Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u
Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?
Aadan y. Qodax |
|
Fallo: Aadan Yuusuf Qodax
Email:
Maarso 11, 2005
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa
Marka laga hadlaayo xukuumad iyo shacbigeeda waxaa jira xaq dastuuri ah
oo midiba midka kale kuleeyahay ,tusaale ahaan xukuumadu waxay xaq
uguleedahay shacbigeeda waajibna ku ah in ay bixiyaan cashuuraha ,una
hogaansamaan awaamiirta kasoobaxda xukuumada ,waxaa sidoo kale jira
waajibaad balaadhan oo shacbigu kuleeyihiin xukuumadooda oo ay tahay in
xukuumadu sideeda ugudato ugana soobaxdo waxaana kamid ah in shacbigu
helaan caafimaad ,waxbarasho ilaa heer jaamacaqdeed ah
,shaqooyin, cadaalad ,biyo nadiifa ,nabedgalyo buuxda , i.w.m.
Hadaba su'aasha taagani waxay tahay midiba midka kale waa xukuumada
iyo shacbiga Somaliland eh maka helay wixii uu waajibka ugulahaa ? ,
waxaa hadaba jirta in shacbigu sidiisaba uhogaan sanyahay awaamiirta
dawlada islamarkaana ay bixiyaan wixii waajib ah sida cashuuraha ,
iyadoo habayataatee aadan arkaynin qof shicib ah oo ay xukuumada
iskuhaystaan cashuur bixi ,ama hadaan sikale u iraahdo sameeya amar
diido oo kahoryimaada xukuumadiisa.
Dhinaca kale hadaynu eegno waajibaadka xukuumadu kuleedahay shacbiga
waxaa kabalaadhan ka ay shacbigu ku leeyihiin xukuumada oo aynu kor kusoo
sheegnay balse aan jecelahay in aynu mid mid usooqaadano si aynu sifiican
ugu fahano bal in dadawaynaha Somaliland dhab ahaantii helaan waxaa ay
xaqa ugu leeyihiin xukuumada.
(1) Caafimaadka :-
Adeega caafimaadku waa qodob dastuuri ah oo muwaadin kastaa xaq
uguleeyahay in uu kahelo xukuumadiisa . isbitaalka ugu weyni Somaliland
waxaa uu kuyaalaa Hargaysa wuxuuna ujiraa madaxtooyada Somaliland ilaa
200 oo talaabo ,xaalada uu kusugan yahay isbitalkuna waa mid runtii
qofkasta oo damiir lihi ka argagaxayo , marka laga bilaabo qolka gargaarka
dagdaga ah (emergency room) ilaa waadhka qofka bukaanka ah lajiifiyo
,waxaad arkaysaa sida axmaqnimada leh ee dhakhaatiirka iyo kalkaaliyaasha
caafimaadka ee isbitaalka kashaqaysaa uwaydiinayaan lacag laaluush ah
isla marka qofka lakeeno hadaanad bixinina aan waxba loogu qabanayn qofkii
sakaraadka ahaa ,marka aan xaqiiqada laiska in dhatirayna waa waajib
saraaran xukuumada Somaliland in ay kafaalo qaado caafimaadka
muwaadinkasta , marka hadaba uu sidaas yahay isbitaalkii ugu waynaa ee
dalku ee kuyaalay caasimadu sideebuu noqonayaa xaalka adeega caafimaad ee
degmooyinka iyo tuulooyinka fog fog, waxaad hadaba ku arkaysaa tuulooyinka
qaarkood oo aan maray mar aan safar kutgay magaalada ceerigaabo ee gobolka
sanaag MCHyo ama xanaanada hooyada iyo dhallaanka kuwaas oo ay
hirgaliyeen haayadaha caalamiga ah ee wadanka jooga , hase ahaatee
kuwaasi maaha kuwo waxbadan kaqabankara baahiyaha caafimaad ee
deegaamadaas kajira ,waxaana siweyn lootabayaa kaalintii xukuumada oo aan
habayaraatee jirin.
(2) Waxbarashada :-
Waxaa waxbarashada Somaliland lagasoobilaabay meel hoose , kadib
dagaaladii kadhacay wadanka . bilawgii waxbarasha Somaliland ee
sanadkii 1991kii ilaa maanta waxaa lagaran karaa horumarka wanaagsan
ee runtii lasameeyay ,cidase halkaa soogaadhsiisay waxbarasha ayaa ah
haayado caalami ah iyo macalimiintii sida mutadawacnimada leh uga hawl
galay in waxbarashada meel hoose lagasoo bilaabo .
Hadaba kaalinta ugabanaan xukuumada yaa ah in macalinku helo mushahar
kufilan ardaygana aan wax lacag ama fee ah aan laga qaadin sida uu
dhigayo dastuurka Somaliland ,waxaa maanta macalinka Somaliland mushahar
uqaataa $40_50 , maana aha mushahar sinaba ugu filan macalinka marka la eego
xaalada dhaqaale xumo ee wadanka kajirta ,waxay taasi keentay in
macalimiintu ushaqaynwaayaan si hagar la,aan ah oo waxay macalimiintu
kudoodayaan in intii dawladnimada lahelaayay wadankuna kujiray dagaalada
sokeeye ay iyagu kusoowadeen mutadawacnimo ,balse hada ay tahay in
xukuumadu uqorto mushahar kufilan .
Waxay taasi keentay in macalimiintu kusoorogeen ardayda lacag ama fee
aanay bixin Karin qoysaska maantu oo laga warhayo xaaladooda dhaqaale .
Dhinaca kale waxaad arkaysaa sida arkaydii dhamaysatay dugsiyada sare ee
dalku ay u awoodi waayeen in ay galaan jaamacadaha laga aas aasay dalka
sida jaamacada AMOUD & jaamacaad HARGAYSA,iyadoo aad arkayso sida
ardaydaasi 95% ay ufadhiyaan maqaaxiyaha ,iyadoo markaad waydiiso maxaad
ugaliwayday jaamacada ay ardaydu kuugu jawaabayaan mabixinkarni feega
jaamacada oo semistarkii yahay $150-200 (qaybaha kaladuwan ee jaamacada),
waxaanay tani niyad jab weyn ku abuurtay arday badan oo siiwadan lahayd
waxbarshadooda.
(3) Shaqooyinka:-
Waxaa qiyaaso dhawaan lasameeyay tilmaamayaan in dadka Somaliland 15% ay
subixii udareeraan shaqooyin ,shaqooyinkaas oo ubadan dhismaha .shaqo
la,aanta oo ah dhibaatada koowaad ee maanta dalka haysata waxay dadbadan
kadhigtay sidii wax waalan ,iyadoo dhakhaatiirka xaga dhimidhku ama
waalidu in waalida kusiibadanaysa bulshada ay kow katahay shaqo la,aatu.
Xukuumada imika katalisa Somaliland ee uu madaxweynaha kayahay daahir
rayaale kaahin , waxay laba sanno kahor balan kuqaaday in ay
abuuri doonto shaqooyin wakhtigaas oo ahaa wakhtigii ololaha doorashada
madaxtinimadu kasocday Somaliland , hase ahaatee waxay taasi noqotay
mid gabi ahaanba lagu guul daraystay .
Waxaa sixad dhaafa ugu soo badanaya suuqyada boqolaal dhalinyaro ah oo
bilaa camal ah , tani oo keentay in dhallinyaradu isugu yimaadaan
maqaaxiyaha siweyna uhadal hayaan siyaasada taas oo ay kukaliftay shaqo
la,aantu.
Shaqo la,aanta oo aan waxlaga qaban waxay keeni kartaa in shacbiga
iyo xukuumadu isku dhacaan taas oo ubaahan in xal laga gaadho
lagana fikiro sidii loo abuurio lahaa fursado shaqo.
(4) Cadaalada :-
Iskuqabsiga dhulka oo ah dhibaato maanta khatarteeda leh oo badi kataagan
magaalooyinka waaweyn ee Somaliland mararbadana sababay dhimasho iyo
dhawac ,ayaa labadii sanno ee udanbeeyay gaadhay meel aad uxaasaasi ah
,iyadoo dhibaatadaas siibadanaysa ee dhinaca dhulka ay dadweynuhu eedeeda
saaraan cadaalad darada karaagan maxkamadaha iyo dawladaha hoose ee
Somaliland ,taas oo macneheedu tahay in markii lawaayay garsoor cadaalad
ah in ay bateen tirade dadka sida baadilka ah ugu qabsada dadka kale
hantidooda iyagoo maanka kuhaya oo og in aanu jirin garsoor si cadaalad ah
runta ugu sheegaya.
Waxyaabaha layaabka leh ee aad ku arkayso Hargaysa waxaa kamid ah
baloodh dhul ah oo oo leh laba sharci oo iskumid ah iskumeelna
kasoobaxay oo iskumasuul kusaxeexanyahay oo lakala siiyay laba qof oo
dhul iskuhaysta , taas oo ay adagtahay in ay kalabaxaan kol hadii
labada dhinacba haystaan sharci uu dhulkaasi leeyahay .
Waxaa hubaal ah in hadii mas uuliyiinta dawladaha hoose iyo maxkamaduhu
daacad ahaan lahaayeen sharcigana ilaalin lahaayeen in ay aad uyaraan
lahayd in la arko dhul laisku haysto .
Sikastaba ha ahaatee inagoo maanka kuhayna
dhibaatooyinkaas bulshada kahaysta waxyaabahaas
aynu soo sheegnay sida caafimaadka ,waxbarashada
,cadaalada, shaqola'aanta, iwm, ayeynu
kajawaabi karnaa su,aasha ah ‘maxaa sababay in
kalsoonidii shacbigu kuqabeen xukuumada madaxweyne
rayaale burburto’ , hadaba marka akhriste
bulshadu waydo caafimaad, waxbarasho tayo leh,
cadaalad, shaqooyin, iwm miyaanay cida eeda
lihi noqonaynin xukuumada shacbiga talada uhaysa
oo ay tahay in ay dib isugu noqoto waxna kabadasho
nidaamadooda ee ay bulshada uhayso .
Dhinaca kale waxaa xusid mudan oo aad waxbadan ka ogaanaysaa maamul
xumada kajirta Somaliland ,markaad akhrido bogaga fariimaha akhristaha
ee wargaysyada kasoobaxa Hargaysa , waxaad maalinba maalinta kadanbaysa
ku arkaysaa wargaysyada cabashada xad dhaafka ah ee dadweynu
kacabanayaan dhibaatooyinka kahaysta arimaha bulshada .
Waxaad sidoo kale ku arkaysaa saxaafada masuu liyiin katirsan xukuumada
iyo xisbiga talada haya ee udub oo sikulul udhaliilaya xukuumada ay
katirsanyihiin , aan tusaale usoo qaato wasiir kuxigeenka wasaarada
macdanta iyo biyaha somaliland Yuusuf Ciise Ducaale talaabo oo sikulul
udhaliilay xukuumada uu katirsanyahay isagoo waraysi siiyay Somaliland
T.V ,wuxuu sheegay in xukuumada uu katirsanyahay aanay ahayn mid tayo
leh oo umada waxuqabankarta hadiibuu yiri la iga yeelayana waxaan
kutalin lahaa in aynu iscasilno oo meesha ubanayno cid umada wax
uqabankarta .
Hadaba cabashada dadweynaha Somaliland ee siibadanaysaa waxay keeni
kartaa guul darana ku tahay xisbiga talada haya ee UDUB , iyadoo waliba
ay soo dhawdahay doorashadii golaha wakiiladu ee ay kutartamidoonaan
sadexda xisbi qaran ee KULMIYE ,UCID.iyo UDUB.
Guntii iyo gaba gabadii faaladaydani waxay kula talinaysaa
xukuumada talada haysa ee madaxweye rayaale in ay wax kaqabato
cabashada dadweynaha ee arimaha bulshada si xisbiga talada hayaana
uga badbaado guul daro kaga timaada doorashada golaha wakiilada ee
fooda inagu soo haysa .
Falladii: Aadan Yuusuf Qodax
Email:
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa
Faafin: Somalitalk.com | March 11, 2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|