"Dakhli liita. Waxbarasho hoosaysa. Baagamuuddo badan.
Dhallinyaro danbiilayaal ah. Kuwii wax caawinjirey oo khaati ka taagan.
Markay
Norway
imaanayeen waxay u qabeen inay Jannadii soo galayaan. Qaarbadan oo soomaali
ah waxayba soo galeen Cadaabtii".
Hadalkaas macnayaasha badan waxaa ku bilaabay joornaalka ugu weyn
uguna afdheer Norway,
ee
Aftenposten, isagoo tilmaamaya dadka soomaalida ah ee deggen Norway.

Abdirahman Ismacil & Walid A.
Osman | Sawirada ay qaaday
jariidada
Aftenposten
|
Weerarka xagga saxaafadda ah ee lagu hayo Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Norway ayaa
noqday mid kasoo daraya, gar iyo gardarraba.
Jariidadda aadka loo akhristo ee (Dagbladet) ayaa iyaduna
soo qaadday weerarkeeda iyadoo soo gudbinaysey Diraasad uu sameeyey "Xafiiska
Dhexe ee Tirakoobyada" ee Norway.
Waxay cinwaan ka dhigatay “Soomaalidu way danbi badanyihiin”
waxayna ku bilowday:
"Soomaalida
Norway waa kuwa
ugu yar xagga la qabsiga (integration), marka loo eego ajnabiga kale oo dhan.
Falal-danbiyeed badan oo is daba joogey oo sannadihii lasoo dhaafay ka
dhacay Norway ayuu qofka danbiga geystey wuxuu noqonayey Soomaali!"
Sidaas ayay qoraalkeeda ku bilowday jariidaddaasi.
Haddana waxay is weydiisey: Oo ma runbaa in Soomaalidu ka danbi
badanyihiin dadka kale ee ajnabiga ah?
"Xafiiska
dhexe ee Tirakoobyada" ee dalka Norway "Statistisk
Sentralbyrå" warbixin uu soo saaray wuxuu ku sheegay in
5.1%
(boqolkiiba
shan) dadka Soomaalida ah ee Norway
ay ahaayeen kuwo la ciqaabay sannadkii 2002(ganaax ama xarig). Dadka
Norwejiyiinta ah iyaga waxay tiradaasi ahayd
1.35%
oo
kaliya (boqolkiiba hal iyo xoogaa)
Isla sannadkaas
waxaa la xukumay dad soomaali ah oo gaaraya
272
qof:
39
qof waxaa lagu xukumay Rabshado gacan ka hadal ah (violence).
144
qof waxaa lagu xukumay Maan dooriyeyaal (Drugs)
89
kalana danbiyo madani ah (sida deyn la bixin waayey)
Isagoo sii wada
diraasadiisii Soomaalida wuxuu Xafiisku sheegay:
· Tirada dadka Soomaalida ah ee jooga Norway ayaa ah
(15.586).
Dadkaas intooda badan (12.166) waa
dad ka soo haajirey soomaaliya (first generation), halka inta kale oo ah (3420)
ay yihiin kuwo ku dhashay Norway.
· Dhammaantood
waxay Norway yimaadeen 15-kii sano
ee ugu danbeysey, weliba in ka badan
60% waxay yimaadeen
5-tii sano
ee ugu danbeysey. Markii saddex meelood loo qaybiyo hal
meel ayaa haysata baasaboorka Norway.
·
Ragga ayaa
dumarka ka badan, 50% dadkaas ka
mid ah da'doodu way ka yartahay 20
sano.
·
75%
waa baagamuuddo (shaqo la'aan)
·
Sannadkii 2003
ayay soomaalidu bilaabeen inay danbiilayaal noqdaan. Waxaa sannadkaas lasoo
dacweeyey 864
qof oo Soomaali ah.
Haddaba markii la isweydiiyey
sababaha ka danbeeya in Soomaalidu ay noqdaan "daddil" ama
danbiilayaal, ayuu "khabiir" ka
tirsan "Xafiiska dhexe ee Tirakoobyada" ayaa arrintaas sabab uga dhigay
faqriga iyo shaqo la'aanta ay soomaalidu ku jiraan ama ka yimaadeen.
1.
Mr. Lars Østby ayaa wuxuu yidhi: "Haddii qofku
faqri ku
noolyahay, waalidkiisna ay yihiin shaqo la'aan,
isla markaana aanu bulshada dhexgelin,
waxaa hubaal ah in uu danbiile noqonayo"
Soomaalida Norway guud ahaan
sababahan waa laga wada helayaa. Ayay jariidaddu ku dartay.
2.
Sabab kale oo ay xuseen ayaa ah in soomaalidu ay yihiin kuwo dalka ku cusub
oo aan weli bulshada la qabsan. "qodob kale oo muhiim ah ayaa wuxuu
yahay in Soomaalidu ay yihiin
dad dalka dhawaan soo galay.
Vitnamiyiinta ayaa sidaasoo kale ahaa markay dalka ku cusbaayeen. 15 sano
muddo hadda laga joogo xaaladdan oo kale ayay Vitnamiyiintu ku sugnaayeen"
Lars Østby ayaa yidhi.

Mohamed Nuur, Abdirahman Ismacil, Walid A. Osman |
Sawirada ay qaaday
jariidada
Aftenposten |
Saxaafadda
Norway siday u dhantahayba waxay buunbuunisaa
ceebaha
Soomaalida (weak points) waxayna taasi abuurtay in shacabka Norway oo
runtii ah dad masaakiin ah ay u arkaan in dadka soomaalida ahi ay yihiin "khatar".
Haddii aad baska soo fuushid oo laguu garto inaad soomaali tahay, dadka oo
dhan kor iyo hoos ayay kuu fiirinayaan, qaarkoodna inay baska ka degaan
baaba laga yaabaa. Waxaad u muuqataa nin siduu "Qaad" u ruugayey maskaxdiisa
wax u dhimmanyihiin. Carabta ama muslimiinta kale waxaa looga baqaa inay wax
qarxiyaan, laakiin adigu hoosta ayaad "toorrey dheer" ku wadataa. Wax naxariisa ma taqaanid, in lagu
xiro ama aad dhimatidna macne weyn kuuma lahan, illayn haddeerba "cadaab"
baad ku jirtaaye. Dadku waxay baska u raacaan shaqadooda, adiguse waxaad u
socotaa xafiiska cayrta laga qaato ama meesha ay ku yaalliin makhaayadaha
soomaalidu, qaadkana iyadaa laga helaa.
Mid ka mid ah
siyaasiyiinta ajnabiga neceb (Vidar
Kleppe) wuxuuba yidhi: "waa in soomaalida la celiyo!"
Oo xaggee loo celiyaa? Maxayse awal soo dooneen? (Aftenposten) ayaa is
weydiisey.
Sargaal sare oo
ka tirsan Xafiiska Shaqada ee Norway (Aetat) oo lagu magacaabo “Leif
Magnus Skjevinger” ayaa hadda ka hor isna ku dhawaaqay in soomaalidu ay yihiin "mashaqaystayaal"
wuxu yidhi: "Shaqo ma aadaan ee waxay jecelyihiin inay meelahaas is
dhoobaan, oo makhaayadaha hadba mid fariistaan".
Inkasta oo la
mucaaraday dad badanna ay hadalkiisii raddiyeen, haddana markii
soomaalidu wada hadlayaan waxay dhahaan hadalkaas waxbaa ka jira.
Jariidadda
Dagbladet waxay soo taxday ilaa
11 fal danbiyeed
oo
dil, kufsi, dhac iyo waxyaabo kale isugu jira, oo dhammaantood soomaali lagu
eedeeyey. Falalkaasi waxay dheceen in ka yar 3 sannadood.
Haddaba
su'aashu waxay tahay: Goorma ayay saxaafadda Norway joojinaysaa dagaalka
dicayadda ah ee ay ku hayso jaaliyadda soomaaliyeed ee martida ah?
Su'aasha taas
ka sii muhiimsan ayaase ah: Goormay soomaalidu iska daynayaan ceebahaas
lagu eedaynayo ee sumcaddoodii dhaawacday? Haddii aysan iska daynaynse
goormay helayaan cid xuquuqdooda u doodda oo ka celisa dicaayadaha noocaas
ah?
W/Q: Cabdisamad
Xoday
hoday30@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2005
NORWAY: NIN
SOOMAALIEED OO DILEY XAASKIISII OO SAGAAL BILOOD AH
USA: 8,000 oo
Soomaali ah oo ay Dhici Karto in Loo Tarxiilo Soomaaliya
» Maxkamada USA: Soomaaliya
dadka waa loo tarxiili karaa
» Canada: Dhoofintii Nin Soomali
ah oo La Baajiyey
»
Newzealand oo Laga Waayey Calanka Soomaaliya
Dhammaan ka akhri
halkan.... Guji.. Jan 13
