SHIRWEYNIHII
OSLO
OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN
Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub...
Shirweynihii
islaamiga ahaa ee bishan diseembar 24-26-keedii ka dhacay magaallada Oslo,
xarunta dalka Norwey ayaa si weyn soomaalida Norwey uga faa’iidaysteen intuu
socday, waxayna culumadii ka soo qaybgalay shirkan islaamiga ku soo
bandhigeen duruuso aad u qiimo badan, kana hadlayay casharo si weyn u
taabanayay nolol-maalmeedka jaaliyadda soomaaliyeed ee ku firirsan dalalka
Galbeedka.
Shirkan oo ay
soo qabanbaabiyay Ururka iskaashiga Soomaalida Norwey ayaa muxaadaradii ugu
horeysay ee uu jeediyay Sh. Cusmaan Usuuli ayuu si waafi ah uga hadlay
mowduuc la xiriiray Alle ka cabsiga, isagoo xusayna qaybaha iyo calaamadaha
ay ka kooban tahay taqwada.
Wuxuu Sh.
Usuuli ku lafaguray muxaadaradiisa ahmiyadda taqwada ay guud
ahaan muslimiinta u leedahay, isagoo dhinaca kalena xusay in taqwada ama in
Allaah (sw) si dhab looga cabsado ay tahay wixii horey loo faray anbiyadii
ka horeeyay Nebigeenna Muxammad (scw). Sidaas darteedna ay taqwadu tahay
sacaadada iyo liibaanta dadka muslimiinta.
Sidaas si la
mid ah, waxaa goobtii shirweynaha muxaadaro ama darasad caqabaadka iyo
mashaakilaadka haysta qoysaska soomaaliyeed ee ku dhaqan galbeedka soo
jeedisay Drs Maryam Qaasim ooiyadu degganayd sannado badan Yurub, isla
markaasna takhasus iyo baaritaanno ku samaysay qaar ka mid ah dhibaatooyinka
keena burburka qoysaska.
2-da sheekh
kala ah Sh. Cabdirashiid M. Adam oo ah imaamka magaallada Goteborg ee dalka
Sweden iyo Sh. Cabdiraxmaan Saleban Bashir ayaa iyaguna muxaadaraad qiimo
badan ku soo bandhigay hoolkii muxaadarada, iyadoo ka soo qaybgalayaashii
shirkana ay si weyn ula dhaceen.
Nadwo iyo
dood-cilmiyeedyo dadweynihii saameeyay ayaa maalintii ugu danbeysay ku
xigay, iyadoo mashaayikhda shirka ka soo qaybgalay mid mid loo weydiinayay
su’aalihii ka yimid dadweynihii ka soo qaybgalay shirka oo ka koobnaa rag
iyo dumar-ba.
Caruur
soomaaliyeed oo si weyn loo tababaray ayaa goobtii shirka ku soo bandhigayay
anaashiidyo diineed oo soo jiitay dadweynaha, iyagoo ereyadii ay qaadayeen
ay ku ammaanayeen islaamka iyo Allaah iyo kor noqoshada diinta islaamka iyo
guud ahaan muslimiintaba.
Ugu danbeyntii
shirweynahan oo ahaa kii labaad, ayna dadweyne kor u dhaafay kun qof ay ka
soo qaybgaleen ayaa waxyaabihii lagu soo gabagabeeyay ka mid ah abwaanka
soomaaliyeed ee da’da yar, laguna magacaabo Cali Mataan Xasan Barre oo
deggan Oslo ayaa wuxuu goobtii madasha shirka ku soo bandhigay gabayo dhowr
ah, waxaana ka mid ahaa gabaygaan oo dadweynihii si weyn u saameeyay lana
magac baxay Rabbiyoow Na Raacsii, waxaana uu ku billaabanayay sidatan:-
rabbi iyo
rasuulkii
ninkii
diinta raacaa
raadkii
asxaabtiyo
risaalada
rumeeyaa
raalinimada
eebbiyo
raaxada
firdowsaa
raasamaal
unoqotee
rugta raaxa
iyo janna
rabiyow
nagaarsii
saruulkiyo
rafiiqii
rabiyow
naraacsii
raranka iyo
naarta
rabiyow
inaga kori
waa ragaad
aduunyee
waarafaadka
noloshee
waa geedi
raranoo
rarka meel
kufuriyee
ruuxna kuma
nagaadoo
kuma raagi
karayee
rucle iyo
rafaadba
reeraha ku
dhacaye
ibliisbaa
riyiyo been
nagu
raadcinaayee
rabiyow
inaga rujji
kuu
rujucnay adigee
rugta raaxa
iyo janna
rabiyow
nagaarsii
rasuulkiyo
rafiiqii
rabiyow
naraacsii
raranka iyo
naarta
rabiyow
inaga kori
risqigii
aduunkee
rabigeen
inoo qoray
kuraadiya
xalaashoo
iska riixa
xaaraam
riba iyo
dulsaarada
waanalaga
reebee
rugta raaxa
iyo janna
rabiyow
nagaarsii
rasuulkiyo
rafiiqii
rabiyow
naraacii
raranka iyo
naarta
rabiyow
inaga kori
Waxaa sidoo
kale ku xigay gabaygaan oo uu abwaanku ugu dardaarmayay soomaalida inay si
wacan u qabsadaan diintooda, waxana gabaygii oo cinwaankiisu ahaa Diintaada
Xooji ku billowday sidatan:-
xukumkiyo shareecada
waa
xeer ilaahoo
waa
xujooyin adagoo
xikmad
eebe weeyee
waa
xalkii islaamkiyo
xayndaabki diintee
ku
xajiya gowsaha
diintiina xoojiya
xad iyo
xuduudba
ku
xaliya dantiinoo
xushmo
iyo xaqdhoowriyo
ku
xiriisha riximkee
kuxisaabtan waligaa
markay
xiisa joogtaa
yay
xamaasa ku latagin
xikmadaha adeegsoo
xigsa
xarafka diinoo
kuxisaabtan waligaa
haddaad
xoog isbidiyoo
oo aad
xaraga kibir
aad
laxuruflayni
ilaahay
xadgudubyada
wuu
kaaxarimayee
hadduu
mowtka xaadira
towba kaa xanibanee
hadaad xoollo
leedahay
oo aad
xanaaniyo
xaalad
sare ku nooshahay
inuu
xaaluf eber jiro
xaqiiqsoo ogsoonoow
ku
xisaabtan waligaa
xukumkiyo shareecada
waa xeer ilaahoo
waa xujooyin adagoo
xikmad eebe weeyee
waa xalkii islaamkiyo
xayndaabkii diintee
dumarow
xijaabkiyo
xirta
wada jalaabiib
jidhka
waa ka xaaraam
nimaan
xariga diin iyo
aan
xalaasha kugu qabin
maxram
kuu xigaaliyo
xilahaada oo qudhaa
diinta
kuu xadeysee
ku
xisaabtan waligaa
xukumkiyo shareecada
waa xeer ilaahoo
waa xujooyin adagoo
xikmad eebe weeyee
waa xalkii islaamkiyo
xayndaabkii diintee
Iyo ugu danbeyntii, wuxuu soo xiray abwaanka gabaygaan
oo dadweynihii hal mar baraarugoodii soo jeediyay, wuxuuna ugu magac daray
DHAFAKAAR, wuxuuna kju billaabay sidatan:-
Dhaliilaha colaaddee
Dhulkeygii
kadhacaybaa
Dibadaha inoo dhigay
Waxaan dhaxal uqaadanay
Dhuunkaal khadhaadh iyo
Dhaxantiyo qaboobaha
Dhaqan xumida taallee
Dhafakaar inay noqon
Eynaan la ladhaygagin
Dhaawaca iyo dhibaatada
Runtii waan dhadhaminee
Dhabtaan manta haynaa
Dhalaankaan jeclaynee
Dharabteeni yaalee
Dhuuqay caana hooyee
Dhibkuu
waalid soo maray
Aan dhuganin waliyee
Caasinimo ku dhiiraday
Dhafakaar inay noqon
Aynaan
ladhaygagin
Dhaawaca iyo dhibaatada
Runtii waan dhadhaminee
Dhabntaa manta haynaa
Waxa aan ladhuubtee
Dharbaanada ibadayee
Dhafoorkaygi dooriyey
Dhalaankeeni dheehmee
Dhumay ee ladhalan rogay
Dhafakaar inay noqon
Aynan ladhaygagin
Dhaawaca iyo dhiibaatada
Runtii waan dhadhaminee
Dhabtaan manta haynaa
inta
nolosha dhaaftee
ee dhuuni
raacdee
xayaatada
kadhacayee
Dhagaha
iyo dhuuntii
Silis
dheer kalulayee
Ladhantahay
xaraga been
Dhafakaar
inay noqon
Aynaan
ladhaygagin
Dhaawaca
iyo dhibaatada
Runtii
waan dhadhaminee
Dhabtaan
manta haaynaa
Dhiigga
waa midkeenii
Dheegga
waa mid naga duwan
Inuu
Norshka dhalad yahay
Dhimirkiis
kabuuxdee
Adna
dhaqan kaleentaad
Dhaxal
hore uleedahay
Dhafakaar
iney noqon
Aynan
ladhaygagin
Dhaawaca iyo
dhibaatada
Runtii waan
dhadhaminee
Dhabtaan
manta haynaa
Dhisma tiirar
wayn iyo
Dhidibooyin
adag iyo
Dhaqan celis
ma aan lihin
Dhawaq kaa
aqbali maa
Dhangad
laguma jiidoo
Quraan looma
dhigi kara
Dhafakaar
iney noqon
Aynaan
ladhaygagin
Dhaawaca iyo
dhibaatada
Runtii wan
dhadhaminee
Dhabtaan
manta haynaa
Hablaheenii
dhowrnaa
Dhaqankiyo
wanaaggii
Dhinac uga
baydhee
Dhaxda iyo
calooshii
Dhumucday
baneysteen
Dhafakaar
inay noqon
Aynaan la
dhaygagin
Dhaawaca iyo
dhibaatada
Runtii waan
dhadhaminnee
Dhabtaan manta haynaa Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2005
|