SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA KANEEC

c/rizaaq A.adan ali kaneec
kaneec1@hotmail.com


Taariikh Nololeedkii iyo Gabyadii Ismaaciil Mire Cilmi

Qaybtii 7aad


c/rizaaq A.adan ali kaneec
c/rizaaq A.adan ali kaneec

Lasoco isbuuc kasta suugaan taxanaha oo aan kasooweriyey alaha u xariistee abwaankii

waynaa mujaahid Ismaaciil Mire Cilmi:

C/risaaq A.CAli Kaneec

silsilada gabayada ismaaciil mire

Maanta waxaan xusaynaa gabyaagii weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed, oo door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii daraawiishtu ay la dagaalamaysey gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle 1882,gabyaagani ayaa lagu xusey gayadiisa iyo taariikhdasaba waxaa sanadkii 2002 bishii 3aad gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum qaybta sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo kamid ah manjahka tacliimiiga kuliyada suugaanta ama adabka.

Hadaba inkastoo aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan ku soo koobi Karin misana misena waxaynu dad waynaha ugu talagalnay in aanu xasuusino suugaanta soomaaliyed ee ay la dhaceen dad yow aan soomaali ahayn hada gabayga ay aad ka ulayaabeen suugaanta ardada jaamacada khartoum ee dadka sudan wuxuu ahaa gabaygan,oo layiraahdo guuguule profeser ka tirsan jaamacadaas baa igu yiri weligey ma arag ninkan nin ka aftaahnsan maraka hada dhowaan ayey jaamacadaas carabi kuturju mi doontaa dhamaan gabayada abwaan al-mujaahid ismaaciil mire,hadaba yaa nan idinku dheereenine maanta ayenu qaadano labadana gabay ee ugu horeeya isbuucaan waxay noqon doonaan AFAR gabay ee hoos kuxusan waxayna kala yihiin

  • 1-Gabaygii: Nabadi waa door
  • 2-Gabaygii: Hadii geed la jaro
  • 3-Gabaygii:Hayinka ii rara
  • 4-Garanayaan Sheegay

1-Gabaygii: Nabadi waa door

1920 markii Daraawiish halgankeedi hakadka galay ee Diyaaradaha lagu garaacay ayaa Ismaaciil mire xabsiga la dhigay kolkii usoo baxay oo uu degmadii Ciid yimid si fiican ayaa loo soo dhaweeyey. Reer Hagar ayaa si door ah u marti geliyey isagoo caydh ah oo ana tulud iyo waxar toona lagu ogayn dadkii kale Ismaaciil la mid ahaana si wanaagsan ayay ula qabteen

Iyadoo uu ismaaciil arimahaas maskaxda ku hayo in uu abaal gudana damacsan ayaa 1923 qardafooyin ka dhex dhaceen Jamac Cali Nuur oo Ismaaciil Ilmaadeer ahaayeen iyo nin reer Hagar ah oo la yidhaa Googooye Jaamac Aadan dabadeedna dabadeedna waxay Jaamac talo kaga dhamaatay inuu aarsado ee uusan qandhow innaba qaadan! Ismaaciil baa Arkay cadhada ka muuqata, markaas buu damcay inuu qaboojiyo oo u sheegay maalintii uu xabsiga ka soo baxay sidii ay reer Hagar tabantaabada ugu geysteen, jaamacna waxuu ka baryey inuu taas darteed ugu dulqaato, colaaddana qaboojiyo waxna uusan ka qaadan haba kibir xumaadeene waxuu yidhi Ismaaciil:-

  • Dayuurado qablami maalintii lay dul marinaayey
  • Dibirka Dhooddiyaad maalintaan deli dhacaynaayey
  • Duunkayga maantaan sidii deer la cararaayey
  • Anaan duunyo wadan maalintaan dalankacaynaayey
  • Darmaan xoodan maantaan Badweyn duhurka soo taagey
  • Habraha duubmay iyo maalintuu doqonku ii baanay
  • Dadkii Cayn fadhiyey maalintaan dooc ka garanwaayey
  • Kun dirays gashani maalintay damacday dhiigayga
  • Dulmigay sameeyeen maalintii laygu dabo joogey
  • Maantii ninkii door ahaa degelka laadlaadshay
  • Dilkii aan sahladay maalintuu dacarta ii qooshay
  • Anoo dulugle maantii Berbera la igu dayraanshey
  • Derbiga jeelka maantuu kufrigu dabarka ii giijey
  • Rabbi deeqi maantaan anoo dagan ku noolaaday
  • Ducaaliyo Caddood iyo kuwuu ii danqaday jiidhku
  • Igardhada la dawdabi kuwii dumarka ii siiyey
  • Ee dadabta ii dhigahayee gogosha ii daadshey
  • Xeedhyaha diyaafadan kuwii dabaqa ii saaray
  • Caanaha Dubbiyo Laan kuwii igu durduuraayey
  • Kun wiil oo dagaaga ah kuwii deex ku soo koriyey
  • Dab inaan ku rido waa halaan diirka gelihayne
  • Dufule waalan baan ahay haddaan daaro reer Hagare!!
  • Haba isdoor bideen oo xarrago ha isdabooleene
  • Dibnaha hawga yeedhina anaa dawladeey! odhane
  • Ka duggaala cadowga oo tolnimo daacad uga raadsha
  • Shisheeyihu intuu digan lahaa doqon sideed yeela
  • Waxba yeyna deynkeena maqan Debec inoo siine
  • Duqna ha qaadannina xoolo waa didib caleentiise
  • Dubaaqana ka dhawr Jaamacoow nabadi waa doore!.

gabayga 2aadna wuxuu kubilowday sidan

2-Gabaygii: Hadii geed la jaro

duulaan ay qaadeen oo ay Haweysan,socod mooyaane.Dhibaatooyin badan ayaa la soo gudboonaadey:daal gaajoon iyo dandarro guud. Waxay socdaa iyo socdaanba ayaantii dambe ayaa Nuur Ciise nin la yidhaa ku yidhi "Ismaaciil,waxba weynaga la'e bal gabay oo geel inoo dhaawo. Markaas buu u leexday xagga hasha gabayga oo-mindhaa uu ka baqay inaan la siin haddii geel la taabo waxuu yidhi:-

  • Nuurow gujaad igu disheen goor iyo alleyle
  • Garna maaha maansada inaan idin ka gaaxshaaye
  • Miyaa laga guddoonsadey cadkaa ii go'aan jiraye

Waxaa lagu yidhi Hashii gabayga waad leedahaye gabay noo mari: kolkaas ayuu mariyey gabaygan soo socda oo aan is leeyahay waxuu ka mid yahay gabayadiisa kuwa ugu qiimaha badan.

Wardheer kolkiis ay sii maraayeen ayaa ammaanduule laga dhigay. Waxay hadh iyo habeenba socdaan wax geela oo naf leh ayay arki waayeen markaas buu gabaygan barayada ILAAH ah mariyey Wuxuu Yidhi:-

  • Hadii geed la jaro waa fufaa guun hadduu yahaye
  • Gurma go'an gobkii laga dhigaa waa gadaal bixiye
  • Geydhuhu wuxuu lulan markuu gugu ku hooraaye
  • Wuxuu geelu ololaa hadduu gabanta waayaaye
  • Faras wuxuu u goohaa markuu gole xumasytaaye
  • Waxa Weerku raadka u guraa goosan baad heliye
  • Wax shabeelku garo leexsadaa ay hadduu galo e
  • Wiyil giririfleeyaa mar buu geedka jebiyaaye
  • Golli waxay baraarka u gaddaa gaajo dilankeede
  • Geenyada ka soo lulay halkii gacal la'aaneede
  • Guntima shirshooraha ka hadhay yaan u soo galaye
  • Aan gooraamo caawaan tolkay gaas la soo wacaye
  • Gahaydhkii Wardheer iyo hashii gudurka loo quutay
  • Jibaaxeeda geeddiga hashaan Gila ka soo raacay
  • Hashaan guricaskeedii tirshaye gama' la ii diiday
  • Ganuunkeeda xoorka leh hashay gocotay laabtayda
  • Hashaan uurka uga soo gingimay tobanka geedqaaqle
  • Gob caddaysa iyo dheen hashaan guranayee xaabay
  • Wax kastaba aan gooyee hashaan labada gaws daashey
  • Gaadiidka xoogga leh hashuu garabku naafoobey
  • Gurgurshaaga awrkaa hashii galowda loo taabtay
  • Gorradhigaha haamaha hashaan garangarshee xooray
  • Raggii wada gamuurraa hashuu golongolee dhuubtay
  • Hashii kabaha gaarkooda sare dhagaxu googooyey
  • Guntigeeda maradii hashuu igu garooroobey
  • Guuriyo baqoolaba hashuu galowgu eedaamay
  • Saalada gabowgaa hashaan gelin dhow moodaayey
  • Gorofkeedu marayeey! hashii laga gabbaarayey
  • Galbeed iyo hashii loola kacay Aarti guudkeeda
  • Gurigii Amxaarada hashii garagashee dhaaftay
  • Faalkii Gallay iyo hashuu male ka gaafnaaday
  • Iyadoo daruuraha gabdhamay Bila ku soo guurtay
  • Garaadaysannoo layska daa gef iyo faankiiye
  • Inay taladu kugu goonni tahay garey kas-gaagkiiye
  • Guuloo Allow waa fogaa Gurigii Caymeede
  • Oo kama geyoon karo colkuye gacanta noo buuxi
  • Idinkuna hal-geeraarshihii golaha soo jooga
  • Oo wacadka qaar lama gogtee gacali ii siiya
  • gabayga 3aadna wuxuu kubilowday sidatan

3-Gabaygii:Hayinka ii rara.

Gabaygan Darwiish Ismaaciil Mire waxuu mariyey intuu dumida colka ku jiray wuxuuna ku tusaaleeyey sida uu u geel la'ayahay, sida rag haleelo uga buuxo iyo sida uu uga xishoonayo kuwaas baryadooda iyo ku hoyashadooda. waa gabay isugu jira guubaabo iyo beerdulucsi. Waxaad ka garanaysaa inuu rabo in uu ciidan Caligeri ah loo ururiyo oo dhalinyaro la raaciyo: kuwaas oo awood u yeelan doona inay diilin dhigaan oo geelal soo meersadaan waxuu Yidhi Darwiishku:-

  • Hindisoodayey xalay miyay hiribtey laabteydu
  • Habeenkii la hurday miyaan hoos isula shawray
  • Hammi iyo hawadda geel miyaan hilinka taakeeyey
  • Markii waagii ii halalac yidhi harag miyaan qoystey
  • Hasha keliya soo godol miyaa hibasho ii keentay
  • Ma hadhuubka Qawl lala galaa iga higgaysiiyey
  • Tolkay oo haleelo leh miyaa igu hor maalaayaa
  • Haamaha karuurka ah miyuu igu hanqaareeyey
  • Ragga hootanuugga leh miyaa haybta la i raacshay
  • Ma hooyaatinkoodiyo baryaan ka hawo weynaaday
  • Hambaabuladan Faadumo-xabbado hawl ma ka dhuuntay?!
  • Awel baan hafriinyo u dilaye haatan ma i heertay
  • Haasaawahedii badnaa ma isku haaraamay
  • Haweenkiyo carruurtii miyaan hooy iskala seexday
  • Col bay hibadu ii saaran tahay aan hawadiyaaye
  • Hadii aan Hormaro Eebbahay ima hungeeyeene
  • Markaan sida halyeyga u ciyaan heli sidaydiiye
  • Hawiyaa ku furay baa la yidhi hiladii Qaaweele
  • Hayinka ii rara aan reer Calow Hawdka sii maro'

4-Garanayaan Sheegay

Xasan Shiil oo "Gabay-aweyti" caan ku ahaa wuxuu ka mid ahaa ragii hore oo gabayheer sare gaadhsiisan lagu bartay.Ismaaciil Mire ayaa waagii dambe wuxuu maqlay in Ingiriis iyo askartiisu ka gabaysiiyaan oo ay markaas lacag ku siiyaan. Gabayga oo lagu shaqaystaa Ismaaciil maroor bay la ahayd, siiba haddii gaalada wax looga doono. kolkaas buu damcay inuu arrintaas gabay ka tiriyo,hase ahaatee,keligeed kuma uu koobnaane waxyaalo kale oo qallooc la ahaa ayuu ku soo daray. Waxyaalaha uu ku soo qaaday waxaa ka mid ah sheeko dagmadooda dhexdeeda ka dhacday oo ahayd: In nin Faarax Barre la oran jiray gabadh laga guursaday,inuu ninkii guursaday xoolo bixiyey,dabadeedna inuu odaygii yaradkii qawaday oo uu aqalkii oo dhan udubbada u siibay; waxuu Darwiishku Yidhi Axmedow nin gidira oo da' iyo gabow la ciiraaya Oo galabtii Beerdhiga dhacdiyo Garabcad soo Joogey Aan gedo yarayn baan ahee gabay aan kuu sheego Waayeel guddoonshiyo tashiga odayo loo geeyo Iyo inuu gungumihii ka lumay Ina Garaad Faarax Aan guurti noolayn inaan garanayaan sheegay! Inaan Laasadaar gacalka iyo xididka gaadhaynin Oo nimanka reer Gorod Xirsiyo Calac ku oomaayo Uu gabi qaraabada inaan garanayaan sheegay Soddogii gurracan maalin bay garu ku ciirtaye Markii Faarax geel iyo dab iyo guuya laga buuxshay Hadduu kebedda gaalleefta daray dabaryaruu gaatey Uu gees u riday buulku waa ilaba gaabnaaye Inay labo galaan quban inaan garanayaan sheegay Labo guulka Odayood inaan garo ku naaxaynin Oo aan gadhoodh laga dhamayn iyo ganuun xoor leh Ay guriga "wii" layn inaan garanayaan sheegay Gabdhahooda reer hebel haddaan guurka laga deynin Oo aan gammaankiyo dabkiyo geela laga seerin Aan sumad rag kaga gaariyo gololo loo yeelin Geyaan xumo inay dhici inaan garanayaan sheegay! Inaan reer Gumaarholoc raggii go'ay u aaraynin Oo ayan godobtooda maqan goosan kari haynin Oo aanay garanayn lafaha guban xalaaleeya Ay goojo dheer wadhi inaan garanayaan sheegay! Inaad Gabay-aweytow lafaha gebi ka xooreyso Oo aad galbeed tegi adaan guuyo badan haysan Oo aad go'iyo u xidhan rodol la soo gooyey Aad gacaliyow cuni callaal lagugu gaadaayo Oo aad dhalashadaadii ku gadan gelin waxaad quudan Oo lagu geyeysiin wixii Halacba loo geystey Aad ceeb la goloslayn inaan garanayaan sheegay! Inuu reer tolkay gudo haween gam isku siinaayo Oo gamas wax xiiriyo amley la isla gaadaayo Oo gaban agoon noqon inaan garanayaan sheegay! Gaawaha karuursani inuu rag isu geynaayo Oo gaadhka Faarax Hagar gudo colloobaayo Ay oodda kala geyn inaan garanayaan sheegay! Gusweynida reer Caligeri inay geeri dumar joogi Goonyaha haddaan lagaga qorin gudimo xiiraysa Inay gaari mawtiyi inaan garanayaan sheegay! Gaaddo weynta gabadheed haddii garabku weynaado Godka lagu cadaabyey kaduu goriyo naaskeedu Dadkoo gama'san leylkii hadday sacab u guurayso Ay wada gableeyaan miday gelin la haasawday Garacyaley inay noqon inaan garanayaan sheegay! Ninka gaalo caabuday rabbina gooyey xadhigiisa Beryo wuxuu gabraartaba hadduu melegu soo gaadho Jahannaba inuu geli Kitaab garanayaan sheegay!

haduu ale idmo wixii hada kadanbeeyaa waxanu kusoo dhaqsan doonaa wayadan waxaa jirtay cilad xaga computerka igaga dhacday markaas waan ka cudur daaranayaa

diyaariye

C/RISAAQ A.ALI KANEEC
baare suugaanta iyo taariikhda
kaneec1@hotmail.com
 qaahira bariga dhexe

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2004

QAYBTA 5aad:: KANEEC

QAYBTA 1aad:: KANEEC

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD