SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Hambalyo ka timid Aqoonyahanada Jaaliyadda Leelkase ee UK

KU:-MADAXWEYNAHA               DGPL.         21/11/06

OG:-GOLAHA XUKUMADDA          DGPL. 
OG:-GOLAHA BARLAMANKA        DGPL. 
OG:-CULUMO UDIINKA                 DGPL.

Annagoo ah aqoonyahanada hoos ku xusan waxaan hambalyo dirneynaa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo asagu qaatay tillaabo ku dayasho mudan iyo culumaa’udiinkii iyo waxgaradkii kale ee suurageliyey in go’aankan taariikhiga ah ay qaataan.

Soomaaliya inta taariikhda lagu hayo ma aanay dhicin in maamul dhisan uu qaato talooyinka wax-ku-oolka ee waxgaradka ama shacabkuba uu u soo jeediyo. Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Cadde Muuse oo ah in Puntland lagu dhaqo shareecada diinta islaamka, waa tallaabo muhiim ah oo waddankeena u horseedidoonta caddaalad iyo horumar ay ku naaloodaan jiilalka soo socda.

Haddab waxaan hambalyo iyo bogaadinba u direnaa Madaxweynaha Cadde Muuse oo qaatay go’aan geesimnimo leh kaas oo wax tar u ah ummadda reer Puntland iyo Soomaaliya guud ahaanba. Waxaa rajeyneynaa iney wareegtadu u hirgasho sidii loo soo saaray si cadaalad iyo horumar loo gaaro. Waxaan kaloo ku boorrineynaa qaybaha kala duwan ee maamulka puntland iyo culumaa’udiinka iney dhakhso u hirgaliyaan ku dhaqanka shareecada diinta islaamka oo ah tan kaliya oo horumar lagu gaari karo. 

Waxaan kaloo ku talineynaa in laga fogaado wax kasta oo dhalinkara dagaallo, buruburna u horseedi kara ummadda Soomaaliyeed. Wax kasta oo khilaaf ah oo jira waa in lagu dhammeeyaa wadahadal iyo isu tanaasul.

Hambalyadan waxaa diray aqoonyahanada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:- 

  1. Dr. Hashi Muse Kaarshe
  2. Dr. Abdisalam Sheikh Hassan
  3. Dr. Ahmed Farah Muse
  4. Dr. Abdirizaq Mohamud Takar
  5. Eng. Hassan Ahmed Ali ( Hassan Mattaan)
  6. Eng. Abdiaziz Ali Ugaas
  7. Eng. Omar Abdinur Nuh
  8. Eng. Abdulkadir Mohamud Nuh
  9. Abdirizaq Mohamud Ugas
  10. Abdullahi Farah Da’ud
  11. Warsame Ahmed Ali
  12. Mohamed Ahmed Abdinor

Iyo rag kale oo badan oo aduunka oo dhan kala jooga.

La xiriir: Xasaan mataan axmed | mattaan007@googlemail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2006


Sida looga arkay Puntland ku Dhawaaqida Dowlada ee ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
Waxaa aad looga soo dhaweeyey Puntland hadalkii shalay kasoo yeeray DGPL, marka laga reebo... Akhri Warbixinta...

Waraysi Sh. Maxamud Qorane ay SomaliTalk layeelatay
kadib markii lasiidaayey isagoo maalin iyo habeen ku xiraa Dekada Boosaaso... Akhri Waraysiga...

.Beesha MOORCASE: Baaq ku dhaqan Shareecada Islaam
.Hambalyo iyo Taageero ka timid Beelaha Cali Saleebaan

»
Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD