SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSADA DUCO SAN

mowliid hassan curjin..
curjin2003@yahoo.ca


  DUCO SAN

saaxiibayaal dhamaantiin waad salaamantihiin  salaan qaali ah. 

anigu waxaan jeclaystay mansooyinkiina aad soo bandhigteen
kuwaas oo igu soodhiiri galiyaye bal inaan ana tayda kadhiibto
waaxaan maansadan ugu magadaray
 
        DUCO SAN
      ------------------
 
nimanyahaw   dareen gabay maqabin
doodan kahoroowe.
dana  igamahaynoo 
baryahan daayey idilkiiye
balse waan kudiirsaday. 
markaan eegay dulocdiine
qofdamiirleh kamajoogsadee wuudamqanayaaye
aniguna hadaan darahayaa dacalka kaygiiye
aan darmaanta heensaha u xidho intaan maro dariiqiye
 
 
abwaanadan danteenii furfuray
samana doonaya
ee dooda gabay soobadhigay
duluc san weeyaane
marka hore salaan diiran baan
huray dareenkaye
duco qabooyin waanabadu
marka xigana  doortaye
aan dayo  dhankaygii
oo daleeyo caawoo kalay
darajo keetaaye 
 
daa  iimkeen siduu yidhi
ku daabacan quraankaan
dabnahaba kufurayoon
u hormarinba doodee
umadaan dabaabine
dadkeeduba isdaayicin
 duulkaan isdigo rogin
lama dooriyee garo.
 
dad waxay sameeyaan
daa iriyo sharkoodaa
darajinyo xumaantood
duligay dhitaystaan
intay dunida joogaan
dan falkoodu kuuyahay
daa iim waw hibeeya
daaqadaha intaan furo aan
hoos udaadago. 
 
dar allee wixii dhacay
dagaaliyo colaadii
dagalkeenii baa ba ay
daa iim cadhadii weeyaan
dadkan idile barakacay
daarahan ladumiyiyo
duunyadan lakala dhacay
duqaydiyo dhalaankiyo
umulahan ladooxiyo
duulba duul wareenkaa
la iswada  dirsoocee
dadkan idile waashiyo
shaydaankaa durbaantumay
noqday dibad baxoowgee
duurjoogta lagadhigay 
 
ragii dumay colaadee
dib waxay kanaqotiyo
dankagalin dadkoodoow
 
hadii  dawlad  lagu kaco
dowgay kusocotiyo
dariiqeeda loobogin
daryeel lagaba waayoo
daadihinta maatiyo
darjaiyo waanaagaba
dad waynuhu kawaayaan
indareenku leexdo
dood iyo daagaal iyo
dabin lagu halgaadaa
dunidu way kasimantahay
waana dawga nolashee
aad migu kudaaqaan
xukuna lagu afduubaa
laakiin waa dayoow sidan 
 
dambi falid waxyeeloo
dulin dhalisay weeyaan
dumi dawladaadii
hadanaynin dadkaagana
dubo maatidaadoo
daarihiyo hantida boob
dakad iyo dariiq goo
doolimaadku yuu kicin
digsiyada halaga xidho
dagmo yay dagmo ukicin
dareensii qabiilkana
duulaankaa baxaayiyo
dabka shidaha mooyee
danwadaagba yay noqon
diiratana kusiidaa
adiguna dubaax iyo
dahab iyo xariir dhigo
darajiyo xilaan jirin
dilaanimo kufaanoo
daqalnimo kucaan noqo
 
madan baa madoowbaa
dirqi miyaad kumaamuli
mise dadkaaba waashoo
diilaa  yahay hogaankood
dareenkoodu waasee
daymo kale aan eegee
nimanyahaw dubaakhiyo
dareenkeena nolaleed
duruufahan nahaystaa
dadkeenuna ubadan yahay
waa mid lagu daliil yoon
darxumadu uhooytahay
diiftiyo dhibaatadu
dusha ay usudhantahay
 
haba kaladarnaatee
dabku waa kushidan yahay
maalintii lakala diday
dabayshii colaadeed
dagalkeena saaqdee
qofwaliba dariiq maray
 
intii damug kunoqotee
laguduugay ciidiyo
duulkii akhiiroow kacay
iyagu way kudaayeen
 
dadkii galay qoxootiga
dal shisheeye magansaday
ducfi iyo darxumo iyo
diihaal gaajoliyo oon
dawarsiga aduunyada
dasad garawa lookeen
dayr lagu afmeeriyo
dushana waa laga ilaashaa
dibin daabyaadaasay
dadkeenii kunoolyiin
 
intii daqaqantee timid
dibadaha aduunyada
iyaguna madoorshaan
diiftan waay wadaagaan
dumarkiyo ragoodii
danbaa kala kaxaysoo
is dugaashiigii male
ubadkun daryeel waa
dawgii nolashaa kalaxidhay
marwaduna duqeedii
doorsan dhaqankii waajiray
duur xulkiyo qabkii male
hidihii duloowyoo
duqdaa reerka maamuli
haduu odaygu diirana
police baa durbaba iman
dabadeena lala bood
dood uuwax sheegana
dabnahaba mafuri karo 
 
daaq kale intaan furo
aan hoos udaadago
 
inaan daalay waadhabe
dadkii miyeey garaabeen
duligii matuureen
dawladnimaa wanaag leh
dariiqii maqaadeen
ducfigii qabiil waday
dadkii may iska sareen
dilaagii majoogaa
dayaay ceeb masaareen
allana daa iim weeyee
dabashii wanaagiyo
daruurtii nasteexaad
deeqkuhu inoofuro
duco maw yaboohdeen
 
dalku waa barwaaaqoo
wabiyada durdurayiyo
dahabkaa dhexjiifoo
dheemankaa dulyaaloo
dalagiyo beeraha
batroolkaa dimdimayee
danwadaag heshiisaa
deeqdiisa maashee
dabac ina kumaalaan
doobkaha wali maqaateen
oo dibiga kacayiyo
lo daa cuni dareemada
daaqsin adhiga geeyaan
badaa dacalka dheeree
rabigay kudeeqana
doonyo intay kaxays taan
kadabtaan kaloonkoo
daldashaan hantida taal
wali miyeey dareemeen
 
cimiladeenan dahabka ah
ee qaboow waxdilayiyo
kulkaa daran lahaynee
duufaanada wax dumiyiyo
dabaylaha wax baabiin
daa iim uunuyeelin
deeq ilaahay lagu heloo
nabad inay kudaaqaan
wali miyeey dareemeen
 
intaase nahay dilaal iyo
dabajooga raaciyo
danasytiyo malaal nahay
dawladnimana maqantahay
dawgan aakusoconaa
walee waa dariiq dheer
 
itaanse hoos udaadago
daaqad kala bal aan furo
 
daa iim lagama quustee
aan duco san iyo khayr
raboow duliga naga qaad
deeqahaaga eeboow
darajadaada nagusii
soomaalina dayoowdoo
daalbay ubadantoo
ku daan daantay nolashee
allaw sii dad nimadiyo
sharafkoodii dooraa
dabay nabada eeboow
daruurtii afgaradkee
isu sooduwaysiyo
dagaadhkii roona
loowada durbaantumo
danteed garato noqatiyo
aloow dami colaadaha
 
dowladnimaah wanaag leh
dushoo calan kamuuqdiyo
damaashaadka loo kaco
ubax lodaleeyaa
farxad aan dilaac nee
  eeboow daytan naga yeel 
 
mahadsanidiin
mowliid hassan curjin..
curjin2003@yahoo.ca


Faafin: SomaliTalk.com | JULY 24, 2004

MAANSADII KANEEC

DOODWANAAG

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD