SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

MADAXWEYNAHA INTERPOL, AHNA TALIYAHA POLICEKA K/AFRIKA OO SHAQADA LAGA FARIISIIYEY SI KMG AH , DACWADNA LAGU SOO OOGEY.

JACKIE SELEBI, WAA TALIYAHA POLICEKA K/AFRIKA, IYO MADAXWEYNAHA POLICE-KA ADDUUNKA INTERPOL, JAN 12, 2008 AYAA SI KUMEELGAAR AH SHAQADII K/AFRIKA LOOGA FARIISIIYEY, IYADOO MAALMO GUDAHOOD EEY MAXKAMADI KU BILAABANAYSO. KIISKA Selebi WAA MID LEH XASAASIYAD SIYAASADEED.


Jacob "Jackie" Selebi
Sawirka:
www.thetimes.co.za
  1. Mbeki kabo kooyo ah ma kuu iibshay??

  2. Selebi saaxiibkiis waa kuma, maxaana lagu heystaa???

  3. Kiiska Selebi iyo siyaasada maxaa kala khuseeya???

Sida uu maanta (Jan 12, 2008) ka sheegey shir jaraa'id oo lagu qabtey madaxtooyada K/Afrika, madaxweynaha dalkaasi Thabo Mbeki, taliyaha police-ka Jackie Selebi ayaa si kumeel gaar ah xilkii looga qaadey (fasax dheer=extended leave), isla markaasna booskiisa la geeyey nin si kumeel gaar ah u haaya jagadaasi (Timothy Charles Williams).

Mbeki oo daqiiqado kooban la hadlayay darsino saxafiyiin ah oo si hantaag ah iyo halhaleel ah afkiisa warka oga koobinayay, ayaa sheegey in Selebi uu isagu qudhiisa sidaasi ka codsaday in fasax la siiyo, si buu yiri dacwadeyntiisa eeysan hagardaamo ugu noqon shaqada ciidamada amaanka dalka, islamarkaasna eeysan magac xumo ugu soo jiidin xoogaga police-ka. Mbeki oo aad afkiisa oga dhowrayay hadal qadaf ah oo si kale eey saxaafadu u fasirato, ayaa 4 su’aal oo kaliya ogolaadey in uu ka jawaabo, 4tii wariye ee fursada u heshay in eey su’aalaha weydiiyaan ayaanan waqti badan kaga lumin in eey afka ku balbalaariyaan weydiimaha baddaha harqinaya (tiradooda kaliya). kuwooda ugu xasaasi-san ee sanooyinkanba saxaafada dalkani bogaga hore eey kusoo daabacaysay, su’aalaha la weeydiiyey ayaa waxaa ugu xiiso badnaa mid quseysay isla Mbeki, oo aheyd “MUDANE WAXAA LA SHEEGEY IN NINKA MAFIYADA AH EE XUKUMAN EE Selebi LAGU HEYSTO IN UU XARIIR LA LEEYAHAY UU ADIGA KUU GADAY KABO KOOYO AH, MA JIRTAA ARRINTAASI???”. Markii su’aasha eey wariyaha afkiisa kasii dhamaanaysay ayaa hoolkii oo dhan qosol jaanta la rogey, oo xitaa Mbeki ayaa qosley, wuxuuna ku jawaabay "ANIGA MA GARANAYO HALKA AGLIOTI UU KABO IIGU GADAY, IYO HALKA AAN KU KULANAY, MALAHA ADIGAA XOG KA HAAYA".

Arrintani kabaha kooyada ku saabsan ayaa waxay ku jirtey qoraalo uu maxkamad usoo gudbiyey ninka cadaanka ah, ee lagu heley dambiga ah in uu daroogada (maandooriyaha) ka ganacsado, ee lagu magacaabo Glen Aglioti ee iminka Selebi lagu heysto in eey saaxiibo ahaayeen, TV-ga E-TV ayaa baahiyey muuqaalo muujinaya Mbeki oo soo dhaweynaya madaxweynaha dalka Congo Kabila oo xirran kabo aad ugu eg nooca kabaha [Leather Shoes oo maqaarka laga sameeyo] uu Agliotti sheegay in saaxiibkiis Selebi uu isaga ugu iibiyey saaxiibkiisa kale ee Mbeki.

Selebi ayaa wajahaya maxkamadayn, balse isaga oo jeebeysan ma imanayo maxkamadda, ee waa la war galinayaa oo kaliya, waa mushaari oo waa nin shaqo fasax ciidan ku jira illaa maxkamaddu eey dambi ku heleyso. Dacwada lagu heysto ayaa ah in uu ku lug leeyahay kooxo burcad ah oo abaabulan oo mafia aduunka oo dhan ka shaqaysa, musuq wax is daba marin iyo difaaca dhamaadka ama gunaanadka sharciga oo la fulinaya. Arrinta ugu weyn ee cadayta la oran karo ee Selebi lagu haayo ayaa waxaa ka mid ah in uu si cad saxaafada oga qirtey in uu saaxiib la yahay ninka cadaanka ah ee ku xukuman maandooriye ka ganacsiga Glenn Agliotti, eeyna ku socoto dacwad ku saabsan dilka nin bilyan dheer ahaa oo la oran jirey Brett Kebble oo la khaarijiyey September 2005.

SELEBI IYO XASAASIYADA SIYAASADEED.

Dhowr jeer oo hore ayaa la isku dayay in Selebi la maxkamadeeyo oo loo jaray waaran xarig, hase yeeshee markasta Mbeki ayaa eryayay xeer-illaaliyaha guud ee markaasi waaranka jara, midi ugu dambeysay Selebi ayaa waxaa waaran xarig u jaray bishii 9aad ee 2007 Vusi Pikoli oo ahaa Xeer-illaaliyaha guud, (Mbeki oo aan ka warqabin), isla markii laga war heley Mbeki ayaa xilkii ka eryey, waana goortaasi marka eey arrinta Selebi eey cirka isku shareertay oo noqotey arrin xasaasiyad siyaasadeed leh eey noqotey, waayo hey’ada xeer–illaalinta ee NPA (National Prosecuting Authority) waa hey’ad uu Mbeki sameeyey, waxaa ka hoos shaqaysa NPA hey’ad kale oo sida sirdoonka u shaqaysa oo la yiraahdo SCORPION (dib qalooc), labadani hey’adoodna waa kuwa hoggaanka u hayay kiiska (dacwad) Zuma.


Brett Kebble (bidix) waxa uu xiriir soke la lahaa Jacob Zuma, oo ahaa madaxweyne kuxigeen hore, kaas oo loo malaynayo in uu bedeli doono madaxweynaha hadda ee K/Afrika Thabo Mbeki.. Sawirka: http://www.nytimes.com March 15, 2007

Sidaasi darteedna waxaa Mbeki lagu eedeyey in uu hey’adihii garsoorka qaranka u adeegsanayo dadka eey siyaasad isku hayaan, kuna difaacayo kuwa eey xulufada yihiin sida Selebi oo kale.. Malaha arrinta kasii muhiimsaneyd ayaa ah markii isla hey’adahaasi eey dacwad musuq kusoo oogeen Zuma oo hadda ah madaxweynaha xisbiga talada haya ee ANC, dacwaddaas oo la soo oogey 7 maalmood uun kadib markii uu Mbeki xilkaasi doorasho kaga guuleystay; iminka (Jan 12, 2008) oo xiligaasi laga joogo 10 bari umbaa eey NPA sheegtay in Selebi uu maxkamad korayo (wallow aan waqti wali loo qaban).

Mar kale malaha arrinta taasi kasii xiiso badan ayaa ah in sargaalkii ugu sareeyey ee gacanta ku haayey baaritaanka dambiyada Selebi lagu heysto xabsiga lasoo dhigey oo 20 ciidanka police-ka oo aad u hubeysan eey ka kaxeeysteen gurigiisa hortiisa (ciyaalkiisa iyo xaaskiisa oo daawabnaya), sargaalkani ayaa ka mid ahaa hey’ada Scorpion oo madax oga ahaa gobolka Guateng, waxaana ku socota hadda maxkamada dacwad la xariirta in uu shirqii ku maleegayay rag asxaabtiisa ah oo uu sharciga isagoo ku gabanaya baaritaano ku waday.

Dhanka adduunka, ninkani (Selebi) waa madaxweynaha police-ka adduunka INTERPOL, mar Mbeki la weeydiiyey sida eey arrintaasi u saameynayso shaqo ka fariisiga Selebi ayuu sheegey in taasi uusan isagu shaqo ku lahayn oo INTERPOL eey u taalo, oo iyadu eey xilkaasi u dooratay, iyada eey tahay in talaabo eey ka qaadato, Interpol ayaa iyada lafteeda laga soo xigtey in ey tiri ku dagdagi meeyno wax hadal ah, markii eey wax kala cadaadaan ayaan go’aan ka gaari doonaa.

  • Selebi markii dambe waxa uu isk acasiley hoggaankii uu u ahaa Interpol.

C/NASIR AXMED. SAXANSOXO Email: saxansoxo1@hotmail.com, Johansburg, South Africa.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


JACOB ZUMA OO DACWAD MUSUQ LAGU SOO OOGEY IYO TAAGEERAYAASHIISA OO DOWLADU KU EEDEYNAYA SHIRQOOL SIYAASADEED.

TODOBAAD UUN KADIB MARKII SI AQLABIYAD AH UGU GUULEYSTEY MADAXWEYNENIMADA XISBIGA TALADA HAYA K/ARIKA ANC, AYAA JACOB ZUMA WAXAA LAGU SOO OOGEY DACWAC MUSUQ IYO WAX IS DABA MARIN AH___WAQTIGA DACWADA LAGU BEEGEY, WAQTIGA MAXKAMADA LOO BALAMIYEY OO SU'AALO KEENEY??

Dec 30, 2007: Jacob Zuma, 62 jir, waa madaxweynaha xisbiga talada haya dalka K/Afrika, ee ANC, xilkani oo uu kaga guuleystey todobaad ka hor (Dec 19, 2007) doorasho dhacday madaxweynaha dalka ee Thabo Mbeki ayaa (Dec 29, 2007) gurigiisa Johansburg la geeyey waraaqihii lagu wargalinayay in lagu soo oogey dacwad musuq ah, oo maxkamadeynteedu loo balamiyey bisha 8aad ee sanad 2008, sida uu sheegey garyaqaanka Zuma, Mecheal Hulley, waraqadahan ayaa waxaa keeney xafiiska garyaqaanka ee hey'ada garsoorka ee la yiraahdo NPA (national proscuting authority).

Dacwadani ayaa ah laaluush, musuq iyo lacago si qaldan loo xawiley, iyo guud ahaan wax is daba marin, dacwadani ma ahan mid cusub, sanad ka hor ayaa dacwadani maxkamad eey ka saartey diiwaankeeda ka dib sanado eey Zuma maxakamad ku socotey balse eey saraakiisha garsoorka keeni waayeen cadeymo ku filan oo Zuma lagu xukumi karo, hase yeeshee hey'ada sirdoonka iyo howlgalada qarsoodida ah ee sida Sirdoonka uga hawl gasha dalkani ee la yiraahdo SCORPION (DIB QALOOC), ayaa waxay bilo ka hor u dhacday (oo dhex galeen) dhismayaal uu lahaa Zuma iyo garyaqaanadiisa oo eey si sharci daro ah oga soo qaateen tukumiindiyo eey sheegeen in eey cadayn u yihiin dambiyada lagu eedeynayo Zuma, arrintaasi oo garyaqaanada Zuma eey maxkamad la koreen , hase yeeshee maxkamada sare eey xukuntay in NPA eey isticmaali karto cadaymaha eey heyso, taasoo aheyd bilowga maxkamadaytan cusub ee Zuma lagu bilaabayo.

Taageerayaasha Zuma ee kala ah ururka shaqaalaha ee COSATU, iyo ANCYL iyo xisbiyo kale oo badan ayaa ku sheegey dacwadan cusub ineey tahay wax lasoo maleegay, oo la doonayo in lagu sharaf rido Zuma si looga hor istaago in uu madaxweyne ka noqdo dalka sanada 2009ka, waxayna intaasi ku dareen in hey'ada garsoorka eey tahay mid ku shaqaysa afkaaro siyaasadeed oo dad gaar ah eey leeyihiin (taasoo laga fahmayay ineey ula jeedaan Mbeki), isla markaasna eeysan ku taagneyn wadadii sharciga aheyd ee dastuurka.

Arrinta ugu muhiimsan ee laga diidey ayaa aheyd waqtiga dacwada lagu soo beegey oo ah 10 maalmood ka yar markii uu guusha xisbiga heley, iyo sidoo kale xiliga maxkamada loo balamiyey oo 8 bilood ka horeysa xiliga eey dhacayso doorashooyinka madaxtinimo ee 2009-ka ee la filayo inuu isagu ku guuleysan lahaa hadii dacwadani aan meesha la keenin, maadaamaa waqtiyadan lala eegtey dacwadiisa eey hubanti tahay in uu jiro shirqool siyaasadeed oo xilka looga hor istaagayo, waa sida eey sheegey dadka isagu taageersan.

Hey'adani garsoorka iyo tan sirdoonka iyo howlgalada qarsoodida ah ayaa in dhawaalaba waxaa lagu eedeynayay ineey yihiin labo hey'adood oo madaxweyne Mbeki u samaystay in uu ku dhibaateeyo dadka eey siyaasad isku hayaan sida Zuma oo kale, arrintaasna waxay cirka isku sii shareertay markii bilo ka hor garyaqaankii guud ee NPA uu waaran xarig u jaray Jakie Selebi oo ah taliyaha policeka dalka dacwad la xariirtey xariir la sheegey inuu la leeyahay mafiyada aduunka iyo gaangiistariinta galbeedka ee ka ganacsada koontarabaanka sida daroogada oo kale, hase yeeshee shaqadii uu madaxweynuhu ka eryay xeer ilaaaliye Vusi Pikoli , ka hor inta aanan ba lasoo xirin Selebi (oo sidoo kale ah madaxweynaha INTERPOL, policeka aduunka), eryidaasi xeer ilaaliyaha waxaa loo qaadey in Mbeki uu difaacayo saaxiibkiis eey isku kooxda ka yihiin xisbiga talada haya ee ANC , iminkana waxaa dalka xeer ilaaliye ka ah nin si kumeel gaar ah uu Mbeki u magacaabey, taas ayaa keeneysa in laga shakiyo daacadnimada NPN iyo SCORPION.


Madaxweynaha ANCThabo Mbeki (bidix) oo u hambalyaynaya madaxweynaha loo doortay ANC ee Jacob Zuma - Sawirka: Reuters

Jacob Zuma oo dad badani eey naqdinayeen ayaa muujiyey mug iyo miisaan hogaan wanaaagsan, kadib markii si layaab leh uu kaga hadley khudbadii ugu horeysay ee uu jeediyey kadib doorashadiisii, wuxuu ka hadlay mideyta xisbigiisa labada garab u kala jabay ee garabkiisa ey guushu raacday, oo mar uu ka hadalayay xariirka ka dhaxeeya isaga iyo Mbeki oo uu ka reeyey, si weyne loo faafiyey in xariirkoodu uu burburey, ayuu yiri (MBEKI, MY BROTHER, MY COMRADE, MY FREIND, AND OFCOURSE MY LEADER=MBEKI WAA WALAALKEEY, DHIGEYGA, SAAXIIBKEEY, IYO DABCAN HOGAAMIYAHEEYGA). Intaasi markii eey afkiisa kasii dhamaaneysey ayaa kumanaan ergey oo goobtii lagu doortey joogey mar kaliya qoob iyo qeylo isku dareen si farxadeed. Zuma ayaa sidoo kale sheegey ineeysan jiri doonin isbedel xagga dhaqaalaha oo beeniyey warar been ah laga faafiyey.

Zuma, halyey soo halgamay, 10 sano ku xirnaa jasiirada Roben island, inta badan cimrigiisa ku qaadey halgankii loo galay ka xoreyta K/Afrika nidaaamkii midab takoorka, kuna biirey ANC isagoo 17 jir ah, kana soo jeeda qowmiyada ugu tirada badan dalka ee boqortooyada leh ee ZULU, ayaa maxkamadeyntiisu waxa eey hubanti la'aaan ku keeneysaa degenaanshaha dalkani afrikaka ah ee dhaqaalihiisu la mid yahay wadamo qaarkood ee qaarada Europe, eeysana jirin wadan afrika ku yaala ee la dhaqaale ekeeya, markii uu ANC madaxweyne u noqdeyna dadkii hambalyada iyo goobaadinta u direy waxaa ka mid ahaa aabaha qarankan ee NELSON MANDELA oo Zuma ku sheegey halyeey taariikhda baal dahab ah ka galay.

c/nasir axmed sh. bashir,( saxansoxo),
Email: saxansoxo1@HOTMAIL.COM, Tell: +27767059384., johansburg south africa.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2007


Dareenka Soomaalida K/Africa iyo Doorashadii Madaxweynaha Cusub ee ANC, Zuma...

Soomaalida dalkani Koonfur Africa ku nool ayaa si weyn u aaminsan in Zuma uu ka saari doono dalka, ganacsiyadodana ku wareejin doono dadka dalka u dhasahy, hase yeeshee ra'yigaasi ma ahan mid hubanti ah, mana jirto cid si rasmi ah arrintaasi u shaacisey, dadka Zuma taageerana waxay leyihiin waa dacayad laga faafiyey, hadaba aan dib u yara eegno hal qodob oo qeer sheeg ah. AKHRI....


Barnaamijka (June 2) Laga Baahiyey TV-ga Australia ee ABC1...

ABCDilkii Brett Kebble oo ahaa Ganacsade Macdan Sahaminta iyo Xiriirka ka dhexeeya Ganacsade reer Australia oo la doonayo in Koonfur Afrika la geeyo?...

Barnaamij loogu magac daray "Bad Company" ayaa June 2 waxaa laga baahiyey TV-ga Australia ee ABC1, gaar ahaan barnaamijkiisa "Four Corners" oo soo galaya 8:30 pm…

Barnaamijkaas ayaa ku saabsan baaritaan TV-gu ku sameeyey dilkii Brett Kebble oo 2005 lagu diley magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika. Waxaana TV-gu hor dhac ahaan u xusay in ay soo shaac bexeen eedaymo sheegaya in Kebble uu lacag laaluusha ah oo dhan US$1 million uu siiyey madaxii Booliska Koonfur Afrika ahaana hoggaamiyaha Interpol, Jackie Selebi.

Waxa kale oo TV-gu xusay in uu daah furay sidii uu ku soo caan baxay ganacsigii Brett Kebble [oo ahaa ganacsade ka lacagaystay xagga macdan sahaminta/qodista/mining] iyo siduu ku dambeeyey iyo xiriirka ka dhexeeyay nin Ganacsade ah oo reer Australia ah oo hadda dagaal ugu jira sidii uu uga badbaadi lahaa la geeyo Koonfur Afrika... [Brett Kebble waxa uu dhashay February 19, 1964; waxaana la toogtey isagoo gaari watay September 27, 2005.]

Waa kuma ganacsadahaasi, xiriirkaasi waa mid noocee ah, maxaa keenay in la yiraahdo hala geeyo Koonfur Afrika, macdan sahaminta uu ka maalka ka helay ninka lagu diley K/Afrika xiriir caynkee ah ayaa ka dhexeeya ganacsadaha reer Australia... Akhri Transcript barnaamijka

Si aad wax uga sii ogaatey ninka la diley iyo xiriirka saraakiisha sare ee Koonfur Afrika hoos ka akhri.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS