somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
 Sheekadii kiishka

Qaybta 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybta 3aad

Sheekadan Kiishka Waxay ku soo baxday Wargayska caanka ah ee (Somalistar) waa bile madax banaan oo ka soo baxa magaalooyinka mataanaha ah ee St.paul/Minneapolis iyo qaar ka mida magooyinka kale ee Maraykanka . 

Somalitalk waxay had iyo goor idiinka soo xushaa wargayska Somalistar hadba wixii ay is leedahay bishan bahweynta soo booqata somalitalk way xiisaynayaan, hadaba bishan waxaan idiin soo xulay sheekadan ee gudoon wacan. Sheekadan waxaa soo diyaariyey oo isku soo duba riday Sheekh C/risaaq Abshir. 

Sheekadii kiishka

Sheekada kiishka waxaa ka sheekeeyey mid kamida culumada islamka ee waawayn oo loo yaqaan imamu dabari.

Waxaana looga jeedaa qisadii ku dhacday nin faqiir ah oo kamida umadii noolayd quruuntii nabiga ku dhawayd oo ah nin alle ka cabsi badan una sabar badan hadaba aan wada akhrino qisada kiishka imamu dabari wuxuu yiri.

Subaxay bisha ramadaan kow ahayd ee sanadka 240 ee hijriga ayaan kusoo tukaday masjidka xaramka anigoo safar waxbarasho ku imid umadii muslimiinta ee xaramka barakaysan hareerihiisa daganayd qofwaliba wuxuu soo tukaday subaxa isagoo suxuur fiican kusoo suxuurtey isuna diyaarinaya soon uu ku soomo meesha dhulka alle ugu sharafta badan ee allah uu ku uumay nabigiisa muxamed kunasoo dajiyey kitaabkiisa qur’aanka ah.

Hawadoo dhan waxaad moodaa inay soo dhawaynayso bisha ramadaan ee barakaysan.

Waxaa isaguna dhankiisa soo tukaday oday lix iyo sideetan jir ah oo xiran go’ uu xarig ku adkeeyey muuqaalkiisa ay dhibaato badani ka muuqato mana uu awoodo inuu istaago gaajo darteed subaxan wuxuu soomey isagoo aan suxuuran xalayna wuxuu seexday casho la’aan shalaydii kahoreyseyna wuxuu kusoo dhamaystay qado la’aan.

Salaadii ayuu tukaday isagoo aad u murugaysan aad u qalbi jaban laakiinse kama uusan fakareyn naftiisa sababtoo ah cimri dheer ayuu faqriga kusoo jirey ilaa uu kala qabsadey oo aduunyaba uu ka niyad goostey uuna hilmaamey gabi ahaanteedaba wuxuuse kafakareyey siddeed nafood oo hareerihiisa ku gaajaysan kuna aradan oo uu isagu yahay cidda biilkooda laga sugayo alle kabacdi. Haddii uu jiri lahaa nin kujira dhibka uu ninkani kujiro oo kale oo uu arko dadka maalqabeenka ah sida ay xoolaha ugu bixinayaan cayaar cayaarta isaguna uu u dhimanayo quutuldaruurigii dhuuntiisa mari lahaa nolosha oo dhan ayuu u caroon lahaa, casriga oo dhana waa ceebayn lahaa, dadkana waa xasdi lahaa, laakiin odaygani waa nin mu’min ah oo garanaya waxa dadka gacantooda ku jira oo dhan inaysan ayagu lahayn oo allah leeyahay wixii isaga irsaaq loo qorayna inaysoo gaaridoonto irsaaq cidkale leedahayna inuusan isagu quudan Karin.

Salaadii markii la tukaday odaygii wuxuu yiri “haah haamaansi alxamdu lillah calaa kulixaal” markasta allow adaa mahad leh waana istaagay xaga guriga go’iisii uu xirnaa ayuu siibay oo u yeeray haweenaydiisa lubaabo markaasaa waxaa soo baxday duq waayeel ah oo calal ku duuduuban go’ii ayuu u dhiibay si ay ugu tukato oo calalkii isku duuduubay.

Haweeneydii markey tukatey ayey tiri qayaath (odayga magaciisa) maanta waxay noo tahay maalinkii sadexaad oo aanaan waxba liqin waana maalin soon iyo kulayl hadaan aniga iyo adigu adkeysano gabdhaha yaryarka ah iyo ayeydood ma adkeysan karaan, gaajo adag ayaana curqaha goysey ninyohow allah kaalmeysoo banaanka u bax oo waxnoo raadi waxaa laga yaabaa in allah jajab timira oo aanu ku afuro kugu irsaaqee!!

Odaygii wuxuu yiri insha allah waan yeelin markaasuu sugey ilaa qoraxdu kasoo baxdey oo ay barqadii noqotey markaasuu baxay oo wareegey wadooyinka mako dadku waa wax shaqaysanaya iyo wax wali iska hurda oo aan soo bixin qof uu lahadlo ama lakulmo waa waayey qoraxdii waa soo kululaatey, adimadiisii waa dhaqaaqi waayeen, indhihiina waa madoobaadeen, calooshiisa waxaad moodaa olol inuu ka baxayo gaajo darteed isagoo suuxi raba ayuu darbi hooskii ku dhacay, markaan waxa uu ku fakarayo oo uu ugu jecel yahay waa in ajashii soo haleesho oo uu dhinto isla markaana uu ka boxo cadaabka aduunyada uu allana hortago isagoo rumaysan imaanka helana raaxadii janada.

Daqiiqado yar markuu jeejeego u yaaley ayuu gacantiisa ciida , kumiisey ku xanxantoobiyey markaasuu wuxuu taabtey wax jicilsan oo dhareran wuxuu mooday abeeso meesha huruda gacantii ayuu la boodey oo allah ka magan galey, hadana wuxuu jeclaystey inay qaniinto oo u dhinto gacanta ayuu meeshii u celiyey isagoo leh may ku qaniinto, islamarkiiba wuxuu xasuustey inaysan qofka muslinka ah u haboonayn inuu geerida jeclaysto ee laga rabo inuu dhoho allow I noolee intii noloshu ii khayr badan tahay ina dil markii geeridu ii khayr badan tahay markaasuu gacantiisa soo ceshaday oo allah ka danbidhaaf dalbey.

Meeshii ayuu fiiriyey mise wuxu maba dhaqdhaqaaqayaan wuu la yaabey oo lugta ku taabtey mise dhaqdhaqaaq ma leh, wuu soo jiiday mise wuxu abeeso ma ahan ee waa kiish buuxa oo culus, waa lasoo boodey mise waxa ku jira kun diinaar oo dahaba, halka diinaarna lix bilood waa deeqaa isaga iyo reerkiisaba halmara ayaa waxaa lamoodaa in gaajadii iyo haraadkii laga dulqaadey, waxaad moodaa awoodda halmara in lagu shubey, waxaad moodaa dhalinyaro nimadii halmara in lagu soo celiyey, wuxuu sawirtey isagoo caruurtiisa dharag iyo raaxo iyo arad bax isagoo gacmaha ugu sida halmara usoo galiyey oo gacmaha uga buuxiyey dahabka oo inay maqlaan mooyee aysan waligood taaban, wuxuu bilaabey inuu kafakarayo wuxuu u gadi lahaa oo aduunyoo dhan isasoo hordhigey ilaa uu ku sigtey inuu halmara waali ku dhufto.

 Qaybta Labaad ka akhri halkan .... GUJI

wixii faahfiina kala xiriir email : somalistar1@yahoo.com 
Waxaa diyaariyey :C/risaaq Abshir
 

2002-12-16
FAAFIN: SOMALITALK.COM

Su'aalo Cilmiyeed: Guji www.somalitalk.com/quiz

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.



HTML CD