Haweenku Ragga Ma Tukin Karaan
Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan
Imaamka Masjid Assaber, Portland, Oregon
www.waano-online.com
imam@assaber.com
HORDHAC:
Waxa lawada maqlay dhacdadii layaabka iyo
amakaaga ku keentay muslimiinta ku nool Waqooyiga Ameerika gaar ahaan, guud
ahaana shucuubta muslimka ee ahayd inay haweenay Maraykana oo la yidhaahdo
Dr. Amina Waduud ay banaysatay inay akhrido khudbaddii Jimcaha Salaadana
tukiso rag iyo dumar is dhex fadhiya oo garbaha isku haya. Waxa la yaab leh
in kuwa qabanqaabiyey salaaddan bidciga ah ee shareecda khilaafsani ay ku
andacoonayaan in looga dan leeyahay sidii loo taageeri lahaa loona
horumarrin lahaa sinaanta ragga iyo dumarka.
Haddaba iyadoo mas'aladdu ku lug leedahay
shareecada ayaa waxaan warqad ku muujiyay in arrinkani yahay mid diinta iyo
shareecadaba aan sinaba ugu banaanayn.
Waa wax aan hore loogu maqal taariikhda
Msulimiinta, jamaahiirta culimada islaamka ooy ku jiraan afarta madhabina
waxay isku waafaqeen inayna dumarku arrinkan ku kici karin.
Hoos waxa ku tibaaxan caddaymo tilmaamaya
qallooca dhacdadan shariicada ka soo horjeeda.
Axnaafta:
قال ابن عابدين الحنفي في رد المختار
1/577: "ولا يصح اقتداء رجل بامرأة، أي في الصلاة".
Ibnu Caabidiin Al-xanafi ayaa ku yidhi
Radul mukhtaar 1/577 : “ Ma ansaxayso salaadda uu nin ku daba tukado
haweenay.”
Maalikiyada:
جاء في
رسالة ابن أبي زيد القيرواني(كفاية الطالب الرباني على رسالة بن أبي زيد
القيرواني2/7): "ولا تؤم المرأة في فريضة ولا نافلة،
لا رجالاً ولا نساءً"
Ibnu abii Zayd Al-qayrawaani ayaa yidhi: “
Haweenayda uma banaana inay rag iyo dumar midna imaam u noqoto, faral iyo
sunne midnaba.”
قال الباجي في المنتقى 459/1:
" فأما ما يمنع صحة الإمامة عند مالك فعلى ثلاثة أضرب : أحدها الأنوثة،
والثانية الصغر، والثالثة نقص الدين، أما الأنوثة فإن المرأة لا تؤم رجالاً ولا
نساءً، في فريضة ولا نافلة."
Al-baaji ayaa
ku yidhi Al-muntaqaa 1/459 : “ Waxyaabaha uu Imaam
Maalik yidhi way manciyaan imaamnimadu waa seddex nooc: Ta hore waa
dhedignimada, ta labaad waa yaraanta, ta
seddexaadna waa nuqsaanta diineed. Hadaba dhedignimadu waxa weeyi inaysan
haweenaydu imaam u noqon karayn rag iyo dumar midkoodna, faral iyo sunne
midnaba
Shaaficiyada:
وقال
الشافعي في الأم 1/191: "وإذا صلت المرأة برجال ونساء وصبيان ذكور فصلاة النساء
مجزئة، وصلاة الرجال والصبيان الذكور غير مجزئة ; لأن الله عز وجل جعل الرجال
قوامين على النساء وقصرهن عن أن يكن أولياء، ولا يجوز أن تكون امرأة إمام رجل
في صلاة بحال أبدا".
Shaafaci ayaa yidhi (Al-um 1/19): “Haddii
ay gabadhu tukiso ragg,dumar iyo caruur salaadda dumarku waa ansax,
haseyeeshee salaadda ragga iyo caruurta inamada ahi ma ansaxayso; waayo
Ilaahay ayaa ragga ka yeelay kuwo u taagan maamulka haweenka, wuxuuna ka
reebay inay awliyo noqdaan, sinaba kuma banaana inay haweenay noqoto nin
imaamoo tukinaya”
قال النووي الشافعي في المجموع 4/151: "اتفق أصحابنا على أنه لا
تجوز صلاة رجل بالغ ولا صبي
خلف امرأة، وسواء في منع إمامة المرأة للرجال صلاة الفرض والتراويح , وسائر
النوافل , هذا مذهبنا , ومذهب جماهير العلماء من السلف والخلف- رحمهم الله-
وحكاه البيهقي عن الفقهاء السبعة فقهاء المدينة التابعين, وهو مذهب مالك وأبي
حنيفة وسفيان وأحمد وداود وقال أبو ثور والمزني وابن جرير: تصح صلاة الرجال
وراءها , حكاه عنهم القاضي أبو الطيب والعبدري".
Nawawi Ayaa yidhi (Al-majmuuc 4/151): “
Waxay isku waafaqeeen asxaabtaydu (culimada shaaficigu) inayna u banaaneen
nin qaangaadh iyo inan yar midna inay ku daba tukadaan haweenay, ha ahaato
salaad farad ah, taraawiixda, iyo sunnaha midna, sidaasi ayuu yahay mad-habkayagu,
waana mad-habka culimada badankooga, salafkii iyo khalafkiiba- Alle ha u
naxariistee. Bayhaqi ayaa yidhi waa mad-habka todobada faqiih oo ahaa
fuqahadii taabiciinta ee Madiina, waana mad-habka Maalik, Abuu Xaniifa,
Sufyaan, Axmed iyo Daa’uud. Abuu Thawr, Muzani iyo ibnu Jariir ayaa iyagu
yidhi salaadda raggu ku daba tukadaan haweenay way ansaxaysaa., waxaana
sidaa ka soo wariyay qaadi Abuu Dayib iyo Al- cabdari.”
Xanaabilada:
وقال المرداوي الحنبلي في الإنصاف2/263: "ولا تصح إمامة المرأة
للرجل هذا المذهب مطلقا، وعنه
تصح في التراويح ولا يجوز في غير التراويح، فعلى هذه الرواية، قيل: يصح إن كانت
قارئة وهم أميون ، وقيل: إن كانت أقرأ من الرجال ، وقيل: إن كانت أقرأ وذا رحم،
وقيل: إن كانت ذا رحم أو عجوز.".
Al-mardaawi Al-xanbali ayaa ku yidh
Al-insaaf 2/263 : " ma banaana inay haweenaydu
ragga imaam u noqoto, sidaasi ayaa mad-habka ah, waxa laga soo wariyay-
Imaam Axamed- inuu baneeyay taraawiixda oo kaliya. Riwaayadan haddii la
cuskadana waxa la yidhi: way banaantahay haddii ay tahay qaari’ad iyaguna ay
yihiin ummiyiin, waxa kale oo la yidhi hadday ka akhris wanaagsan tahay
ragga, waxa kale oo la yidhi haddii ay ka akhris wanaagsantahay ragguna
yihiin riximkeeda, waxa kale oo la yidhi hadday rixim u tahay ama habar weyn
tahay."
Daahiriyada:
وقال
ابن حزم في المحلى 2/167: "ولا يجوز أن تؤم المرأة الرجل ولا الرجال, وهذا ما
لا خلاف فيه , وأيضا فإن النص قد جاء بأن المرأة تقطع صلاة الرجل إذا فاتت
أمامه، مع حكمه عليه السلام بأن تكون وراء الرجل في الصلاة ولا بد, وأن الإمام
يقف أمام المأمومين ولا بد".
Ibnu Xazam ayaa ku yidhi Al-muxallaa 1/167
: “ Ma banaana inay haweenaydu tukiso nin iyo ragg midna, arrinkana waa mid
aan laysku khilaafin, waxa kale oo naska ku yimid inay haweenaydu goynayso
salaada ninka haddii ay hor marto, waxana xukunka Nabigu yahay inay ku daba
tukado ninka iyo inuu mar walba imaamku is hor taago ma’muumiinta.”
Culimada Casirigan:
Gudidada Fatwada Ee Sucuudiga:
Gudida Fatwada ee Sucuudiga ayaa ku
fityootay oo tidhi: “ ma banaana inay dumarku tukiyaan ragga”, Al-fataawaa
7/390.
Sh Muxamad Saalix ibnu Cusaymiin:
قال رحمه اللّه في الشرح
الممتع 4/312: " ودليل آخر أن النبي صلى اللّه عليه وسلم قال :( خير صفوف
النساء آخرها) وهذا دليل على أنه لا موقع لهن فياالأمام، ولإمام لا يكون إلا في
الأمام، فلو قلنا بصحة إمامتهن بالرجال لانقلب الوضع فصارت هي المتقدمة على
الرجل، وهذا لا تؤيده الشريعة."
Wuxuu Sheekhu ku yidhi buugiisa As-sharxul
Mumtic 4/312: “ daliil kalena waa inuu Nabigaصلى اللّه
عليه وسلم yidhi ( safafka dumarka waxa ugu khayr badan kuwa ugu
dambeeya) kani wuxuu u daliil yahay inaysan meel ku lahayn xagga hore,
imaamkuna waa inuu kolayba istaago xagga hore, haddaba haddaynu u ansixino
inay ragga tukiyaan waxay taasi afgambi ku keenaysaa wadciga, oo iyadii ayaa
raggii ka horaynaysa, arrinkana shariicadu ma ayidsana.”
Sh. Yusuf Al-qaradaawi:
قال
الدكتور يوسف القرضاوي :" لم يُعرف في تاريخ المسلمين خلال أربعة عشر قرنا : أن
امرأة خطبت الجمعة وأمت الرجال ...والأصل في الإمامة في الصلاة: أنَّها للرجال،
لأن الإمام إنما جُعل ليُؤْتم به."(www.Islam-online.net
Dr.
Yusuf wuxuu yidhi: “ laguma yaqaan taariikhda muslimiinta afar iyo tobon
qarni gudahood haweenay khudbad jimce akhriday oo ragg tukisay…. Asal
ahaanna ragga ayaa leh imaamnimada salaadda, waayo imaamka waxa loo jideeyay
in lagu daydo.”
Sheekhul Azharka:
قال الدكتور محمد سيد
طنطاوي شيخ الأزهر : "إمامة المرأة للرجال بصفة عامة سواء كانت في صلاة الجمعة
أو في الصلاة المفروضة في توقيتاتها أو في صلاة النوافل أو في أية صلاة أخري
لاتجوز, وانما يجوز لها أن تكون إماما لبنات جنسها من النساء, لأن بدن
المرأة عورة"
Dr. Muxamad Sayid Dandaawi oo
ah Sheekhul Azharka ayaa yidhi: “ Inay haweenaydu dumarka imaam u noqoto
salaadda Jimcaha amaba salaadaha kalee faradka ah ama salaadda sunnhaha ah
ama salaad walba oo kale, maaha wax banaan, hayeeshee waxa u banaan inay
tukiso dumarka, waayo jidhka haweenaydu waa cawro.”
[www.ahram.org.eg; Safar 9 1426 H]
Golaha Fuqahada Shareecada ee
Ameerika:
Caddayn uu soo saaray Golaha Fuqahada
shareecada ee Ameerika oo uu ku saxeexan yahay Dr.Salaax Saawi ayaa sidan
hoos ku tibaaxan sheegay:
“ Bari iyo galbeedba waxay ummaddu isku
waafaqday inaysan dumarku shuqul ku lahayn khudbadda Jimcaha iyo
imaamnimada salaada, qofkii arrinkan ka qayb qaatana salaadiisu waa baadil,
imaam iyo ma’muum labadab.”
Maxaa
u daliila fatwadan:
1. Xadiiska Nabiga
صلى اللّه عليه وسلم :
روى البخاري عن أبي بكرة
رضي اللّه عنه أن النبي صلى اللّه عليه وسلم قال: (لن يفلح قوم ولوا أمرهم
امرأة) [البخاري ]:4425
Bukhaari ayaa ka soo wariyay Abii Bakrah
Ilaahay raali ha ka noqdee inuu Nabigii Alleصلى اللّه
عليه وسلم yidhi:(ma liibaanayaan qoom arrinkooka u dhiibay haweenay).
Xadiisku wuxuu tilmaamayaa in dumarka aan
loo dhiibin madaxnimada ummadda, waxa kaloo laga daliishanayaa inaysan
banaanayn in loo dhiibo imaamnimada salaadda waayo imaamnimada salaaddu
waxay ka mid tahay madaxnimada diinta .
2. Xadiiska Nabigaصلى
اللّه عليه وسلم :
أخرج مسلم في صحيحه عن
أبي هريرة رضي اللّه عنه (440) قال : قال رسول اللّه صلى اللّه عليه وسلم:
((خير صفوف الرجال أولها وشرها آخرها، وخير صفوف النساء آخرها وشرها أولها))
Muslim ayaa ka soo wariyay Abuu hurayra
Ilaahay raali ha ka noqdee inuu yidhi: Nabigiiصلى اللّه
عليه وسلم ayaa ydidhi: ((Safafka ragga waxa ugu khayr badan kuwa ugu
horeeya waxana ugu shar badan kuwa ugu dambeeya, safafka dumarkna waxa ugu
khayr badan kuwa ugu dambeeya waxana ugu shar badan kuwa ugu horeeya))
Xadiiskani wxuxuu si cad u tilmaamayaa
ujeedo ay shareecadu dhidibada u aastay oo ah in xaalka dumarku ku dednaado
xishmad, asturaad, iyo xishood.
Taasina waxay caawinaysaa in la hor istaago
fitnada, fasahaadka iyo sharka unkama markay ragga iyo dumarku is dhex
galaan. Si arrinkan loo xoojiyo ayuu Nabigu صلى اللّه
عليه وسلم uu dumarka ku tukanya masaajidkiisa u sameeyay albaab iyaga
u gaara, wuxuu kaloo ragga u sheegay inay fadhiyaan ooy sugaan intay
dumarku baxayaan, Hadaba hadday shareecadu arrinkan heerkaa gaadhsiisay
sidee ayaa loo odhan karaa way u banaan tahay dumarku inay ragga imaamyo u
noqdaan amaba ay minbarka fuulaan si ay u akhriyaan khudbadda jimcaha? Waxa
halkan ku cad foolxumo uu arrinkani leeyhay iyo fitnada uu dhalinayo.
Faa’iido: Arrinkan uu xadiisku tilmaamay ee
ah in safafka dumarka ay ugu khayr badan yihiin kuwa ugu dambeeya , waxa
loola jeedaa haddii ay ragga iyo dumarku meel keliya ku wada tukanayaan:
haddiise ay dumarku leeyihiin meel u gaara ooy ku tukadaan, waxa kolkaa
safafkooga ugu khayr badan kuwa ugu horeeya sida Rgga oo kale (Fataawaa As-salaah,
Sh. Muxamad Ibnu Saalix Al-cusaymiin:311).
3. Inayna dumarka u banaaneen inay
ragga tukiyaan iyo inay khudbadda jimcaha akhriyaan ayay ummadu ku
camalfalaysa salaf iyo khalfba, taariikhda ummadana laguma hayo haweenay
intay fagaaraha u soo baxday tidhi ragga ayaan imaam u noqonayaa, khudbada
jimcahana waan akhriyayaa. Sidaa awgeed ayuu imaam Nawawi u yidhi:
قال النووي الشافعي في المجموع 4/151: "اتفق أصحابنا على أنه لا
تجوز صلاة رجل بالغ ولا صبي
خلف امرأة، وسواء في منع إمامة المرأة للرجال صلاة الفرض والتراويح , وسائر
النوافل , هذا مذهبنا , ومذهب جماهير العلماء من السلف والخلف- رحمهم الله-
وحكاه البيهقي عن الفقهاء السبعة فقهاء المدينة التابعين, وهو مذهب مالك وأبي
حنيفة وسفيان وأحمد وداود."
Nawawi Ayaa yidhi (Al-majmuuc 4/151): “
Waxay isku waafaqeeen asxaabtaydu (culimada shaaficigu) inaysan u banaaneen
nin qaangaadh iyo inan yar midna inay ku daba tukadaan haweenay, ha ahaato
salaad farad ah,taraawiixda,iyo sunaha midna,sidaasi ayuu yahay mad-habkayagu,waana
madhabka culimada badankooga,salafkii iyo khalafkiiba- Alle ha u naxariistee.
Bayhaqi ayaa yidhi waa mad-habka todobada faqiih oo ahaa fuqahadii
taabiciinta ee Madiina, waana mad-habka Maalik, Abuu Xaniifa, Sufyaan, Axmed
iyo Daa’uud.”
Taariikhda Islaamka waxa ka buuxa dumar
culimo ah oo heer sare ka gaadhay cilmiga shareecada, sida caalimaddii
weyneed ee Caa'isha bintu Abii Bakar Ilaahay raali ha ka noqdee. Taariikhda
ayaa ka markhaatiya dumarka culimada iyo shuyuukhda ahaa ee ku caan baxay
cilmiyada xadiiska, fiqiga ee magacyadooda iyo taariikh nololoodkoogu ku
xusan yahay bogaga kutubta. Al-xaafid Ad-dahabi ayaa ka marag kacay
qadarrinta iyo ixtiraamka ay mutaysteen dumarka culimada ahaa markuu ku
yidhi buuggiisa qaayaha leh ee Miizaan Al-ictidaal(4/604):
"وما علمت من النساء من اتهمت ولا من تركوها"
“ Ma garanayo haweenay la tuhmay iyo mid
laga tagay midna”
" لم يؤثر عن إمرأة أنها كذبت في الحديث."
“ Lama soo sheegin haweenay been ka
sheegaty xadiiska.”
Waxa kaloo aynu taariikhda ku haynaa inay
jireen imaamyo waaweyn iyo culimo ragga oo cilmiga ka bartay dumar, sida
Shaafici, Bukhaari,ibnu xayaan, xitaa waxa jirta inay sheekhyada wax baray
Al-xaafid ibnu Casaakir ay ka mid ahaayeen dhowr iyo todobaatan dumari.
Iyadoo taariikhda lagu hayo dumarkaa
cilmiga badnaa haddana kolnaba lama maqal haweenay ku andacootay oo tidhi
raggaan salaad tukinayaa.
Waxay daliishadiin kuwa leh dumarku ragga
ha tukiyaan:
Waxa kaliya ee lays odhan karo way ku
andacoodeen kuwa maanta leh way banaan tahay in haweenku tukiyaan ragga
iyo inay khudbadda jimcaha akhriyaan waxa weeye xadiiska hoos ku tibaaxan:
أخرج أبو داؤود بسنده عن عبدالرحمن بن خلاّد عن
أم ورقة بنت عبداللّه بنت الحارث ((أن النبي صلى اللّه عليه وسلم أمرها أن تؤم
أهل دارها)) [عون المعبود:2/211]
Abuu Daa’uud ayaa ka soo wariyay Ummu
Waraqa “inuu Nabigu صلى اللّه عليه وسلم amray Inay
tukiso dadka gurigeeda.”[Cawanul Macbuud :2/211]
Xadiiskan waxa lagaga jawaabay arimo dhowra
oo kala ah sida hoos ku tibaaxan:
Ta koowaad: inuu xadiisku daciif yahay,
loona daliishan karayn mas'aladda laga niqaashayo, culimada tilmaamtay
dacfigiisa waxa ka mida kuwa soo socda ee yidhi sidan:
فقد قال عنه الباجي
في المنتقى شرح الموطأ: "هذا الحديث مما لا ينبغي أن يعول عليه".
Al-baajii ayaa ku yidhi Al-muntaqaa sharax
Al-muwada’: “xadiiskan ma haboona in la cuskado”
وقال ابن حجر
في التلخيص الحبير 2/56: "في إسناده عبد الرحمن بن خلاد، وفيه جهالة".
Ibnu Xajar ayaa ku yidhi At-talkhiis Al-xabiir:
(52/56) : “Isnaadkiisa waxaa ku jira Cabdul Raxmaan ibnu Khallaad,
xaalkiisana lagama war hayo.”
Ta labaad: Haddii la qaato hadalka
culimada xadiiska ansixisay ooy ka mid yihiin ibnu Khuzayma oo yidhi
xadiisku waa saxiix, siduu Ibnu Xajar ku sheegay Buluuq Al-maraam(84), iyo
Al-baani oo yidhi xadiisku waa xasan ( Irirwaa Al-qaliil : 2/255); waa in
la yidhaahdo imaamnimadeedu waxay ku gaar ahayd dumarka gurigeeda, ra’yigana
waxa ayidaya ama taageeraya riwaayada Daaruqudni oo odhanaysa:
"إنه أمرها أن تؤم نساء أهل دارها"
“ Waxa uu amray inay tukiso dumarka
gurigeeda.”
Waxaan jirin xadiis si cad u tibaaxaya inuu
Nibigu صلى اللّه عليه وسلمamray inay tukiso ragga
gurigeeda jooga, xitaa haba noqdaan kuwa maxramkeeda ah. Sidaa awgeed ayaa
lo odhan karaa waa in la cuskado riwaayada Daaruqudni ee caddaysay inuu
Nabigu صلى اللّه عليه وسلمamray inay tukiso
dumarka gurigeeda, sidaa awgeed ayuu Ibnu Qudaama u yidhi:
قال ابن قدامة في ( المغني) : "وهذه زيادة يجب
قبولها"
“ Waxa waajiba in la aqbalo ziyaadadan”
Gudida Fatwada ee Sucuudiga oo Sh.Cabdul
Caziiz ibnu Baaz madax ka ahaa ayaa iyaguna ayiday ra’yigan odhanaya wuxuu
Nabigu صلى اللّه عليه وسلمamray um Waraqa inay
tukiso dumarka gurigeeda;Waxay yidhaahdeen:
"وروي عن النبي صلى اللّه عليه وسلم أنه أمر
امرأة أن تؤم أهل دارها، يعنى من النساء."(فتاوى اللجنة الدائمة للبحوث العلمية
والإفتاء: 7/392)
“ Nabigaصلى اللّه عليه
وسلم ayaa amray haweenay ka mida saxaabadiisa inay tukiso dadka
gurigeeda, yacnii dumarka.”
Ra’yigan waxa ka hor imanaysa su’aasha
ah:maxaad kaga jawaabaysaan inuu Nabigu u magacaabay nin u adima markay
salaaddu soo gasho? Jawaabta laga bixiyay waxay tahay inay suura gal tahay
inuu u adimi jiray ka dibna uu jamaacada ragga ee masaajidka la tukan jiray.
Ta seddexaad: Waa in la aqbalo inay
tukinaysay ragga gurigeeda, hayeeshee waxa xadiiska ku cad in ay ahaayeen
muxrimkeeda, iyaduna ay ahayd qaari’ad ku wanaagsan Qur’aanka. Kolkaasi waa
xad gudub in islaan gabow ah oo tukinaysa rag muxrim u ah la barbar dhigo
xaaladdan maanta fitnada ku keentay muslimiinta ku nool Maraykan ee ah inay
haweeynay doonaysa inay imaam iyo khadiib jimce ka noqoto jamac isugu jira
ragg iyo dumar. Sidaa awgeed ayaa imaam Axmed laga wariyey inuu leeyahay
ra’yi odhanaya way banaantahay inay haweynaydu salaadda taraawiixda imaam u
noqoto rag haddii ay iyadu tahay qaari’ad cajuusada, ragguna yihiin muxrim
aan Qur’aanka akhriyi karayn. Waxa halkan ku cad Ilaahay xaqa hayna
garansiiyee inuu imaamku arrinkan ku dabray shardiyada aynu tibaaxnay.
Waxaynu waliba intan ku daraynaa inay qolada banaysay inay haweynayda sidan
oo kale ahi tukin karto ragga gurigeeda ee muxrimka u ah ay yidhaahdeen waa
inay is daba taagto markay tukinayso ooyna hortooda istaagin.
قال المرداوي في الإنصاف: " حيث قلنا: تصح
إمامتها بهم، فإنها تقف خلفهم؛ لأنه أستر. ويقتدون بها. هذا الصحيح ."
Mardaawi ayaa ku yidhi Al-insaaf : “
Haddaynu nidhi way ansaxaysaa imaamnimadeedu, waxa weeye inay isdaba taagto,
iyaguna ku xidhaan, waayo sidaasi ayaa asturan. Sidaasi ayaana saxa.”
Ta afraad: Waa in la yidhaahdo arrinkan
iyo oglaanshahan la siiyey Um Waraqa inay imaam noqoto iyada ayuu gaar ku
ahaa ( Al-Muqni/Ibnu Qudaama:
Haweenaydu way tukin kartaa haween kale:
Way banaantahay inay haweenaydu imaam u
noqoto haween kale, sidaana waxa laga soo wariyey: Caa’isha, Um Salama,
Cadaa, , Ath-thawri, Al-awzaaci, Isxaaq iyo abuu Thowr. Shaafici iyo Axmed
ayaa iyaguna ra’yigan qaba (muqni Al-muxtaaj 1/247, Al-muqni 2/202, Abuu
Xaniifa wuu karaahiyeestay, haddayse tukiso salaadoodu waa sax ayuu yidhi
(Al-lubaab 1/80). Imaa Maalik isagu wuxuu yidhi xitaa dumarka imaam uma
noqon karto (Bidaayad Al Mujtahid 2/289),Shacbi iyo Nakhaci iyagu waxay ku
fityoodeen inay sunnaha tukin karto, laakiin ayna faradka imaam noqon karayn.
Culimada banaysay inay hawaynadu imaam u
noqon karto dumar kale waxay daliishadeen arrimahan hoos ku tibaaxan oon
dhinacna looga baydhi karayn.
1.
قال الحافظ ابن حجر في الدراية
(1/169) : وأخرج محمد بن الحصين من رواية إبراهيم النخعي عن عائشة: أنها كانت
تؤم النساء في شهر رمضان، فتقوم وسطا.
Al-xaafid ibnu Xajar ayaa ku yidhi Ad-diraaya
(1/169) : “ Muxamad ibnu Xusayn ayaa ka soo weriyey Ibraahiim Al-nakhaci:
inay Caa’ishi dumar tukin jirtay bisha Ramadaan ayna dhexdooda istaagi
jirtay”
2.
وروى عبد الرزاق (5083) ، عن ابن
عباس قال: تؤم المرأة النساء تقوم في وسطهن.
Cabdul Rizaaq (5083) ayaa soo weriyey inuu
Ibnu Cabbaas yidhi: “haweenaydu way tukin kartaa dumarka waxayna istaagaysaa
dhexdooda.”
3.
وروىابن أبي شيبة (2/88) وعبد الرزاق
(5082) من طريقين، عن عمار الدهني، عن امرأة من قومه يقال لها حجيرة، عن أم
سلمة: أنها أمتهن، فقامت وسطا.
ولفظ عبد الرزاق: أمتنا أم سلمة في صلاة العصر، فقامت بيننا.
Ibnu abii Shayba (2/88) iyo Cabdull Rizaaq
(5082) ayaa laba dariiq kaga soo weriyey Cammaar Ad-duhni in haweenay
reerkooga ah oo la yidhaahdo Xujayrah ay werisay: “ inay Ummu Salama tukisay,
istaagtayna dhexdooda.”
Odhaahda Cabdull Rizaaq waxa weeye: “ Ummu
Salama ayaa na tukisay salaad Casar, waxayna istaagtay dhexdayada.”
Daliilada kor ku tibaaxan ayaa caddaynaya
inay haweenaydu u banaan tahay inay dumarka imaam u noqoto sidaas ayaana
xaqa waafaqsan.
Gabagabo:
Waxa Muslimiinta ku waajiba inay ku
dadaalaan siday diintooda u fahmi lahaayeen iyagoo cuskanaya Qur’aanka,
Sunnaha iyo fahamkii salafka. Fitnada iyo xumaantana ay u ololeenayaan
casraaniyiintu (The Modernists) waxa weeye mid aan guul soo hooyn doonin,
hayeeshee waxa la gudboon culimada iyo xarakaadka sunniga ah inay xoog
saaraan siday u faafin lahaayeen manhajka iyo fahamka salafiga ah.
Raadka ay Fatwadu Ku Leedahay Nolosheena
Maxamed Sh. Cabdiraxmaan
Waa ayo cidda xaqa u leh inay fatwo
bixisaa? Qof aan cilmi sharciya lahyni ma u banaan tahay in uu
falanqeeyo arimaha diinta? Fatwadu ma waxay ku koobantahay oo kaliya
arimaha la xidhiidha salaada, soonka, xeerka qoyska, dhaxalka iwm? Mise
waxa waajiba in arimaha nolosha oo dhan lagu dabro laguna xakameeyo
xeerka diinta iyo xukunka shareecada? Maxaa ku jaban in culimadu wax ka
yidhaahdaan ama ra’yigooda ka dhiibtaan arimaha siyaasadda, dhaqaalaha,
waxbarashada, warbaahinta iyo maamulka? Haddii ay Islaam ka orod iyo
diin xoor tahay in la kala saaro diinta iyo dowladda amaba masaajidka
iyo siyaasaddu, muxuu yahay hadaba doorka ay fatwada sharciga ahi ku
leedahay wajihinta iyo ansixinta nolol maalmeedkeena iyo dhacdooyinka
nolosheena, ooy hubaal tahay in siyaasadda, dhaqaalaha, warbaahinta iyo
waxbarashaduba qayb libaax ku leeyihiin?
Su’aalaha kor ku tibaaxani waa kuwo
muhiima oo u baahan in laga bixiyo jawaabo sal adag oo ku xakamaysan
daliil sharciya, sababtuna waxay tahay:
KOW: Ilaahay ayaa inagu
adoonsaday in aynu isaga kaligii caabudno, sida ku cad Qur’aanka iyo
Sunnahana cibaadadu kuma koobna oo kaliya salaadda, soonka, xeerka
qoysaka iwm, hasa yeeshee waxa waajiba in Ilaahay lagu caabudo fal
kastoo nolosheena ka mida. Sidaa wageed ayuu fikirka cilmaaniga ahi
yahay mid khilaafsan sharciga iyo diinta, balse waa gaalnimo aan geed
loogu soo gaban. Allaah waxa uu inoo sheegayaa in qofkii aan diinta wax
ku xukumini yahay kaafir, daalim iyo faasiq. Fikirka cilmaaniga
iyo aragtida libiraaliga ahina waxa ay ku salaysan yihiin in diinta iyo
dowladda la kala saaro, habka siyaasadda iyo nidaamka xukunka oo
iyagana laga fogeeyo muqaal kasta oo diiniya, iyo in diinta iyo
shareecada laga dhigo wax shakhsiya oon faro galin ku samayn karayn
nolosha mujtamaca . Inkastoo distoorada u degsan dunida Islaamka uu ku
qoran yahay qodob tiraabaya in “ Diinta dowladdu tahay Islaam” haddana
waxa marag ma doonto ah in siyaasada iyo nidaamka xukunkeenu aad uga
fogyahay axkaanta shareecada iyo hanuunka diinta. Muran macnihiisu liito
iyo dood aan aqoon ku salaysnayn ayay cilmaaniyiintu ka dhaliyaan goor
walba doorka ay shareecadu ku leedahay nolol-maalmeedka muslimiinta. Si
aanay shareecadu raad ugu yeelan goloyaasha go’aan goynta ee
mujtamacyada muslinka, waxa ay cilmaaniyiintu ku dadaalayaan sidii loo
kokin lahaa doorka fatwadu ku yeelan karto nolol maalmeedka muslimiinta.
khudbadda jimcaha ayaan lagu soo qaadin wax siyaasadda khuseeya,
inkastoo culimadeenu yidhaahdeen waa in mawduuca khudbadda jimcuhu
ahaado mid la xidhiidha kolba arimaha la soo gudboonaada muslimiinta iyo
falanqaynta xaaladaha marba taagan. Anigoo ku guda jira qoritaanka
mowduucan ayaan akhriyay go’aan uu soo saaray wasiirka awqaafta ee
dowladda Joordan, kaasi oo tibaaxaya in xad loo yeelo arimaha lagaga
hadlo khudbadda jimcaha. Sida ay sheegeen wadaado ka tirsan culimada iyo
ducaada dalka Joordana waxa cad in qaraarkan looga jeedo sidii loogu
aamusiin lahaa culimada ku dhiiran in ay dhaleeceeyaan dulmiga iyo
xadgudubka uu maamulka Jordan ku hayo shacbigiisa, iyo in islmarkaana
lagu wiiqo codka diiniga ah ee mucaaridka ku ah siyaasadda dowladda ee
dabadhilifka u ah cadowga Islaamka. Go’aankan waxa uu tusaale cad u
yahay sida loo doonayo in codka Islaamka looga idleeyo muuqaalkiisa
siyaasadeed iyo jiritaankiisa bulshnimo, haddii aynaba ahayn ujeedo
lagu haabinayo sidii loo alkumi lahaa Islaam leh muuqaal kiristaameed,
si uu ugu koobnaado arimaha shakhsiga ah, dhaafina soonka iyo salaadda
iwm.
LABO: Waxa maanta aloosan
olole iyo barnaamijyo lagu wiiqayo doorka ay culimadu ku leeyihin nolol
maalmeedka muslimiinta, taasina ay keenayso in shucuubta islaamka ah
laga fogeeyo hogaanka diinta iyo xukunka shareecada. Siyaabaha loo
adeegsanayo wiiqista doorka ay culimadu ku leedahay wacyi galinta
muslimiinta waxa ka mid, in la dhaleeceeyo culimada rabaaniyiinta ah ee
fatwooyinka ay bixiyeen ka soo horjeedaan barnaamijyada iyo ajandayaasha
ay wataan kooxaha Islaamka diidan, lidna ku ah ololahooga ku wajahan in
ay dib u gumaystaan dunida Islaamka. Culimada weerarka laxaadka leh lagu
hayo maanta waxa ka mida Ibnu Taymiye, Maxamed Cabdulwahaab iyo Sayid
Qutub. Waxana ayaan daro ah in kuwo muslimiinta ka mid ahi ka qayb
qaadanayaan dhaleecaynta iyo duridda culimada diinta, waxaynase ogayn
inay doonayaan duminta tiirar Allaah taagay.
SEDDEX: Waxa jira
barnaamijyo uu Galbeedku horseed ka yahay iyagoo owr kiraalayaal ka
dhiganaya cilmaaniyiinta iyo kooxaha libiraaliga ah, barnaamijyadaa oo
looga danleeyahay in lagu qiimo rido fatwada sharciga ah, laguna wiiqo
doorka ay ku leedahay wajihinta iyo wacyi-galinta graadka muslimiinta.
Siyaabaha qarsoon eey u adeegsanayaan qiimo jabinta fatwada sharciga
ahna waxa ka mida : in albaabada loo furo fatwada, tiiyoo lagu
andacoonayo in qof kastaaba xaq u leeyhay inuu siduu doono u fahmo
diinta. Tani waxa ay keentay soo baxa kuwo sheegaynaya inay khubaro ku
yihiin shareecda islaamka. Jaamicadaha Galbeedkana waxa maanta ka buuxa
khubaradan aan xitaa af carabiga aqoon. Sidee ayaad khabiir ugu noqon
kartaa diin aanad xitaa akhriyi karayn afkay ku soo degtay, islamarkaana
aanad awood u lahayn inaad akhrisato ood dhuuxdo tafsiirka, shuruuxda
axaadiista iyo diiwaanada fiqigana adigoon adeegsan tarjumo ajnabiya.
Waxaan aad ula yaabay John Esposito oo xitaa Wall Street Journal-ku ku
magacawday inuu khabiir ku yahay Islaamka, markuu ku maagay Abuu Aclaa
al-Mowduudi fatwadaiisa ah inuu indho-shareerku yahay waajib, waxa uu
Espesito, isagoo dibadda ku soo wadhaya ceebtiisa tilmaamaysa siduu
shareecada uga jaahilka yahay, ku andacooday in indho-shareerka aan
lagu aqoon Islaamka. Waxaynu maanta aragnay in kuwo aan waligood hor
fadhiisan culimado ay waxay doonaan ka odhanayaan arimo haddii Cumar la
waydiin lahaa uu ka aamusi lahaa illaa uu u kala tashado reer badar.
Imaamyadii diinta waxa u fududaa inay ku
jawaabaan ma garanayno si ay uga baxsadaan mas’uuliyadda weyn ee
leedahay Fatwadu, bal u fiirso tusaalooyinkan hoos ku tibaaxan:
قال أبو بكررضي
اللّه عنه : ( أي سماءٍ تظلني، وأي أرض تقلني إذا قلت في كتاب اللّه بغير
علم؟).
[جامع بيان العلم
وفضله:2/834].
Abuu Bakar رضي اللّه
عنه ayaa yidhi : ( Samadee ayaa i hadheenaysa, dhulkeebaase i
qaadaya haddaan Kitaabka Allaah ka idhaahdo wax aanan cilmi u lahayn).
قال عبد اللّه بن
مسعود رضي اللّه عنه :(
أيها الناس من سئل عن علم يعلمه فليقل به، ومن لم يكن عنده علم فليقل:
اللّه أعلم. فإن من العلم أن تقول لما لا تعلم : اللّه أعلم).
[جامع بيان العلم وفضله:2/832].
Cabdullaahi ibnu Mascuud
رضي اللّه عنه ayaa yidhi :( Dadyahow, qofkii
la waydiiyo wax uu cilmi u leeyahay ha sheego, wixii aanu cilmi u
lahayna ha yidhaahdo : ma garanayo. Waayo waxa cilmiga ka mida inaad
tidhaahdo wixii aanad garanayn : Allaah ayaa og).
وعن عقبة بن مسلم
قال: )صحبت ابن عمر رضي
اللّه عنهما أ ربعة وثلاثين شهراً، فكثيراً ما كان يسأل فيقول : لا أدري،
ثم يلتفت إليَّ فيقول : تدري ما يريد هؤلاء، يريدون أن يجعلوا ظهورنا جسراً
لهم إلى جهنم(.[جامع
بيان العلم وفضله:2/841].
Cuqba ibnu Muslim ayaa yidhi : ( Afar iyo
soddon bilood ayaan la socday ibnu Cumar, marar badan ayaa su’aalo la
waydiin jiray, waxa uu odhan jiray: magaranayo, dabeetana intuu isoo
daymoodo ayuu yidhaahdaa: ma garanaysaa waxay doonayaan? Waxay doonayaan
inay dhabarkayaga ka dhigtaan biriij ay kaga talaabaan Jahanama).
)وسأل عبدُ اللّه
بن نافع أيوبَ السختياني عن شيءٍ فلم يجبه، فقال له : لا أراك فهمت ما
سألتك عنه، قال : بلى. قال : فلم تجيبني ؟ قال لا أعلمه(
.
[جامع بيان العلم وفضله:2/834].
(Cabdullaahi ibnu Naafic ayaa wax
waydiiyay Ayuub as-Sakhtiyaani, dabeetana umuu jawaabin, kolkaasuu ku
yidhi : filimaayo inaad maqashay waxaan ku waydiiyay, wuxuu yidhi: haa
waan ku maqlay, wuxuu ku yidhi: oo maxaad haddaa iigu jawaabi wayday?
Waxa uu yidhi: magaranayo).
سأل رجل من أهل المغرب
الإمام مالك عن مسألة كلفه بها أهل المغرب أن يسأل الإمام مالكًا، فكان
جواب الإمام مالك: "لا أدري، ما ابتلينا بهذه المسألة في بلدنا، وما سمعنا
أحدًا من أشياخنا تكلم فيها، ولكن تعود"، وفي اليوم التالي عاد الرجل فقال
له الإمام مالك: "سألتني وما أدري ما هي"، فقال الرجل: يا أبا عبد الله،
تركت خلفي من يقول: ليس على وجه الأرض أعلم منك فقال الإمام مالك: "لا
أحسن". [أخرجه ابن أبي حاتم في مقدمة الجرح والتعديل (ص18)، والخطيب في
الفقيه و المتفقه (2/174)، وابن عبد البر في جامع بيان العلم (2/838)
بنحوه].
Nin ay reer maqrib u soo dhiibeen su’aal
ay doonayeen inuu waydiiyo imaam Maalik ayaa su’aashii waydiiyay Maalik,
dabeetana waxa uu Maalik ugu jawaabay: “Magaranyo, masaladani kamy
dhicin dhulkayaga, kamana maqal musheekhdayadii mid wax ka yidhi arinkan
oo kale, hayeeshee bal igu soo noqo”. Maalintii dambe markuu soo noqday
ayuu imaam Maalik ku yidhi ninkii : “ Su’aal ayaad i waydiisay,
hayeeshee ma garanyo jawaabteeda”. Ninkii ayaa ku yidhay imaam Maalik:
abaa Cabullaahiyow, waxaan ka imid dad yidhi: dhulka dushiisa kuma noola
qof adiga kaa cilmi badani. Imaam Maalik ayaa kolkaa yidhi : “ Siday
yidhaahdeen ma wanaagsana”.
Waxa kale oo la sheegay in imaam Maalik ka
dalbay qof su’aal waydiiyay inuu waqti siiyo si uu jawaabta u baadho
ugana baaraandego, kii ayaa ku yidho oo waa su’aal fudude, imaam Maalik
ayaa ugu jawaabay oo yidhi:
(ليس
في العلم شيء خفيف، أما سمعت قول الله تعالى: إِنَّا
سَنُلْقِى عَلَيْكَ قَوْلاً ثَقِيلاً[المزمل:5]؟!)
“Cilmiga kuma jiro wax fududi, miyaanad
maqal hadalka Allaah : {Waxaanu kugu soo dejin doonaa hadal culus}?”
Haybadda iyo makaanada sare eey fatwadu ku
lahayd culimada agtooda ayaa dhalisay inay cabsadaan, waayo waxay
dareemayeen in arinka fatwadu aanu sahlanayn. Waxa la yidhi tiiyoo la
tilmaamayo siduu noqon jaray xaalka imaam Maalik marka fatwo la
waydiiyo:
وقال بعضهم: لكأنما مالك
ـ والله ـ إذا سُئل عن مسألة واقف بين الجنة والنار.
“ Wallaahi, waxa uu Maalik u ekaan jiray
sidii janadii iyo naarta dhexdooda la joojiyay marka mas’alo la waydiiyo”.
Hadday
culimadan imaamyada ahayd ay u fududayd inay ku jawaabaan magaranayo
“laa adrii” miyayna layaab iyo wax lala fajaco ahayn in kuwo aan cilmiga
ku shuqul lahayn amaba aan baabkiisa aqooni ku dhiiradaan falanqayntiisa
iyo ka hadalkiisa. Waxaynu in badan aragnaa majlisyo haddii lagu soo
hadal qaado su’aalo diiniya ay cid kastaaba ra’yigooga ka dhiibanayaan
iyagoo odhanaya; sidaasi ayay aniga ila tahay, oo waxaan u malaynayaa
inuu arinkani banaan yahay, oo waxba kuma jabna sidan waayo diintu way
fudud tahay , oo waar diinta haysku cuslaynina ee maxaa sidan ku jaban
iwm.
Waa muuqaal aynu maalin walba aragno;
suxufiyiin fityoonaysa, iyo siyaasi aan biyo u kabanayn inuu faraha la
galo axkaanta shareecada. Wax aynu joognaa waqti qof waliba u xaytay
inuu fityoodo, kii jaraa’idka qoroyay ayaa fityoonaya, habartii ayaa
fityoonaysa, odaygii kaabo qabiilka ahaa ayaa fityoonaya, kii qaadka
iibiniyay ayaa fityoonaya, gabayaagii ayaa fityoonaya, fanaaniintii iyo
kabacadii ayaa fityoonaysa. Waxa hadaba la yaab leh in arinkani dhacayo
maanta inagoo joogna kuna nool waqti ay dadku ixtiraamaan, qadariyaana
waxa loo yaqaan takhasuska. Miyay dhici kartaa marnaba inaad ilmahaaga
oo sakaraada aad u gayso kaboolaha xagaad dhakhtarka ula carari lahayd?
Su’aasho waa maya, kab kaa go’dayna kaboolaha ood u gayso mooyee
marnaba farmasiiga ula kici maysid. Dugsiyadeena iyo jamicadahana
waxaynu kaga dhaqanaa sidan oo kale, kimistariga waxaa dhiga macalin ama
borofeseer ku takhasusay kimistariga, maadooyinka kalena waa sidoo kale.
Balse waxaynu naqaanaa in cilmiyada qaarkood leeyihiin laamo kala duwan
oo mid walbaaba u baahan yahay takhasus gaara. Waxa ka mida cilmiga
dhakhtarnimada, waxa uu leeyhay takhasusyo ay ka mid yihiin; cudurada
wadnaha, lafaha, idhaha, ilkaha iwm. Tani waxa ay inoo caddaynaysaa in
barashada cilmiga shareecadu u baahan yahay takhasus iyo in wakhti lagu
bixiyo barshadiisa, isla markaana ay kuwa meel sare ka gaadhay
barashadiisu noqdaan kuwa awooda cilmiyeed (authority) u leh inay
fatwada bixiyaan, waxa uu Allaah yidhi:
[النمل:]
á فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون â
Kuwa badan oo ku maman sidii loogu
aqoonsan lahaa inay karti iyo awood u leeyihiin inay ka niqaashi karaan
asalada caqiidada iyo xakaanta shareecada ayaa waxay yihiin kuwo aad uga
fog taqwada iyo cabsida Allaah.
Waxa aan hore u soo sheegay in ay
cilmaaniyiinta iyo libiraaliyiintu ku andacoonayaan in qof walba loo
fasaxo inuu ra’yigiisa ka dhiibto diinta iyo axkaanta shareecada,
fatwaduna ayna khaas ku noqon fuqahada iyo culimada. Waxa ay yidhaahdaan
waa in la cusbaynaysiiyo lana ansaxiyo hadalka diinta.
( تجديد الخطاب الديني)
Hadaynu hadaba, si qoto dheer oo hufan
u fiirino arimaha ay doonayaan in laga niqaasho amaba dooda laga furo,
waxay u kala baxaan laba nooc, kuwaasi oo kala ah:
Nooca koowaad: arimaha iyo masalooyinka la
xidhiidha xaqiiqada diinta ee ku sugan kitaabka Qur’aanka iyo Sunnaha
Nabiga ama waxay
isku waafaqeen salafkii ummaddu. Arimahani waa kuwo ayna banaanayn in
ra’yi laga dhiibto amaba laga niqaasho. Mawqifka inaga inala gudbooni
waa inaynu rumayno una qaadano siday ugu dhigan yihiin Kitaabka iyo
Sunnaha. Arimaha noocani waa kuwo ka baxsan karaanka iyo haleelka
caqliga aadamaha, sidaa awgeed ayayna banaanayn in laga niqaasho amaba
laga doodo sida looga doodo fikradaha iyo ra’yiyada ka alkumay garaadka
iyo caqliga dadka. Tani ayaa keentay in saxaabadii iyo taabiciyiintii
ayna isku khilaafin fahamka iyo garashada arimahan . Arimahan ayna dooda
iyo niqaashku ka furnayna waxa ka mida, arkaanta Islaamka, arkaanta
Iimaanka, al-walaa wal-baraa, xaaraanimada ribada, in Islaamku yahay
diinta kaliya ee xaqa ah, in rumaynta iyo aqbalidda nabinimada Nabi
Maxamed ay shardi
u tahay iimaanka iyo islaamnimada, in ay ehlu-kitaabku kufaar yihiin[1][1],
waajibnimada xijaabka dumarka, sugnaanta ciqaabta zinada iyo tuugada iwm.
Waxaa waajiba in la fahmo in arimaha
noocan ah aan xitaa laga ijtihaadi karayn, sidaa awgeed ayayna uga
baahnayn caqliga aadanaha wax toosin, ansixid iyo turxaan bixin midnaba.
Sababtu waxay tahay Ilaahay ayaa caddeeyay, wayna dhamaystiran yihiin,
kana hufan yihiin kana madhanyihiin nuqsaan iyo qalad oo dhan, waxa
Allaah yidhi:
اليوم
أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا .
{Maantaan idinka idiin
kaamilay(dhamystiray) diintiina, korkiinana waxaan idiinku taam yeelay
nicmadayda, diin ahaana waxaan idiinka raali noqday Islaamka}.
قال ابن الماجشون:
سمعت مالكاً رحمه الله يقول:(
من ابتدع في الإسلام بدعة يراها حسنةً؛ فقد زعم أن محمداً
خان
الرسالة؛ لأن الله يقول: ٱلْيَوْمَ
أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ[المائدة:3].
فما لم يكن يومئذٍ ديناً؛ فلا يكون اليوم دينا).
Ibnu Maajishuun ayaa yidhi waxaan maqlay
Allaah ha u naxariistee Maalik oo leh: (Qofkii Islaamka ku soo kordhiya
bidco uu u arko inay wanaagsantahay,waxa uu ku sheegtay in Maxamed
khiyaameeyay
risaaladda, waayo waxa Allaah leeyahay: { Maanta ayaan idinka idiin
kaamilyeelay( dhamaystiray) diintiina} Hadaba waxii aaan xilligaa diin
ahayni, maantana diin noqon maayo).
Nooca Labaad: arimahani waxay yihiin kuwa
ay fuqahada iyo culimadu ku magacaabaan masalooyinka ijtihaadiga ah
المسائل الإجتهادية.
Waxa u furan culimada gaadhay darajada
ijtihaadka, kasbatayna qalabkiisa inay ku dadaalan haleelka iyo garshada
ujeedada iyo xukunka xaqa waafaqsan ee la xidhiidha arimahan. Taasina
waxay u maraan dariiqa ijtihaadka oo leh shuruudo iyo soohdimo macruufa
oo la yaqaano. Dulucda mawduucu waxay tahay in isticmaalka ijtihaadku ku
xakamysan yahay hab cilmiyaysan, ooyna baddiisa baaxadda wayn ka
dabaalan karayn kuwa mugga aqoontoodu saboolka ka yahay culuunta
shareecada.
Khilaaf kasta oo la xidhiidha
arimaha ijtihaadiga ahna waxa layn amray inaynu iyaga laftooda u celino
Ilaahay iyo Rasuulkiisa
, taana
waxa weeye macnaheedu in aan laga dhigin fikirka iyo ra’yiga dadka
miisaanka lagu miisaamo diinta Ilaahay.
Hadaba, waxa halkan inooga cad in arimaha
ijtihaadiga ah lagu seeteeyay laguna xakameeyay laba arimood oo kala ah:
Ta hore waa: dadka ay u banaantahay in ay
ka faalloodaan arimahani yihiin culimada hantiday qalabka ijtihaadka oo
kaliya. Sidaa awgeed ayuu imaam Shaafici u yidhi:
(لا
يحل لأحد أن يفتي في دين اللّه إلا رجلا عارفاً بكتاب اللّه بناسخه
ومنسوخه... ويكون بعد ذلك بصيرا بحديث رسول اللّه صلى اللّه عليه وسلم..
ويكون بصيرا باللغة بصيرا بالشعر..ويكون بعد هذا مشرفا على اختلاف الأمصار،
وتكون له بعد ذلك قريحة) [إعلام الموقعين:
1/48].
( Uma banaana qofna inuu ka fityoodo
diinta Allaah , waxaan ahayn qof u cilmi leh Kibaaka Allaah iyo
nasikhiisa iyo mansuukhiisa.. intaa kadibana yaqaana xadiiska Rasuulka
Allaah , yaqaana
luqadda iyo gabayga, intaa ka dibna garanaya masaa’isha ay culimadu isku
khilaafeen, intaasina ay u dheertahay inuu hibo u leeyahy garsahada
fiqiga[2][2]). Waxa kale oo
uu Shaafici yidhi:
(لا يقيس إلا من جمع
آلات القياس) [ جامع بيان العلم وفضله لأبي عمر بن عبد البر:2/857].
(Qiyaasku uma banaana qof aan hantiyin
qalabka qiyaaska).
Imaam Maalik ayaa isaguna yidhi isagoo
tilmaamaya khatarta ay leedahay inay fityoodaan dad aan u qalmin fatwadu
:
قال الإمام مالك:
)وليس كل من أحبّ أن يجلس
في المسجد للحديث والفتيا جلس، حتى يشاور فيه أهل الصلاح والفضل، فإن رأوه
أهلاً لذلك جلس، وما جلستُ حتى شهد لي سبعون شيخًا من أهل العلم أني موضع
لذلك(.[الديباج المذهب
لابن فرحون 1/21].
“ Uma banaana fatwadu qofwalba oo jecel
inuu masaajidka fadhiisto oo uu fityoodo , illaa uu la tashado
saalixiinta fadliga leh, haddaba hadday u qiraan inuu u qalmo way u
banaantahay inuu fityoodo, aniguna umaaan fadhiisan fatwo-bixinta illaa
ay todobaatan sheekh iiga markhaati kaceen inaan u qalmo fatwo-bixinta”.
Ta labaadna waa: wixii ay culimadu isku
khilaafaan in loo celiyo kitaabka Allaah iyo sunnaha Rasuulkiisa .
Allaah wuxuu yidhi:
â فإن تنازعتم في
شيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذلك خير
وأحسن تأويلاًá
[النساء:59].
{Haddaad ku dooddaan arin u celiya Allaah
iyo Rasuulkiisa,haddaydun tihiin kuwo rumeeyay Allaah iyo maalinta Dambe
(Qiyaamha),sidaasaana khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta}.
Madaxbanaanida Fatwada:
Culimadu waa kuwa waardiyeeya shareecada,
ummaddana dib ugu soo celiya xayndaabka diinta markastooy ka fogaato
axkaanta iyo xeerka Islaamka. Iyagaa hantiyay dhaxalkii Nabiga, sidaa
awgeed ayay shaqdooda tahay in ay shaaca ka qaadaan xaqa, runtana ka
sheegaan Kitabka iyo Sunnaha, fatwadooda iyo codkooga diiniga ahina
noqdaan kuwo xora oo ka madaxbanaan ujeedo iyo dan kasta oo lid ku ah
xaqa iyo runta. Sidaasina ayay ku waajibinaysaa amaanada cilmiga ay
xambaarsanyihiin.
Si ay fatwada sharciga ahi u gudato
shaqadeeda, culimaduna ummadda ugu dhex yeeshaan sharaf iyo ixtiraam,
waa in ay culimadu noqdaan kuwo xaq-sheegayaala, waa inay ka xoroobaan u
adeega danhooga shakhsiga ah, waa inay ka fogaadaan in ay fatwada u
isticmaalaan waxtarka danaha qabiilka, reerka, dowladda, xisbiga iyo
jamaacada ama xarakada. Haddaad dib u akhrisato taariikhda Islaamka waxa
aad si cad u haleeli kartaa in culimada si wayn loogu manaafacaadsaday
cilmigooga iyo fatwadooduba ay ahaayeen culimo ka xorowday tacasubka,
iska goysay dabarka ka shaqaynta danaha kooxo gaara, codkooga diiniga
ahina ka madaxbanaaday u adeega ujeedo iyo dan walba oon ku banaanayn
shareecada. Kuwase ku mashquulay ka shaqaynta iyo u adeega danaha kooxa
gaara, ha noqto mid reer, qabiil, dowlad, xisbi ama jamaacaba iyagoo
iska hareer marayaay wixii waxtar iyo manfaco u leh ummadda, waxa
hubaal in ay ku dhex nool yihiin humaag iyo riyo, bogagga taariikhda
ummadduna ka madhnaan doonaan xuskooga.
Waxa madhaafaanka runtu tahay in gole
culimo ama majlis fatwo oo asaaskiisa ay ka danbayso koox gaari aanu
kasban karin kalsoonida uu u baahnayhay, si uu marjic iyo meel loo noqdo
ugu ahaado ummadda oo dhan. Inta aan ka warhayna waxa qurbaha laaysku
dayay in laga unko golayaal fatwo iyo ururo culimo, hayeeshee waxa
marwalba natiijadu noqnaysay fashil ku yimaada goloyaashaa, amaba inuu
raadkiisu ku koobnaado kooxaha, xisbiyada amaba jamaacooyinka iyo
jihooyinka ka danbeeyay abuurkiisa. Waa in aynu ogaano in ummaddu maanta
u kala qaybsantahay kooxo iyo jamaacooyon isku khilaafsan habka wax
qabadka iyo argatida siyaasiga ah, inakstoo ay badankoogu ku
kulansanyihiin iskuna waafaqsanyihiin asalada guud ee mideeyayay
ehlusunnaha iyo salafkii ummadda.
Hadduu hadaba arinku sidan yahay, waxa loo
baahanyahay in ay ehlu sunnuhu yeeshaan majlis culimo oo caalamiya,
kaasi oo xor ka ah raadka jamaacooyinka iyo xarakaadka.
Waa in lagu qadriyo laguna doorto culimada
xubnaha ka noqonaya majliskan cilmigooga ama aqoontooda diinigi ah iyo
taqwadooda. Waa in aynu ka korno ka shaqaynta danta jamaacada, una
bislaano in aynu ka fakirno danta guud ee ummadda Islaamka.
Culimadeenii horena waxa ay bogagga
taariikhda ku dawineen mawaaqif ka waramaysa madaxbanaanida astaanta u
ahayd fatwadooda iyo sida codkooga diiniga ahi xorta u ahaa. Hoos waxa
ku tibaaxan laba tusaale oo ka tarjumaya mawaaqifta culimadii salafka,
kuwaasi oo tusmeeynaya tabta iyo jidka cad ee loo baahan yahay inay
qaadaan culimada islaamku goor iyo ayaanaba.
Imaam Maalik Ibnu Anas:
Waxa ay dhacdooyinka taariikhdu sheegayaa
in Imaam Maalik ku fityoon jiray in ninka lagu qasbo (ikraaho) inuu furo
xaaskiisa aanay xaaskiisu ka furmayn, xittaa hadduu afka kaga dhawaaqo
oo uu yidhaahdo waan furay xaaskayagii. Imaamkuna waxa uu fatwadiisa u
daliishaday xadiis Nabiga laga sooo wariyay. Waxa dhacay in taliskii
dowladda ay la noqotay in fatwada Imaamku khatar ku tahay taliskooga,
sababtuna waxa tahay in kooxaha ka soo horjeeday xukunka Abii Jacfar Al-mansuur
ay is yidhaahdeen, xadiiskan iyo fatwada Imaamku waa xujo aydun ku diidi
karataan kagana bixi kartaan baycada ay la galeen Al-mansuur, ooy ku
andacoonayeen in qasab lagaga qaaday.
Dowladduna iyadoo khatartaa dareemaysa
ayay isku dayeen inay imaamka ka manciyaan inuu wariyo xadiiskan,
fatwadiisana joojiyo. Hase ahaatee Imaam Maalik ma ahayn nin cago
juglayn iyo hanjabaad awgeed uga aamusaya waxa uuu xaqa u arkayo, amaba
u qarinaya xadiis uu ku qanacsanyahay inuu ka sugmay Rasuulkii Allaah
.
Sida Abuu Qutayba ku sheegay buuggiisa
(Al-imaamah Wal-siyaasah) si fool xun oo xad dhaafa ayaa loogu xad
gudbay Imaamka Allaah ha ka raali noqdee, waa la karbaashay iyadaoo la
doonaya in uu joojiyo fatwadiisa. Sida uu ibnu Qutayba sheegayna waxa
lagu dhuftay todobaatan shaabuug ama jeedal oo imaamka dhulka jiifiyay.
Imaam Axmed Ibnu Xanbal:
Qisada ku sahabsan mixnda iyo ibtilada loo
gaystay Imaam Axmed Allaah ha ka raali noqdee waa mid la yaqaano, kuna
caanbaxday fitnat khalqulqur’aan. Waxay ibtiladani bilaabmatay markay
Muctaziladu ku guulaystay in ay isbahaysi la yeeshaan taliskii
khilaafada, dabeetana iyagoo huwan shaadhkii dowladda, isticmaalayna
cududdii iyo ciidankii khilaafada ay karbaashid iyo xabsi kula kaceen
caalim kasta oo diiday inuu ictiraafo caqiidada qaldan ee dhigaysay inuu
Qur’aanku yahay makhluuq.
Waxa ay dowladdu qaadatay caqiidada
Muctazilada ee odhanaysay Qur’aanku waa makhluuq dabayaaqadii taliskii
al-Ma’muun ee sanadkii 218 ee hijriga, xaaladdu sidaasi ayay ku socotay
oo labdii talis ee al-Muctasim iyo al-Waasiq ayaa iyaguna aan ka leexan
wadadii uu jeexaxy Al-ma’muun. Hayeeshee markii uu xukunka qabsaday al-Mutawkil
sanadkii 234 ee hijriyada ayuu soo afjaray fitnadaa, dhibti iyo
xadgudubkii lagu hayay culimada ehlusunnahana joojiyay.
Nimanka u ololeeyay ee badhitaaray
fikradani waxay ahaayeen Muctazilada oo ku khilaaftay ehlusunaha
masalooyin asal u ah caqiidada, kuwaasi ooy ka mid yihiin inay
sheeggteen inuu Qur’aanku yahay makhluuq iyo in ayna mu’miniintu aakhiro
arki karayn Allaah.
Al-Xaafid ibnu Xajar ayaa isgoo tilmaamaya
siday xaaladdu ahayd waayadaasi yidhi; (waayadaasi ayay bidcadu si wayn
u faaftay, Muctasiladana codkoogu kor u qaadmay, falaasifaduna ay madaxa
kor ula kaceen, culimadana waxa lagu imtixaamay in ay yidhaahdaan
Qur’aanku waa makhluuq, xaaladduna aad ayay u fool xumaatay)[3][3].
Ka dib markuu al-Ma’muun xukunka la
wareegay ayuu soo dhaweeyay madaxdii iyo wadadaadii Muctazilada, waxayna
xaaladdu gaadhay in qofkii loo dooranayo shaqada qaadinimada iyo
garsoorka shardi looga dhigay inuu rumaysanyahay inuu Qur’aanku yahay
makhluuq iyo in aan aakhiro Allaah la arki karayn.
Kadib waxa la bilaabay in culimada iyo
wadaadada lagu imtixaamo arinkan, laguna qasbo caqiidadan bidciga ah ee
khilaafsan caqiidadii Nabiga
iyo
saxaabadiisii. Arinkan wax amar lagu bixiyay tiiyoo al-Ma’muun joogo
meel la yidhaa al-Riqa. Badhsaabkii u joogay Baqdaad ayuu amray inuu
arinka u bandhigo culimada, kii diidana loosoo diro xaggiisa isagoo
xadhko ku garbo duuban.
Culimada badankoogii waxa ay ku
jawaabeen jawaabo iskugu jira sarbeeb iyo ka takhlusid dadban, hayeeshee
afar caalim ayaa go’aansaday in ay diidaan caqiidadaa bidciga ah,
waxayna caddaysteen mawqifkooga ah in ay rumaysanyihiin in uu Qur’aanku
yahay kalaamkii Allaah, ahayna makhluuq. Afartan sheekh waxay ahaayeen
Cubaydullaahi al-Qawaariri, Sajaadah, Maxamed ibnu Nuux iyo Axmed ibnu
Xanbal.
Qawaariiri iyo Sajaadah waxay u
adkaysan waayeen cadaabkii iyo dhibtii dawladda,dabeetana way ka
tanaasuleen mawqifkoogii, rukhsaddii ayay ka doorbideen caziimadii.
Axmed iyo ibnu Nuux ayaa iyagu diiday inay dib uga noqdaan mowqifkoogii,
waxa ayna go’aansadeen in ay u babac dhigaan hanjabaadda iyo
cagojuglaynta ay dowladdu ku haysay culimada si ay u shiiqiso caqiidada
ehlusunnaha. Dabeetana iyagoo la katiinadeeyay oo xadhko lahu
garbaduubay ayaa loo qaaday xagga al-Riqa. Intii ay dariiqa ku siijireen
ayuu Maxamed ibnu Nuux dhexda ku geeriyooday.
Tiyoo xaaladdu sidaasi tahay ayuu al-Ma’muun
geeriyooday, kadib markuu al-Muctasim xukunka la wareegay ayay xaaladdu
kabasii dartay, arinkuna sii foolxumaaday, ibtiladii iyo fitnadiina sii
xoogaysatay. Imaam Axmed ayaa waayahaa jeelka loo taxaabay, isagoo
lugaha ka xidhan ayuu soddon bilood jeelka ku jiray. Waxa la sheegay
inuu isagoo xadhko ku xidhanyihiin tukan jiray, seexanjirayna, Allaah ka
raali noqdo. Inkastoo Imaamka loo gaystay dhib iyo kadeed badan haddana
waxa uu diiday inuu marnaba ka tanaasulo amaba dib uga noqdo mowqifkiisa
ahaaa inuu Qur’aanku yahay kalaamkii Allaah, makhluuqna ahayn. Askartii
karbaashday Imaamka mid ka mida ayaa isagoo ka waramaya sida arxanka
daranayd ee loo cadaabay Imaamka yidhi: “Siddeetan jeedal ooo haddii aan
ku dhufan lahaa maroodi uu dhici lahaa ayaan ku dhuftay Axmed”.
Dhibta iyo xanuunka uu karbaashku u
gaystay Imaamka ayaa keentay inuu tamaniyo shahiidnimo oo nafta laga
gooyo. Sidaa awgeed ayaa mar uu mid askarta ka midi seeftiisa ku gujiyay
uu aad u farxay isagoo leh farajkii ayaa yimid, oo hadduu qudha iga jaro
waxaan ka raaxaysan doonaa dhibta iyo xanuunka cadaabka. Tiiyoo
cadaabkaa lagu hayo Imaamka , sidaa arxanka lahayna loo karbaashayo
ayuu mid la yidhaahdo ibnu Samaaca ku yidhi al-Muctasim: “ imaamkii
mu’miniintow qudha ka jar anigaana ka mas’uula dhiigiisee”. Hayeeshee,
ibnu abii Du’aad oo ahaa sheekha dowladda oo goob joog u ahaa dhacdadan,
islamrkaana ahaa ninka hogaanka u hayay ololaha ay Muctaziladu kula
dagaalamaysay caqiidada iyo culimada ehlusunnaha ayaa ku yidhi al-Muctazim:
“ ha dilin, waayo haddii lagu dilo amaba uu ku dhinto gurigaaga
dhexdiisa dadka ayaa hadhow odhan doona wuu sabray illaa la dilay,
waxayna ka dhigan doonaan imaam, wayna ku sugnaan caqiidadiisa, ee iska
sii daa si hadii uu dibadda ugu dhinto ay dadku uga shakiyaan arrinkiisa".
Ibnu abii Du’aad waxa ay uula muuqatay
in haddii Imaamku ku geeriyoodo daarta dowladda dibaddeeda ay dadku iska
ilaabi doonaan arinkii iyo caqiidadii uu iyada awgeed u maray dhibta iyo
cadaabka. Waxayse runtu tahay inuu ibnu abii Du’aad ku jiray riyo, waxa
u muuqdayna ahaa dhalanteed. Axmed, Allaah haka raali noqdee wuu
garanayay in bidcada iyo baadilka maalmahoogu tirsanyihiin, xaquna
leeyahay cidhibta dambe,sidaa awgeed ayuu odhan jiray:
(قولوا لأهل البدع بيننا وبينكم الجنائز) (ku
yidhaahda ehlu-bidcada ballanteenu waa maalinta aaska).
Sida ibnu Kasiir ku sheegay al-Bidaayah
wal-Nihaaya, hadalkaasi uu Axmed yidhi run ayuu ahaa, waayo ibnu abii
D’uaad oo ahaa sheekhii dawladda haddana cid la sheegaa kama soo qayb
galin aaskiisii. Imaam Axmedse waxa laga markhaati kacay in aaskiisii ay
ka soo qayb galeen ugu yaraan todobaatan kun oo ruux.
Sharafta uu Allaah siiyay Imaamka
iyo saraynta xaalkiisu waxay tahay mid cadow iyo saaxiiba uga marag
kacay, waxaana lawada qiray inuu sabarkiisii iyo cadaabkii uu u
dulaqaatay sabab u ahaa guul ay gaadheen ehlusunnuhu iyo fashil ku
habsaday Muctazilada. Cali ibnu al-Madiini oo ahaa sheekhii iyo
macalinkii Imaam al-Bukhaari ayaa yidhi: (إن اللّه
أعز هذا الدين بأبي بكر يوم الردة، وبأحمد بن حنبل يوم المحنة).
( Allaah waxa uu diinta ku ciseeyay
maalintii ridada Abubakar, maalintii ibtiladana waxa uu ku ciseeyay
Axmed ibnu Xanbal).
Abu Xaatim ayaa isna yidhi:(
إذا رأيت الرجل يحبُّ أحمد فاعلم أنه صاحب سنة) .
(Haddaad aragto nin jecel Amxed ogow inuu
yahay ruux sunne-raaca).
Qisadan waxa aynu ku soo gunaanadaynaa
in aynu wax ka sheegno duruusta la xidhiidhta mawduuca qoraalkeena ee
aynu ka baran karno moqfifka imaamka, waxa ayna yihiin sidan hoos ku
tibaaxan:
1. Waxa mowqifka Imaamka
ku cad in laga hor iman karo fatwada dowladda muslinka ah haddii ay
khilaafto xaq iyo diinta. Imaamkuna isagoo khaliifka u qirayay bayco
sharciya,una aqoonsanaa inuu yahay amiirkii muslimiinta ayaynu haddana
aragnay sida cad ee uu u muujiyay mawqfikuu ka taagnaa caqiidada
muctazilada ee taageerada ka heshay dowladda iyo khaliifka.
2. Waxa kale ooynu ka
baran karnaa in loo baahan yahay in fatwada culimado ka madax banaanaato
raadka dowladda iyo ra’yiga kuwa taliska haya.
3. Waxa kale oo iyana ka
muuqata halkan in ay culimadu xaq u leeyihiin in ra’yigooga ka dhiibtaan
arimha saameeya diinta, caqiidada, shareecada iyo dhammaan wixii la
xidhiidha tanta iyo maslaxada ummadda.
4. Hadday culimadu ka
aamusto caddaynta xaqa iyo muujinta wixii waafaqsan Kitaabka iyo Sunnaha,
waxa dhalanaya in muuqaalada diintu qarsoomaan. Sidaa awgeed waxa dhaba
in asbaabta saacidda faafitaanka bidcada ay ka mid tahay aamuska ay
culimadu ka aamusaan ka hortagga iyo inkiridda bidcada.
Culimadii Soomaalida iyo Xeerka Qoyska:
Waa sheeko caana ooy culimo Soomaaliyi
xuruufteeda ku qoreen dhiigooga, waa qiso tiraabaysa halgan ay mayalka u
hayeen rag diiday in baadliku afgambiyo xaqa, waana dhacdo carabaabaysa
qayb ka mida mug-waynida dulmigii iyo fuxshigii uu lahaa taliskii
shuuciga ahaa iyo tooraddii aan barakaysnayn ee xukuntay Soomaalida
muddo dhan labaatan sano.
Sida qofwaliba ogyahay waxa uu Xeerkii
Qoyska ee uu hindisay daallinkii Maxamed Siyaad Barre iyo taliskiissii
shuuciga ahaa dhigayay qodobo lagu afgambiyayay shareecada iyo diinta,
laguna qalloociniyay axkaanta Islaamka. Waxa kale oynu taariikhda ku
haynaa in koox culimo ahi ka kaceen masaajidada iyagoo dadka u sheegaya
in xeerkaasi si walba u khilaafsan yahay shareecada iyo diinta Islaamka.
Waxa ay sidaa yeeleen iyagoo ogsoon dhibta iyo cadaabka ay kala kulmi
doonaan taliskii shuuciga ahaa.
Bishii Janawari ee sandkii 1975-kii
ayuu Golihii Sare ee Kacaanku go’aansadeen inay dhiig xaq darro
daadiyaan, inay codka Islaamka ku cabudhiyaan arlo Islaameed gudeheed.
Arrin hubsiimo iyo haki u baahnaa ayay ka tallaabsadeen, Maxkamadii
Badbaadada Qaranka ayaa xukuntay in diinta la dumiyo, dad aan waxba
galabsan ayaa la saaray daldalaad aan dacwad lahayn, wadaado ka
shaqaynayay maslaxadda ummadda, una danaynayay samaha iyo wanaagga ayaa
badhka lagu toogtay tiiyoo waliba loogu heesayo “Same-diidow dabin baa
kuu dhigan lagugu dili doonaa..danaystow duugaagu waa daldalaad aan
dacwad lahayn”.
Waxa hadaba iswaydiin leh, miyay
culimadaasi ku xaq lahaayeen mawqifkay is taageen? Miyay ku qaldanaayeen
ka horimaatinka ay ka hor yimaadeen Ra’yiga dowladda ee ku sahabsanaa
Xeerka Qoyska ? Miyaa la odhan karaa waxa culimadaa waajiba ku ahaa inay
u hogaansamaan fatwada muftiga dowladda iyo ra’yiga wasiirka diinta?
Su’aalahina waa kuwo asaas u ah mawduuca aynu falanqaynayo ee ah
madaxbanaanida fatwada. Waxaan filayaa in qof kastoo aqoon u leh cilmiga
shareecadu inagu waafiqo doono in waxa kaliya ee u banaanaa culimadaasi
ahaa laba arimood midkood. Ka hore waa inay iska aamusaan baqasho awgeed
iyagoo qaadanaya rukhsadda ay shareecadu siisay, siday yeeleen culimadii
waagaa nooleed intoodii badnayd. Ta labaadna waa inay xaqa caddeeyaan
baadilkana kashifaan, iyagoo u badheedhaya dhib kasta ooy la kulmi
doonaan. Sida ay shareecadu ina baraysana xaqa oo la caddeeyo iyo
duqaadda oo hortooda runta laga sheego ayaa ka fadli badan in la aamuso
oo xaska dabada la galiyo.
Waa mowqif u baahan geesinimo iyo
raganimo laxaad leh, waana run in ayna dadkoo dhammi awoodi karin inay
istaagaan mowqifkan, khaasatan marka loo baahanyahay in xaqa laga hor
sheego daaqi aan arxan kuu galayn. Sidaa awgeed ayaa markii lagu yidhi
mid culimada ka mida maxaad u hadli wayday maalintii Axmed ibnu Xanbal
la karbaashay? Ayuu ku jawaabay oo yidhi:(أتأمرني أن
أقوم مقام الأنبياء) ( Ma waxaad i amraysaa inaan istaago maqaamak
nabiyada) [4][4].
Mawqifka ay culimadani iska taageen
Xeerkii Qoyska ee shareecada lagu afgabiyay laguna tumaatiyay diintu
sinaba ugama duwana mowqifkii uu Imaam Axmed iska taagay fitnadii
khalqulalqur’aan. Waxa kaliya ee isbadalay waxay ahaayeen jilayaasha
labada ibtilo iyo arinka ehlul-iimaanka lagu fitneenayay. Kuwa Imaamkii
fitneeyay waxay ahaayeen Muctaziladii, kuwa culimadeena jaribayna waxay
ahaayeen Shuuciyiintii. Waa maxay hadaba farqiga u dhexeeyaa? Haba
yaraatee ma jiro wax farqiyi.
Waxa culimadaa loo dilay, qudhana looga
gooyay sidii dhidibada loogu aasi lahaa nidaamkii shuuciga ahaa,
ummaddana looga xayuubin lahaa astaanteeda Islaamnimo, Maxamed Siyaad
isaguna waxa uu ku talaabsaday inuu Qur’aanka u helo gaf iyo qallooc.
Sh.Kashke ayaa ku yidhi khudbadihiisii mid ka mida isagoo tilmaamaya
foolxumada iyo fuxshiga ficilka Maxamed Siyaad: “ Maxamed Siyaad qalin
cas ayuu u qaatay siduu u ansixin lahaa Qur’aanka”.
Xulashada khaladaadka Culimada:
Waxay culimadu inooga digeen inaynu iyaga
qalad ku raacno, waxayna caddeeyeen inayna qofna u banaanayn inuu ruux
kale ku waafaqo arin ay muuqato inuu khilaafsan yahay Kitaabka Allaah
iyo sunnaha Rasuulkiisa
. Waxay
kaloo inoo sheegeen in qofkii urursada ra’yiyada daciifka ah ama xusha
masalooyinka culimadu ku khilafeen daliilka saxa ah ay cidhibtiisu tahay
diint daro. Bal ka fakir tusaalooyinka hoos ku tibaaxan ee daaha ka
qaadaya arinkan.
Tusaalaha koowaad: Qof qaatay (qalliday)
ra’yiga axnaafta ee odhanaya taabashada dumarku ma jabiso waysada,
islamrkaana shaaficyada kaga dayday (qalliday) in haddii dhiig ka soo
baxo jidhka (wixii aan ahayn labada sabiil) ayna waysadu ka jabayn.
Hadaba haddii qofkani sidaa ku tukado waxay runtu tahay in aanay
salaadiisu ansaxayn, sababtuna waxay tahay in labada imaam ee abuu
Xaniifa iyo Shaafici midna aanu ansixinayn salaaddiisa.
Tusaalaha labaad: Nin qof dumara ku
guursaday markhaati iyo wali la’aan kana bixinna wax mehera (sadaaq).
Guurkani ma ansaxayo waayo guurka ka wada madhan seddexdan qodob ee ah
markhaati, meher iyo wali waa mid aanay jirin culimo ansixisay.
Tusaalayaashani waxay inoo tilmaamayaan
arinkay culimadu hore inoogo sheegeen ee ah in qofkii urursada gafafka
culimadu uu kulansanyo shar oo dhan, waayo markaad sheekh walba ka
qaadato mas’alo uu ku qaldamay amaba uu xaqa ku khilaafay waxaad
noqonaysaa qof baadiyoobay.
Aynu bal yar eegno waaqiceena si aynu
u haleelno raadka xun ee arinkani ku yeelan karo diinteena. Tusaale
ahaan aynu u qaadano qof soo xushay fatwooyinka xalaaleenaya muusigga,
ribada, gadh xiirka, isbaalka, ikhtilaadka.Waxa maanta jira wadaado ku
fityooda arimaha aynu sheegnay, muxuu hadaba noqonayaa xaalka qofka
wadaad walba ka qaatay arinkuu ku gafay iyo fatwaduu ku khilaafay xaqa?
Waxaan filayaa inay jawaabtu iska cadahay, bal adba wax iiga sheeg qof
aroor walba makiinad ku xiiraya gadhkiisa, muusig iyo heeso aan ka
daalayn, xoolihiisu ribo ku wada jiraan, surwaalka iyo macawistana
dhulka jiidaya?
Fatwooyin aan Hore Loo Maqal:
Imaam Axmed ayaa laga hayaa inuu yidhi
: (إياك أن تقول قولاً ليس لك فيه سلف) ( Iska
jir inaad tidhaahdo hadal aan lagaaga horrayn).
Hadalka Imaamku wuxuu u baahan yahay
sharax iyo qeexid, waayo waxa laga fahmi karaa qalad. Markuu imaam Axmed
yidhi ha odhan hadal aan lagaaga horayn, maaha ujeedadiisu inuu leeyahay
yaan la ijtihaadin ama wuu xidhmay albaabkii ijtihaadku. Runtiina Sida
Shawkaani sheegay in la yidhaahdo albaabkii ijtihaadku wuu xidhmay
macnaheedu waa in shareecada la dumiyo. Hadaba waxa is waydiin leh waxa
uu yahay macnaha hadalka imaamku? Hadalkiisu waxa uu ku wajhanyahay
mas’alooyinka ay culimadii salfku hore uga niqaasheen, lana soo naqilay
waxay ka yidhaahdeen. Waxaan qofna u cuntamin in ra’yi cusub laga unko
maslooyinka noocan ah, waayo waxay xaqiiqadu tahay in xaqo wada
waydaaran kareen dhamaantood, Allaah ayaana ka xafiday ummadda Nabiga
inay isku
waafaqdo gaf iyo wax xaqa khilaafsan. Sidaa awgeed ayay caddahay in
marnaba xaqu ka baxsanayn hadaladii [aqwaashii] iyo fatwooyinkii
culimada salafka[5][5].
Tusaale: Indhoshareerka (Niqaabka): Waxa
tusaale cad u ah arinkan aynu falanqaynayno niqaabka oo muran aan meelna
haysan laga dhaliyo. Waxa qofwalba oo cilmiga shareecada wax ka bartay
ogsoon yahay in culimada Islaamku ka yidhaahdeen niqaabka laba r’yi oo
mid leeyahay waajib ayuu ku yahay dumarka muslimaadka ah, ra’yiga kalena
uu dhigayo inuusan niqaabku waajib ahayn[6][6].
Waxayse culimadu isku waafaqeen laba arimood oo ay tahay muhiim in la
fahmo, loona baahanyahay in la xusuusnaado , waxay labadan arimood
yihiin sidan: (b) In niqaabku waajib ku ahaa zawjaadkii Rasuulka
. (t) In
niqaabku u banaanyahay dumarka doonaya inay indhoshareertaan, taasina ay
tilmaamayso in indhoshareeku ka mid yahay shareecada. waxa kale oo sugan
inay dumarkii saxaabadu indhoshareeran jireen, niqaabkuna caan ku ahaa
bulshada muslimiinta.
Hadddii aynu hadaba taa garanay,
waxaynu fahmi karnaa qaladka iyo gafka wayn eey ku dhaceen kuwa maanta
ku andacoonaya inuusan niqaabku ahyn dhaqan Islaamiya. In la yidhaahdo
culimadu way isku khilaafeen inuu waajib yahay iyo inuusan waajib ahayni
waa wax la gartay, hayeeshee in la inkiro sharcinimadiisa ama laga
bixiyo r’ayi seddexaad oon laga maqal salafkii iyo culimadii islaamku
waa dood raqiisa oon ku dhisnayn daliil iyo xujo cilmiya, islamarkaana
uu beeneenayo sooyaalka mujtamcyada muslinka ahi.
Waxay xaqiiqadu tahay in ra’yiga
seddexaad ee odhanaya niqaabku maaaha dhaqan islaameed, oo ah mid ay u
ololeenayaan kooxaha casraaniyiintu [the modernsts] uu yahay ra’yi
bidciya oo ka baxsan dariiqa salafka. uu yahay. Sidaan hore u tibaaxayna
waxa sugan in culimadii salafka iyo culimadii ka dambaysayba laga hayo
laba ra’yi oo kaliya oo khuseeya xukunka niqaabka. Waxana loo baahan
yahay inay culimada islaamku si adag isku hortaagaan. Waxa kale oo fiiro
iyo fahanba mudan in la ogaado sidaan hore u soo sheegay in niqaabku
waajb iyo faral ku ahaa dumarkii Rasuulka
. Sidaa
awgeedna, kuwa xumaanta ka sheegaya niqaabku ay si dadban u
dhaleecaynayaan Nabigii Allaah
, taasina
waxay tahay gaalinimo iyo kufri in la aqbalaa ayna sinaba ku banaanayn.
Dumarkii Rasuulku waxay
ahaayeen hooyooyinka mu’miniinta (أمهات المؤمنين),
nin ragani ma ogolaan karo in hooyadii xumaan lagu sifeeyo, inaguna waa
inaynu ilaalino ooynu dhowro sharfta iyo maamuuska dumarka Nabiga
.
Gabagabo:
Waa inaynu xusuusnaano arimo dhowra ooy
ka mid yihiin kuwa hoos ku yaala:
Kow: Diinta waxa ka mida arrimo aan laga
ijtihaadi karayn, lagana dhiiban karayn ra’yi iyo talo midna, waxayna
yihiin: (b) Arimaha caqiidada. (t) Arimaha xukunkooga lagu caddeeyay
Qur’aanka iyo sunnaha, sidaa awgeed ayay culimadu sheegeen inaan
arimahan laga ijtihaadi karayn ( لا إجتهاد مع النص).
(j)Arimaha laysku waafaqay ee uu ku sugmay ijmaacu
( المسائل المجمع عليها), waayo ma banaana in la khilaafo ijmaaca.
Sidaa awgeed waa in aan dhag loo dhigin
baaqyada ka soo yeedhaya Galbeedka iyo kooxaha magacooga ku hadla ee
iskugu jira ishuwanta shareeco-diidka ah sida cilmaaniyiinta iyo
libiraaliyiinta. Ugu horayna waa inaynaan aqbalin dacwad iyo dood laga
furo arimo ka mida taxanaha tiirarka caqiidadeena, ama arimo shareecadu
caddaysay sida, isku- xukunka shareecada, xijaabka, ribada iwm.
Laba: Arimaha ijtihaadiga ah qudhoodu
maaha kuwo ay cid waliba ka faalloon karto, balse waxa ka hadli kara oo
kaliya culimada hantiday qalabka ijtihaadka.
Seddex: Wixii laysku khilaafo waa in mar
walba loo celiyo kitaabka Allaah iyo Sunnaha Rasuulka
.
Afar: Waa inay fatwada culimada iyo
codkooga diinigi yeeshaan madaxbanaani buuxda kana xoroobaan u adeega
dano gaara, sida mid shakhsiya, qabiil, dowlad, xisbi, jamaaco ama xarko
iwm.
Shan: Culimada rabaaniyiinta ahi waa kuwa
lagu aaminay ka talinta danta iyo maslaxadda ummadda, sidaa awgeed waa
inay jiritaan muuqda ku dhex yeeshaan nolosha bulshooyinkooda. Waa inay
ka soo baxaan kaalintooda ooy mayalka u qabtaan geediga
Islaam-kusoo-dhawaadka ah eey ummaddu maanta higsanayso.
Lix: Waa in lagu dabranaado manahjkay
salafku u mareen fahamka diinta iyo daliil baadhista(منهج
السلف في الإستدلال والنظر). Tani waxay xad u yeelaysaa
fatwooyinka jahowareersan ee aynu maanta meel kastaba ku aragno.
Todoba: Waa in laga taxadiro layskana
ilaaliyo xulashada maslooyinkay culimadu ku gafeen kuna khilaafeen
Kitaabka iyo Sunnaha, tiiyoo islamarkaa la dhowrayo ixtiraamka iyo
maamuuskay culimadeenu inaga mutaysteen. Sidaasaana waafaqsan manhajka
salafiga ah siduu imaam Maalik yidhi: (كل يأخذ من
كلامه ويترك إلا صاحب هذا القبر) (Qof kasta oon ahayn Nabi Maxamad
waa la
aqbali karaa hadalkiisa waana la diidi karaa).
Dhamaanteenba Allaah hayna waafajiyo xaqa.
Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan
Imaamka Masjid Assaber, Portland, Oregon
imam@assaber.com
__________________________________
[7][1] Inkastoo Islaamku qirayo in
ehlu-kitaabku ka leexdeen jidkii Allaah, inxiraaf iyo qalloocna galay
diimahooga, haddana waxa uu ogolaaday in ay xor u ahaadaan ku dhaqanka
diimahooga, kuna noolaan karaan dowladda Islaamka gudaheeda. Taariikhda
Islaamkuna marag iyo markhaati ayay ka tahay xoriyadda diiniga ah ee
Islaamku siiyay ehli-kitaabka (Yahuudda iyo Kiristaanka), qarniyadii faraha
badnaa ee Islaamku xukumay Al-andalus ayaa wax inooga sheegaya siday
muslimiintu u xurmeeyeen xuquuqda Islammku siiyay ehlu-kitaabka. Waxay
xaqiiqadu tahay sida uu yidhi danjiraha Jarmalka ah ee muslimay Murad
Hofmann in aan maantaba lagu arkayn aqaliyado Kiristaana dunida Islaamka
dhexdeeda, hadduu Islaamku qaadan lahaa siyaasad ku wajahan dabartirka iyo
cidhibgoynta ehlu-kitaabka.
Taasi macnaheeduse maaha in muslimiintu
ictiraafaan in diimaha kale sax yihiin, Ilaahay raalidiisa iyo janadiisana
lagu gaadhi karo dariiqyo kale oo ka duwan ka Islaamka. Risaaladda Islaamka
ayaa lagu khatimay diimihii oo dhan, Nabi Maxamed ayaa ugu dambeeyay nabi
Allaah soo diray , qofkii isaga iyo risaaladdiisa ka gaaloobaana waa kaafir
ay janno ka xaaraan tahay. Arinkanina waa mid ka mida asalada diinta iyo
tiirarka caqiidada een loo baahneen in qof muslim sheeganayaa ka jaahil
noqdo. Waajibka muslimiinta saarani waa inay dacwada Islaamka dadka
gaadhsiiyaan iyagoo isticmaalaya xikmad iyo waano wanaagsan, waxaynu
jecelnahay inaynu khalqiga tusno dariiqa Allaah ee toosan.
[8][2]. Arinka uu Shaafici ku
magacaabay "القريحة" Qariixah, Sancaani waxa uu
ku sheekgay inay tahay"هبة من اللّه" Hibo
Ilaahiya, Dr.Cumar al-Ashqar ayaa isaguna ku magacaabay"
الملكة الفقهية" Malakah fiqhiyah. [ Taariikh al-Fiqhil Islaami:
Dr.Cumar al-Ashqar: 227]. Sh.Cumar al-Ashqar ayaa yidhi isagoo ka hadlaya
siyaabaha uu faqiihu ku helo karo malakadan fiqiga ah: “ Malakada fiqiga
ahi waxa ay ku timaadaa laba siyood: Ta Hore: waa deeq Ilaahay, waana arin
ka baxsan awoodda iyo karaanka adoonka, dadka uu Allaah ku arsaaqayna waxa
ka mid ahaa imaam Shaacici, imaam Maalik ayaa markiiba gartay kolkuu
Shaafici u yimid isagoo yar si uu cilmiga uga barto, waxa uu ku yidhi : (إن
اللّه القى على قلبك نورا، فلا تطفئه بالمعصية) ( Allaah ayaa saaray
qalbigaaga nuur, ee ha ku bakhtiin macsida). Ta Labaad: waa laylis, waxana
wanaagsan in taa laga helo faqiih caalima oo ardaydiisa si tartiib tartiiba
u bara fiqiga, waxa kaloo lagu heli karaa tiiyoo la darso Kitaabka Allaah
iyo sunnaha Rasuulkiisa صلى اللّه عليه وسلم ,
kubtubta tafsiirka, shuruuxda axaadiista, in aqoon loo yeesho hadalada
culimada , in la fadhiisto majlisyda cilmiga iyo in lagu dadaalo ku camal
falka wixii la bartay waayo camalku waa cilmiga barakadiisa”[Taariikh al-Fiqhil
Islaami: 226-227].
[9][3] Fatxul al-Baarii : 7/6.
[10][4] Al-Xilyah: 9/170.
[11][5] Hadalkani waxa uu khuseeyaa
masalooyinka iyo arimaha dhacay xiliggii salafka, arimahase aanay la kulmin
culimadii hore amase aanay ka hadal xukunkooga, waxa u banaan culimada
casirigeena ee hanatay qalabka ijtihaadku inay ka ijtihaadaan ooy
ra’yigoogana ka dhiibtaan.
[12][6] Xaqiiqadu waxay tahay in
culimada waajibisay niqaabku ka xujo waynyihiin kuwa yidhi niqaabku maaha
waajib. Waxa kale oo mudan in la xuso in culimo badan oo tidhi niqaabku
maaha waajib ay sheegeen inuu waajib noqonayo haddii fitno laga baqo ama
hadday qofka dumarka ahi aad u qurux badantahay oo looga yaabo inay ragga
fitnayso. Allaah ayaa u cilmi leh.
[1][1] Inkastoo Islaamku
qirayo in ehlu-kitaabku ka leexdeen jidkii Allaah, inxiraaf iyo
qalloocna galay diimahooga, haddana waxa uu ogolaaday in ay xor u
ahaadaan ku dhaqanka diimahooga, kuna noolaan karaan dowladda
Islaamka gudaheeda. Taariikhda Islaamkuna marag iyo markhaati ayay
ka tahay xoriyadda diiniga ah ee Islaamku siiyay ehli-kitaabka (Yahuudda
iyo Kiristaanka), qarniyadii faraha badnaa ee Islaamku xukumay Al-andalus
ayaa wax inooga sheegaya siday muslimiintu u xurmeeyeen xuquuqda
Islammku siiyay ehlu-kitaabka. Waxay xaqiiqadu tahay sida uu yidhi
danjiraha Jarmalka ah ee muslimay Murad Hofmann in aan maantaba
lagu arkayn aqaliyado Kiristaana dunida Islaamka dhexdeeda, hadduu
Islaamku qaadan lahaa siyaasad ku wajahan dabartirka iyo
cidhibgoynta ehlu-kitaabka.
Taasi macnaheeduse maaha in
muslimiintu ictiraafaan in diimaha kale sax yihiin, Ilaahay
raalidiisa iyo janadiisana lagu gaadhi karo dariiqyo kale oo ka
duwan ka Islaamka. Risaaladda Islaamka ayaa lagu khatimay diimihii
oo dhan, Nabi Maxamed ayaa ugu dambeeyay nabi Allaah soo diray ,
qofkii isaga iyo risaaladdiisa ka gaaloobaana waa kaafir ay janno ka
xaaraan tahay. Arinkanina waa mid ka mida asalada diinta iyo
tiirarka caqiidada een loo baahneen in qof muslim sheeganayaa ka
jaahil noqdo. Waajibka muslimiinta saarani waa inay dacwada Islaamka
dadka gaadhsiiyaan iyagoo isticmaalaya xikmad iyo waano wanaagsan,
waxaynu jecelnahay inaynu khalqiga tusno dariiqa Allaah ee toosan.
[2][2]. Arinka uu Shaafici
ku magacaabay "القريحة" Qariixah,
Sancaani waxa uu ku sheekgay inay tahay"هبة من
اللّه" Hibo Ilaahiya, Dr.Cumar al-Ashqar ayaa isaguna ku
magacaabay" الملكة الفقهية" Malakah
fiqhiyah. [ Taariikh al-Fiqhil Islaami: Dr.Cumar al-Ashqar: 227].
Sh.Cumar al-Ashqar ayaa yidhi isagoo ka hadlaya siyaabaha uu faqiihu
ku helo karo malakadan fiqiga ah: “ Malakada fiqiga ahi waxa ay ku
timaadaa laba siyood: Ta Hore: waa deeq Ilaahay, waana arin ka
baxsan awoodda iyo karaanka adoonka, dadka uu Allaah ku arsaaqayna
waxa ka mid ahaa imaam Shaacici, imaam Maalik ayaa markiiba gartay
kolkuu Shaafici u yimid isagoo yar si uu cilmiga uga barto, waxa uu
ku yidhi : (إن اللّه القى على قلبك نورا، فلا
تطفئه بالمعصية) ( Allaah ayaa saaray qalbigaaga nuur, ee ha
ku bakhtiin macsida). Ta Labaad: waa laylis, waxana wanaagsan in taa
laga helo faqiih caalima oo ardaydiisa si tartiib tartiiba u bara
fiqiga, waxa kaloo lagu heli karaa tiiyoo la darso Kitaabka Allaah
iyo sunnaha Rasuulkiisa صلى اللّه عليه وسلم
, kubtubta tafsiirka, shuruuxda axaadiista, in aqoon loo
yeesho hadalada culimada , in la fadhiisto majlisyda cilmiga iyo in
lagu dadaalo ku camal falka wixii la bartay waayo camalku waa
cilmiga barakadiisa”[Taariikh al-Fiqhil Islaami: 226-227].
[3][3] Fatxul al-Baarii :
7/6.
[5][5] Hadalkani waxa uu
khuseeyaa masalooyinka iyo arimaha dhacay xiliggii salafka,
arimahase aanay la kulmin culimadii hore amase aanay ka hadal
xukunkooga, waxa u banaan culimada casirigeena ee hanatay qalabka
ijtihaadku inay ka ijtihaadaan ooy ra’yigoogana ka dhiibtaan.
[6][6] Xaqiiqadu waxay
tahay in culimada waajibisay niqaabku ka xujo waynyihiin kuwa yidhi
niqaabku maaha waajib. Waxa kale oo mudan in la xuso in culimo badan
oo tidhi niqaabku maaha waajib ay sheegeen inuu waajib noqonayo
haddii fitno laga baqo ama hadday qofka dumarka ahi aad u qurux
badantahay oo looga yaabo inay ragga fitnayso. Allaah ayaa u cilmi
leh.
_______________________________________
Faafin: Somalitalk.com | Maarso 25, 2005
Aamina
Waduud iyo Aragtida Dunida Muslimka.
Warbixin....
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com