SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ISLAM
Aamina waduud iyo Aragtida dunida muslimka.
  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 25, 2005
    EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 

Amina Wadud (photo from muslimwakeup website)Guud Ahaan dunida islaamka ayaa aad looga hadalhayay maalmihii la soo dhaafay Aamina waduud waxa ayna muran  ka dhex dhalisay dad badan oo islaam ah,iyadoo qaar badani iswaydiinayeen in islaamnimadeeda ay ku jiraan waxyaabo lagu abuurayo iska hor imaad culumadda iyo shacabka islaamka ah dhexdooda ah,la yaabkan ayaa yimid kadib markii ay salaad jimce ah imaam uga noqotay haweenaydan dad muslimiin ah oo rag iyo dumar iskugu dhex jira magaalada New York ee dalka maraykanka kana soo jeedisay qudbad la xiriirtay sinaanshaha ragga iyo dumarka xagga diinta islaamka ah.
 
Aamina waduud waxa ay salaadan ku tujisay dadkan hool lagu magacaabo Sainut House kuna dhex yaala kasiinada lagu magacaabo Sant John The David kadib markii loo diiday dhowr masaajid si ay salaadda imaam ugu noqoto, waxaa kale loo diiday meelo kale laakiin waxa ay dadka ku tujisay hool wayn ku dhex yaalay kaniisaddaas.
 
Aamina waduud waa macalimad ka dhigta maadooyinka culuumta islaamka jaamacadda Viriginia Commenwelth, waayadan waxa ay waday urur ay kula jiraan haween kale oo u doodaya gabdhaha islaamka ah iyo waxa ay ka qabaan islaamka laguna magacaabo Baraarug muslim.
 
Wargayska New York Times oo ay soo xigatay shabakada islamonline ayay haweenaydani u sheegtay in ay caalamka tusinayso sinaanta ragga iyo dumarka ee xagga diinta waxa ayna intaas ku dartay in islaamku simay ragga iyo dumarka balse ay raggu ka qariyeen gabadhaha xaqqa ay u leeyihiin in ay gutaan waajibadka saaran ama kaalintooda.
 
Aamina waduud oo qudbad gaaban jeedisay wax yar ka hor salaada jimce waxa ay sheegtay in dunida ay tusinayso sinaanta ragga iyo dumarka ee xagga diinta la xiriirta wax badan hoos u dhig ah ayaa lagu hayaa gabdhaha muslimka ah ee ku nool wadamada islaamka ah ayaa ka mid ahaa hadaladii hawenaydan oo dad badan aad uga fajicisay.

Amina Wadud leads men and women in prayer at Synod House, New YorkHaweenaydan hoolka ay ka bixinaysay salaadda jimce waxaa mu'adimad u ahayd gabar uu dhalay imaam ka mid ah imaamyada masaajidyada loo diiday in ay salaadan imaamka ka noqoto, gabadhan oo lagu magacaabo Suhayl Al-cadaar waxa ay ka adintay saladan iyadoo aan wadan wax qamaar ah(madax qaawan) ragga iyo dumarka salaadan tukanayay ayaa isku dhex jiray haweenka qaarkoodna waxa ay qabeen saraawilo iyo shaarar iyadoo aanay madaxana waxba u saarnayn.

 
Salaadda Aamian waduud waxaa soo qabanqaabiyay koox dumar ah oo madax ka ahaa urur lagu magacaabo Midawga Muslimiinta Horusocodka ah, waxaa dumarkan ka mid ahayd Aasira Annucmaani  oo ahayd suxufiyad iyo qoraa waxa ayna sheegtay in haweenka uu nabiga siiyay ahmiyad wayn oo ah in ay salaad tujin karaan masaajidkana albaabka hore ka soo gali karaan waxa ayna intaas ku dartay in haweenku soo ceshanayaan xiligii ay Nabiga NNKH uu joogay xuquuqdii ay lahaayeen,Hada waxii ka dambeeyana aysan masaajidka gadaal kaga dukan doonin ayna aduunka tusinayaan sinaanta ragga iyo dumarka ee diinta muslimka.
 
Aamina waxaa kale oo hadaleeda ku jiray in aysan ragga kula tartami doonin xagg siyaasad iyo dhaqaale balse u doodistooda ay la xiriirto kaliya sidii ay ku heli lahaayeen xaqqa ay leeyihiin diinta islaamka ee Qur'aanku u jideeyay laakiin sida ay hadalka u dhigaysay hawenaydan ay raggu ka qariyeen xaqqaas ay leeyihiin.
 
Salaadan oo si toos ah looga daawanayay TV-yada caalamka qaarkood waxyaabaha aadka looga yaabay waxaa ka mid ahayd in ragga iyo dumarku ay isku dhex jireen oo aysan u dhaxaynin waxba,waana tan wax badan muranka abuurtay in la arko dad ajnabi kala ah salaad isla tukanaya(NNKH) Waxa uu xadiis ku yiri"inaad salaanto gabar kaa ajnabi ah waxa kaaga kheyr badan adigoo dhimbil dab ah gacabta ku qabsada)iskaba daa isk dhex gal salaad isla tukasho xadiiskan iyo kuwo kale oo badan iyagoo culumo badan daliishinaya ayay ku tilmaameen arrin dhinac ka ah islaamka shaqona aan ku lahayn.
 
Culumadda islaamka ayaa arrintan ku tilmaamay mid ku cusub islaamka oo aan wali la arkin taariiqda islaamka haweenay imaam ka ah salaad jimce ama salaad kale midna,waana wax mudan in laga hadlo arrintan inta aysan sii faafin, Culumadda iyo macalimiinta Jaamacada Al-Azhar ee dalka masar ayaa la yaab ka muujiyay arrintan ku saabsan gabadha imaamka ka noqotay salaada jimce ee tujisay  dadkaas isku dhex jirka ah.
 
Culimadda ku nool W/ameerika ayaa ka soo saaray bayaan arrinta ay samaysay Aamina waduud ee saladda waxa ayana sheegeen in arrintani tahay mid dadka islaamka ah ku cusub iyo taariiqdaba diintaba lana damacsan yahay in muslimiinta laga jahawareeriyo,mid la mid ah hadaladan ayaa ka soo baxaya qaar badan ka mid ah culumada islaamka ah ee ku nool dunida islaamka iyagoo la yaab ku tilmaamay. 
 
Kaniisadda ay ka dhacaysay salaadan jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa hareeyay dadweyne muslimiin ah iyagoo leg "Maanta waa maalintii aan halaagsami lahayn waayo waxa la samaynayaa wax Alle ka xarimay muslimiinta wali lama arkin Rag iyo dumar isku dhex jira oo salaad isla tukanaya iyadoo ay haweenku asturnayn, maahan wax aan u dulqaadan karno".
 
Albaabka hore ee kaniisada ay salaada ka dhacaysay waxa buuxiyay booliis sugayay amaanka waxaana yimid goobta salaada warbaahin aad badan kala kala socotay dunida iyagoo si toos ah usoo daynayay salaadan, waxaa tukadii salada ka soo qayb galay dad gaarayay 150 qofood waxaa dumar ahaa in ka badan 50 halka inta kalena ay ragg ahaayeen.
 
Ugu dambayn salaadan waa mid aad loola yaabay waxa ayna dad badani rumaysan yihiin in arrintani ay tahay mid jahawareer ah oo la damacsan yahay in islaamka dhibaato loogu keeno, waayo haweenku xaq walba ha raadiyaan laakiin in ay sameeyaan wax aan diintu u fasaxin ama horay loo arkin taariiq ahaan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 25, 2005
EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 

Isha sawiradda Islam online islamonline.net | APF | BBC.

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 25, 2005


Shirkada Dell oo Shaqadii Dib ugu Celisey 31 Muslimiin ah
Tennessee, USA: Shirkadda Computerada ee Dell ayaa waxay shaqadii... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD