Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Sheikh Saadiq Eenow - Qaybta: 1aad
Taariikhdaadaa marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa....
- SomaliTalk.com | July 26, 2010
Sheikh
Saadiq Eenow, oo ah taariikhyahan Soomaaliyeed, dhakhtar iyo macallin Jaamaceed
iyo qoraa, ayaa June-July 2010 ka soo safray Soomaaliya isagoo booqasho ku yimid
gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Halkaas oo Soomaalida ku
dhaqan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inta qormadani gaaro waxa uu u soo
bandhigay taariikhda facaweyn ee Soomaaliyeed. Prof. Eenow intii uu ku sugnaa
Minneapolis waxa uu Soomaalida kala hadlay dhawr goobood sida mutamar iyo
masajiddo iyo munaasabado kale.
Haddaba waxaan qormadan idiinku soo koobayna dib-u-fiirin soo koobaysa Taariikhda
Soomaaliyeed oo uu Sheikh Saadiq Eenow la wadaagey dadkii Soomaaliyeed. Waxaan
qormada ku dari doonaa tixraacyo dheeraad ah oo kabaya warbixin taariikheedka
dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan cirifka bari ee Qaaradda Afrika, sidoo kale
waxaa qormadan la socda cod kamid ah taariikhdii uu jeediyey Saadiq Eenow oo
barax tiran.
Qormadan aan ka diyaarinay taariikhdii uu soo bandhigay iyo khudbadihii
Sheikh Saadiq, waxaan u qaybin doonaa dhawr qaybood. Qaybtan waxaan si gaar ah ugu
soo qaadanaynaa siday Soomaaliya ahayd qarniyadii 19aad iyo 20aad iyo sahamadii
gumaystayaasha iyo sidii la isaga caabiyey gumaysiga ilaa xorriyadii. Waana qormo koobaysa taariikhdaas dheer.
Dr. Saadiq Eenow Waxa uu Soomaalida u soo bandhigay Fiiro Kooban ee Taarikhdan:
Taariikhdu waxay ka mid tahay waxyaabaha isku xira dadka, oo midnimadooda
adkeeya, oo in ay isku dad yihiin tilmaama, oo muujinaya xididka dheer oo ay ku
taagan yihiin ee u adkaynaya. Laakiin haddii xididkaas la waayo dadku waa kala
firdhanayaa sida Soomaalida hadda ku dhacday.
Soomaalidu waxay leedahay taariikh hodan ah oo aad u qiimo badan oo loo
baahan yahay in qofka Soomaaliga ahi wax badan ka ogaado, jiilasha dambena aannu u
gudbino si ay uga tallaabsadaan godadka taariikheed ee hor yaalla.
Taariikhda Soomaalidu waxay leedahay facweyn oo guun ah, waxay kamid tahay
waxyaabaha la inaga bililiqaysatay. Sida caadiga ah taariikhda waa dhacdo oo
sideedii loo soo weriyey, taas oo ah taariikh sugan oo aan laga badbadin ama qayb
laga tegin. Taariikhda waa tagto, mana aha waxaad jeceshay ama
aad necebtahay, waa dhacdo.
Inta aynaan u gudbin taariikhda fog ee Soomaalida, aan marka hore eegno sidii
ay Soomaalidu ahayd Qarniyadii 19aad iyo 20aad.
Labadii boqol (200) ee sano ee ugu danbeeyey oo ah qarnigii 19aad (1800 -
1900) iyo qarnighii 20aad (1900 - 2000) bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Geeska
Afrika ma soo marin 10 sano oo xiriir ah oo nabad ah ama ay nabad ku sugnaayeen
ma soo marin.
Qarnigii 19aad iyo Soomaaliya
Sannadkii 1800 waxa uu Soomaalida u bilowday ayagoo badankoodu ku sugnaa
dhaqankoodii xoolo raacatada ahaa, oo hayaanka iyo geedigu uu ahaa waxyaabaha
asalka u ah noloshooda dhaqan-dhaqaale, isku xirnaanshaha beeluhuna ay
ahaayeen aasaaska saldhigga noloshooda iyo midda siyaasadeed.
Burburkii imaaraddii Axmed Gurey waxaa markaas laga joogey in ka badan 250
sano (Axmed Gurey waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 1507 – February 21, 1543).
Dhaawacii Soomaalida xilligaas soo gaaray waa ka soo kabteen. Waxaana xilligaas
Soomaalida u hana qaaday imaarado dhawr ah.
Bilowgii qarnigaas 19aad waxaa Soomaaliya ku soo batay ganacsiga iyo doonyaha.
Waxaana bartamihii qarnigaas bilowday sahanadii reer Yurub. Maadaama xeebahaas
geeska Afrika ay ku soo bateen doonyaha iyo ganacsigu waxaa Ingrisiiskii degeen
oo saldhig ka dhigteen Cadan (halkaas oo maxmiyad u ahayd intii u dhaxaysay 1937
- 1963). Cadan waxay Ingriiska u noqotay meel doonyihiisa u socda Bariga-fog ay ku
sii nastaan oo shidaalka iyo sahayda ka sii qaataan, waxayna noqotay meel camiran.
Badweynta Hindiya iyo badda Gacanka Cadmeed
meesha ay iska galaan waxaa ka kaca hirar aad u waaweyn. Sidaas daraadeed
maadaama doonyihii xilligaas ay aad u tabar yaraayeen waxay ku soo dhowaan
jireen xeebta. Marka ay soo dhawaadaan dadka Soomaalida ahi, gaar ahaan
dhallinyarada ayaa qafaalan jirey, qaab Burcad-badeed oo kale ah.
Hadii aan ku hakano arrinta la xiriirta Burcab Badeeda xeebaha Soomaliya ka
jirtey qarniyadii hore waxaa arkeynaa sidan:
Difaacii Soomaalidii hore ee Xeebaha Soomaaliya:"Burcad badeedii Soomaalidii hore oo sabab u noqotay inaan Soomaalida la
addoonsan iyo in la joojiyo maraakiibtii sidey dadka la adoonsanayey"
Dadka Soomaalidu weligood kama mid noqon qowmiyadihii la adoonsaday, ama aan
lagu darin dadkii sida addoonta loo kala iibsan jirey. Arrimahaas waxaa saabab
looga dhigaa in ay ahaan jireeen weligood dad dagaal yahaniin ah oo aan
xeebahooda loo soo dhawaan karin, ahaana dad dhaqaale fiican iyo ganacsi
ahaysta.
Tusaale ahaan Buugga "Periplus of the Erythrean Sea" oo laguqoray
Afka Giriigga, oo laqoray qarnigii koowaad (100 AD)
waxaa ku qoran in dadka deganaa xeebaha Soomaaliya ay haysteen ganacsi badeed
hodon ah. Isla markaas waxa uu qoraagu ka digey xeebahaas Soomaaliya (oo loo
aqoon jirey Azania) oo uu yiri "waxaa ku sugan rag u dhaqma sida
burcad-badeeda," ee yaan loo dhowaan xeebahooda.
Buugga Claudius Ptolemy, (Geographia) oo la daabacay 150 AD, waxa uu tilmaamay in
geeska afrika meel koonfur kaga beegan barta lagu magacaabo Raas Gardafuul (Cape
Guardafui) oo ku taal xeebta Soomaaliya oo xilligaas loo aqoon jirey Gacankii
Berbera (Gulf of Barbaria), in ay joogeen "Dad hannaan qurux-badan oo joog-buuxa oo xoog
waaweyn,
kuwaas oo ah burcad badeed, oo deggan xeebta oo dhan, halkaasna ka samaysay
caaqillo ama jiifaf."
Kun iyo toddoba baqol oo sano ka bacdi, markii la soo gaarey 1854, nin u dhashay
dalka Britain oo layiraahdo Richard Burton oo safar ku tegey marsada Berbera, ayaa
waxaa walaac ka muujiyey saraakiishii Britain ee ku sugnaa Cadan. Xilligaas
werar lagu qaado donyahay maraya gacanku waxa uu aha joogto. Waxaana 1826 la
diley sarkaal la oran jirey Major Gordon Laing markii uu ka soo laabtay
magaalada Harar. Richard Burton buugiisa "First Footsteps in East Africa" oo uu
kag asheekaynayo safarkiisii Harar, waxa uu ku qoray in markii ay isu
diyaarinayeen in ay ka baxaan Berbera in la weerar, oo lag adiley nin la oran
jirey Stroyan, islamarkaasna la dhaawacay John Speke iyo Burton naftiisa.
Sannadkii 1820 waxaa boqortooyadii Ingriisku ay heshiis la gashay Sheikhyadii
Carbeed ee ku xeernaa badda Khaliijka Berbera si loo nabadeeyo Badda Gacanka, halkaas oo ay xilligaas ku
baahdey Burcad-badeed. Heshiiskaas waxaa la yiraahdaa "The General Treaty of
Peace, 8 January 1820."
Heshiiskaa iyo mid ka dambeeyey oo la sii faahfaaiyey oo dhacay 1839 waxaa
lagu qeexay in in la adoonsado ama la iibsado "rag iyo dumar da'dii ay doonaan
ha ahaadeene" oo ah dadka qabaai'lka Soomaaliyeed, arrintaas iibsiga dadka oo
qudheeda loo tixgeliyey in ay tahay burcad-nimo.
Dadka Soomaaliyeed aan weligood la adoonsan ama aysan noqon waxaa cadeeyey
baaritaan uu sannadkii 1876, Guddi ay Boqortooyada Ingriisku u saartay in ay soo baaraan
addoonsiga iyo maraakiibta lagu qaado iyo xaaladdooda guud addoonsigii dadku
meesha uu marayey iyo xaaladda maraakiibtii dadka la adoonsanayo qaadi jirtey.
Baaritaankasi intii uu socday ayaa guddii waxay su'aalo weydiiyeen sarkaal ka
tistaanaa maamulkii maxmiyaddii Ingriiska, waxaana la weydiiyey su'aalah:
- Dhammaan dadkaas ma waxaa loogu yeeraa addoon, afrikaan, ama ma jiraan
kuwo kale oo loogu yero addoon? Waxa uu sarkaalkii ku jawaabay: Waa addoon
ah Galla iyo Abyssinians (Itoobiyaan)
- Dhammaan ma Afrikaan baa? haa ayuu yiri sarkaalkii, oo intaas raaciyey
ma arkin ama "ma ogi dad carab ah oo addoon ah",
- ma jiraan weligeed Soomaali noqotay addoon? markii la weydiiyey waxa uu
sarkaalkii ku jawaabay "waa wax naadir ah, Soomaalidu iyagaa addoonta sii
xada, laakiin weligay iyo abidkay ma arkin Soomaali addoon ah, haddii ay
jiraanaa waa dhif iyo naadir.
October 1855 ayaa boqortotooyadii Ingriiska governrkiiu joogey Cadan waxa uu
qabaa'ilka Soomaali ah la saxiixday in haddii la arko markab sida addoomo
in markabkaas la qabto oo lala wareego isla markaasna dadka addoonta ah ee saaran la
siidaayo ama la xoreeyo. Sidoo kale November 7, 1856 ayaa waxaa magaalada
Berbera waxaa heshiiska ku kala saxiixday sarkaal Ingriiska u fadhiyey Cadan oo
u qaablisanaa siyaasadda iyo beesha Habar Awal ee Soomaaliyeed. Qodobka 4aad ee
heshiiskaasi waxa uu dhigayey in gebi ahaanba la joojiyo oo addoon la soo marsiin
karin Berbera iyo gebi ahaan dhulka beesha.
Sidoo waxaa taariikhda ku cad in Soomaalidu ay qayb weyn ka ahaayeen joojinta
addoonsiga laga dhoofinayo Afrika iyo Aasiya. Heshiis 17
Febraayo 1866 dhex maray Suldaan Maxamuud Yuusuf iyo sarkaalkii arrimaah
siyaasadda u qaabsanaa maxmiyaddii Igriiska ee fadhiyey Cadan, waxaa heshiiskaas
ku cad : In gebi ahaanba la joojiyo lana mamnuuco adoonsiga dadka looga qaadayo
Afrika iyo Aasiya. Haddii la arko Markab sida addoon in la qabsado oo lala
wareego oo dadka saarana la siidaayo.
Haddii aan intaas kaga gudubno qormadii dhextaalka ahayd, oo aan u soo laabano
Qarnigii 19aad iyo taariikhdii uu soo bandhigay Dr. Saadiq Eenow:
1825kii waxay ahayd markii u horeysey ee Ingriiska uu damco Soomaaliya. Doon
uu leeyahay Ingriisku ayaa lagu afduubtay Berbera. Dadkii lasocdeyna waa la
laayey, hantidiina waa la dhacay. Markaas ayaa sarkaal Ingiriis ah waxa uu yimid
xeebaha Soomaaliyeed waxana uu heshiis la galay qabaa'ilka degganaa xeebaha si
uu ammaan uga helo iyo in ay magdhaw ka siiyaan doontii iyo dadkii laga laayey,
haddii kale waa ku soo duulayaa, qabaa'ilkii heshiiskaas waa ogolaadeen.
Qarniga bilowgisii boqortooyadii Cumaan oo uu Suldaan ka ahaa Sayid Siciid
ayaa u soo guurtey Zenzibar ayagoo daba socda ganacsiga Afrika, siiba ganacsiga
xayawaanka duur-joogta iyo iibsigii Bini-Aadamka (dadkii la dhehi jirey
Addoomada), kuwaas oo kaaba-qabiilada siin jirey lacag iyo wax dhal-dhalaalaya
si ay ugu soo ururiyaan wiilasha iyo gabdhaha dhallin yarad ah. Maadaama ganacsi
xoog leh halkaas uga furnaa ayaa saladanii Cumaan usoo guurtey Zengibar.
Markaas ayaa suldaankii Zengibar wuxuu la xiriiray xeebihii Koonfurta
Soomaaliya, sida Xamar, Marka, Baraawe iyo Kismaayo. Waxana uu geeyey rag masuul
uga ah. Waxana uu Soomaalida ugu sheekeeyey waxan ahay Nebi Muxammed (SCW)
duradiisii, nin Islaam ah ayaan ahay ee maadaama aan Ashraaf ahay ii ogolaada in
aan dusha idinka maamulo. Dadkuna reer miyi ayey u badnaayeen, waana iska
ogolaadeen. Weliba magaalooyinka dad Carab ahina waa deganaayeen kuwaas oo
dhankiisa ahaa.
Markii xoogaggii reer Yurub kusoo bateen xeebaha Afrika waxay xiriir la
yeesheen Suldhaankii Zengibar. Dawladdii u horeysey oo xiriirka wanaagsan la
yeelatey Ingriiska ayuu ahaa, waxaa ku xigey Jarmalka iyo Talyaaniga oo goor
dambe yimid.
Talyaanigu waxa uu 1885 bilowgiisii ayaa Talyaanigu waxa uu suldaankii
Zengibar ka codsaday in uu kusoo wareejiyo degmooyinka ku yaal Koonfurta
Soomaaliya. Suldaankii arrintaas waa ka diidey. Markaas ayaa Talyaanigii waxa uu
yiri diidamadaasi waa ihaano la igu sameeyey, marka waa in aan ku duulo
jasiiradda Zengibar. Xilligaas Seyid Saciid ma noolayn waxaana jasiirada
suldaan ka ahaa wiilkiisii Barqash. Ingriiska ayaa kala dhex galay oo u
dallaalay, yirina ogolow in aad dhulkaas xeebaha Soomaaliyeed siisid Talyaaniga, lagna ka qaado.
markaas ayaa Seyid Barqash waxa uu talyaanigii u ogolaaday xeebahaas. (Waxaan
qormada dambe ku arki doonaa sidii aay dadkii ku noolaa xeebaha Koonfureed ay
isaga caabiyeeen Talyaanigii).
Xilligaas, xuduudda Soomaaliya oo dheer waxaa ku socdey sahanno farabadan oo ka imanayey
dalalka reer Yurub. Sahamadaas waxsay markoodii hore xiisaynayeen oo ay
fiirinayeen meelaha biyaha leh iyo khayraadka dhulka geeska Afrika, ganacsiga,
dadka noloshooda, waxyaabaha khilaafaadka ee ay dadku isku hayaan, waxyaabaha ay
heshiiska ku yihiin iyo taariikhda dhaw ee dadkaas. Waxayan
sahamiyayashaasi la kulmeen dhibaatooyin farabadan iyo caqabado ka hor yimid.
Sannadkii 1869 markii la furay Kanaalka Suweys (Zuez canal). Kanaalkaasi waxa
uu soo dhaweeyey isu socodkii Badweynta Hindiya iyo doonyihii ka imanayey
Yurubta Galbeed. Doonayahaas ka imana jirey Yurubta waxa ka soo jiroon jireen
Koonfur Afrika. Fogaantii la isu socon jirey waxay noqotay kala bar kaddib markii
lafuray kanaalka. (Kanaalka Zuez waxaa dhismihiisa la bilaabay 1859 waxaana la qodayey muddo 10
sano ah. Waxaana maraakiibta loo furay November 1869.)
Furitaankii Kanaalka Zuez waxay kor u qaaday xiisahii loo qabay degaankeena Soomaaliyeed. Waayo
maraakiibtii oo dhan ayaa waxay noqdeen kuwo wadadeenii soo mara. Arrintaas
ayada ah waxay keentay in xoogaggii reer Yurub isku qabsadaan. Taasi waxaa
ka mid ahayd waxyaabahii keenay Fadhigii Berlin ee
1884-1885 iyo Fadhigii Begium. Fadhiyadaas oo lagu qaysanayey awoodii dhulalkan looga talin lahaa.
Dhulalka la qaysanayey nasiib darro waxaa ka mid noqday dhulkeena Soomaaliyeed;
Saddex xoog oo shisheeye ay ayaa kala qaatay: Faransiiskii oo qaatay Jabuuti,
Ingriiskiina wuxuu qaatay Woqooyi, Talyaaniguna wuxuu qaatay Koonfurta. Waxaa intaas weheliyey Boqortooyadii Itoobiya oo damac kaga jirey dalka
Soomaaliya oo ayaduna ka soo sikatay dhanka Galbeedka Soomaaliya.
Waxaa jirey 1874 ayadoo hayaamadii sahamintu ku socotey dhulka Soomaalida, oo qabaa'il is
laynayaan, ayaa magaalada Cadan markii ay camirantay ayaa waxaa dhacday in
dadkii ku noolaa dhanka xeebta Soomaaliya uu soo geliyay kharash badan. Marka
reerkii meesha ka xigey reeraha kale waxa uu yeeshay hanti badan, halka reerihii
dhulka gudaha ku jirey ay weli ahaayeen geeley sabool ah. Waxaa dhacay khilaaf
xoog weyn.
Taariikhdan waxaan u xusaynaa xaalad ay gebi ahaan Soomaalidu ku sugnaayeen,
heshiiskii la heshiisiinayey labadii reer: War hantidaan wax naga siiya
walaalihiin ayaan nahay, iyo maya, waxaa ka dhacaay dagaal. Dagaalkaas oo muddo
socdey. Fadhi kasta oo la isu yimaado waa la heshiisiin waayey. Gabay la
yiraahdo Dal dhameeye ayaa nin degaaankaasi ahi katiriyey dhacdadaas. Gabagaas
waxaa yaab leh ninkaasi Soomaaliya oo dhan ayuu tilmaamayaa oo tusinayaa
xaaladda ay ku sugnayeen.
Qarnigaasi waxa uu dhammaaday ayadoo ay sii socdaan sahamadii iyo qaybsigii
Soomaaliya.
1854 - Waxaa Soomaaliya sahan ku tegey laba kabtan oo ah Burton iyo Speke.
1875-1876: waxaa xeebta Berbera iyo Webiga Jubba soo gaaray masaaridii.
1883 - M. Revoil ayaa sahan ku tegey Jubbada Sare ee Soomaaliya
1884-1885 - Sahan u wato F.L. James ayaa garey Soomaaliya
1884-1885: Waxaa magaalada Berlin lagu qabtay shirkii lagu qaybinayey Afrika
(Berlin Conference of 1884-1885)
1889-1890 Talyaanigii ayaa maxmiyadiisii gaarsiiyey xeebaha Soomaaliya oo ka soo
bilaabanaya gacanka cadmeed ilaa webiga Jubba.
1890-1892 - Waxaa Soomaaliya sahan ku tegey safar Talyaani ah, gaar ahaan sahankaas
waxaa ka mid ah aa Signor Robecchi, Lieutenant Baudi di Vesme, Prince Ruspoli,
Captain Battego iyo Captain Grixoni.
Qarnigii 20aad iyo Soomaaliya
Sannadkii 1900 waxa uu Soomaalida u bilowday ayadoo xaaladda aan kor ku xuysnay lagu jiro. Qarnigaas Soomaalidu waxay sameeyeen
iska Caabin farabadan oo ay iskaga caabinayeen xoogagaaan damaca wadey ee gumaysiga ah in laga hor tago.
Ka hortaggaas taariikhda waxay xustaa qabaa'ilka Biyo-maal dhaqdhaqaaqoodii
xoogga lahaa ee iska caabinta gumaysisga. Waxa kale oo taariikhdu xustaa kacdoon ka dhacay Kismaayo. Kacdoonadas marka la
isku daro kii u weynaa waxa uu ahaa Kacdoonkii Daraawiishta ee socdey 20 sano.
Kaas oo markii dayuurado loo adeegsadey aakhirkii la jebiyey 1921.
Buugii laga qoray Seyid Maxamed Cabdulle Xasan, ninka qoray buugga "Mad
Mullah" oo ah ninkii jebiyey waxa uu sheegayaa in Seyidka iyo ciidamadii
Daraawiishtu ay ahaayeen dad wadaniyiin ah, oo dalkooda u diidanaa in la
guamsto. Sharafna waxa qofka ugu filan waxa uu u qiro ama ictiraafo kii isaga ka
soo horjeedey.
Markii Daraawiishkii meesha ka baxday, Soomaalidu waxay sii wadeen iska
caabintii gumaysiga ayagoo wadey dagaallo googoos ah. Waxaa ka mid ahaa:
Boqor Cismaan: waxa Talyaanigii u soo qoray waraaq, lagu amrayo in uu hubka
dhigo oo is dhiibo. Wuxuu markaas Boqor Cismaan shiriyey raggiisii oo uu
weydiiyey "ma is dhiibnaa, mase weynu dagaallanaa". Waxaa shir bil qaatay ka
socdey meesha la yiraahdo Noobir, waxaana laga tashanayey arrintaas. Waxaa
halkaas laga soo saaray go'aan in aysan is-dhiibayn. Markaas ayaa Talyaanigii
weerar oo boqorkiina qabtay, magaalooyinkii lala dhacay madaafiic, laba sano
ayaa dagaalkaasi socdey.
Iska caabintii Sheikh Xasan Barsane: Dagaalkaasi markii uu bilowday waxaa
gumaystayashii qabteen Sheikh Xasan barsame, waana la xiray waxaana lagu diley
xabsiga. (Sanadkii 1924 ayaa Sheikh Xasan Barsane waxa uu hor kacay kacdoon ka
dhacay Shabeelle oo looga soo hor jeedey gumaysigii Faashiistaha Talyaaniga.
Dabayaaqadii sannadkaas ayaa kacdoonkaas la caburiyey, waxaana la xiray Shaykh
Hassan Barsane, shan sano kabacdi ayuu ku geeriyoodey isagoo weli ku jira
xabsiga 1926).
Iska caabintii Cumar Samatar: Dagaalkii iska caabinta ahaa ee uu hor kacayey
Cumar Samatar waxa u usocdeey laba sano. isgana wa la caburiyey.
Dhanka Woqooyiga waxaa ka kacay saddex nin oo wadey halkan oo iskacaabin xoog
leh oo isugu jirey dagaal, qalin iyo af.
Kuwaas oo kala ahaa Sheikh Bashiir, Faarax Oomaar iyo Xaaji Aaden Af-qallooc.
Iska caabintii Sheikh Bashiir: Waxa uu bilaabay halgan iyo dhaqdhaqaaq iyo
dagaal uu kaga soo hor jeedey gumaysigii Britain, waxaana durbadiiba gumasigii
kala hor tegey caburin. Shiekh Bashir Yussuf waxaa la diley 1945, meel u dhow
magaalada Burco.
Qalin ku difaacii Xaaji Faarax Omaar: Waxay firfircoonidiisii si weyn u soo shac
baxday wixii loo gaaray sannadkii 1920. Waxana uu biloaabay in uu Soomaaliya oo
dhan u hadlo oo u noqdo abuukaato ama u doode. Isagoo ah dhallinyaro ayuu
raadiyey Taarka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingriiska. markii uu helay ayuu u
diray Taar ay ku qoran tahay "HAYAAY, HAYAAY, HAYAAY,". Taarkii markuu ku dhacay
wasaaradda Arrimaah dibadda Ingriiska, ayey is weydiiyeen luqaddaas,
markii la arkay in uu ka yimid Hargeysa ayaa la raadiyey qof Soomaali ah oo
garanaya afkaas. Waxaa markaas magaalada (London) wax Soomaali ah laga helay Caabi Faarax. Odaygii ayaa loo yeeray oo la weydiiyey macnaha
kelmedaahaas in uu tarjumo, wuxuu ku tarjumay "Ayadoo aad joogtid meel mugdi ah,
oo ay tahay habeen, oo hawd dherer badan oo roob iyo daruur adduunkii xiray,
adiguna aad huruddo, haddii libaax halkaas bawdada ah kugu dhego oo kula booday,
nin dhehi waayey 'war iga dhiga' ayaa waxa uu dhahaa: hayaay, hayaay, hayaay."
Markaas ayaa Ingriiskii waxay fahmeen in meeshaan wax culusi jiraan.
Baarlamaankii wuxuu ku khasbanaaday in uu wafti u soo diro Hargeysa. Markii la
arkay firfircoonidii Oomaar iyo inuu u doodayo dadweynaha waa la masaafuriyey, waxaana
la geeyey Cadan. Dhaqdhaqaaqiisii ma damin, waxanauu sii wadey dagaal nabad ah oo
uu doonayey in uu xaqa shacabka ku soo dhiciyo.Waxana uu geeriyooday 1948 isagoo
weli ku jira halgankii.
Baraarujintii Xaaji Aaden Axmed Afqallooc:
oo ahaa aftahay waxa uu furtay afkiisa si uu u baraarujiyo Soomaalida, oo tusa waxa ay midnimadu tahay. Waxana
uu tirin jirey gabayo iyo suugaan uu ku guubaaniyo dadka si ay heeryada
gumaysiga isaga qaadaan. Xaaji Aaden Afqallooc waxa uu geriyoodey 1986 isagoo aad
uga weyn 100 sano-jir. Waxana uu Soomaalida uga tegey gabayo taariikhi ah oo Soomaalida
ku tusayey waxa ay tahay Soomaalinimadu.
Dhaqdhaqaaqii Soomaalidu waxaa uu sii socdey sannadihii 1920-naadkii iyo
1930-naadkii, laakiin markasta waa la muquuninayey mar kasta.
Dagaalkii 2aad ee Adduunka ayaa dhacay (oo socdey 1939 - 1945). Dagaalkaas
intii uu socdey waxaa Soomaali u kacay dhaqdhaqaaqii gobonimo doonka ahaa ee
leegada oo ay hor seedayeen dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa ururka
dhallinyarada ee SYL la asaasay 1943.
Maxamed Saalax Ladane oo 96-jir ah oo weli nool, kana mid ahaa raggii laf
dhabarta u ahaa leegada, waxa uu Saadiq Eenow u sheegay "shan (5) nin oo keliya
ayaa wax qoraal qori kara nagu jirey markii halgankaas leegada la bilaabayey,
shan nin oo keliya oo la dhehi karo hebel-iyo-hebel. Laakiin dadka qalbigooda
ayaa
wanaagsanaa, taas oo ahayd aqoon. Laakiin maanta waxaad tihiin dad kumayaal ah
oo haysta
shahaadooyinka ugu sareeya." Halkaas oo uu ku
muujinayey ama ku hoga tusaalaynayey qalbig afiyow in uu wax qaban karo.
Dhaqdhaqaaqaasi SYL muddo 17 sano ah ayuu gobanimo ku gaarsiiyey
Soomaaliya.
Waxaa markaas bilowday 9 sano oo ay Soomaali u dhisantay dawlad rayad ah,
waxaana is bedeley saddex ra'iisul wasaare kuwaas oo mid kasta uu ka tegey
taariikh culus. Cabdirashiid Cali Sharmaarke (12 Jul 1960 - 14 Jun 1964),
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen (14 Jun 1964 - 15 Jul 1967) , Maxamad Xaji Ibrahim
Cigaal (15 Jul 1967 - 1 Nov 1969). Waxaa ka nool C/risaaq Xaaji Xuseen oo
xilligan deggan Minneapolis.
Kaddib ciidamadii ayaa Soomaaliya la wareegey (October 21, 1969). Halkaasna
waxaa ku jirta taariikh. Kaddib waxa dhacay waa la ogaa.
Taariikhdaas dheer ee Somaalida qaybaha muhiimka ah iyo sida gumaystayaashii u
qaybiyeen Soomaaliya, iyo halgamadii oo faahfaahsan waxaan ku arki doonaa
qaybaha soo socda ee qormadan. Insha Allah.
AKHRI Qaybta 2aad...
Dr. Saadiq Enow, waa taariikhyahan, qoraa, dhakhtar iyo macallin
Soomaaliyeed. Waxaana lagala xiriiri karaa Email:
enow2@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2010
Tixraac: Buugaagta aan tix raacnay:
-
A Collection of Treaties, Engagements and Sunnuds Relating to India and
Nearby Countries - Turkish Arabia, Persian Gulf, Arabia and Africa ... By C. U.
Aitchison
-
The legal status of the Arabian Gulf States: a study of their treaty
relations and their international problems... By Husain M. Albaharna
-
The blood-red Arab flag: an investigation into Qasimi piracy, 1797-1820 By
Charles E. Davies
-
The common law abroad: constitutional and legal legacy of the British empire
By Jerry Dupont
-
The state and rural transformation in Northern Somalia, 1884-1986 By Abdi
Ismail Samatar
-
The new Larned History for ready reference, reading and research ..., Volume
1 By Josephus Nelson Larned
-
First Footsteps in East Africa By Richard Francis Burton
-
Scramble for Africa... By Thomas Pakenham Afrika waxaa loo kala jarjaraysida
keega (cake), qaybo ay liqeen afar dal oo xafiiltamayey - Germany, Italy,
Portugal, France iyo Britain (waxaana luf-luf qaatay Spain).
-
Eastern African history By Robert O. Collins
Warbixintan waxaa linkigeedu waa:
http://www.somalitalk.com/saadiq/
Isha sawirada qaar: Wikipedia.org & Google images
|