SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Dayactir La'aan ku Dhacay mid ka mid ah Dugsiyadii Waxbarasha ee Muqdisho

  • Muuse Maxamud Jiisow
    somali39@hotmail.com

    Muqdisho, Soomaaliya

    Xaggee ku dambeeyey Dugsigii Hoose/dhexe ee Xamar Jadiid ee Degmada H/wadaag...

Tan iyo markii ay dowladii dhexe ay dhacday oo ay dagaaladii sokeeye bilowdeen ayaa waxaa burburey dhamaan ilihii dhaqaalaha guud ahaanba sida: warshadihii, Warbarashada, Shaqada, Caafimaadka iyo guud ahaanba saameynta Nolosha dadka ku dhaqan magaaladda Muqdisho. 

Dugsiyada magaaladda Muqdisho ayaa intooda badan noqday meelo ay degan yihiin dadka ku soo barakacay dagaaladda kuwaasoo Cooshado ku dhexsameystey dhismayaasha la fiiqday ee dugsiyada, sidoo kale dugsiyadii magaaladda Muqdisho ayaa intooda badan waxaa ay noqdeen Qabuuro, goobo lagu soo fogeeyo qashinka, garaashyo, iyo kuwa noqday bahallo galeen. 

Dugdiyadda ka badbaaday dagaaladaas ayaa nasiib u helay in la mooro duugo magacyadii lagu yaqaanay, kuwaasoo loo bixiyey Magacyo cusub oo aan horay loogu yeeri jirin. 

Dugsiyada dagaaladda ay la hareen ayaa waxaa ka mid ah dugsiga ka mid ahaan jiray Dugsiyadda dhexe ee ka jiray magaaladda Muqdisho oo gaarayey sida uu ii sheegay mid ka mid ahaan jiray Wasaaradda waxbarashada illaa 50 dugsi H/dhexe, kaasoo lagu magacaabi jiray Dugsiga H/dhexe ee Xamar Jadiid ee degmada H/wadaag.

Xilli ay Qoraxdu galbeed ay u janjeersatay ayaan gaaray dugsigaas si aan wax uga ogaado xaaladdiisa, waxa ay in dhahaygu qabteen waxyaabo aan indhahaagu aysan jecleysaneyn sida qashinka laga soo daadgureeyo Suuqa weyn ee Bakaaraha oo uu marti u noqday, sidoo kale waxaa uu gabaad u noday ilmaha Dibjirada ah ee isticmaala noocyada kala duwan ee Mukhadaraadka sida Koolada, Xashiisha, Calaqa iwm.

Waxaa kaloo dugsigaas uu noqday goob ay usoo foofaan xoolaha sida Lo’da iyo Ariga magaalo jooga ah, si ay halkaas uga cunaan haraaga cuntada Makhaayadaha iyo waliba Bacaha, taasoo ay u geeriyoodeen xoolo badan oo waayey dad dhaqda.  


Mar haddii halkaas ay ku yaraayeen raadka dadka waxaa in dhahaygu ay qabanayeen raxan-raxan Eeyo ah oo si kalsooni ah u dhex jiifay haraagii dugsigii burburay ee xamar jadiid. 

Muuse Cismaan oo ka mid ah dadka ka soo jeeda deegaanka uu ku yaalo iskuulkaas ayaa ii sheegay in marka laga tago Mashaqada ku xeeran dugsigaas ay wehliso qiime dhac uu u keenay guryaha ku xeyndaaban dugsigaas oo xaalad Caafimaad darro looga cabsaday, mana jirto cid wax ka qabanaysa amma u maqan , waxaana uu walaac ka muujiyey xitaa inuu la haray beeca guryaha deegaankaas.

 

Dugiga waxaa laga dheehan karay muuqaalka guud ee burburka iyo dagaaladda ka dhacay Muqdisho, waxaase dugsigaan nasiib darada la qaybsada dugsiyo badan, kuwaasoo damqaya Dammiirka dadkii ka aflaxay dugsiyadaas iyo inta taqaananay intaba sidoo kale waxaa uu saameyn ku leeyahay guud ahanba dadka Soomaaliyeed.


Sidaas ayaa u dambeysey Dugisigii H/Dhexe ee Xamar Jadiid

Aqristaal waan iddiin soo gudbin doonaa xaaladaha ay ku sugan yihiin Dugsiyadii sare iyo H/dhexe ee Magaalada Muqdisho haddii uu allaha awoodda lehi ogolaado. Hadana Akhri Dugsiga 1da Maajo... Guji...

JiisowMuuse Maxamud Jiisow

somali39@hotmail.com


Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2006

XAMAR DAAWO DACALADA... SAWIRO....