SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Codsi : Gargaar Degdeg ah ufidin Xaliimo Hirre Xuseen

Aabbe Hirre oo dhabta ku haya gabdhiisa

Xaliimo Hirre Xuseen oo ah gabadha yar ee labo jirka ayaa ilaa iyo intii ay ka arkeen dad badan oo Soomaali ah qalabka internerka dhibaatada aad u xanuunka badan ee haysata, ilmahaas yar aad uga xanuusadeen waline uga xanuusanaya  Waxaa waajib nagu ah in aan u ducayno ilmahaas yar in Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka qaado dhibkan culus,hiil iyo hoona aan loo kala harin,waxay tahay oo kale in loo duceeyo muslimiintii Soomaaliyeed ee u soo uruuriyay lacagta,inkastoo ay baahi weyn u qabaan lacagtaas Xaliima iyo aabbaheed haddan waxaan ka codsanayaa dhammaan Soomaalida ku sugun dibbeda iyo gudahaba in ay xoogga saaraan sidii gabadha si deg deg ah loogu soo dhoofin lahaa meeshii looga goyn lahaa buradaas, lacagta waxaa ka sii weyn nolosheeda iyo sidii loo badbaadin lahaa ilmahaas yar.

Waxaa la sheegay in Xaliimo aysan wax cunin waxna cabbin,kaadinin isla markaana saxaroon maalinba maalinta ka dambaysana xaalkeedu sii daciifayo xanuunka hayana uusan daqiiqadna ka hakanin, Waxaan Walaalaha Muslimiinta ee Soomaaliyeed si naxariis leh uga codsanayaa meel kasta oo ay joogaan in Xaliimo sidii Soomaaliya looga soo saari lahaa lagu dadaalo,waxaan maqlay in mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in ay lacag la'aan ugu qaadayso Xaliima iyo aabbeheed Abu Dabay,marka maxaa Xaliima ugu eeganaynaa dhibkaas lixaadka leh.Aniga waxaan qabaa in baasaboor si dag dag ah loogu sameeyo la iska soo qaado, hana la keeno Abu Dabay viiso la'aan,haddii lagu arko aiport Dubay waxaa laga yaabaa in Ilaahay Subxaanahu Watacaa u saqiro addoomihiisa oo ay daaweeyaan buradaasna laga gooyo, Burada goynteeda wax sidaas u sii dhib badan ma'ahan haddii la helo takhaatiir haysta qalab iyo takhasus. Waxaan la xiriiyay hay'ado dhowr ah waddankan Holland haseyeeshee weli ma hayo jawaab wacan inkastoo aan rajaynayo in ay codsigeyga tixgelin doonaan inshaa Allah.

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2005

Zahra Abdi
umubakar@hotmail.com


Fadlan ka Qayb qaado u gargaarka Gabadhaas yar..  akhri halkan....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD