Doorashadii golaha wakiilada somaliland ,guusha mucaaradka ee aqlabiyada
golaha iyo dareenka shacbiga

Aadan y. Qodax |
|
FAALLO: Aadan Yuusuf Qodax
Email: qodax28@hotmail.com ama aadanqodax@somalitalk.com
HARGEYSA
Oct 8, 2005
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa

XISBIGA UDUB

Dahir Rayale (UDUB) |

XISBIGA KULMIYE

A. Siilanyo (KULMIYE) |

XISBIGA UCID

Faysal Cali (UCID) |
29kii September 2005 ,waxay ahayd maalin
shacbiga Somaliland siweyn ufaraxsanaayeen una dareereen doorashada xubnaha
golaha wakiilada somaliland . waxay ahayd maalin shacbiga somaliland
haysteen fursad ay kudoortaan cida ay u arkaan in ay katalinayso aayahooda
iyo mustaqbalkooda.
Doorashadan oo dhacday iyadoo laga soo
gudbay bil loolan adagi dhexmaray xisbiyada mucaaradka ee kulmiye iyo ucid
iyo xisbiga talada haya ee udub oo loolan adag kugalay guud ahaan gobolada
iyo degmooyinka somaliland , taasoo aad moodaysay in axsaabta mucaaradku
isbahayteen , tusaale ahaan markasta oo uu khudbad jeediyo mid kamida
hogaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad mid mid waliba odhan jiray dadweynaw
doorta oo codkiina siiya xisbiyada mucaaradka ah ee ucid iyo kulmiye si
dalkiina waxloogu qabto , halka xisbiga talada hayaana uu intaa waday difaac
, tusaale ahaan gudoomiye kuxigeenka xisbiga udub ahna madaxweyne kuxigeenka
somaliland wuxuu socdaal tuulo ilaa tuulo ah kumaray gobolada somaliland
isagoo meelkasta oo uu tago dadka khudbada uu ujeediyaa ahayd in dadku ay
doortaan musharixiinta udub oo aanay dooranin mucaarad uu tilmaamay in aanay
waxba uqabanayn .
Hadaba maxaa loolankaasi kudanbeeyay 29
september? markii loo dareeray doorashada waxaa markiiba soo ifbaxay
guuldarada soo gaadhay xisbiga udub , halka guul lama filaana uusoohooyay
xisbiga ucid oo hore loogu haystay xisbi aan awood badan lahayn.
Natiijooyinka hordhaca ah ee ay soosaareen
komishanka dooroshooyinka somaliland ayaa muujinaya in axsaabta mucaaradka
ahi hantiyeen aqlabiyada kuraasta wakiilada ee 82ka ah taas oo guul iyo rayn
rayn u ah guud ahaan shacbiga somaliland .
waxaa akhristaw rumawday halhayskii
dadweynaha ee ahaa sacabka utuma xisbiga udub codkiinana siiya KULMIYE iyo
UCID , taas oo macneheedu tahay in xisbga UDUB sixoog leh u isticmaalay
hantida umada balse inta laga cunay , codkiina lasiiyay cidii masiirka
umadan katalinaysay oo ah baarlamaan mucaarad ah oo xalaal ah oo
laxisaabtama xukuumada rayaale ee seetada goosatay taas oo ah riyo ay
shacbiga somaliland kutaamayeen oo rumawday , waayo waxaa war war weyni
kataagnaa in doorashada uu kushubto xisbiga UDUB , taasina inkastoo ay
kadhacday gobolka Awdal hadana aqlabiyada goluhu waxay gacanta ugashay
labada xisbi ee mucaaradka ah.
Natiijooyinka hordhaca ah ee soo baxay ayaa
muujinaya in 65% ay mucaaradku kuguulaysteen doorashadii wakiilada ee
kadhacday somaliland .
jamhuuriyada somaliland oo goleheeda
wakiiladu in tii ay jirtayba ahaa gole hab beeleed lagusoo xulay ayaa ahaa
mid markasta oo xukuumadu hawl fulinayso si dhibyar ufulinjray iyagoo eegaya
dantooda gaar ahaaneed .
maxaa hadaba looga fadhiyaa baarlamaanka
lasoo doortay ?
waxaa laga sugayaa in ay dib u eegaan oo ay
sharciyeeyaana dhamaanba heshiisyadii xukuumadu lagashay shirkado shisheeye
ee aan sharciga ahayn , waxaa sidoo kale looga fadhiyaa in madaxweynaha
kukhasbaan in uu dhiso xukuumada tayo leh wadatana barnaamij hore loogu
marinayo bulshada somaliland taas oo ah hawl hor taala wakiilada ay shacbigu
soodoorteen oo ah kuwo tayo iyo aqoonba leh .
ugu danmbayntii waxaa faaladani amaan
ujeedinaysaa shacbiga somaliland ee sida xorta ah golohooda wakiilada
udoortay , waana talaabadii lagu dhamaystirayay hanaanka dimuquraqadiyada ee
jamhuuriyada somaliland .
waxaan sidoo kale usoo jeedinayaa shacbiga
iyo hogaamiyeyaasha somaliya in ay iska daayaan hirdanka colaadeed kuna
daydaan talaabada somaliland oo kudayasho mudan , hana ogaadaan in aanay
ahayn wakhtigii dagaalka wax lagu xalin lahaa basle ay tahay wakhtigii
xisbiyada iyo habdimuquraadi ah xukunka lookala riixan lahaa .
alaa mahad leh
w/d : aadan yuusuf qodax hargaysa
somaliland
Email: qodax28@yahoo.com
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa
 Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 8, 2005
MUSTAQBALKA MADOW EE DHALINYARADA SOMALILAND
WAXA MASUUL KA AH XUKUUMADA RIYAALE
WEERARKII WAKIILADU LA BEEGSADEY RIYAALE,DIFAACII XUKUUMADA,
IYO RIYAAQA XISBIGA KULMIYE.
Madaxweyne Rayaale oo Kabadbaaday
Maamuus kaxayuubin.
"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi
saarno mikirifoon".
faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.
"Madaxweyne rayaale intii
uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga
UCID.
Madaxweyne Rayaale oo
saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta
xukuumada iyo xisbiga kulmiye.
Xisbiga Kulmiye oo
Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa
kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu...
Guji... Apr 7
Maxaa
Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne
Rayaale?.. Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|