SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NUURUDDIIN

ARAGTIDA NUURUDDIIN FAARAX IYO AFKAARTA XASAN DHOOYE (Abuu Xafso).


Qore: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
ayaandhalad5@hotmail.com


Waxaan www.somalitak.com ka akhriyey maqaal naqdi-weerar ah oo uu Xasan Dhooye qoray ciwaankiisuna yahay "Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxibkiis". Aad ulama yaabin weerarka kulul ee qoraaga weyn ee Soomaaliyeed lala beegsaday, waayoo maqaal-qoraha wuxuu aragtidiisa ku saleeyey diinta Islaamka oon ognahay sida naloo faray difaaceeda. Laakiin halbaa meesha iiga soo baxday, in qoraha maqaalka iyo Nuuruddiin Faarax dhaqan ahaan kale fogyihiin aragti ahaan iyo deegaan ahaanba.

Qoraaga maqaalka waxyaabaha uu Nuuruddiin ku dhalliilay waxaa ka mid ah in gaalka Alle caasiyey, Salmaan Rushdi, uu akhriyey buug ka mid ah buugaagta qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed, Nuuruddiin Faarax, dabadeedna uu ku tilmaamay inuu Nuuruddiin yahay mid ka mid ah qoraayaasha ugu fiican Afrika. Anaaba lafteyda "Secret" akhriyey oo uu Caasigu, Salmaan Rushdi, ku tilmaamay sheekooyinka sanadka - 1998, midkii ugu fiicnaa inuu yahay. Waxaa isweydiin mudan Salmaan Rushdi sow ka mid ma aha akhristayaasha buugaagta qoraayaasha caalamka? Sow Naaqid iyo qoraa laftiisu ma ahan? Sow xor uma aha aragtidiisa ku aaddan buugaagta sheekooyinka? Midda kale muxuu qoraaga maqaalka u xusuusan waayey in sida aan Salmaan Rushdi u necebnahay ay Masiixiyiintu u necebyihiin Cusaama Binu Laaddan? Qoraaga taariikhyahanka ah ee reer Waashingtoon, William Blum, buuggiisa lagu magac aaba" Rogue State" waxaa soo akhriyey Cusaama Binu Laadan, maalintii Sabtida, bishii Janaayo 21-keedii 2006. Afar iyo labaatan saacadood kaddib markuu Binu Laadan ugu baaqay in dadka dalka Mareykan ay buugga akhristaan, waxaa la iibsaday kummanaan nuqul oo buugga kamid ah.

Larger view
Nuruddin Farah. (MPR Photo)

Waxaan dhihi karnaa wey ka badnaayeen inta maalintaa kaliya la iibsaday intii la iibsaday ilaa iyo intii buugga la qoray 2000. Waxaan ku doodi karnaa dhaliishan iney tahay mid aad iyo aad weyd u ah oon qoraaga lagu ceebeyn karin. Midsa waan ku ceebeyn karnaa hindisaaga, Nuuruddiin Faarax, hadduu dharka - xijaabka ku jeesjeesay oy sida la sheegay arrintu tahay. Laakiin waxaa kaloo in la xasuusta mudan Jalbaabka iyo shukada uu Nuuruddiin wax ka sheegay ka hor 1980-kii Soomaaliya mala laga xiran jiray? Markaan dhaqanka ka hadleyna sow gabdhaheenna mey xiran jirin boqor iyo dhacle? Sow ma habboona dhaqankeennii hore iyo midka maanta - dhanka dharqaadka haweenka Soomaaliyeed iney aad u kala duwan yihiin dadka oo diinta fahmay awgeed?

Haddaba sow markale ma habboona inaan dhuuxna dulucda hadlaaga - theme of the speaker, waayoo waxaa in loo kuurgala mudan macnaha kalmadda, macnaha jumlada iyo macnaha hadlaaga. Cilmi ahaanna waa lagama maarmaan in sidaas la sameeya.

Ma laga yaabaa inuu qoraaga waa Faaraxe, ula jeeday dhaqankeennii hore ka mid ma aheyn shukada iyo jalbaabka? Waxaa xusid mudan in Carabtii jaahiliga ay gabdhahooda afka qarsan jireen. Waxaa kaloo mudan Afqaanku iney hiddahooda ka mid tahay qaabka ay dharka u qaataan. Markale waxaa haboon inaan xusuusanna iney aayadda quraanka ah na fartay inaan gabdhaheenna asturna oon dhar culus u xirna basle ay qaabkaa ugu tola na dhihin. Macnaha jalbaab culimada iskuma waafaqsana laakiin waxaa laysku waafaqsan yahay in dumarka la astura oo dhar culus loo xira waana waajib diini ah.

Waxaanse Nuuruddiin laftiisa ku oran lahaa inuu xusuusta in haddii annaga iyo Sacuudiga iyo Afghaanku aan dumarkeenna isku si ugu labisna iney shey diini ah tahay oo aan Muslimiin walaala ah nahay sida uu Xasan Dhooye tilmaamay. Waxaan idin xusuusinayaa inaan lafteyda ka mid ahay dadka buugaagta qoraaga dhaqan ahaan ka biyadiiday. Soomaali badan ayaana sidaas qabtaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa buugga lagu magac-aaba "Secret" oo ah buuggii qoraaga uu ku galay liiska laureate, ay iga qaadday Dr. Fardow Macalin Dawaaraa (Siyaasiga Faarax Macalin walaashii) maalin kaddibna ay taleefoon ii soo dirtay oy igu tidhi, "Goormaan buugga kuu keenaa?" Markaan weydiiyey sida dagdagga ah ee ay u soo celineysana ayey ku andacootay inuu buuggu yahay mid aan ka turjumeynin dhaqanka iyo anshaxa Soomaaliyeed waa sida ay hadalka u dhigtaye. Waxaa arrinkaasi ku waafaqday gabadh asal ahaan dalka Indhiya ka soo jeedda balse ay hooyadeed Soomaali tahay oo iyana buugga iga qaadday soona akhrisay lafteedana dhalliishay. Waxaan ka wadaa qoraaga ma ceeb la'a laakiin Salmaan Rushdi ma raacin karnaa ayey suaashu iskugu biyashubaneysaa?

Qore: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
ayaandhalad5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2007

Nuuruddiin Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxiibkiis: Nurudiin Faarax oo Xijaabka Gabdhaha Soomaaliyeed ku tilmaamay in.. Akhri

.Jawaabta Hadalkii Saahid Yuusuf | MMC
.Nuuradiin Waa Oday Soomaaliyeed!!!! | Saahid

.Nuuruddiin Faarax oo Weeraray Xijaabka Gabdhaha | Adam

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH