Waxay ka dhalatay qoys wada saxaabo ah:
Saxaabiyadda aan markan sheekadeeda qaadanayno waa gabadhii loo
dhammaystiray sharafta iyo wanaagga. Aabaheed waa Saxaabi, awoowgeed waa
saxaabi, walaasheed iyaduna waa saxaabiyad, ninka qaba isna waa saxaabi,
wiilka ay dhashayna waa saxaabi. Intaas oo keliya ayaa ammaan iyo sharaf ugu
filan. Aabaheed waa saxaabi, waana saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubar As-siddiiq ee
ahaa saaxiibkii Rasuulka (scw), dhinaca kalena ahaa khaliifkii Rasuulka
dhimashadiisa kadib.
Awoowgeed waa saxaabi oo waxaa la oran jiray Abuu Catiiq oo ahaa waalidkii
Abuubakar (rc). Gabadha ay walaalaha ay ahaayeena iyaduna waa saxaabiyad,
waxaana magaceeda la yiraahdaa Caa’isha ahaydna hooyadii mu’miniinta.
Ninkeeda isna waa saxaabi, waxaana la oran jiray Zubeyr Binu Al-Cawwaam,
wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii inta badan u gargaari jirtay Rasuulka (scw).
Wiilka ay dhashayna waa saxaabi, wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Zubeyr
dhammaantood waxay ahaayeen wada saxaabo, Ilaahna ha ka raalli noqdo. Si
kooban haddaan u iraahdo gabadhaas aan xusnay magaceeda waa Asmaa Bintu
Abii-bakar, waxayna ka mid ahayd asxaabtii kulansatay astaamahaas wanaagsan
ee ah in qoyska ay ka dhalatay ay dhammaantood ahaayeen muslimiin/saxaabo,
halka saxaabada kale aynan qoysaskooda sidaasoo kale ahayn oo ay ku jireen
kuwo aanan muslimiin ahayn.
Mar hore ayeey islaamtay, Nebigana (scw)
wuu u duceeyay:
Asmaa
Bintu Abii-bakar waxay ka mid ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay. |
Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka mid ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay,
waxaa iyada horteed soo islaamay oo keliya 17 qofood oo isugu jira rag &
dumar. Asmaa Bintu Abii-bakar waxaa lagu naanaysi jiray ”Bidaati Al-nidaaqayn”
taasoo loola jeedo tii labada suunka lahayd ama tii labada maralayda ahayd,
sababta loogu magac darayna waxay ahayd, iyadoo u samaysay Rasuulka (scw) iyo
aabaheed Abuu-bakar sahay ama saad maalintii ay u haajirayeen magaallada
Madiina. Waxay u diyaarisay sibraar, markii ay heli wayday wax ay ku xirto
ayaa waxay jeexday suunkeeda (wax ay dumarka dhexda ku adkeysan jirayn)
iyadoo labo u kala jeexday, dabadeedna waxay mid ka ah labadii maro ee ay
jeexday ku xirtay kiishka ama qariiraddii sahayda ku jirtay, tii kalena waxay
ku xirtay sibraarta.
Nebiga (scw) ayaa markii uu arkay waxa ay Asmaa sameysay ugu duceeyay inuu
Ilaah ugu beddelo labo suun Jannada dhexdeeda. Sidaa darteed wixii maalintaas
ka danbeeyay waxaa Asmaa lagu naanaysi jiray gabadhii labada suunleyda/
maralayda ahayd.
Waxay ninkeeda u ahayd tusaale wanaagsan:
Asmaa Bintu Abii.Bakar waxaa guursaday Zebyr Binu Al-Cawwaam, xilligaasna
wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan hanti lahayn. Ma lahayn adeege u
shaqeeya, sidoo kalena ma haysan hanti uu ku quudiyo caruurtiisa aan ka ahayn
faras uu dhaqan jiray. Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Zubeyr u ahayd xaas
wanaagsan, way u adeegi jirtay, faraskiisana way u daryeeli jirtay,
laf-timireedka ayeey faraska u tumi jirtay, dabadeedna u calfin jirtay, jeer
maalintii danbe uu Ilaah hanti ka siiyo, wuxuuna Zubeyr ka mid noqday
asxaabta kuwooda ugu hantida badan.
Waxay dhashay saxaabigii ugu horeeyay ee dhasha
sannadka hijriga kadib:
Asmaa Bintu Abii-bakar markii ay u suurto gashay inay u haajirto/guurto
magaallada Madiina iyadoo diinteeda la cararayso, ayaa waxay iyadoo safarka
ku jirta umushay/dhashay Cabdullaahi Binu Zebeyr. Dhibaatada uu watay
safarkan dheer kama uusan reebin inay gudato dacwada diinta Islaamka. Markii
ay Asmaa timid xaafadda Qubaa ayaa waxay dhashay Cabdullaahi, muslimiintii oo
dhan ayaa hal mar takbiirsaday (yiri Allahu Akbar), maxaa yeelay Cabdullaahi
wuxuu ahaa saxaabigii ugu horeeyay ee ku dhasha magaallada Madiina isagoo
muhaajir ah,
waxaa jiray dacaayado ka imaanayay munaafiqiinta iyo Yahuudda, iyagoo isla
dhex marayay inay muhaajiriintii ay dabar go’een, marka sidaas darteed ayeey
u farxeen oo u takbiirsadeen markii ay Asmaa dhashay Cabdullaahi, waxayna
ahayd xilligaas billowgii sannadka hijriyada. Asmaa Bintu Abii-bakar waxay
Cabdullaahi u gaysay Rasuulka (scw), iyadoo saartayna dhabtiisa. Wuxuu
Rasuulka (scw) qaaday qaar ka mid candhuuftiisa, ka dibna wuxuu yeelay afkii
Cabdullaahi binu Zubeyr, isagoo markaas u anqariyay (waxa ugu horeeya ee
cunugga afkiisa gala) una duceeyay. Wixii ugu horeeyay ee gala laabta
Cabdullaahi Binu Zubeyr waxay ahaayeen candhuuftii Rasuulka.
Asmaa waxaa looga tusaalo qaataa
deeqsinimada:
Asmaa Bintu Abii-bakar waxay kulansatay astaamaha kheyrka iyo gobonnimada
iyo caqli aad u qoto dheer, taasoo ay dadka ku yar tahay inay la yimaadaan
astaamahaas. Dhinaca deeqsiga Asmaa waa looga tusaale qaadan jiray. Wiilkeeda
Cabdullaahi ayaa isagoo arrinkaa ka sheekeenaya wuxuu yiri: ”ma aanan arag
labo haween oo ka deeqsinimo badan habaryartay Caa’isha iyo hooyaday Asmaa,
hase ahaatee qaabka deeqsimadooda way ku kala duwanaayeen. Haddaan ka hadlo
deeqsinimada habaryartay Caa’isha iyadu waxayba ahayd tii shayga u gaysa
shayga kale ilaa uu wixii ka bato, markaas ka dib ayaa maalkii waxay u qaybin
jirtay masaakiinta. Laakiin, hooyaday iyadu waxna maba u keydsan jirin
maalinta kale”.
Waxaa intaas Asmaa u sii dheereed iyadoo ay caqli badnayd, waxayna
wanaajin jirtay go’aamada mararka ay xaaladdu qadhaadhaato. Maalintii uu
aabaheed Abii-bakar hijroonayay isagoo la socda Rasuulka, ayaa wuxuu
Abuu-bakar hore u sii qaatay hantidiisa oo idil, waxayna gaaraysay 6000 oo
dirham, ilmihiisa wax maal ah ma uusan uga tegin. Markii uu ogaaday Abuubakar
aabihiis oo xilligaas mushrik ahaa ayaa wuxuu u yimid Asmaa isagoo ku yiri,
wallaahi waxaan arkaa inuu aabihiin musiibo idinkaga riday hantidiisa, kadib
markii uu musiibo geliyay naftiisa.
Asmaa
ayaa waxay ku tiri, awoowe, aabe wuxuu nooga tegay hanti fara badan. |
Asmaa ayaa waxay ku tiri, awoowe, aabe wuxuu nooga tegay hanti fara badan,
dabadeedna waxay qaadday dhagaxyo quruurac ah oo ay ku ridday meel daaqad oo
kale ahayd oo ay ku ridan jirayn lacagaha, waxayna ku duuduubtay maro. Waxay
qabatay awoowgeed (wuxuu ahaa indhoole) iyadoo ku tiri, bal kaaley arag inta
uu aabe maal nooga tagay. Gacantiisa ayuu inta meeshii geliyay ayaa wuxuu
yiri, wax dhib ah maleh.., haddiiba waxan oo idil idinkaga tagay aabihiin wuu
wanaajiyay. Waxay Asmaa sidaas u samaynaysay, bal inuu
odayga xanaaqin iyo inaynan maalka Abuubakar waxna ka siinin. Dhinaca kale,
waxay Asmaa necbayd in qof mushrik ah uu ku sheegto abaal, waloow uu qofkaas
noqdo awoowgeed.
Marnaba taariikhdu ma illoobi karto
mawaaqiftii geesinimo ee Asmaa..:
Taariikhdu haddii ay illowdo mawaaqiftii Asmaa oo idil, lagama yaabo in la
illoobo caqli hufnaantii ay Asmaa lahayd, go’aankeedii adkaa iyo weliba
iimaankeedii xoogga badnaa maalintii ay la kulmaysay wiilkeedii Cabdullaahi
kulankeedii ugu danbeeyay. Taasina waxay ahayd markii wiilkeeda Cabdullaahi
loo doortay khilaafada, ka dib dhimashadii Yaziid Binu Mucaawiya, ayna isaga
u hoggaansantay dhammaan dhulka Xijaaz, Masar, Ciraaq, Khuraasaan iyo
dhammaan magaalooyinka Shaam.
Hase ahaatee, reer Banii Ummayya iyagu kama suulin inay diyaariyaan ciidan
lixaad leh oo la dagaallama ciidanka Cabdullaahi, ciidankaasoo uu
hoggaaminayo Xajjaaj Binu Yusuf Azzaqafi. Labadii Ciidan waxaa dhex maray
dagaallo ba’an. Hase ahaatee, ciidamadii Cabdullaahi ayaa waxay bilaabeen
inay in-yar in-yar gadaal ugu gurtaan, wuxuuna markii danbe ku cararay
Kacbada, isagoo isaga iyo intii la socotayba ay magan galeen Kacbadii
sharafta badnayd.
Dardaarankii Asmaa ee wiilkeeda Cabdullaahi:
Kahor dilkii Cabdullaahi saacado kahor ayaa wuxuu
Cabdullaahi u soo galay hooyadiis Asmaa - waxay ahayd habar waayeel ah oo
weliba indhoole ah- wuxuuna ku yiri: ”Assalaamu caleyki waraxmatullaahi
wabarakaatuhu hooyo”. Waxay ku tiri: ”Wacaleyka-Salaam Cabdullaahi…., maxaa
saacaddan ku keenay, iyadoo dhagaxyadii ay tuurayeen laan-cigaaleedkii (nooc
ka mid ah qalabyadii dagaalka ee waagaas) Xajjaaj ee ay ku tuurayeen
ciidamadaada ay gilgilayaan guryaha magaalooyinka Makka gilgilid!.
Cabdullaahi wuxuu yiri, waxaan u imid inaan kula tashado. Asmaa waxay tiri,
waad ila tashanaysaa!!…, maxaad igala tashanaysaa?!. Wuxuu yiri, dadkii way i
hoojiyeen wayna iga tageen iyagoo ka cabsanaya Xajjaaj, rajeynayana waxa
agtiisa yaala, xittaa caruurtayda iyo ehelkayga way iga tageen, dad aad u yar
oo ka mid ah raggayga ayaa isugu soo haray, kuwaasina inkasta oo ay sabraan,
haddana ma sabri karaan wax ka badan saacad ama labo saacadood. Ergadii reer
Banii Ummayya waxay igala hadlayaan inay i siiyaan wixii aan doonayo oo
adduunyo ah, waana kaddib markii aan is dhiibo oo aan ballan la galo
Cabdilmalik Binu Marwaan ee maxaad hooyo arrintaas ka leedahay? Asmaa
codkeedii ayaa kor noqday, waxayna Cabdullaahi ku tiri:
”Arrintan adiga ayeey kuu taalaa
Cabdullaahiyow, adiga ayaana naftaada og…. Haddii aad aaminsan tahay inaad
xaq ku sugan tahay, aadna dadka ugu yeeraysid xaq, dulqaado oo adkeyso sidii
ay asxaabtaaduba u adkeysteen kuwaasoo ku dhintay dagaalka… haddiise aad
raadinayso adduunyo ogow inaad tahay addoon kan ugu xun: naftaada ayaad
halaagtay, ciidankaagana waad halaagtay”.
Dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad is
dhiibtid:
Cabdullaahi ayaa hooyadii ku yiri: ”Haddaba, waxaan shakki ku jirin inaan
dhimanayo maanta”. Asmaa waxay tiri: dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad
naftaada u dhiibto Xajjaaj adigoo mukhtaar ah, markaasna ay madaxaada ku
cayaaraan ilmaha reer Banii Ummayya. Wuxuu yiri: laakiin kama cabsanayo
dhimmasho, waxaan ka cabsanayaa inay i jar-jaraan ka dib markay i dilaan.
Asmaa waxay tiri: dhimmashada ka dib ma ahan wax uu qofku ka cabsado, laxda
la garoocay ma xanuujiso maqaar-siibka. Waxaa farax darteed iftiintay wejiga
Cabdullaahi, wuxuuna yiri, Allaha ku barakeeyo hooyo, annigu kuuguma iman
saacaddan hadda ah illaa inaan kaa maqlo wixii aan hadda kaa maqlay. Ilaah
wuxuu og yahay inaan maalinna tabar daroonin oo daciifin, Ilaah marqaati ayuu
ka yahay in wixii aan sameeyay aanan u sameyn annigoo doonaya adduunyo iyo
dhal-dhalaalkeeda, laakiin waxaan u halgamay caro Alle dartii ah.., hooyo,
waa ikan annigoo ku socda wixii aad jeclayd, haddii la i dilo ha iga
walbahaarin amarkaagana u dhiib Ilaah. Asmaa waxay tiri, waxaan walbahaari
lahaa markii aad si xaq-darro ah aad ku dhimmatid.
Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga uusan
weligiis u qasdin la imaansho shay munkar ah. |
Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga uusan
weligiis u qasdin la imaansho shay munkar ah, waxaad kaloo ku kalsoonaataa
inuusan wiilkaaga uusan weligiis samaynin wax faaxisho/sino ah, sidoo kalena
mana uusan ku jowr falin xukunka Alle, mana khiyaanin wax lagu amaanaystay
mana u kasin dulmi qof muslim ah, mana jiraan wax uu ka door bidaayo raalli
ahaanshaha Eebbe (sw). Uma lihi sidaas inaan naftayda ammaano, Ilaah ayaa
naftayda iga og, waxaan u oranayaa hadalladaas inaan qalbigaaga geliyo
sabirsiin iyo xasilooni. Asmaa waxay tiri, Waxaa mahad leh Allihii kaa yeelay
waxa uu jecel yahay waxa aan jeclahay… ii soo dhawoow wiilkaygiyoow si aan u
ursado udgoonkaaga una taabtana jirkaaga waxaa dhici karta in kulankan uu
noqdo kulankii ugu danbeeyay ee aan ku arko.
Cabdullaahi ayaa ku soo foorarsaday hooyadiis isagoo dhunkanaya, iyaduna
sankeeda ayaa waxay u dhoweysay madaxiisa iyo wejigiisa iyo dhuuntiisa iyadoo
ursanaysa dhunkanaysana, labadayda gacmood ayaa waxay ku taabatay jirkiisa,
ka dibna si dhaqsi leh ayeey gacmaheedi dib ugu soo celisay, iyadoo
Cabdullaahi ku leh: Waa maxay waxa aad gashan tahay Cabdullaahi?!. Wuxuu yiri,
waa cambuur bireedkayga (qalab la isaga difaaco seefaha iwm). Waxay tiri,
wiilkaygiyoow waxa aad gashatay ma ahan wax uu qaato qof doonayo shahaado/shahiidnimo.
Cabdullaahi wuxuu yiri, waxaan u gashtay inaan qalbigaaga dejiyo oo aadan iga
nixin. Asmaa waxay tiri, wiilkaygiyoow iska siib, sidaas ayaa geesinimadaada
ugu wanaagsan, xagga bootintana ku xoog badan, dhinaca socodkana ku fudud,
sidaa darteed waxaad booskeeda gashataa saraawiil dhaadheer, si markii lagu
dilo aynan cawradaada u feedmin.
Ducadii Asmaa ee wiilkeeda:
Cabdullaahi wuxuu siibay cambuur bireedkiisii, wuxuuna isku adkeeyay
saraawiishii uu qabay, isagoo ku dhaqaajiyay dhinaca Kacbada si uu u sii wado
dagaalka, isagoo hooyadiis ku leh: ”hooyo, ha ka noogin ducadaada aad ii
ducaynaysid”. Asmaa waxay sare u qaadday labadeeda gacmood iyadoo leh:
Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso istaagiisii salaadaha ee dhererka badnaa
iyo oohintiisii darnayd ee uu oonayay mugdiyada habeenka iyadoo ay dadka
hurdaan. Ilaahayow Cabdullahi ugu naxariiso gaajidiisii iyo haraadkiisii
isagoo dhex jooga kuleylka daran ee magaallada Makka & Madiina isagoo weliba
sooman…
Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso baarinimadiisa uu u baari falayay
aabihiis iyo hooyadiis. Ilaahayow waxaan isaga u dhiibay amarkaaga, waxaana
ku raalli noqdo xukunkaaga, Ilaahayow waxaad Cabdullaahi iiga abaal marisaa
abaalmarka ay leeyihiin dadka sabarka badan (kuwaasna wuxuu Ilaah qur’aanka
ku sheegay in abaalmarkoodu yahay xisaab la’aan). Qoraxda maalintaas ma ayan
dhicin illaa Cabdullaahi Binu Zubeyr wuxuu ahaa mid haleelay dhowaanshaha
Rabbigiisa sare, wuxuuna ku shahiiday dagaalka. Dhimmashadii Cabdullaahi
markay ka soo wareegtay dhowr iyo toban maalmood ayaa waxaa haddana
geeriyootay Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ahayd boqol jir, iyadoo aanan ka
dhicin ilig iyo goos midna, caqligeedana uu tamaam yahay.