SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY
Daabaco Boggan | Print


”Wax Diin Kiristan Ah Oo Aanu Ku Shaqo Leenahay Ma Jirto”

Ururka Haweenka soomaaliyeed ee Norway oo kulan furan ku qabtay xaruuntooda magaalada Oslo. 

Waxa qoray:
Axmed Cabdiraxmaan Yaasiin
axmedx@hotmail.com
Oslo, Norway

Oslo, 09.12.04 - Ururka haweenka soomaaliyeed ee Norway ayaa maalintii arbacada xaruuntooda ku qabtay kulan furan oo ay tafasiil kaga bixinayeen hawlahooda urureed. Kulankan ayaa waxa ka soo qaybgalay dadweyne faro badan oo isugu jiray rag, haween iyo dhallinyaro.

Sababta ururku u qabtay kulankaas ayaa ah qoraal toddobaad ka hor lagu faafiyey shabakadaha internetka ee soomaaliyeed qaar ka mid ah. Qoraalkaas oo ay qortay suxuufiyad la yidhaahdo Saciido Axmed oo degan wadanka Beljum ayuu nuxurkiisu ahaa in ururka SKF uu ku xidhmay kaniisadaha Norway, halisna ku yahay bulshada soomaaliyeed. 

Gudoomiyaha ururka, Ayaan Yaasiin, ayaa iyadoo dadweynaha kulanka ka soo qaybgalay la hadlaysa tidhi: - ”Khalad ayaa naloo eedeeyey, madmadowna waa la abuuray, laakiin anagu waxanu rabnaa in aanu bulshada soomaaliyeed u cadayno hawlaha aanu qabano waxay yihiin si madmadowgu meesha uga baxo”. 

 

 

 

 

 

 


Ururka ayaa qoraalkaas isla markiiba kaga jawaabay warsaxaafadeed beenin ah, balse waxay u arkeen in aanay ka maarmin in ay wacyi gashtaan bulshada soomaaliyeed.

- ”Anagu markii horeba waxanu jeclayn in aanu arrintan halkeedaa ku deyno, laakiin hadana anagu cid aan ahayn bulshada soomaaliyeed uma adeegno oo ma jeclin in kala shaki iyo madmadow nalagu kala dhex abuuro, sidaa daraadeed taladayadii ayaa noqotay in aanu kulan furan qabano”, ayey tidhi Ayaan.

Gudoomiye ku-xigeenka ururka Khadra Nuur Axmed ayaa iyaduna tidhi: - ”SKF waa urur samo-faleed oo u adeega haweenka iyo dhallinyarada soomaaliyeed . Waxanu ka caawinaa habkii ay wadankan wax uga qabsan lahaayeen wixii dhibaato ah ee kaga yimaadana isaga qaban lahaayeen”. 


 Gudoomiyaha Ururka SKF Ayaan Yaasiin (bidix) iyo gudoomiye ku-xigeenka Khadra Nuur 

Faadumo Xirsi oo ka mid ah xubnaha ururka haweenka kana hawlgasha malcaamad quraan oo Axad kasta ka furan xaruunta ururka ayaa ii muujisay fajaceeda iyadoo tidhi, ” Sidee baa meel quraan lagu barto loo odhan karaa diin kiristan ah baa lagu faafiyaa?”

Waxay Faadumo ii sheegtay in 15 haween ahi Axad kasta quraan ku dhigtaan xaruuntan ururka malcaamaduna tahay hawlaha ururka mid ka mid ah. 

Goobta kulanka ayaa waxa joogay dhallinyaro farabadan oo si firfircoon u isticmaasha xaruunta ururka. Waxay ii sheegeen in ay badanaaba doodo iyo seminaaro furtaan iyagoo hadba mawduuc gaar ah soo qaadanaya. Abwaan dhallinyaro ah oo la yidhaahdo Suldaan Ibraahim Cali Shire ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay in qof suxuufi isku sheegayaa uu qoro qoraal noocaas ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn. 

Qoraalkan uu ka biyodiiday ururka SKF ayey qortay gabadha la yidhaahdo Saciido Axmed ka dib xaflad 23kii bishii Nofembar uu dhigay ururka Primary Health Care Workshop oo loo soo gaabiyo PMV iyadoo lagu soo casuumay xafladan suxuufiyad ahaan.

Xafladan oo dadweynaha ka soo qaybgalay u badnaayeen haween soomaaliyeed oo xubin ka ah ururka SKF ayaa waxa kale oo lagu martiqaaday fanaanada caanka ah ee Maryan Mursal.

Xafladan ayaa ahayd mid lagu soo gunaanadayay mashruuc gudniinka hablaha ka dhan ah oo 3 sano socday. Mashruucan ayaa ahaa mid ay iska kaashadeen ururka SKF iyo ururka PMV. 

Ururka PMV ayaa sida uu ii sheegay ah urur caafimaad oo fuliya mashaariic kala duwan.

Mashaariicdaas ayuu ururku la kaashadaa shakhsiyo iyo ururo kala duwan. Xaruunta ururka ayaa hada waxa ka shaqeeya dad isugu jira noorweyji, soomaali, bakistaan, marookaan iyo gaaniis. 

Saleh Syed oo ah nin bakistaani ah oo ka shaqeeya mashruuc lagu dhaqancelinayo dhallinyarada bakistaanta ah ee ee ku jirta xabsiyada Norway ayaa ii sheegay in uu ururka PMV uu u adeegsado inuu ku caawiyo dadkiisa oo keliya.  

Suxuufiyada Saciido ayaa xafladan ka dib qortay maqaalkeedii kaa soo ay ku sheegtay in ay tuhunsanayd xidhiidh ka dhexeeyey ururka haweenka somaaliyeed (SKF) iyo kaniisadaha Norway, laakiin bay qortay waxa ii cadeeyey in uu xidhiidhkaasi jiro wadaado iigu yimi garoonka diyaaradaha markaan sii dhoofayey iyagoo ii sheegay in uu ururku bulshada soomaaliyeed halis ku yahay. Wadaadadaas ayaaney magacooda ku xusin qoraalkeeda sababtoo ay ku sheegtay in wadaadadu ka codsadeen sidaas amaankooda daraadii..

diridhabaFAALLO: MAXAA KA JIRA IN URURKA HAWEENKA OSLO KU XIDHMAY KINIISADAHA:
"waxaanu xidhiidh la leenahay urur xidhiidh la leh kiniisadaha", Gudoomiyaha haweenka Somalida Norway
Guji

Waxa kale oo qoraalka Saciido laga dhadhansanayey in ay isku khaladay labada urur ee PMV iyo ururka haweenka soomaaliyeed ee SKF. 

Ururka haweenka soomaaliyeed ayaa markii aan weydiiyey in ay wax ka ogyihiin wadaadadaas ay sheegtay Saciiido ayey waxay ii sheegeen in sida ay ka war hayaan aanay suxuufiyadu cid wadaado ah kula kulmin garoonka dayuuradaha. 

Mar aan khadka tilifoonka kula xidhiidhay fanaanada Maryan Mursal oo ka mid ahayd dadkii ay Saciido garoonka dayuuradaha u wada baqooleen ayey waxay ii xaqiijisay in ay Saciido gudaha garoonka wada galeen check-in-kana wada mareen, laakiin marnabana aanay la kulmin cid wadaado ah. 

Ayaan Yaasiin ayaan waxan weydiiyey inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya ururkooda iyo kaniisadaha. Waxay ii sheegtay in iyaga iyo kaniisadaha wax xidhiidh ah ka dhexayn laakiin bay tidhi waxay wadashaqayn naga dhexaysaa ururka PMV oo iyagu xidhiidh dhaqaale la leh ururka kaniisadeed ee la yidhaahdo Kirkens Bymisjon. 

Waxan markaas weydiiyey Ayaan; Miyaan arrintan khalad loo fahmi karin madaama wadashaqayn idinka dhexayso urur dhaqaale ka hela kaniisadaha?

Waxay Ayaan ku jwaabtay; - ”Anagu urur ahaan hawlahaya waanu u madaxbanaanahay mashaariicda aanu PMV la kaashanaana maaha wax diin shaqo ku leh. Hadii aanu dhaqaale si toos ah uga heli lahayn kaniisada xitaa markaas wax dhibaato ah naguma ahaateen waayo nama soo farogelin karaan diin iyo dhaqan ahaan oo waa wax ay iyaguba ogyihiin”

Waxay kaloo Ayaan ii sheegtay in ay arrintan wadaado kala kulmeen wadaadaduna u cadeeyeen in waa xaaraan la odhan karin wadashaqayn lala yeesho ama dhaqaale laga helo urur-diimeed aan muslim ahayn, laakiin bay yidhaahdeen waxay xaaraan noqonaysaa arrinta noocaas ahi markay ujeedada laga leeyahay tahay wax ku lid ah dhaqanka iyo diinta Islaamka. 

Wadanka Norway ayey sideedaba caadi tahay in masaajidada laftigoodu wadashaqayn la yeeshaan urur-diimeedyo kale oo xitaa dhaqaale ka helaan, laakiin iyagoo ka madaxbanaan diin ahaan. 

 

 

 

 

  

Qaar ka mid ah dadweynihii ka soo qaybgalay.


Qaar ka mid ah dadweynihii ka soo qaybgalay. 

 

 

 

 

 

  

Qaar ka mid ah dadweynihii ka soo qaybgalay.
 

Waxa qoray:
Axmed Cabdiraxmaan Yaasiin
axmedx@hotmail.com
Oslo, Norway

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2004

diridhabaFAALLO: MAXAA KA JIRA IN URURKA HAWEENKA OSLO KU XIDHMAY KINIISADAHA:
"waxaanu xidhiidh la leenahay urur xidhiidh la leh kiniisadaha", Gudoomiyaha haweenka Somalida Norway
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 

Sawir gacmeedka Amiin Caamir
| www.aminarts.com

Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004


Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD