Tan iyo inta aan ku dhawaaday da’da qaangaarka ee reer galbeedka
nolosha wax macno leh iima aysan laheyn jeer aan ka baxay dugsigii sare oo
aan dalka dibadiisa dalxiis ku aaday marar badan.
Islaamideydiina sidaan qabo waxey aheyd mid wado dheer aan u maray,
xirriirkeeygii iigu horeeyey ee aan la yeesho ruux muslim ah waxey aheyd
markii aan ka baxay dugsiga sare markaasoo aan dal xiis u aaday dalalka
Afrika galbeed ku yaala sida Sierra Leone iyo Togo. Intii aan dalalkaasi
booqashada ku marayey weligeey kuma fekerin inaan Islaamka qaato,
dalalkaasina maba moodeyn iney dadkooda u badan yihiin Muslimiin oo waxaan
u heystay iney masiixiyada ku weyn tahay.
Muddo dheer kadib waxaan markale booqasho ku tagay dalka Masar iigamaba
darin booqashadeydii dalkaas ee waxaan halkaasi ku soo bartay gabadha
iminka xaaskeyga ah oo Faransiis dhalashadeedu tahay markaana aan muslim
aheyn, balse aan isku waqti wada qaadanay Islaamka. Aniga iyo xaaskeygii
waqtigaas waxaan daganeyn agagaarkii buurta Siinaay oo aheyd meeshii uu
Nabi Muuse (cs) kula hadli jiray Illaahey scw. Dhab ahaan waa goob qiimo
leh oo aad u qurux badan inaan degena meel u dhow buurta Siinaay waxey
xageyga ka aheyd waxa aad u weyn oo aysan jirin waxaan ku micneeyo.
Maalintaa kadib waxaan bilaabay inaan Illaahey wax iska weydiiyo
jiritaankiisa iyo abuuristiisaba, hase ahaatee markaa waxaan ahaa ruux
labo labeyn ku jiray oo si rasmi ah go’aan uma gaarin. Waxaanse degeneyn
meel xeeb ah oo aad u qurux badneynd. Xeebta agagaarkeeda dhismayaal ayaa
ku socday oo loogu talagay dalxiisayaasha shisheeyaha ah. Qaar kamid ah
shaqaalaha dhismayaasha xeebta agteeda ayaa noo iman jiray oo nasoo
salaami jiray. In badan oo iyaga kamid ah ayaa nooga sheekeyn jiray guud
ahaan Islaamka waxa uu yahay. Waxaa jiray nin kamid ah raggii aan isku
baranay meeshaas oo la oran jiray Ayman, inuu maalin si kedis ah oo
qudheyda yaab igu abuurtay inta iigu yimid igu yiri “Ma ogtahay anaga
muslimiinta ah Ciise, waxaan u ogsoonahay inuu yahay mid kamid ah Rasushii
Eebbe soo diray?”. Maalintaa ka hor maba aanan ogeyn waxey muslimiintu
sidoodaa aaminsanaayeen iyo inkale. Maalmo kadib waxaa aniga iyo gabadhii
aan is arkoonay ka soo dhaqaajinay Masar intii aan u soo soconay dalkeyga
ayaan London ku hakanay, waxaan markaa kasoo iibsaday kitaabka Quraanka ah
oo macnihiisa ingiriiisi loogu badalay. Balse maadama qoraalka tarjamadu
aheyd mid adag wax badan kameynaan fahmin mase nooga darin oo waxaad
moodaa in quluubteenii ay soo dabceysay. Aniga iyo xaaskeygii oo waqtigaas
xirriir naga dhaxeeyey waxaanu dareemeynay inaan xiisaha aan u qabno
dalalka muslimiinta ay sii kordheyso.
Markaa kadib waxaanu aadnay dalka Yeman oo ah meel ay joogeen dadkii u
sabab ahaa inuu kordho niyada adag ee aan u heynay islaamka, waxey
ahaayeen dad aad u wanaagsan oo soo dhaweeya martida islamarkaasina si
fiican u heysta diinta islaamka. Qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa nugu
oran jiray ”diinta Islaamka aad bey agteena qiimo uga leedahay”. Taasi
waxaan dareenay iney yihiin ummad ku dhegan diintooda iyo caqiidadooda.
Si kastaba arintu ha ahaatee maalinbaa waxaa dhacay anagoo ku sugan
magaalada Cadan oo aanu dooneynay inaanu goor waaberi hore ah raacno bas,
magaalo la yiraahdo Mukalla ayaan ku soconay. Waxaanu jecleyn inaanu iska
seexano rugtii basaska lugu sugayey si haddii aan daahno aysan nugu dhicin
gaadiid la’aan oo meesha aan u soconay gaari weyno. Maalintaasi waxey
aheyd maalin bisha Ramadaan lugu jiray. Dad kaloo yaman ah ayaa iyaguna
nala sugayey baska oo ku sugnaa goobtii basaska. Qadar yar kadib waxaa noo
yimid nin boolis ah waxuu nugu yiri ”meeshan lama ogala seexan meysaane
ordahaya iska taga!”. Anagoo yaaban ayaan bilownay inaan raadino meel
hotel ah aan seexano, nasiib darro hoteeladii dhamaantood wey buuxeen oo
malaheyn mid banaan. Balse nin aad u wanaagsan oo dhalinyaro ah kana mid
ahaa dadkii meesha joogay ayaa yiri anigaa idiin geynaya gurigeyga oo
marti ii ahaaneysaan kaalaya i raaca!.
Siddii baan ninkii ku raacnay oo gurigiisi marti ugu noqonay.
Cambaarkii aan la joognay ninkii martida u aheyn wuxuu na tusay sawir
gabadhiisa oo iyadoo bil jirta dhimatay. Ninkaasi waxa uu ahaa nin samir
leh oo Illaaheygiis ku kalsoon. Waxa uu yiri ”muddo bil ayaa laga joogaa
markey dhimatay gabdheydii. Illaahii lahaa ayaa oofsaday, isaganaa
badalkeeda mid qeyr qabta ka sugayaa!”. Dhab ahaan waxaan aad u dareemay
maalintaasi iimaanka saadiqa ah ee ninkaasi ku jirtay iyo sideysan wax
murugo ah uga muuqan, waxaan is tusay inaan marna awoodi laheyn in
naxdinta geerida gabdheyda oo weli qoyan aan tuso dad marti ii ah.
Markuu noo soo dhamaaday safarkeenii dalalka carabta aniga iyo
saaxiibadeydii waxaanu dib ugu soo laabanay dalkeeni oo aan si deg deg ah
isku guursanay, muddo gaaban kadibna waxaan isku dhalnay carruurtii ugu
horeysay ee Illaahey nasiiyey. Markaa kadib waxaan bilownay aniga iyo
xaaskeygii in islaanimadii iyo xiisihii aan u heynay ay sii tir tirmaan,
ileyn waxaanu joognaa meel aan diinta Islaamka ehelkeeda joogin, laakinse
nasiib wanaag Illaahey baa qadaray in markale ay noo soo laabtaan xiisihii
aan u heynay Islaamka. Durba waxaan bilaabay inaan akhriyo waxyaabaha
Islaamka ku saabsan, xaqiiqdiina waxaan helay bilow fiican oo islaamnimada
iigu xajineysay qalbiga, taasoo aan weligey xasuusteydii ku hayey ayna ugu
wacneyd waqtiyadii aan joognay aniga xaaskeyga dalalka Masar iyo Yeman.
Waxaan bilaabay markaas kadib inaan akhriyo Quraanka kariimka oo
macnihiisa oo afka ingiriisiga lugu tarjumay.
Runtii inaan akhriyo Quraanka oo afkeyga iyo ingiriisiga ku qoranba
waxey igu qaadatay muddo labo bilood ah. Ugu dambeyntii waqti dheer kadib
waxaan qaadanay aniga iyo xaaskeygii oo aan ku islaanay dalka aan u
dhashay ee Sweden. Alxamdu lilaah, waxaan ku faraxsanahay inaan islaanay
oo aanan maanta heysan diin kale oo aan Islaam aheyn. Waan aaminsanaa in
Diinta Islaamka ay tahay tan saxda ah, balse waxaan ictiqaadsanaa iney
adagtahay in muslim la ahaado marwalba.
Kolkii aan noqday nin muslim ah waxaa aad igu adkaatay sidaan
waalidkeygii ugu sheegi lahaa, inkastoo tuhun ku jiray inaan isbadalay
hadana waxaan la dhowray waqti ku haboon oo loo sheegi karro. Arintaas
awgeed xaaskeygii muddo ma xiran xijaabka jeer ay maalin bisha Ramadaan
lugu jiro aan tagnay guriga waalidkeey, markaasna ay ogaadeen ineynaan
cunin cuntadii ay noogu talagaleen. Nasiib wanaag waxaan maalintaas u
sheegnay waalidkeey inaan islaanay cid nugu qasabtayna aysan jirin.
Inkastoo ay ka muujiyeen xumaan arintaa ku saabsan qaadashada diin kale oo
aan tooda aheyn hadana wey nugu ixitraameen. Waxa keliya ay noogu
ixtiraameen waxey tahay annagoo aynaan cunini hilibka qansiirka (doofaarka),
cabista qamriga iwm. Sidoo kale asxaabteydii hore markey ogaadeen in aniga
iyo xaaskeyga aan islaanay marna nuguma mucaaridin inkastoo ay u arkayeen
wax kale hadana wey soo dhaweeyeen wanaaga korkeena ahaaday awgiis.
Shaqada aan ka shaqeeyo dadkii ila shaqeynayey waxaa in badan oo iyaga
kamid ah maskaxdooda ka guuxeysay naceyb daran iyo aqoon la’aan ka heysa
Islaamka. Ileyn waa dad aamisan waxey warfaafintu sheegto, sidaa daraadeed
waxaa jiray shaqsiyaad markey ogaadeen inaan muslimay igu xumeynayey
iyagoo lahaa waxaad qaadatay diin danbeysa oo dadka dagaalo ku guubibsa.
Xumaan kasta oo Islaamka laga sheega marna badali meyso g’aankeygii ku
saabsanaa islaamideyda hadana waxaaba taas iiga darneyd waqtiga salaada oo
cariiri ahaa ninka madaxda ii ahna uuusan aqbaleyn in iyadoo shaqadii lugu
jiro inta la baxo oo lasoo tukado.
Nasiib wanaag markii aan si tos ah ugu sheegay ninkii madaxda ii ahaa
waxaa iigu yiri ”tuko waqtiga ku haboon salaadaada waxaan kuu fasaxayaa
inaad sameyso arintaasi”
Isku soo wada duuboo nolosheydii tan iyo markii aan qaatay islaamka mar
qura iskuma badalin oo uma aanan ekaanin muslin qaalis ah, marka laga
reebo inaan qirtay shahaada oo keliya. Hadana intii u dhaxeysay markaan
ahaa lix iyo toban jir ilaa aan ka gaaro labataan sanno waa islaamideydii
ka horee waxaan ahaa nin ku waalan cabista qamriga saasoo ay tahay ma
aanan jecleyn inaan cabo qamriga mana igu adkeyn inaan joojiyo, marka si
loo eegana ma aheyn muddo dheer waqtigaan cabayey qamriga oo aan ahaa nin
balwada iyo aadista goobaha lugu caweeyo qamrigana lugu cabo ay intaba u
ahaayeen ehel.
Maalintii aan qaatay islaamka amaba aan muslimay waxaan moodayey inaan
ahay kan keliya ee islaamay, balse waxey ii aheyd maalin qiimo leh oo
aysan jirin wax aan adduunyada siisto. Islaanimadeyda kadib waxaan aad u
jeclaa inaan akhriyo buugg uu qoray ninka la yiraahdo Martin Lings oo ka
sheekeynayey Noloshii Nabi Muxamed NNKH. Buuggaas waxaa la yiraahdaa
”Muhammed, his life based on the earliest sources”.
Martin Lings isagaba laftiisa islaamka ayuu gadaal dambe ka qaatay,
aadbaana uga helay buuggaas oo kaga sheekey qisaddii Nabi Muxamed NNKH.
Akhrinta buugaas marna kama xiiso dhicin waayo marka laga sheekeynayo
noloshii Suubanaheenii NNKH,ma jirto sheeko ka wanaagsan oo laga sheekeeyo
oo sidaas xiiso u leh. Mahad Eebe weeye inaan maanta ahay muslin qaalis ah
aniga qoyskeyga. Waxaan ummadda islaamka ah meelkasta oo ay joogaan uga
barayayaa Alle dembi dhaaf iyo naxariistiisa gaarka ah uu siiyo!