SomaliTalk.com ALLAH IS GREAT

 MAXAY KU DOORTEEN ISLAAMKA?

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
CIBAADADA SALAADA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»


Maxey ku doorteen Islaamka?

 Daina Paetty

  • Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar

Qormadani waa qeyb kamid qoraaladii taxana ahaa ee aan kaga hadleynay shaqsiyaadka aan Islaamka u dhalan ee Illaahey gadaal kasoo hannuunshay kuwaasoo u arka in Diinta Islaamka tahay Diinta keliya ee saxda ah. Hadaba qeybtani waxanu kaga hadli doonaa gabadha la yiraahdo Daina Paetty oo iyadu ka hadli doonta sababtey ku soo Islaamtay, iyadoo arrintana nooga sheekeyneysa waxey ku bilowday sidatan. 

Waxaan ku koray kuna dhashay guri dadka ku nooli ay ahaayeen dad Masiixiyadu ku dheer tahay, waxaana uu ku yiilay gobolka Colorado ee dalka Mareykanka. Diin nooca ay tahay xageyga waxey ka aheyd maado aan sidaasi qiimo u laheyn. Aabahey iyo dhamaan eheladiisa waxey ku soo koreen iyagoo heysta madhabta Protestant-ka.

Yaraanteydii waxaan ahaa foodleey mararka qaar is weydiin jiray Illaahey jirtaankiisi. Xitaa dugsiga dhexe intaan dhiganayey waxaan aad u akhrin jiray Beybalka (Kitaabka Masiixiyada) iyo buuggag kale oo la xirriira dhaqanka iyo caadooyinka. Sidaas oo ay tahay waxaan dareen sanaa iney jirto waxyaabo kale oo kasoo horjeeda Diinta masiixiyada ee aan heysto. Gaar ahaan marka ay timaado arrinka ku saabsan Nabi Ciise (cs) iyo Seyniska. Sababta oo ah meelaha qaar waxaad arkeysaa iyaddoo la leeyahay waa wiilkii Illaahey, marna waa Illaahey laftiisa iyo qaar kaloo badan. Dhamaana arrimahaasi waa kuwo is diidan, sidaas ayaana dareen kale oo waxyaabahani diidan iigu jiray. Muddo gaaban kadib waxaan bilaabay inaan ku xirmo Kanaasid loogu magac darray “The Church of god” (Kaniisadda Illaahey), kuwaasoo buuggagtii dhaqanka ahaa ee aan akhrin jiray ka helay cinwaankooda, waxaana ay iila muuqdeen kuwo u dhow diin macquul ah bayaaninta ama cadeynta ay ku sameeyeen arrimaha la xirriira Seyniska taasoo aan aniga weligey horey u arag waxyaabaha soo jiidashada leh ee qoladani sheegeyso. Arrimaha sida weyn ii soo jiitay waxaa kamid ahaa iyaga oo aan jecleyn cunista doofaarka iyo cabista Qamriga dadkana wey ugu digi jireen in munkarka la badsado oo aan camal kale la yeelan.

 Markii aan bilaabay jaamacada waxaan halkeygii kasii waday niyadii iyo xoogii fir fircnoonaa ee aanu hayey howlaha Kanaasida, waxaan ka qeyb qaadan jiray howlo dadka diinta loogu sheegayo. Intaasoo dhamina waxaan u sameynayey bal inaan ogaado uun Ilaahey axwaalkiisa iyo xaqiiqda jirta. Hase ahaatee waxaa timid caqabad ah in wixii aan raadinayey aan iiga soo naas cadaanin, buuggii masiixiyada ahaa ee aanba sidaas wax nafci leh uga helin waxaan ka qaaday jaha wareer badan. Jee aan maalintii dambe la kulmay nin Muslin ahaa oo sidaad ka yaabto quruxda iyo hanaanka u tukanayo aad  lafajaceyso. Waxaa i galay dareen xoogan oo aan ku doonay ninka waxa uu sameynayo sababta ku kaliftay. Durba inaan sameeyo waxa uu sameynayo ayaan jecleystay, laakinse cabsi bey igu jirtay waswaaska iyo shakiga noocan ah ee aan oran jiran Illaahey waan aqoonsanahay, Misna waa Wiilkii Illaahey waxyaabahaasi oo dhami waxey ahaayeen kuwo shirki ah oo lugu Naarta gallo.

Ninka madaxda looga dhigay Mission-ka (Howlgalka diinta masiixiga lugu faafinayo) oo isagu dalka Aljeeriya howlo kasoo fulayey ayaa waxa uu kamid ahaa macalimiinta howlgaladeena, waxaana berigii dambe u helay fursad aan wax ka weydiiyo su’aalo la xiriira diinta xillii uu uu jaamacada cashar diineed ka jeedinayey.

 Waxaan ku iri “ Waxaa jira nin aanu saaxiibo nahay oo muslin ah, bal ii sheeg waxa qabsan doona saaxiibkeyga Muslinka ah, markaasuu dhahay Naartuu galayaa iyadoo la hubo” Cajiib!! Durba su’aal kale ayaan ninkii weydiiyey oo iri “Siddee ku dhacday in Quraanka oo Bibel-ka xooga u eg uu been sheegayo, markaasuu dhahay waa music kamid ah kuwa sheydaanka oo Bani’aadamka shaki ku rida!” Ugu dambeyntii waxaan ninkii weydiiyey bal inuu Quraanka indho ku jiiday oo u akhristay, jawaabtiisana waxey noqotay “Waan isku dayey balse ima cajiban jirro ayaanba ka qaaday” Waxaana yaab iyo amkaaga kasoo qaaday ninkii isku sheegayey hogaamiye wax yaqaan oo aan si weyn u aaminsanaa waxaa iiga muuqatay inuusan waxba i dhaamin, maxaa yeelay marka la eego  mudda dheer uu joogay dalal Islaam ah, iyo halka uu ka hadlayo waa “KAAF IYO KALA DHEERI” Waxaaba dhabana heyso igu riday  markuu ii sheegay siddii inuu isaga hubo in saaxiibkey galayo Naar, Quraankana ku sheegay cilmi Sheydaan. Si kale oo wax u sharxo ayaa u muuqan weysay aqoontiisana intaaasey dhaafi weysay ee uu lahaa Diin uusan akhrin waxey tahay.

Alxamdu Lillaah, taasi inkastoo ay doodii ugu horeysay aheyd ee aan ka qeybgalo kuna  ogaanayey Diin waxey tahay, hadana waxaan halkeygii kasii waday halkgankii aan ku baadi goobayey xaqiiqda dareenadda is diidan.  Waxaan bilaabay markaas kadib inaan Quraanka akhriyo, markaan muddo dhowr bilood ahaa akhrinayey waxaan qirtay Shahaadada. Barashada Diinta Islaamkana halkeeda ayaan kasii waday.
Waana Alle mahadiis in Diinta saxda aheyd uu igu hannuuniyey. Tanina waa Diinta keliya ee tijaabo kasta oo Aadunuhu doono ama ku wareero sax ugu jawaabta.

Eheladeydii qaadashada aan qaatay Diinta Islaamka sooma dhaweyn kumana farxin. Waayo waxey ogyihiin in la soomo, lana xirto Xijaabka waxyaabahaasi oo dhan waxey u arkaan dhaqan iyo diinta aanan laheyn oo la igu qasbay ama si qaldan wax la iigu sheegay. Waxey u heystaan in haddii Xijaabka la xirrto loo ekaanayo, dumarka kaniisadaha jooga (soorooyinka). Taasina wel wel bey igu heysaa. Inkastoo aan aniga xirrin xijaabka, hadana waxaan ku camal jira sida ugu dhaqsaha badan inaan ku ahaado Muslim qaalis ah haddii kale waxaan ahaanayaa “Mid sheegata oo aan Illaahey runsaneyn”. 

Ikraam Cali-kaar,
SomaliTalk Team, Gothenburg, Sweden
ikraam_k@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.