Wada fadhiisi, isqadarin, iyo talo
wanaag, waa waxay Somaliland Runtii ku caano maashay,
duruufo adag, burbur balaadhan, beelo kala durugsan,
bunduqyo hanti u ah badiba dhalinyaradii ururkii
Mujaahidiinta SNM, ayaa runtii ahaa calaamadda qudha
la xasuusan karaayey sannadkii 1991-kii, dhaawacyada
waaweyn ee ka muuqanaayey magaalooyinka Somaliland
oo aad moodaysay inaan laba qarni hayb dadi soo jaan
dhigin, geedaha dhaadeer ee qariyey dhamaan dhulkii
banaana ee la mari jiray, aaladaha qarxa oo meel
weliba ku xidhan, iyo bur bur aan baaxad lagu
qiyaaso la garanayn oo qariyey isha bu'deeda cidhif
kasta oo ka tirsan Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland
ee Hargeysa, akhriste aan da'yaraado eh waxaan ka
mid ahaa rocobtii ugu horaysay ee reer Somaliland ee
markay maqleen xoraynta dhulkii hooyo dhinac dhigi
waayey gogosha maalmo badan, dhabanka iyo gacanta ku
hayey wakhtiyo badan, maankayga waxaa ku soo
noqnoqonaayey su'aalo badan oo aan isweydiin jiray,
qalbigaygu wuxuu u ruxmi jiray si aan joogsi lahayn,
wadnahaygu wuxuu u sabayn jiray mid aan qiyaasi lagu
xadidi karin, Su'aasha ay maskaxdaydu isweydiin
jirtay waxay ahayd
Goorma ayaad gogosha dhigan
goobtii aad ku dhalatay, goorma ayaad dhisme
waxbarasho ka dheehan dhulkaaga, goormaad dhul aad
leedahay si qurxoon ugu laafyoon, iyo kelmado aan la
soo koobi karin?
18 May 1991 waxay ahayd maalin
dihin, dahsoon, daalacan, oo aan sina loo dafiri
karin, waxay ahayd maalin ay beel weynta iyo beel
yarta Somaliland jilbaha dhigatay sidii dhinac loogu
dhigi lahaa dhul muddo dheer rajo kala durkeen
(isolated nation), waxay ahayd maalin ay neeftu ka
soo baxday ciroole badan oo mar uun ku taami jiray
inuu mawdku ku simo dal Somaliland la yidhaahdo oo
ka bildhaama cidhifka beri ee geeska Afrika.
Maalin cimiladu degenayd, dhulkii
kulayl badan lahayn, qabaw badanna aanu jirin,
cadceed quruxsani ka soo bildhaantay dhinaca beri ee
Magaalada Burco, cirku uu ku shaqlana daruuro aan
tiro badnayn, ayey ahayd Aroortii ay ku
waabariisteen Xeerbeegti badan, Salaadiin wax kuu
ool ah, garaado iyo boqoro alla siiyey hibo
aftahanimo, Runtii maalintaa akhristow midda keliya
ee la odhan karaayey waa ka sinaayeen
xeerbeegtidaasi waxay ahayd mid qudhaata oo ahayd
Farxad balaadhan oo ay dalkoogu markale ugu
arriminayaan muddo 22 sanno ka dib, Xasuuq,
cagajuglayn, cabudhin, car juuq dheh, iyo cidhib
tirtirid, yaanan hadalka ku dheeraane, waxaa
halkaasi lagu agaasimay waxaan dunida horumartay
hore weligeed u arag, waxaa la wada fadhiistay geed
hoostii, runti waxyaabaha aan la iloobi karini waxay
ahayd indhaha duruuftu ka muuqato ee maalintaasi soo
xaadiray inay dhegahoogu maqlaan Qaran ay usoo
jihaadeen oo ka bikaaca beriga afrika, taasi waxay
ku dhabawday shir muddo saacado ah ka socday
goobtaasi, waxaa loo soo dhaqaaqay Magaalada
Hargeysa, halkaasi oo la isku af gartay inay xudun u
noqoto Maamulka curtay ee yagleesha ah ee
Somaliland, Maskaxyo badan ayaa markiiba isweydiisay
intuu qarankani sii badbaadi karo, iyo dhaqaalaha uu
ku shaqayn karo, waxaan maskaxda cidina markaa ku
haynin rajada aan heerkeedu sareeyo ee ku dheehan
quluubta reer Somaliland, runtii Madaxweyne
Cabdiraxmaan Axmed Cali ilaahay naxariistii Janno ha
siiye Madaxweynahii ugu horeeyey ee Somaliland
yeelato wuxuu sameeyey dedaal aan yarayn balse la
odhan karaayey dhinac kale kumuu guulaysan inuu soo
wada jiito beelweynta Somaliland, muddo seddex sanno
ah ka dib ayaa loo dareeray in dibu habayn lagu
sameeyo hasha Maandeeq "Somaliland".
"SOMALILAND
MAANTA IYO SHALLAY
Ilaahay labadoodaba ha u
naxariistee Sheikh Ibraahim Sheikh Yousuf Sh. Madar
iyo Suldaan Mohamed Suldaan Faarax Udub dhaxaadkii
Aas Aaska Somaliland
INA LILAH WA INA
ILAYHI RAJACUUN: TACSI KU SOCOTA SHEEKH
IBRAAHIM SHEEKH YUUSUF
Aniga oo ah Maxamed Cabdi
Xasan (diridhaba), kuna nool waddanka
Pakistan, Magaalada Karachi, waxaa aniga
oo aad iyo aad iyo aad uga tiiranyeysan
tacsi gaadhsiinaya dhamaan shacabka
Somaliland meel wal oo ay dunida kaga
dhaqanyahiin, waxaan kale oo tacsidani
gaadhsiinaya xukuumadda Jamhuuriyadda
Somaliland gaar ahaan Golaha Guurtida
Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Labada
gole qaran, waxaan kale oo aan tacsi taa
la mid ah gaadhsiinaya dhamaan ilma
sheikh Madar oo dhan meel wal oo ay
dunida ka joogaan aniga oo uga
tacsiyadayna Geeridii Naxdinta lahayd ee
asiibtay Walaalkeen/Halgamaagii weyna,
Aasashii weyna ee Somaliland ilaahay
naxariistii Janno ha siiye Gudoomiyahii
Golaha Guurtida Somaliland, MARXUUM
SHEIKH IBRAAHIM SHEIKH YUUSUF SHEIKH
MADAR, oo ku geeriyooday Magaalada
London, waxaan leeyahay Ilaahay
dhamaanteen Samir iyo Iimaan ha inaga
siiyo insha allah Umadda Reer Somaliland
ee uu ka baxayna ilaahay samir iyo
Iimaan saadiq ah ha ka siiyo, Ilaahay
Marxuumkana ha ugu deeqo Janno Fardawsa
Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Allahayow.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
|
Magaalada Boorama oo lagu tiriyo
inay tahay Hooyadii Labaad ee Somaliland, marka
magaalada Burco laga yimaado oo lagu hindisay
qaranka Somaliland ayaa marti soortay boqolaal iyo
boqolaal xeerbeegti ah oo iskaga kala yimid
cidhifyada dalka Somaliland, waxaa loo guntaday
sidii looga midho dhalin lahaa hadafkii lagu gaadhay
magaalada Boorama seddex sanno ka dib, Bishii April
sannadkii 1993-kii ayaa lagu soo gebo gebeeyey
shirkaasi iyada oo halkaasi dawlad cusub lagaga
dhawaaqay, waxaana Somaliland durtuba yeelatay
Madaxweynahii Labaad ee taariikhda Somaliland soo
mara Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal ilaahay
naxariistii janno ha siiye oo lagu tiriyo inuu yahay
Aabahii Qaranka Somaliland "The Father of
the nation" wuxuu madaxweynaha cusub ku
guulaystay inuu hanto quluubta beelaha Somaliland,
wuxuu isku keenay hindisiyaal badna oo kala baahsana,
wuxuuna ku guulaystay inuu sameeyo Xukuumad tayo
badan oo laga wada dhex muuqdo, wuxuu sameeyey
garsoor la odhan karaayey wuu dhaamay wakhtigaasi
halkii lagu sugna, Madaxweyne Cigaal wuxuu ku
guulaystay inuu dhamaan hubka ka dhigo
maleeshiyaadkii beelaha ee xoreeyey Somaliland oo
dawladdii isaga ka horaysay kuu guulaysan kari
wayday, wuxuu sameeyey hanaan dhaqaale oo aad iyo
aad loogu farxay tusaale ahaan wuxuu saxeexay
madaxweyne Cigaal Mashruuc Somaliland ku yeelanayso
lacag u gaar ah "Somaliland shiling"
oo ahaa astaanta qudhaata ee lagu ansixiyey
qaranimada Somaliland, wuxuu dejiyey Nidaam haboon
oo amaanka Somaliland lagu sugaayo "best inherited
security plan in somaliland" Madaxweyne Cigaal alla
naxariistii Janno ha siiye wuxuu sameeyey ciidamo
qaran oo Somaliland markii ugu horaysay taariikhda
yeelato, ciidamo boolis ah oo suga nabad gelyada iyo
amaanka magaalooyinka Somaliland, ciidamada jeelasha,
iyo dhamaan haykal dawladeed oo lagu aqoonsan karo
Somaliland, wuxuu yagleelay xidhiidh
diblomaasiyadeed oo Somaliland la yeelato dawladaha
jaarka, iyo in Somaliland laga dhaadhiciyo beesha
caalamka, iyo horumar balaadhan oo bulshadu si
habsami ah u dareentay.
SOMALILAND IYO MAANTA
Maanta waxaynu taaganahay maalin
aynu dheriga ka dhignay yacyacood oo aynaan bisaylna
gaadhsiinin qaydhiina ka keenay, Maanta waxaynu
gaadhsiinay dalkeena Somaliland hanaan
dimuqraadiyadeed oo aan ka hirgelin dhamaan afrikada
madow, waxaynu yagleelay ama aasasnay axsaab
siyaasadeed oo ka hirgelay dhamaan Somaliland,
waxaynu qabsanay dooroshadii Madaxtooyada oo dalka
ka dhacday, Dawladdii la doortay ee sida
dimuqraadiyadda ah loo doortay waxaa la odhan kara
waxay samaysay dedaal caajis ku jiro "passive
effort", waxaad mooda in Xukuumadda Somaliland ay
maanta ku fikirayso sida tani "haddii la
gaadhay nabadgelyo maxaa kale inoo hadhay?
waxaad mooda inay xukuumaddii aynu codka siinay ee
yari iyo weyn mucaarid iyo muxaafid taageero siinay
aanay irbadda dunta gelin karaynin, waa run oo sida
Riyaale sheego waa la tegay europe, waa lala hadlay
diblomaasiyiin badan oo kun jeer ayaa loo sheegay in
Somaliland tahay qaran gooni u go'ay aanay waxba ka
gelin waxaa Soomaaliya yaalla, Su'aashu waxay tahay
maxaa xiga? waxaa hubaal ah inaan horumar dhinac
weliba leh inoogu imanayn fadhiga, waxaan qaba in
yooyatan iyo muran siyaasadeed wakhtigani xaadirka
ah dheefi karin waxaynu hiigsanayno, u fiirso, Maxaa
ay shacabka faa'iido ugu fadhida "Riyaale ayaa yidhi
Kulmiye waa sidaasi iyo Axmed Siilaanyo ayaa
Madaxweynaha eedeeyey iyo Faysal Cali waraabe ayaa
sidaasi yidhi" waar nimanyahow waxaynu u baahanay
inaynu guntiga dhiisha iskaga dhigno, Soomaalidu
waxay tidhaahda "nin qoyani biyo iskama
dhawro" bahasha waynu soo dedaalnay oo soo
wadnay oo soo giraan girinay ee yaynaan ku
ciyaaloobin, Waxaan qaba anigu shakhsi ahaan in nin
yidhi "Caawa caqli keen" aanu wax
faa'iida ah soo kordhin, waxaa tusaale inoogu filan
kharashka ku baxaya barnaamij siyaasadeed oo hadal
mooyaane wax kale ka muuqanin imisa kun oo qof oo
Somaliland ah oo baylahsan ayaa u baahan, Soomalidu
waxay tidhaahda "ninkii gaajoonayey soori
wax u tarta" dalkeena abaaro ayaa sameeyey,
boqolaal qof ayaa ku baylahsan meel weliba, 30%,
dadkeena ku dhaqan magaalooyinka waaweyni waa bilaa
hoy "guryo la'aan" waxaan qaba Xuseen bulxanow
inaynaan joogin hoolalkii waaweyna ee xisbiyada
dalka maraykanku ku doodi jireen ee aynu joogno
dunida seddexaad, waxaynu joogna dal yar oo 13 sanno
oo qudha jiray, wuxuu u baahanyahay kolkoolin ee uma
baahna haadan siyaasadeed in laga wadhfiyo, shirka
Embigathi iyo ragga ku shiraaya halkaasi waa qaar
naftooda u il daran, ma jirto qasab la isku qasbo
wax dunida maanta, waxaynu haysana ilo kasta oo aynu
wax ku dhaqaajin karo, Soomaalidu waxay tidhaahda "Nimaan
waxa soo socon garanin waxa jooga ma garto" maanta
Soomaliya waxaa haysta waa "moral
destruction" inay afka ka yidhaahda
Somaliland waa inay shirka ka qayb gasho mooyaane
wax awood siyaasadeed ah oo dunida ay ku cadaadin
karaan in Somaliland dhaawac diblomaasiyadeed la
gaadhsiiyo ma jirto.
Midda kale ee aan jecelahay inaan
qoraalkaygani ku soo af jaro waxay tahay waar
nimankiinan SNM sheeganaaya ee leh kaadidaanu usoo
cabnay waddanka ma waddanka Yaan wax loo qaban ayaa?
waxaan arkaayey maalin dhawayd nin lagu magacaabo
Boobe Yuusuf Ducaale oo dhaliilaaya Gudoomiyaha
golaha Baarlamaanka Somaliland, waar waddanka aniga
shallay u dagaalamay lama joogo ee waxaa la jooga
maxaa maanta loo qaban kara, haddii lagu
xisaabtamaayo aniga dagaalamay ee ka aan dagaalamin
waxba ma qaban karo dunidu ma jirteen, Raggii europe
xoreeyey ee Hitler dagaalkii labaad ee dunida
jabiyey "D-DAY" kuma ay faanin ee
inta ay qoriga tiiriyeen ayey guntiga dhiisha iskaga
dhigeen inay sameeyaan dal dhis, iyo dibu heshiisiin,
sidoo kale waddanka Koonfur afrika qarniyo badhkii
ayaa madawgii waddanka u badna lagu taagna, waxay
sameeyeen is cafis iyo heshiisiin guud "general
reconcilation".
Waxaan qaba Boobe Yuusof maanta
ninka waddanka wax u qabanaya ha dagaalamo ama yaanu
dagaalamine ayaa wax u ah, wixii dhacay waa dhaceen
waxaana haboon in la iska cafiyo, la isku qiro, la
is ogaado wax halkay marayaan, toosinta iyo wax isku
sheegidu waa fiicantahay, laakiin dhaleecaynta
shakhsigu ma qabo inay tahay aftahanimo aad nagu soo
kordhin karto.
aan ku soo gunaanado:
Rabiyow dagaaliyo
dabley gaatamaysiyo
doofaarro badan baa
musduleedka joogee
kuwa diidey nabadiyo
belo laga ducaystiyo
manaxaan hanoo dagin
duulaan hanagu jebin.
Rabow dowladnimaduna
kuma iman dalxiisoo
doorroonayaal baa
u daldaley naftoodoo
dumar baa hugoodiyo
dahabkii u iibshoo
Doondoonisteedii
dhiig baa ku daatee,
Rabow dawlad curatoo
ubadkeeda deeqdoo
dakhrada bogsiisiyo
dawa la isku baantiyo
ka dhig malabka doocaan.
Rabiyow dirkeygii
gobolaa dambeeyoo
u dib jirey caddaawoo
darrayada gumeystuhu
daran-doori lagu dayey "SOOL SANAAG BERI BUHOODLE"
rabiyow ka soo daa
Dibin-daabyadoodoo
lixda dagal isu keen. SOOL, SANAAG, HARGEYSA,
TOGDHEER, AWDAL, SAAXIL
Rabiyo dadkaygana
danwadaag isjeceloo
darjaysa qarankiyo
bulsho laga dabqaatoo
Carro Edeg ku dayatiyo
ka dhig ul iyo diirkeed.