somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
TACSIDA DIINTA ISLAAMKU OGOSHAHAY

WQ. Cusmaan Bilaad 
osmanbilad@hotmail.com 
 

Tacsida diinta Islaamku ay taqaanaa waa in qofka dhintay ehelkiisa rag iyo dumarba la sabarsiiyo (la faro sabarka), loona sheego wax kasta oo aan diinta qilaafsanayn, qafiifinna kara tiiraanyada iyo murugada haysa, sida iyadoo la yiraahdo: “Ilaaheey wixii uu qaato isagaa iska leh, sidoo kalena wuxuu leeyahay wixii uu bixiyo, wax kastana Alle agtiis waxay ku leeyihiin waqti go’an oo aysan dhaafayn”, sidaas ayuu Rasuulku SCW yiri: mar gabar uu dhalay ay u soo cid dirsatay, si uu ugu yimaado, iyadoo soo gaarsiinaysey in cunug ay dhashay uu dhiman rabo. Iyo iyadoo loona duceeyo qofkii dhintay iyo dadka looga tacsiyaynayo, sida iyadoo la yiraahdo: “Ilaaheeyoow hebel/heblaayo u dambi dhaaf, darajadiisana sare u qaad, qabrigiisana u ballaari, una nuuri (iftiimi), Ilaaheeyoow innaga iyo isagana noo wada dambi dhaaf.”

Tacsiyadu ma lahan erayo gooni ah oo dadka loogu tacsiyeeyo, ee waxaa loogu tacsiyayn karaa wax kasta oo aan sharciga qilaafsanayn, lana rajaynayo inay xanuunka haya hilmaansiiyaan, kurbadana ka yareeyaan, sida aan soo xusnayba. Tacsiyadu waa sunno, waxaana qofka loo tacsiyayn karaa markii loo arko in tacsiyadu ay qofka wax u galayso, ee kuma xirna saddex maalmood oo kali ah, marka laga soo billaabo maalintii qofku geeriyooday, sida kutubka qaarkoodba ku xusan, sababtoo ah saddex maalmood ka dib ayaa Rasuulku SCW wuxuu u tacsiyeeyey reerkii uu ka geeriyooday Jacfar bin Abii Daalib (a.k.n). Qofkii walaalkiisa muslimka ah u tacsiyeeyaana wuxuu yeelanayaa ajar wayn, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri:

“Qofkii uga tacsiyeeya walaalkiisa mu’minka ah musiibadiisa, waxaa Ilaaheey ku arrad tirayaa waqtiga qiyaamaha isku-joog cagaaran.” Waxaa wariyey Khadiib iyo Ibnu Casaakir (dar xasan.)

Waxaana in laga digtoonaado la iska doonayaa in dadka laga geeriyooday ay meel isugu tagaan si loogu tacsiyeeyo, sababtoo ah waa xaaraan, culummada Islaamkuna way ka digeen, waxaana intaa sii dhaafsan in marka arrintaa la sameeyo uusan dhibku intaa ku ekaanayn, ee ay ka sii dhalanayaan waxyaabo kale oo aan diintu ogolayn, sida iyadoo cajalad Quraan ah la shido, iyadoo lagaba yaabo inaysan jirin wax dhegaysanaaya, ayna suuragal tahay inayba dadku raashin cunid iyo sigaar cabdi iwm, ku mashquulsan yihiin, aysanna ilaalinayninba aadaabta Quraanka.

Waxaa intaa raaca in dadka meeshaa imaanaya raashin loo sameeyo, maalinta todobaad ama afartanaadna laga dhigo maalin munkaraadka la soo cusbonaysiiyo, marka sannad ka soo wareegana laga dhigo sannad guuradii kowaad ee dhimashaha miskiinka, laguna soo qoro joornaallada, lagana sheego idaacadaha, waxyaabahaa oo dhamina waa kuwo aan dinteenna iyo caqliga caafimaadka qababa aan waafaqsanayn, ee sidaas ha loo ogaado. Sida sunnada ah marka reer laga geeriyoodo waa in la sameeyo sidan soo socota:

RAASHIN U SAMAYNTA REERKA LAGA DHINTAY/ LAGA GEERIYOODAY

Waxaa sunno ah in raashin dherjiya loo sameeyo dadka laga geeriyooday, haddii ay cuni waayaanna waa lagu qal-qaalinayaa cuniddiisa, arrintaas khayrka badanna waxaa samaynaya oo isku xilsaaraya qaraabada iyo deriska, sababtoo ah marka koowaad: sidaasi waxay ka mid tahay waxyaabaha lagu gaaro samafalka iyo Alle u dhawaadka, marka labaad: dadka laga dhintay waxaa haya wax ka mashquuliya inay iyagu naftooda ka fekeraan oo daryeelaan, sidaas awgeed ruuxa muslimka ah waxaa looga baahan yahay marka walaalkiis marxaladdaas uu ku sugan yahay inuu garabka ka bannaan u buuxiyo, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri ka dib markii uu dhintay Jacfar bin Abii Daalib (a.k.n):

“Waxaad u samaysiin reer Jacfar raashin, waxaa ku timid arrin mashquulisee”. W.w. Abuu Daawuud iyo Tirmidi (dar xasan). Laakin in ay iyagu dadka u imaanaya iyo kuwa duugta ka qayb galaya raashin u sameeyaan lama ogola, waana wax reebban, culummada Islaamka oo arrintaa caddeeyeenna farihii ayey ka bateen, waagii Rasuulana SCW waxaa dhintay dad badan, oo ay ka mid ahaayeen haweentiisii Khadiija, ilmihiisa qaarkood, adeerkis, iyo qaar fara badan oo asaxaabtiisa ka mid ah, mina la soo tebin inuu xataa hal mar dad masaakiin iyo fuqaro ah isugu yeeray, ama kuwii duugta ka soo qayb galay uu raashin siiyey.

Sidaas oo kale markii uu isagu geeriyooday lama soo tebin in asaxaabtu ay dadka raashin siiyeen, isagoo waliba Rasuulku SCW ahaa mid ay aad asaxaabtu u jecel yihiin, maadaama sidaasi jirto ayaa waxaa caddaatay in raashin bixinta markaas ahi aysan ahayn wax diinteennu ay sharciyaysay, sidaa awgeed waxaa walaalahaa looga baaahan yahay in haddii ruux geeriyoodo aysan ku dhaqaaqin inay iyagu dadka raashin (sida midka meelaha qaarkood looga yaqaano Af-ciid ka bixin, iwm) u sameeyaan. Sida dadkeenna badankod ay tacsida u yaqaaniina waa mid aan diinta ku xusnayn, sidoo kalena aan waafaqsanayn luuqadda uu ka yimid erayga tacsi, oo ah Carabiga, sababtoo ah tacsiyada mecnaheedu waa iney tahay in dadkii laga geeriyooday la isku dayo in laga qafiifiyo murugada haysa, qalbigoodana la dejiyo, iyadoo lana farayo inay sabraan.

Laakiin tacsi lama yiraahdo in dadkii laga geeriyooday rafaad iyo qaxar la galiyo, lana soo xasuusiyo qofkii ka dhintay, wixii ay mod iyo mood la haayeenna ay halkaas ku qurtutubsadaan (ka cunaan), gurigodiina ay qas, qashin, iyo qarsin qallooc ku soo biriyaan dadkii laga rabey inay iyagu reerkaa laga geeriyooday gacan siiyaan oo ay kabaan, Ilaaheey ha ka cabsadeen dadka xaaraantaa cuna iyo kuwa bixiyaaba. Waxayna sidaasi dhacdaa iyado lagaba yaabo in xoolahaa la cunaayo agooni ay wax ku leedahay, ama dad aan raalli ka ahayn munkarka meeshaa la iskugu keenay. Dadka doonaya inay qofkaa geeriyooday wax u qabtaan waxaa jira siyaabo kale oo iyagana laga ajar siinayo, qofkina uu wanaag ka helaayo, ee ha ku dhaqaaqeen.

Waxay culummadu xuseen in reerka laga dhintay ay iyagu raashin u sameeyaan dadka u soo tacsiyaynaya inay bidco tahay, sidaasna waxaa la mid ah in dadka ay u yeerayaan ay ka ajiibaan oo ka aqbalaan inay u yimaadin, raashinkana ka cunaan, iyo in qofku uu ka dardaarmo in tacsidaa loo sameeyo.

WQ. Cusmaan Bilaad 
osmanbilad@hotmail.com 
 

-dhammaad-

2003-2-12
FAAFIN: SOMALITALK.COM

SHEEKADA KIISHKA: Qaybtii 1aad  

Su'aalo Cilmiyeed: Guji www.somalitalk.com/quiz

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD