Alle ee ((Caddee- qarxi-
waxa lagu amrayo kana jeeso Mushrikiinta)) 15:94 markaas ayuu Raruuslka Alle
(scw) u dhaqaaqay inuu riddiyo khuraafaadka shirkiga oo banaanka soo dhigo
dhalliilihiisa, inuu faahfaahiyo xaqiiqada sanabadu waxa ay tahay iyo
inaysan dhab ahaan wax qayma ah lahayn, isagoo tusaalayaal badan ku
caddaynaya caajis nimadooda, dhagaxnimadooda, inaysan waxba cid yeeli karin
waxna tari karin, inuu xujooyin quwad wayn iyo aayado macna dheer ku
caddaynayo in qofkii caabuda oo ka dhigta cid isaga iyo Alle u dhaxaysa
amase Alle loo sii maro uu baadiyoobay baadinimo cad.
Makko waxay la burqatay oo la qaraxday
dareen caro leh, waxay isla dhex qaadday xanaaq iyo qaadan waa, markay
maqleen cod kor ula qaylinaya baadinimada mushrikiinta iyo cibaadada
sanabada, waxaad mooddaa sidii biriq cirka kasoo dhacday oo daruurihii kala
dhex jiirtay oo unkadday oo hilaacday oo dunidii dagganayd gariirisay,
Qureysh oo dhani hal mar ah ayey istaagtay ayagoo isu diyaarinaya siday u
damin lahaayeen kacdoonkaan hoostooda ka qarxay si lama filaan ah, lagana
cabsanayo inay ka takhalusto caadooyinkoodii dhaxalgalka ahaa iyo
dhaqamadoodii hore ee aabayaasha.
Way wada istaageen sababtoo ah waxay
garanayeen in macnaha Imaanka ee ku dhisan inaan la caabudi karin cid Alle
kasoo hartay, iyo macnaha rumaynta risaalada Alle iyo maalinta qiyaamada
inuu yahay u hogaansamid buuxda iyo isdhiibid bannaan oo Alle loo hogaansamo,
ayadoo uusan u hari doonin madax bannaani inay waxay rabaan sameeyaan ama
siday rabaan maalka ugu cayaaraan ama cidday doonaan caabudaan ayadoo aan
ninna xisaabinayn, taasoo ay u arkaan inay halkaas ku dhumi doonto
boqortinimadoodii curadda ahayd iyo isla waynidoodii ay carab la dheeraayeen,
taasoo huwanayd hagoog diineed.
Sidoo kale inay ku khasbanaan doonaan wax
Alle raalli galiya kaliya, in loo diidi doono dulmigii ay u gaysan jireen
dabaqadaha hoose ee bulshada, in laga joojin doono xumaantii ay faraha kula
jireen maalin iyo habaynba, waxaas oo dhan ayey ula muuqatay sidaa darteed
waxay u arkaan xaalad xun oo aan marna la aqbali karin ((Insaanku wuxuu
doonayaa inuu hortiisa ka been abuurto)).
Inkastoo ay waxaas oo dhan garanayeen oo
arrimuhu sidaa ula muuqdeen, maxay hortiisa ka samayn karaan nin ku caan
baxay runta iyo ammaanada, nin noqday tusaalaha aadanaha ee sharafta,
karaamada, haybadda iyo akhlaaqda wanaagsan, nin aysan hore u maqal cid la
barbardhigi karo amase cid lagu matali karo quruuma badan oo taariikhda
aabayaasha iyo ummadaha hore ah? Arrintaan ayey ku wareereen waana tahay wax
ay ku wareeraan.
Hadaba markay wax badan fakareen oo arimaha
u fiirsadeen uma muuqan si kale oo ay yeeli karaan oo aan ahayn inay
Abutalib u tagaan, oo ay isaga ka codsadaan inuu qabto wiilka uu adeerka u
yahay, waxay isku waafaqeen si ay u muujiyaan caradooda iyo in arrintaani
meel xun ka joogto, inay yiraahdaan, u yeeridda dadka loogu yeerayo ka
tagidda ilaahyadooda iyo hadalka ah inaysan waxba tari karin awoodna lahayni
inay meelka dhac wayn iyo liidid ballaaran ku tahay sharaftooda sidoo kale
inay bahdilid iyo caqli durid ku tahay aabayaashoodii hore ee diintaan
caabudi jiray, wadadaas ayaa u muuqatay markaasay hore u qaadeen.
Wafdigii Qureysheed Oo Abutalib Hor
Fadhiya
Ibn Isxaaq wuxuu yiri, waxaa si abaabulan
usoo dhaqaaqay odayaal magac dheer oo madaxda qureysheed kamida ilaa ay
Abutalib uga yimaadeen, markaas ayey dheheen, Abutalibow wiilka walaalkaa
dhalayi wuxuu caayey Illaahyadayadii, wuxuu dhalleeceeyey diintayadii, wuxuu
dhalliilay dadkayagii caqliga badnaa, wuxuuna baadi nimo ku sheegay
aabayaashayadii hore, hadaba inaad naga qabato amase inaad annaga iyo isaga
iskaga kaaya dhex baxdo waxba maanta kama dhexeeyaan, sababtoo ah adiguba
isku si ayaad noola khilaafsan tahay marka waannu kaaga fillaanaynaa
dhibkiisa.
Markaas ayuu Abutalib kula hadlay, hadal
dabacsan oo si qurux badan u celiyey, markaas ayey dib ugasoo laabteen
Rasuulka Allana (scw) uu kusii socday xaaladdiisii hore, inuu shaaca ka
qaadayo diinta Alle iyo inuu dadka ugu yeerayo.
- Talo iyo tusaalyn ku saabsan
qormadan fadlan ku hagaaji qoraaga oo emailkiisu hoos ku qorantahay.
______________________________________________
1-
Cuqbata Ibn Abi-mucayd Ibn Abaan Ibn Dakwaan Ibn Umaya Ibn Cabdishamsi,
wuxuu ahaa odayaasha hoggaanka u hayay Qureysh xilligii jaahiliga wuxuuna
ahaa raggii ku caanbaxay silicdilyaynta iyo dhibka muslimiinta loo gaysto
markii dacwada islamku soo bilaabatay, ugu dambayntiina wuxuu ku jiray
raggii muslimiintu qafaasheen dagaalkii badar halkaas oo ay inta dileen
bakhtigiisii geed ka soo laalaadiyeen, waana ninkii ugu horreeyay ee
muslimiintu sidaan u dileen. Ka fiiri taariikhdiisa Arrowd Al-unfi 2/76 Al-kaamil
li-ibn Athiir 2/27 waxaana kuunyadiisa loo yaqaan Abul waliid.
2- Dayaaniyiinta amase Alxunafaa waxaa la
oran jiray niman ay kamid yihiin kuwaan Qazaali sheegay oo caqli ahaan nacay
caabudidda sanabada ayna u cuntami wayday, hasayeeshee aan haysan diin sax
ah oo ay raacaan, marka qaarkood waxay qaateen diinta kiristanka sida aan
kusoo aragnay Waraqa Ibn Nowfal inkastoo uu Nabiga (scw) markii dambe
rumeeyay, Zayd Ibn Camar Ibn Nufaylla wuxuu aaday shaam isagoo diin
raadinaya markii uu nabiga soo bixiddiisii maqlay ayuu xagga Makko usoo
cararay isagoo soo socda ayaa carab reer miyi ahi dileen inkastoo khayr loo
sheegay, Ubaya Ibn Abi salti oo ahaa ninkii ugu caansanaa markii uu nabiga
maqlay ayuu ku gaaloobay sababtoo ah isagaa filanayay in nabi laga dhigo
ayaa la yiri, halkaas oo Nabigu (scw) ka yiri “gabaygiisaa Alla rumeeyay
qalbigiisuse waa ku kufriyay”
Lasoco qaybta danbe Qureysh oo Fadhi Heer
gobol ah u fadhida Go’aanno kulul oo kasoo baxay............
Daabacaad: SomaliTalk.com | November 16, 2004
Isha Sawirrada: Google search
|
QAYBTA
5aad |
QAYBTA
7aad |
URL:
www.SomaliTalk.com/taariikh
|