SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
Qore: Cabdi cabullahi

Dahabo Dawlo inay iska ceeb-qarsataa la qaatay.
 
ILAAHAY baa mahad baa mahadleh naxariis iyo nabad-galyana korkiisa hayeelo nabigeenii suubanaa (scw).
 
Dadka webkan maamula iyo inta ku taxan ee wanaagga ka barata ama ku taageertaba  waxaan ilaahay idiinka baryayaaa guul adduun iyo aakhiraba.
 
Runtii ma aanan ahayn dadka waxii la qoro jawaab ka bixiya sababtoo ah muddo ayaan u sugaa ilaa 3 bari ah bal in cid igu dhaanta aqoon ay ka digto ama u jawaabto, markaa hadii cidi ka digto waajibkii waxaa gutay qofkaas anigana iima aha inaan dabo dhigato wax laga digay ood waqti aan isaga lumiyo. markaanse waayey cid kadigta kan waan ku khasbanaaday inaan DIGNIIN bixiyo.
 
Arrinta maqaalkan iga soo qorsiisay ma'aha wax fudud,  Waxaa jirtay gabadh loo han weynaa oo mar mar wax kusoo qori jirtay boggaga soomaalida DAHABO CIISE DAWLO marka iyadu way khaldami kartaa oo waa banii aadam waxaanse aad uga yax yaxay qaabka loogu soo qoray ciwaanka maqaalkaas farata waa weyn, SOMALITALK taasoo kuu caddaynaysa sida raalli looga yahay. maqaalku si guud buu u khaldan yahay.
Hadii qofka maqaalka leh ahaan jiray ruux fiican ma waxaad moodeen inuu istaahilo in waxkasta laga qaato.
 
waxaa jirtay xilligii nabiga (scw) naag sharaf leh oo reer BaniMakhsuum ah baa wax xadday ( TUUGO lagu helay) saxaabadii qaar kamid ah waxay dheheen " naagtu sharaf bay lahaan jirtaye si aan gacanta looga goynin yaa ka maslaxa nabiga " waxay u dirsadeen  Usaama bin Seyd oos nabigu jeclaa si uu ugu maslaxo naagta tuugada lagu helay. Nabigu (scw) markuu ka warhelay arrinkii ayuu wajigiisii guduutay CADHO daraadeed, Wuxuuna yiri " ma waxaad iiga shafeecaysaa inaan iska cafiyo xad iyo xuduud ILAAHAY gooyey"  dadkii buu u yimid nabigu scw wuxuuna ku yiri "dadaw waxaa halaagay kuwii idinka horeeyey waxay ahaayeen kuwo markuu mid miskiin ahi dabi galo aan cafininee ku ooga xukunkiisa , hadiise kooda sharafta lihi danbi galana iska cafiya.  ILAAHAY baan kudhaartaye haday Faadumo bintu Muxammed waa gabadhaydee wax xaddo gacanteeda waan goynayaa"  sidii baana naagtii reer banii makhsuum eetuugada lagu helay xukunkii lagu fuliyey. meeshaa waxaa inooga cad qofna sharciga kama sarreeyo.
 
# Dahabo waxay inoo sheegtay qise iyada qabsatay, laakiin qaabka ay usoo qortay uma muuqato digniin ee waa faaxisho la fidinayo, sababtoo ah waxay inoo sheegtay, inay nin la haasaawaysay mudo saddex toddobaad ah, ma xuma oo xaq bay u leedahay inay nin la haasaawdo, laakiin waxay soo qortay u fiirso. uma muuqato qof caqli ku shaqynaya iyo cilmi toona.
waxay tiri E-mailka la iisoo diray wax-yar buu ka badelnaa midkaan dumaashay ku aqaannay, dunida ma ka jiraa e-mail ama magac aan isuu ekeyn? maxaa u geeyey? takale hadaysan lix bilood dumaashideed u jawaabin siday inoo sheegtay, sidee bay ku dhacday gabadha ay sidaa u sharaf tirtay una jawaabi wayday 6bilood inay ku aaminto mustaqbalkeeda oodhan maadaama ay qaadatay taladeedii ahayd ninbaan kuu hayaayee raac.
 
# Hadayba dumaashideed ku ogaatay inay tahay naag xun oo dubai ragga kula tumata maxaa iyada daba dhigay ka sal gaarridda iyo dabo galka xaaladaha dadka, maqaalka waxaa ka muuqda inay iyaduna waa Dahabo dawlee la-dhacday sida dumaashideed u dhaqanto waxayna inoo sheegtay inay maqli jirtay DUBAI WAA LOO TUMASHO TAGAA
ma waxaa ladhiirri galinayaa naagaha qurbaha inay DUBAI tumasho u raadsadaan mise paltalk baa looga digayaa? qofkii caqli lihi wuu garan karaa ujeedada ka muuqata.
 
# Ninku wuxuu ku hadlayey erayo xadka shukaansiga ka baxsan oo SINO ah siday inoo soo qortayna Dahabo waxay tiri  ' wuxuu ila galay ninkii haasaawe iyo raaxaysi ANNA WAAN LA JIIBIYEY" taasooy macneheedu tahay inay SINADII kala qayb qaadatay, ogow sino ma'aha ookaliya taynu naqaano, ee waxaa DHILLANIMADA kamid ah in qofku hadal sino ah ku raaxaysto, inuu arko , inuu taabto IWM
waxay inoo sheegtay inay xataa sawirkeedii  u dirtay. OGOW ninka sidaas ah waa DHILLAY ama SAANI, haduu iyada khayaanay ooy ku dhacday dabinkiisii waxaa laga rabay inay toobad keento, inay wixii xumaan ah ILAAHAY dartiis u qarsato si aysan ummada ugu fidin, balse ay si cilmiyeysan ummadda ugu digto. marka maadaama aan gabadha ku ogayn maqaallo fiican hade faraskataa oo fiican mar buu kufaa iyaduna maqaalkan way ku khaldanayd ee cudur-daar iyo toobad keen halla timaaddo. hana laga saaro bogagga ay haddaba ku jiraan ileen qaabka loo qoray maqaalka digniin uma muuqdee.
 
# Dahabo khayaanadii ninka way fahantay waxaase iga yaabisay wali kamayna quusanin sababtoo ah waxay ina tiri "ninkii wali waa isla qummanyahay oo waa idabo-socaa  oo wuxuu i leeyahay aan is-guursanno  anna go'aan kama gaadhin oo waxaan go'aan ka sugayaa akhristayaasha wixii laga yeeli lahaa"  waxaa taa ka fiicnayd inaad sugto ood ninka sawirkiisa noo soo dirto si ciidamada loogu jaado (xidho) markaa isagoo dabin inoo galay aad sheekada oo cilmiyeysan inoo soo qorto wixii danbi ahna aad kasaarto.
 
Talada hada waa sidaan kor ku xusay ninka arrinkiisa public kasoo dhig, sawirkiisii hadaad haysana ciidanka kuugu dhaw u dhiib,  waqtigii xidhiidhkiinana lasoco si looga OGAADO khadkuu kaala soo xidhiidhay waajibkiisana loo mariyo. adiguna waad danbaabtaye hadee khayr ALLAHA kusiiyee toobadkeen oo ha u noqonin. ogowna daba-galka qaarkiis waa lagu danbaabaa ee iska jir.
waxa aan wax kasheegay waa maqaalkaaga iyo intaad noo sheegtayba inay khaldanaayeen in qaabkaas loo qoro, sida erayada qaarkood oonan xataa awoodi karin inaan halkan ku muujiyo. laakiin waan ku qaddarinaynaa wali oo banii aadamku waa khaldami karaa, balse waa in maqaalka wax laga soo badelo waayo gabdhaha yar yar wuxuu barayaa xumaan aanay horay u aqoonin adiguse waxaad is leedahay udig. meesha aan ka soo horjeedo waa taas qaabka aad sheekada u soo qortay digniin uma muuqato, waaana aniga aragtidayda.
 
mahadsanidiin
 
Qore: Cabdi cabullahi

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD