Khatarta Internedka iyo Caruurta Soomaaliyeed
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@rogers.com
Ottawa, Canada
Internedku waxa uu calaamad u yahay horumarka ay casriggan
bani’aadmigu ka gaadheen tiknoolajiyadda. Waa shabakad balaadhan oo aad ka
helayso macluumaad kasta oo aad u baahantahay. Waxa uu aad u fududeeyay
iswaydaarsiga macluumaadka iyo kala qaadashada wararka bani’aadmiga. Waxa
aad odhan kartaa waxa uu aduunka ka dhigay sidii xaafad yar oo kale. Inkasta
oo uu faa’idooyinkaas oo dhan leeyahay, hadana internedku waa meel madow oo
cabsi badan. Waa meel ay fududahay in si dhib yar loogu fidiyo danbiyada
waaweeyn iyo anshax xumooyin fara badan. Waa meel qofkii aan aad uga
digtoonaani uu ku dhex lumayo…. khaasatana caruurtu.!
Caruurta Soomaalida Iyo Internedka
Soomaalida qurbaha deggani si aad ah ayay u isticmaalaan
internedka. Aqaladda Soomalida qurbaha intooda badan lagama waayo
combuyuutar ku xidhan internedka. Caruurta iyo dhaliinyarada soo koraysa
ayaa u badan Soomaalida aadka u isticmaasha internedka. Caruurtaas qaar
badan oo ka middi waxa ay waqti aan yarayn ku qaataan goobaha wada
sheekaysiga internedka (chat rooms) iyo boggoga anshax xumidda (in
appropriate sites) ee aadka ugu badan internedka.
Waalid badani waa mooganyahay khatarta Internedka
Inta badan waalidku aad ugama war hayaan meelaha ay
caruurtoodu ka booqdaan inernedka iyo dadka ay caruurtoodu hawada kala
sheekaystaanba. Waalidiinta qaarkood waxaaba laga yaabaa in ay aad ugu
farxsanyihiin in ay caruurtoodu dul fadhiyaan combuyuutarka intii ay
dibadaha warwareegi lahaayeen. Hadii uu waalidku waydiiyo ubadkooda waxa ay
combuyuutarka ka dul qabanayaan…… jawaabta fudud ee ay ubadku bixiyaan waxa
weeye in ay casharadii iskuulka ku diyaarinayaan. Jawaabtaasi waa ay farax
galisaa waalidka laakiin mar kasta ma aha jawaabta runta ah!. Jawaabta runta
ahi waxa weeye in qaar ka midda ubadkaasi ay combuyuutraka u dul fadhiyaan
sheekooyin aan fiicnayan iyo daawashada waxaan khayr u lahayn aduun iyo
aakhiroba.
Fasaxa iyo internedka
Khatarta internedku waxa ay sii laban laabantaa waqtiga
kulaylaha oo ay ubadku fasax ka yihiin iskuulada. Kulayluhu waa waqti ay
caruurta firaaqadoodu aad u badantahay, meelaha ugu badan ee ay firaaqadooda
ku dilaana (lumiyaan) waxa ugu badan internedka. Sidaa daraadeed waa in
waalidku uu ku baraarugsanaado khatarta uu arinkani leeyahay.
Talooyin
Talooyinkan hoos ku qorani waxaan rajaynaaa in ay waalidiinta
ka caawin doonto sidii ay uga hortagi lahaayeen khatarta caruurtooda uga
iman karta internedka.
-
Waalidku waa in uu wax ka barto qaabka uu
internedku u shaqeeyo. Wacyi galintan waalidka waxaa door ka ciyaari
kara boggoga Soomaalida ee internedka iyo Soomaalida ku takhasustay
cilmiga kombuyuutrada oo is kaashata.
-
Kombuyuutarka waa in la dhigaa meel
muuqata sida fadhiga ama saalada cuntada oo kale. Ha laga ilaaliyo
kombuyuutarada makhsinada hurdada caruurta iyo meel kasta oo caruurtu ay
dareemi karaan in aanay ciddi arkaynin.
-
Waalidku ha isku dayo in uu caruurta la
fadhiisto ama ugu yaraan uu ka ag dhawaado waqtiyadda ay internedka ku
ku jiraaan.
-
Hadii aad caruurtaada ku aragto in ay
habaynkii waqtiyadda danbe ku soo jeedaan internedka, sidaaas oo kale
hadaad aragto in marka aad u soo gasho ay bakhtiinayaan kombuyuutarka
waxaad ogaataa in ay mushkilad faraha kula jiraan. Isku day in aad kala
hadasho kuna baraarujiso khatarta uga iman karata internedka, sidaas oo
kale u sheeg waxyaabaha aan u haboonayan in ay sameeyaan waqtiyadda ay
ku jiraan internedka.
-
Ubadkaaga u sheeg in ayna la sheekaysan
cid aanay si fiican u garanayan. Marar badan dad waaweeyn oo xumaan
raba ayaa si ay caruurta uga ugaadhsadaan internedka waxa ay iska
dhigaan da’ yar. Sidaa daraadeed waa in caruurta looga digaa khaarta ka
imana karta in ay caruurtu la shekaysataan cid aanay garanayan.
-
Waa in looga diggo ubadka in sawiradooda ,macluumaadka
shakhsiga ah sida reerkooda iyo telefonkooda meesha ay degenyihiin ay
siiyaan cid aanay garanayan. Marar badan waxa dhacda in sawiro la diray
loo isticmaalo hab ka baxsan anshaxa wanaagsan.
-
Waxaa intaa dheer asaasna ah in caruurta
inta ay yaryaryihiin lagu koriyo Ilaahay in ay ka cabsadaan,waayo
cabsida Ilaahay waa arinka ugu wayn ee caruurta iyo dadka waaynba ka
ilaalilnaya xumaanaha oo dhan.
Gabagabo
Internedku waa tiknoolojiyo horumar badan ku soo kordhisay
ban’iaadmiga, laakiin khatartiisuna ma yara sidaa daraadeed waa in laga
faa’idaystaa wanaaga badan ee ku jira waana in laga digtoonaadaa xumaanaha
badan ee dhex yaala. Ilmahaaga habayn badow ku sii dhex dayn maysid meel
khatar ah sidaa dareedeed caruurta yaan lagu ilaawin internedka dhexdiisa.
Mahadsanidin
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@rogers.com
Fiiro Gaara
Maqaalkan waxaan ku dhisay waraysiyo badan oo aan la yeeshay
qaar ka midda ubadka Soomaaliyeed ee isticmaala internedka. Ubadkaas qaar ka
mida oo da’doou aaanay ka waynay 12 sano ayaa waxa ay ii sheegeen in liiska
saaxibadooda internedka ay ugi jiraan dad gaadhaya 150 qof oo aanay intooda
badan garanayan.
Mahadsanidin markale.
QISADAN
CARRUURTAADA U AKHRI... GUJI
Xagee Emailka Lagaaga Soo
diray... ...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com