SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MUSUQMAASUQ - LA DIRIR


Garoowe: Ka maqnaanshaha madaxda dawlada Puntland ee Caasimada oo aysan tabin.

  • Faalladii SomaliTalk.com | Garoowe | May 10, 2007

Tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka ku kala dhexjira madaxda dawlad GPL gaar ahaana Baarlamaanka iyo xukuumadda kaasi oo dhaliyay in golaha xukuumaddu ay si dadban uga guuraan Caasimada ayna ku sii shaqeeyaan Magaalada Boosaaso ayaan jirin wax is bedel ah oo ku yimaada Caasimada iyada oo ay xilligana ka da'ayaan roobab mahiigaan ah oo labadii habeen ee ugu danbaysayna ay si is daba jooga ah uga da'ayaan roobab lagu diirsaday.

Dad waynaha ku dhaqan Caasimada ayaa wax iska waydiinaya waxa ay iminka kala maqan tahay hadiiba laga qaado Caasimada lagu duudsiinayo xaqooda.

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka DGPL, Salad Xareed Cali, ayaa May 1, 2007 sheegay in Dhagxaan si sharci darro ah looga dhoofiyo Boosaaso.
Halkan ka dhegeyso

Golaha baarlamaanka ee joogtada ah ayaa ugu baaqay in ay si dhakhso ah ugu soo xaadiraan madaxda dawlad Goboleedka Puntland xafiisyadooda hadii kale ay kal fadhiga baarlamaanka horgayndoonaan kalfadhiga soosocda hadalkaas oo aysan dhagjalaq u siinin. [Waraysi uu Salaad Xareed Cali siiyey Raadiye Darwiish May 5 2007 oo ahayd shan maalmood ka dib markii baaqaa loo jeediyey wasiirada, ayaa la weydiiyey inta wasiir ee shaqadooda kusoo xaadiray, waxa uu ku jawaabey in Guddiga Joogtada ah waxay sheegeen in saddex wasaaradood oo keliya ay joogeen magaalada Garoowe, tirada wasaaradaha Puntland waa 16...[ Halkan ka dhegeyso kormeerkii Wasaaradaha Garoowe.]

Si kastaba ha ahaatee Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaan ilaa iyo iminka tabin ka maqnaanshaha laamaha dawladda gaar ahaan Golaha wasiirada ee iminka ku maqan sida ku meel gaarka ah waa sida ay iyagu hadalka u dhigeene.

Fawdadii oo istaagtay.

Sida ay dad badan iclaamiyeen waxaa is taagay habeenadii ugu danbeeyay fadqalaladii iyo fowdadii ka jirtay Magaalada Garoowe iyada oo la arki jiray xiliyada qaar burcad habeenkii u istaagtay dadka dariiqyada kuwaasi oo baaritaan ku sameeyay iyaga oo si gaar ahna u ugaaranaya qalabka loo yaqaano Mobilka.

Tan iyo wixii ka danbeeyay ka tagitaanka Golaha wasiirada ee Puntland ma jirin wax burcad iyo wax tuugo ah. Waxaana jira dadweyne arrimahaas ku eedaynaya qaar ka mid ah ilaalada Wasiirada iyaga oo ula wareegay fawdadii ka jirtay Garowe dhankaasi iyo Bosaso.

Dhanka kale waxaa Arbacadii Magaaladaasi Bosaso tuulo u dhaw oo lagu magacaabo Xiriiro lagu afduubtay labo ajnabi ah oo u shaqaynayay haayada Care Interanational kuwaasi oo waday hawlo samafal ah.

Labadaan nin ee la afduubtay ayaa u kala dhashay wadamada England iyo Kenya ilaa iyo hadana lama garanayo sababta loo afduubatay iyo cida ka danbaysa afduubka raggan ajnabiga ah ee la afduubtay. Laakiin waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in ay la xiriirto doonyo lagu ganaaxay Magaalada Boosaaso.

  • Shaqaale Ajnabi ah oo lagu af-duubtay Puntland
  • Shirkii Buurtinle oo la soo gaba-gabeeyey.
  • Masar: Goloha shacabka oo ka dooday doomo lagu haysto Puntland:
  • Roobab lagu Qaboobey oo xalay ka da'ay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug
  • Halkan ka akhri.......

SomaliTalk.com | Garoowe | May 10, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD