Udub-dhexaadka Sheekada Salmaan Al-Faarisi waxay ku soo wareeganaysaa
sheekadiisii la xiriirtay waddooyinkii iyo dhibaatooyinkii uu u soo maray
diinta xaqa ah. Waa sheekadii saxaabigii raad-raacayay xaqiiqada iyo diinta
xaqa ah.
wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii uu ku soo
islaamay Salmaan Al-Faarisi . |
Sida aan gebeggabada sheekada Salmaan ku arki doonno, wuxuu Rasuulka (scw)
jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi.
Maalintii uu Salmaan Al-Faarisi soo islaamayay, uuna sheekadiisa u sheegay
Rasuulka (scw), wuxuu markale Rasuulka (scw) Salmaan ka codsaday inuu dib
danbe sheekadiisa uga sheekeeyo asxaabta. Marka qiimahaas iyo wanaaggaas
weyninka badan ayeey leedahay sheekada saxaabigan la yiraahdo Salmaan Al-Faarisi.
Bal inta aanan meel kaleba aadin, aynu laf-ahaantiisa u deyno sheekada si
uu noogu warramo waxyaabihii uu la kulmay kahor intuusan islaamin.
Salmaan isagoo ka warramaya sheekadiisa wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil
dhalinyaro ah, waxaan degganaa degmada Jayyan ee gobolka Al-Isbihaan. Aabahay
wuxuu ahaa guddoomiyaha degmada, dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa dadka
deggan degmada kuwa ugu hantida badan uguna magac dheer. Aabahay aad ayuu ii
jeclaa. Jaceylkii uu sidaas ii jeclaa ayaa waxaa maalintii danbe ay gaartay
inuu igu xabbiso guriga, sida gabdhahaba loogu hayo guryaha. Waxaan ku
dadaalay ku dhaqanka diinta majuusiyadda (diinta la caabudo dabka ama qoraxda),
jeer aan markii danbe ku fiicnaaday hurinta dabkii la caabuday, waxaana la ii
xil-saaray inaan noqdo huriyaha dabka.
Aabahay wuxuu lahaa aseendo (beer) aad u weyn, beertaas ayuuna aabahay
aalaaba ka shaqeyn jiray. Mar mararka ka mid ah ayaa wuxuu aabahay ka
mashquulay aadistii beerta, sidaa darteed ayaa wuxuu igu yiri: ”wiilkaygiyoow
maanta waad aragtaa inaan ka mashquulay aadista beerta, ee waxaad aaddaa
beertii oo igala wareeg maanta shaqadii beerta”. Waan tagey annigoo u jeeda
beerta.
Intii aan waddada socday ayaa waxaan waddada dhexdeeda ku arkay kaniisad
ka mid ah kaniisadaha ay ku cibaadaystaan Nasaarada (kirishtaanka). Waxaa
dhagahayga soo gaaray dhawaaqoodii iyagoo cibaadaysanaya, arrinkaasna wuxuu
soo jiitay baraarugayga. Horey uma aanan aqoonin diinta kirishtaanka, taasina
waxaa ugu wacnayd iyadoo uu aabahay uu igu xabisay guriga. Markii aan maqlay
codkoodii isla markiiba waan u galay bal si aan u arko waxa ay sameenayaan.
Markii aan aad u raad-raacay waxa ay sameenayaan ayaa waxaan jeclaystay
salaadihii ay tukanayeen, diintoodiina waan jeclaystay waxaana naftayda ku
iri: ” wallaahi diintani ayaa ka kheyr badan diinta aynu haysano, wallaahi
ayaan ku dhaartaye kama aanan soo tegin ilaa ay qoraxdii ka dhacday oo sidaas
ayaanan ku aadin beertii”.
Aabahay wuxuu igu
xabbisay guriga isagoo labada lugoodna iga dabray. |
Intaa dabadeed waxaan dadkii weydiiyay, meesha iyo xarunta ay ka soo
jeeddo diintan, waxayna iigu jawaabeen dhulka Shaam. Habeenkii markii la
gaaray ayaa waxaan ku noqday gurigeenii, waxaana ila kulmay aabahay isagoo i
weydiiyay meeshii aan ku maqnaa, waxaana ku iri: ”aabe, waxaan maanta soo ag
maray dad ku cibaadaysanayay Kaniisad ay lahaayeen, waxaana jeclaystay
qaabkii ay u cibaadaysanayeen, iyaga ayaana iskala joogay ilaa ay qoraxdii ka
dhacday”. Aabahay aad ayuu arrinkii aan iri uga argagaxay, wuxuuna igu yiri:
”wiilkaygiyoow diintaas aad sheegtay wax kheyr ay leedahay ma jirto,
diintaada iyo diinta ay haysan jireen awoowayaashaa ayaa ka kheyr badan
diintan”, annigana waxaan ku iri, maya-wallaahi-diintooda ayaa ka kheyr badan
tan aynu hadda haysanno. Hadalkan danbe, aabahay wuu cabsi geliyay, wuxuuna
ka cabsaday inaan ka laabto diinta aan haysto, sidaa darteed wuxuu igu
xabbisay guriga isagoo labada lugoodna iga dabray.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii suurto gashay inaan dibadda u
baxsado, dabadeedna waxaan u imid dad haysta diinta Nasaarada, waxaana ku iri:
haddii ay magaallada yimaadaan dad socoto ah oo u socda Gobolka Shaam fadlan
ila soo socodsiiya. Wax yar kamaba soo wareegan jeer ay magaaladii yimaadaan
dad socoto ahaa oo u socday Shaam. Markii la ii sheegay dadkaas ayaa waxaan
iska fur-furay dabarkii lugahayga ku xirnaa, sidiina ayaan ku raacay dadkii
socotada ahaa.
Markii aynu nimid Shaam ayaa waxaan dadkii weydiiyay ninka ugu fadliga
badan ee ka mid ah dadka haysta diinta Kirishtaanka, waxaana la ii tilmaamay
wadaad ka shaqaynayay Kaniisad laguna magacaabo ”Al-usquf”. Ninkii ayaan u
imid, waxaana ku iri, waxaan jeclaystay diinta Kirishtaanka, sidaa darteed
waxaan doonayaa inaan kuu noqdo adeege/khaadim oo aan kuu shaqeeyo, dhinaca
kalena aan kaa faa’iideysto kulana tukado salaadaha. Ninkii wadaadka ahaa
arrinkii wuu iga oggolaaday, sidiina ayaan shaqaale ugu noqday.
Muddo markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa waxaan ogaaday inuu ninku
ahaa nin aan fiicnayn. Waxaan ogaaday inuu dadku amri jiray inay
saddaqaystaan; isagoo intaa u raacin jiray ajarka iyo xasanaadka ay leedahay
in lala baxo saddaqada. Dadkii markii ay hantidooda ka saddaqaystaana meeshii
uu masaakiinta ka siin lahaa, isaga ayaa keyd ahaan u dhigan jiray maalkaas
ilaa uu maalkii ay buuxiyaan toddobo ashuumood oo dahab ah. Si daran ayaa
ninkii wadaadka ahaa uga carooday, waxyaabihii aan wanaagsanayn ee aan ku
arkay awgeed.
Wax yar kama soo wareegan jeer uu maalintii ninkii wadaadka ahaa ka dhinto,
waxaana aaskiisii isugu yimid dadkii Nasaarada (Kirishtaanka) ahaa, waxaana
ku iri hadaladan: ”Ninkan saaxiibkiina ah wuxuu ahaa nin xun, wuxuu idin fari
jiray inaad la baxdaan saddaqo, isagoo arrinkaana idinku boorrin jiray. Hase
yeeshee, markaad maalkiina ka saddaqaysataan naftiisa ayuu keyd ahaan ugu
dhigan jiray, masaakiintana waxna kama siin jirin!”. Dadkii ayaa hadalkii la
yaabay, waxayna igu yiraahdeen: ”Halkeed ka ogaatay hadalkan?!”. Waxaan ku
iri, annigaa idin tusaya kaasafoortadii uu ku keydsan jiray maalkaas. Waxay
yiraahdeen: ”haa-oo-na tusi”.
Waxaan tusiyay meeshii uu maalka ku keydsan jiray, waxayna meeshii ka soo
saareen toddobo ashuumood oo laga buuxiyay dahab iyo lacag. Markii ay arkeen
dahabkii iyo lacagtii faraha badnayd ayaa waxay soo saareen go’aan tilmaamaya
inaanan la aasin ninkii wadaadka ahaa, waxayna yiraahdeen: ”wallaahi aasi
mayno”, iyagoo intaa kadib daldalay waxayna isagoo meyd ah ku garaaceen
dhagaxyo.
Ninka cusub ma arag nin ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan,
dhinaca kalena kaga daa’imid badan xagga cibaadada.. |
Wakhti dheer kama soo wareegan jeer booskii ninka wadaadka ahaa looga
caleemo saaro nin kale. Ninkan cusub ayaan markale laasimay agtiisa. Ma aan
arag nin ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga
daa’imid badan xagga cibaadada. Si aan xad lahayn ayaan u jeclaystay, isaga
ayaana in muddo ahba iskala joogay.
Hase ahaatee markii ay u timid sakaraatul-mootka (dhimman rabo) ayaa
waxaan ku iri: hebelow yaad ii dardaarmaysaa ama iigu nasteexaynaysaa inaan
la joogo adiga gadaashaa?. Wuxuu yiri wiilkaygayow garan maayo ruux sida aan
diinta u haysto oo kale u haysta, aan ka ahayn nin ku nool gobolka la
yiraahdo Al-Mawsil (magaallo ku taala Ciraaq). Ninkaasi waa nin aan beddelin
diinta uu haysto ee sidaas darteed waxaad haleeshaa ninkaas.
Markii uu wadaadkii aan la joogay dhintay, ayaa sidii uu igula taliyayba
waxaan u kicitimay ninkii ku noola gobolka Al-Mawsil, markaan u imidna waxaan
uga sheekeeyay khabarkayga, annigoo ku iri: ”hebel ayaa adiga ii kaa soo
dardaarmay dhimashadiisa agteeda, si aan agtaada u laasimo, isagoo intaas ii
raaciyay inaad tahay nin haysta diintii xaqa ahayd ee uu ku sugnaa ninkaas”
Ninkii wuxuu igu yiri, haddaba anniga ayaad ila joogaysaa. Ninkii ayaan
haddana iskala joogay, xaalad wanaagsanna waan ka arkay.
Muddo yar markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa maalintii danbe ninkii
geeriyooday. Intuusan geeriyoonin waxyar kahor ayaa waxaan ninkii ku iri:
”hebelow waad aragtaa inuu amarkii Eebbe kuu yimid, annigana xaalkaygu waad
aragtaa, ee fadlan yaad adiga gadaashaa ii dardaarmaysaa inaan aado?”. Wuxuu
igu yiri wiilkaygayow, wallaahi garan maayo ruux diinta u haysta sida aan
annaga u haysanno marka laga reebo nin ku nool magaallada Nissiibiin (magaallo
ku taala Shaam) ee ninkaas aad. Ninkii wadaadka ahaa markii la dhigay iilka,
uuna dhintay ayaa waxaan u kicitimay ninkii ku noolaa magaallada Nissiibiin.
Markaan u imid ninkii waxaan uga warramay sheekadayda iyo nasteexadii ugu
danbeysay ee uu i siiyay wadaadkii aan la joogay, wuxuuna si sahlan igu yiri:
annaga agteena ayaad joogaysaa. Halkii ayaan iska joogay, waxaana la degganaa
ninkii wadaadka ahaa. Waxaan ku arkay kheyrkii iyo wanaaggii aan horeba ka
arkay labadii nin ee hore. Wallaahi maba sii joogin jeer uu ninkii haddana ka
geeriyoodo, hase ahaatee intuusan dhimman kahor ayaa waxaan ku iri:
”xaalkayga waad aragtaa ee yaad ii dardaarmi lahayd inaan adiga gadaashaa la
joogo”. Wuxuu yiri, wiilkaygiyow garan maayo ruux diinta u haysta sida
annagoo kale aan ka ahayn nin ku nool magaallada Cammuuriya waxaana la
yiraahdo hebel ee ninkaas u kicitim.
Ninkii ayaan u kicitimay, waxaana uga warramay sheekadayda, intaa
dabadeedna wuxuu igu yiri: anniga ayaad ila joogaysaa. Sidiina ayaana ula
noolaa ninkaas, wallaahi wuxuu ku tilmaamnaa hanuunkii ay ku sugnaayeen
saaxiibadiisa kale. Hanti iyo maal ayaan kasbaday intii aan ninkan la joogay,
waxaana haystay lo’ iyo xeyn arri ah.. Intaa dabadeed ninkii waxaa u timid
geeridii u timid asxaabtiisii hore oo kale, markay u timid sakaraatkii ayaa
waxaan ku iri, adiga waad og tahay amarkayga iyo xaalkayga sida uu yahay,
sidaa darteed adi-ahaantaa yaad ii dardaarmi lahayd gadaashaa inaan diinta ka
barto, dhinaca kalena maxaan sameeyaa? .
Wuxuu yiri wiilkaygiyow - wallaahi- garan maayo inuu jiro qof dadka ka mid
ah oo dunida maanta saaran oo haysta diintii Nasaarada ee aan haysanay annaga..,
hase ahaatee waxaa la gaaray xilligii dhulka carabta laga soo saari lahaa
Nebi haysta diintii Nebi Ibraahim (cs). Nebigaas wuxuu ka haajiri doonaa
magaalladii uu degganaa, isagoo u haajiri doona magaallo ka baxda timirta
waxayna u dhaxeysaa labo buurood dhexdooda. Wuxuu leeyahay tilmaamo aan
qarsoomaynin, waxaana ka mid ah inuu qaato haddiyadaha, mana qaato
saddaqooyinka, labadiisa garab dhexdoodana waxaa ku taalla shaabaddii
Nebinnimada, ee haddii aad awooddo inaad gaarto magaallooyinkaas samee.
Intaa ka dib, ninkii wuu dhintay, isaga gadaashiis waxaan muddo dheer iska
joogay magaallada Cammuuriya ilaa maalintii danbe ay magaallada ka soo maraan
dad ganacsato carbeed ah, kana dhashay qabiilka la yiraahdo ”Kalbin”. Waxaan
dadkii ganasatada ahaa ku iri, ka warrama haddii aan idiin raaco
magaallooyinka carbeed, isla mar ahaantaana aan idin siiyo neefafkayga lo’da
iyo arrigaba. Waxay yiraahdeen haa oo waan yeelnay. Waxaan siiyay lo’dii iyo
neefafkii arriga ahaa ee aan haystay, sidiina ayaan nimankii ku raacay.
”waadul-quraa” ayey igu khiyaaneen nimankii aan lasocdey . |
Waxaan soconnaba waxaynu nimid dooxada lagu magacaabo ”waadul-quraa” (waa
tog u dhaxeeya magaallada Madiina iyo gobolka Shaam) meeshaas ayeyna igu
khiyaaneen nimankii, iyagoo iga iibsaday nin Yahuudi ah, isaga ayaana
shaqaale u noqday. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii wuxuu booqday nin ay
ilmo adeerro ahaayeen ahna kana dhashay qabiilka Binii Qureythah, ninkiina
ayuu iga gatay, wuxuuna ii sii raray magaallada Yathriba (Madiina).
Waxaan arkay timirtii uu ii sheegay ninkii wadaadka ahaa ee degganaa
magaallada Cammuuriya, tilmaantii uu magaallada iiga sheegayna waan
aqoonsaday oo waan arkay, sidiina ayaa ninkii magaallada kula joogay.
Nebigana (scw) xilligaas aan magaallada Madiina imid wuxuu dacwada Islaamka
ugu yeerayay tolkiisii degganaa magaallada Makka, dhinaca kalena ma aan
maqlin wax faahfaahin oo warkiisa ku saabsan, mashquulka badan ee
addoonnimada igu waajibinaysa darteed.
Haddana, maba sii joogin ilaa uu maalintii danbe Rasuulka (scw) u soo
haajiro magaallada Madiina. Wallaahi ayaan ku dhaartaye, waxaan dul-saarnaa
geed timir ah, timirtaas oo uu lahaa sayyidkayga, waxaana gacanta ku hayay
howl aan saa u badnayn, sayyidkaygana wuxuu fadhiyay geedka timirta hoostiisa
markii uu na soo qaabilay nin ay sayyidkayga ilmo adeero ahaayeen, wuxuuna ku
yiri: Ilaahay ha lacnado reer Banii Qayla (Aws iyo Khazraj), wallaahi hadda
waxay ku kulansan yihiin xaafadda la yiraahdo Qubaa, iyagoo ku kulansan nin
ka yimid magaallada Makka welibana wuxuu sheeganayaa Nebinnimo.
Sayidkayga
ayaa iga carooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yiri:
maxaa hadalkan kaa galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay. |
Ma aanan maqlin halkan danbe jeer ay i qabato wax la moodo qandho, sidoo
kalena waxaa igu dhacay jiri-raco ilaa aan ka cabsaday inaan ku-kor-dhaco
sayyidkayga. Isla markiiba waxaan si dhaqso leh uga soo daaddegay geedkii
timirta ahaa ee aan saarnaa, waxaana annigoo is ogeyn ku iri ninkii: ”maxaad
tiri?”, bal iigu soo celi wixii aad tiri…. Sayidkayga ayaa iga carooday,
wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yiri: maxaa hadalkan kaa
galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay.
Markii galabtii la gaaray ayaa waxaan horey u soo qaatay xabbado timir ah,
annigoo markaas u jiheestay goobtii uu ku soo deggay Rasuulka (scw). Kolkii
aan u soo galay Rasuulka, waxaan ku iri: waxaa iga kaa soo gaaray inaad tahay
nin suubban, sidoo kalena waxaan ogaaday in asxaabta kula socoto ay yihiin
kuwo aan waxna haysan, sidaa darteed waxaan idiin keenay xooggey saddaqo ah
oo aan is iri ma jiro cid idinkaga mudan idinka, intaa dabadeed waxaan
timirtii u soo dhoweeyay dhinacii uu xigay Nebiga (scw). Nebiga (scw) ayaa
asxaabtii ku yiri cuna (timirtan).., hase ahaatee isagu ma cunin. Waxaan
naftayda ku iri, mid ka mid ah tilmaamihii hore laguugu sheegay waad heshay.
Intaa ka dib waan iska tagay, waxaana billaabay inaan aruursado xabbado
timir ah. Kolkii uu Rasuulka (scw) ka guuray xaafadda Qubaa, uuna u guuray
Madiina ayaan markale u imid annigoo sida haddiyad, waxaana Rasuulka ku iri:
”waxaan arkay inaadan cunin saddaqada sidaa darteed waxaan maanta kuu keenay
haddiyad aan kugu maamuusayo”. Timirtii haddiyadda ahayd ayuu Rasuulka (scw)
cunay, sidoo kalena wuxuu asxaabtiisa amray inay la cunaan sidiina ayeey ula
cuneen Rasuulka.
Markale ayaa naftayda ku iri, labo astaamood ayaad heshay, haddana markale
ayaan u imid Rasuulkii Alle oo jooga meesha la yiraahdo Baqiic Al-qarqad (meel
markii danbe noqotay xabaalaha) wuxuuna aasayay mid ka mid ah asxaabtiisa.
Waxaan arkay isagoo fadhiya qabana labo go’, intaa kadib waan soo wareegay
annigoo doonaya inaan eego dhabarkiisa bal si aan u arko shaabaddii (khaatam)
uu ii tilmaamay saaxiibkaygii aan ku arkay magaallada Cammuuriya.
waxaan durbadiiba arkay khaatamkii
|
Markii uu Rasuulka (scw) i arkay annigoo eegaya dhabarkiisa isla markiiba
wuu gartay waxa aan doonayo, wuxuuna tuuray go’ii dhabarkiisa saarnaa.
Haddaan fiiriyay dhabarkiiba waxaan durbadiiba arkay khaatamkii (khaatumu-nebinnimada)
waan aqoonsaday, isla markiiba korkiisa ayaan ku soo foorarsaday annigoo
dhunkanaya jirkiisa oonayana.
Rasuulka (scw) ayaa yiri: ”khabarkaagu muxuu yahay?!”. Waxaan uga
sheekeeyay sheekadayda, Rasuulka aad ayuu u jeclaystay sheekadayda, wuxuuna
jeclaystay inay asxaabtana bal ay iga dhegeystaan anniga, waana uga
sheekeeyay. Si siyaado leh ayeey ula yaabeen sheekayada, si aan xad lahayna
way ugu farxeen.
Nabadgelyada Eebbe (sw) Salmaan Al-Faarisi
korkiisa ha ahaato maalintii inta uu baxay isagoo xaqa ka raadinaya meel
kasta.
Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa
ha ahaato maalintii uu xaqa garowsaday isla markiiba rumeeyay iimaan dhab ah.
Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa
ha ahaato maalintii uu dhintay iyo maalinta la soo saaray isagoo nool.