Fadhigii shalay ee golaha wakiilada somaliland ayaa golaha
looguqaybiyay xeerka waxkabadalka iyo kaabista ee doorashada golaha
wakiilada somaliland kaas oo uu madaxwayne rayaale usoo gudbiyay golaha ,qoraalka
madaxweynaha ee kaabista iyo waxkabadalka xeerka doorashada golahu wuxuu
isagoo dhamaystiran uqornaa sidan:
"sida aad kawarqabtaan maxkamada dastuurka JSL waxay go'aankeedii
MS/DD/01/05 ku laashay qodobada 10aad,13aad,38aad 44aad ee xeerka doorashada
golaha wakiilada (xeer N0:20/02/05) waxaa kale oo maxkamadu isla go'aankeeda
ku tilmaantay in qodobada la laalay badelkooda waxii qaab farsamo looga
maarmiwaayo loo cuskado xeerka doorashada goloyaasha deegaanka iyo
madaxtooyada(xeerNo:20/2001).
Markii la fuliyey go'aanka maxkamada dastuurka JSL waxaa soo baxday
qabyooyin ay ka mid tahay saamiga kuraasida Gobolada ku yeelanayaan .
Taas oo farsamo ahaan looga maarmikarin socodsiinta doorashada golaha
wakiilada, xeerkii doorashada 20/2001 ee la raacilahaana aanu waxba ka
tilmaamayn,hadaba mudanayaal sidii aan hore idiinku wargeliyey anigoo
cuskanaya xaqa uu isiiyey qodobka 78aad ee faqrada 3aad iyo 4aad ee
dastuurka waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa soo jeedinta kaabida iyo wax
ka bedelka xeerka doorasha golaha wakiilada (Xeer No:20/02/05) ee faah
faahintiisu hoosku qorantahay si aad u ansixisaan sida ugu dag dag badan :-
1.kaabid(cusub)qodobka 12aad saamiga kuraasida:-iyadoo mudnanta kowaad la
siinayo danta qaranka ugu jirta awgeed,saamiga kuraasida goboladu ku
yeelanayaan oo aan ku saleeyey heshiiskii ay wada jirka ay u gaadheen
axsaabta qaranka iyo komishanka,saamiqaybsigaasi oo ku eeg doorashadan oo
kaliya, doorashooyinka danbena waxaa lagu saleyndoonaa tirakoob dhab oo laga
qaado taasi oo cidkastiba tiradooda ay waxku helidonto :-
- 1.Gobolka Hargeisa 20 kursi
- 2.Gobolka togdheer 15 kursi
- 3.Gobolka Awdal 13 kursi
- 4.Gobolka sanag 12 kursi
- 5.Gobolka sool 12 kursi
- 6.Gobolka saaxil 10 kursi
Qodobka 1aad habka kala helista kuraasta :-
xisbikastaa waxaa uu u soo gudbinaya komishanka liiska musharxiinta
oo gobolaysan,waxaanay xisbiyadu ku kala heleyaan habka saamiqeybsiga (Propotional
Representation) xisbi kastaa waxaa uu yeelanayaa kaadh gooni ah oo ay
calaamadiisu ku taalo musharaxiintiisuna sitaxane ah uguqoranyihiin lehna
afargees .
meel banaan oo kubeegan qofka magiciisa , waxaana lacalaamadinayaa
afargeesta kubeegan qofka magiciisa siqofkana loodoorto ,xisbikastaana waxaa
gudihiisa musharixiintiisu ukala helayaan cod hal dheeri ah ( simple
majority).
Qodobka 65aad xaalad gaar ah :
a. haddii deegaano dalka kamida ay lasoogudboonaato duruufo culus ama
xaalado aan saamaxayn in doorashadu kaqabsoonto , waxaa sooqiimaynaya
xaaladaas go,aana kagaadhaya gudiga qaranka ee doorashooyinka markay sidaa
isla gartaan xukuumada iyo axsaabta qaranku .
b. Goobaha codbixinta ee doorashadu kaqabsoomiwaydo ,tirada kuraasida
looqoondeeyay goobahaas waxay xisbiyadu uqaybsanayaan saami udhigma sida
sida ay ukala heleen wadarta guud ee cododka ansaxay dalka waxaana
looraacayaa sida magacyadoodu ukala horeeyaan liiska .
2. waxkabadalid :
waxaan soojeedinayaa waxkabadalka qodobo kamida xeerka kuwaas oo
kala ah sidan:
1. in latirtiro qodobada 31aad ee xeerka doorashada golaha wakiilada (xeer
No 20/2/2005) ee kusaabsan tirada komishanka
2. in weedhaha " degmodoorasho ama degmo " ee kujira xeerkaas
loobadalo goboldoorasho ama gobol maadaama doorashadu kueegtahay gobol"
Dhinaca kale xisbiga mucaaradka ugu awwoda waynleh ee KULMIYE oo
hore ugu baaqay in dadwaynuhu isugusoobaxaan mudaharaad maanta ( 29 maarch
2005) oo ah maalintii ay doorashadu dhici lahayd ee hore loogu qoondeeyay ayaa
ugu baaqay taageerayaashiisu in ay hakiyaan mudaharaadkii maanta dhici lahaa,
afhayaanka xisbiga KULMIYE maxamed kaahin axmed ayaa shirjaraaid oo uuu
shalay kuqabtay xarunta dhexe ee xisbiga kusheegay in lahakiyo mudahaarkii
maanta khici lahaa isagoo soodhaweeyay xeerka uu madaxweyne rayaale soo
gudbiyay balse waxaa uu sheegay in mudaharaadku yahay qodob dastuuri ah oo
dadku xaq uleeyihiin marka ay waxtamanayaan isagoo arintaaa kahadlayana
waxaa uu yiri mr kaahin "sideedaba arinta mudaharaadku waa xuquuq dastuuri
ah oo dalka somaliland uyaala , caalamkana laba nidaam ayaa loodhaqmaa
kuwaas oo ah kaligii talis iyo dimuquraadi ,taas oo caalamka kaligii talisku
kajiro mudahaarka looga yaqaan qaran dumis , caalamka dimuquraadigana
mudahaarka dadku waxay kucabiraan tabashadooda ".
maxamed kaahin afhayeenka KULMIYE waxaa uu shirkiisa jaraaid
kusheegay in uusoodhawaynayo xeerka waxkabadalka doorashada wakiilada ee
lagudbiyay oo hore sadexda xisbi qaran ugu hesiiyeen .
xisbiga kale ee UCID ayaa isaguna soodhaweeyay xeerka doorashada
wakiilada ,
sikastaba ha ahaatee waxaa dadweynu siaada usugayaan doorashada
wakiilada oo sidhakhso ah dalka uga dhacda silooga baxo mudanayaal
kusalaysan beel beel.
warbixin : Aadan yuusuf qodax
hargaysa somaliland