SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Gabdhaha magaalada Eindhoven ee dalka Holland oo gargaar lacageed gaarsiiyay gabadhii yarayd ee Burada ku tiil (Xaliimo Hirre). 

  • "Gabadhan ayaa Aabbaheed ka keenay halka ay dagganaayeen ee Godey, kaddib markii hooyadii dhashay ay dhimatay, waa labo jir nolosha ku dhiban, aabaheed isagoo daawo u raadinaya ayuu u soo boqoolay magaalada Muqdisho oo illaa iyo haddana aysan jirin wax uga hirgalay arrimahaasi..."

Cabdulaahi Black oo gudoosiinaya lacag aabbe Hirre
 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
SomaliTalk.com | Muqdisho, Soomaaliya

July 3, 2005 12:35:52 PM

Munaasabad lagu maamuusayay bixinta deeq lacageed oo gaaraysa ilaa $800 oo ay ku deeqeen gabdhaha Soomaaliyeed ee deggan magaalada Eindhoven ee dalka Holland ayaa galabta lagu qabtay Isbitalka Al-Xikma ee magaalada Muqdisho. Gudoomiyaha ururka wargaysyada madaxabanaan ee Soomaaliyeed (Somali Independent Newspapers Association SOINA) C/llaahi Maxamed Xasan (Black) oo ka wakiil ah gabdhaha Jaaliyadda ee dalka Holand ayaa lacagtaasi guddoonsiiyay Aabaha dhalay gabadha yarta ah ee lagu magacaabo Hirre Xuseen.

C/llaah Black oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Saxaafaddu ay ahayd middii daah furtay dhibaatada gabadhan gaarsiisayna dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba iyadoo isla markaana ay saxaafaddu dadkaasi ka codsatay in ay u soo gurmadaan gabadhaa yarta ah  ee gargaarka u baahan, isla markaana wuxuu u mahadceliyay gabdhaha Soomaaliyeed ee magaalada Eindhoven ee dalka Holland sida ay ugu damqadeen dhibaatada gabadhaa haysata isla markaan ay ugu soo deeqeen lacagta $800 ah.

Intaa kaddib waxaa halkaa ka hadlay Aabbaha dhalay gabadha yarta ah Hirre Xuseen oo caddeeyay in uu $800 ka guddoomay gabdhaha Eindhoven ee dalka Holland uuna uga mahadcelinayo dareenkooda Soomaalinimo iyo damqashada ay ka damqadeen xanuunka iyo dhibaatada haysata gabadhiisa yarta ah. 


Cabdulahi Black oo warbixin siinaya saxaafadda

Dr.Cabdi Ibraahin Jiya| Al-Hikma Hospital

Aabbe Hirre oo dhabta ku haya gabdhiisa

Agaasimaha Isbitaalka Al-Xikma Dr.Cabdi Ibraahim Jiya oo isagana halkaa ka hadlay ayaa marka hore tilmaamay xaaladda ay hadda ku sugan tahay gabadha yarta ah ee xaliimo Hirre wuxuuna sheegay in xaaladeeda ay hadda aad halis u tahay ayna u baahan tahay inay hesho qaliin degdeg ah, isagoo xusay in cunno kasta oo ay qaadato wax badan uusan jirkeeda intifaacsanayn taasna ay ugu wacan tahay burada aadka u wayn ee gabadhaa ku taala.

Dr.Jiya wuxuu kaloo xusay in dadka dibadda ku nool ay wax badan fahmeen uuna uga mahadcelinayo sida mar kasta ay u soo gargaaraan dadka walaalahooda ah ee ku dhibaataysan dalka gudihiisa isagoo xusay in gargaarkan lacageed ee ay maanta soo gaarsiiyeen gabdhaha magaalada Eindhoven ee dalka Holland uusan ahayn kii ugu horreeyay balse weli aysan dhamaystirmin lacagaha looga baahanyahay in gabadhaasi qaliin dibadda ah loogu diro wuxuuna u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dibadda iyo gudahaba ku nool inay la soo dhaqsadaan gargaarka ay ugu tala galeen gabadhaan yarta ah si nolosheeda loo badbaadiyo.

Dr.Jiya agaasimaha Isbitaalka Al-Xikma ee magaalada Muqdisho ayaa muddo bil ahba gacanta ku haya gabadhan yarta ah ee Xaliima Hirre Xuseen oo buro aad u wayn ay uga taalo kaadi mareenka, iyadoo buradaasi ay buuxisay halka u dhaxaysa labada lugood ee gabadha. 

Gabadhan ayaa Aabbaheed ka keenay halka ay dagganaayeen ee Godey, kaddib markii hooyadii dhashay ay dhimatay, waa labo jir nolosha ku dhiban, aabaheed isagoo daawo u raadinaya ayuu u soo boqoolay magaalada Muqdisho oo illaa iyo haddana aysan jirin wax uga hirgalay arrimahaasi iyadoo la rajaynayo in gargaar gudaha iyo dibaddaba uga yimaado lala sugayo inay gabadhaasi hesho qalliin dibadda ah maadaama dhaqaatiirtii dalka ay sheegeen in aan lagu qali karin Somalia.

Bahda SomaliTalk waxay ugu baaqeysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan gabadhaas yar ee rajada ah, oo aabeheedna uu san haysan wax dhaqaale ah oo uu ugu gargaaro. Allah hortiis gabadhaas ugu gargaraara.

Xaggee lagala xiriiri karaa qoyska gabadha haddii su'aashaadu tahay, waxaa la xiriirtaa dhakhtarka gacanta ku haya oo ah:

Waxaa qoraalkan iyo sawirada isku soo dubaridey::
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
SomaliTalk.com | Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2005

Codsigii Zahra Cabdi... GUJI


Fadlan ka Qayb qaado u gargaarka Gabadhaas yar..  akhri halkan....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD