MOGADISHU: BAABA' AAN LOO KALA HARIN..
Cidna umma maqna ceelna uma qodna..
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
AS WR WC
Mogadishu waa meeshii aan ku dhashay kuna soo barbaaray
16-kii sano ee dhibka uu socdayne aan ku noolaa. waa
caasimadii waddanka, waa magaalada ugu balaaran waddanka oo
dhan. Qofka iyo meesha uu ku dhashay waxa ka dhaxeeya xiriir
aynan dadka fahmi Karin, maxaa yeelay meeshii aan ku ciyaari
jirtay caruurnimadaadii, iskuulkii aad dhigan jirtay,
saaxiibadaadii iyo waxyaabo badan oo nolashaada saameen ku
leh marka aad meelo kale ka aado adiga oo aan ku
faraxsaneen waxa ay nolashaada ku yeelaneeysaa saameyn..
Mogadishu waa meel aanan hilmaami doonin. Dhamaan inta
xasuusana aysan hilmaami doonin…
Tusaale ahaan bal fiiri markii saxaabiga jaliilka
ah ee C/laahi Bin Jaxshi uu ku laabtay magaalada Madiina
waxa uu arkay magaaladii oo ay dadkii oo dhan ka wada
guureen. Markii uu tagay gurigiisii waxa uu arkay Kufaarki
weynaa ee Abuu Jahal oo gurigiisa iska dagay. Intaas kadib
waxa uu cabasho u gudbiyay Nabigeena Mohamed (SCW). Nabigana
waxa uu ugu jawaabay "Miyaadan jecleen in ALLA uu gurigan
mid ka fiican uu kaa siiyo JANADA ". C/laahi Bin Jaxshi waxa
uu ku jawaabay haa isaga oo aan oran lacag ayaan ka bixiyay,
aniga ayaa iska leh, ma iga qabiil fiican yahay, ma iga xoog
baddan yahay, waxaas oo dhan waxa ka kaafisay "JANADA " iyo
waxa uu ALLE ku diyaariyay. Maantana dadka guryahooda la
heesto waxa la rabaa sida Saxaabigan oo kale in ay ku
filnaato in ALLE uu siin doono badal wanaagsan… hana
xasuustaan dadka dagan guryaha aysan laheeyn heesta ay la
mid yihiin Abuu Jahal xaaraana ay tahay in aad guri
islaameed iska daganaato.. Allow dadkeene u naxariiso…….!
Mogadishu: Baaba' aan loo kala harin ..
Mogadishu wax walba oo dad musiibo ah ku habsatay
dhib nooc walbana way soo martay. Waa wax uusan caqliga bini
aadamka uusan aqbali Karin in in ka badan 16 sanu ay dowlad
la'aan ahaato. Dowlad marka ay dhagahaada ku soo dhacaan
waxa aad soo xasuusaneeysa mida hada jirta ee DFGM. Balse
adiga makula tahay dowadeena in ay dowlad ku sii ahaaneeyso
ciidan shisheeya waliba kuwa ugu xun ee Ethiopian ayna
majaraha u hayaan Tigree.? Waa maya balse waa wax macquul ah
in aanan isku fikir ka aheen waxa Somalia ka socda meel
walba oo ay ahaato...
Bal ila fiiri sheekan gaagan. Hadda ka hor waxa
dhacday in Wiil dhallinyaro uu weydiiyay nin Feylasouf ah:
"Maxay ku noolaan karaan shucuubta caalamku.?". Wuxuu ugu
jawaabay Faylasuufkii "Sadax ayay ku noolaan karaan
shucuubta caalamku": 1- Ciidan nabad galyadooda suga 2-
Cunto ku filan 3- Iiman ay Illaheey rumeeyaan .
Wiilka dhalinyarada ah ayaa ku celiayay "Ka warran
haddii ay lagama maarmaan noqonto in laga tago saddexdaas
mid ka mid ah.?".. faylasuoufkii ayaa fiiriyay wiilka oo
yiri "Haddi la waayo cunto ama nabadgalyo waxa la waayay
jiil dhan am ka badan, laakiin haddii la waayo iimaanka
shucuubta oo dhan ayaa la waayayaa" taas micnaheedu waxa
weeye, in haddii la waayo Iiman (Rumeynta Alle).. ay ka
dhigan tahay markaas baaba' aan loo kala harin"..
Haddi aan si fiican u dhuuxdo sheekadan bal aan ku
fiirino nolasheene..
Haddii la waayo cunto…
In jiil dhan oo dhalintii mustaqbalka ah ay meesha ka
baxeen waa mid cidwalba ay la socoto, wiilka Qoriga wata ee
dantiisu tahay in uu laamo Qaad ah uu helo ee
Istaafka(Waaridiye) ah ama ay isbaaro jidka u taal ee dadka
xoolahooda ayba la noqotay wax iska caadi ah. Wuu baahan
yahay.! baahidana wax walba ay dadka bartaa. Balse inta uu
ALLE u iimaan fiican siiyay marka laga reebo. Waa dhalintii
mustaqbalka. Umad walibana way ku xisaabtantaa mutaqbalka
jiilka soo koraya. Wiilkii dhashay maalintii ay dowladeenii
meesha ka saareen kooxo burcad ah maanta waa ku dhawaad 17
sano jir.wuxuuna ku soo koray waa dhibaato nolashana in ay
sidan tahay ayuuba moodayaa..
Imisa dhalinyaro somaliyeed ah ayaa inooga Geeriyooday
Baddaha maxay raadinayaan.? Way baahan yihiin oo nolol kale
ay raadiyaan ee ka badalan tan aan maanto ku jirno ee
jahwareesan. Baahida waa caddow Nabigeena Mohamed ( SCW)
ALLE ayuu ka baryi jiray waxaana jira ducooyin fara badan oo
nabiga oo kaga duceeysan jiray fakhriga.
Baahi..Baahi…Baahi….Baahi waxa un garan kara cidii
baahan. Caafimaadka waa Taaj Dahab ah balse waxa u jeeda
Qofka jirin. Baahida waa cadow waxa garan kara ninka baahan.
Ummad marka ay fakerkeeda oo dhan uu noqdo maxaa cunaa.?
waxa meesha ka baxayaa mustaqbalka In aan horumar ka fikirno
iska dhaaf ee waxa aan ku soo gaabsanay nolasheena maxaa la
cunaa, biilka mala soo diray?. Runtii waa guul daro meesha
ka muuqata.
Aabaha inta uu subixii kalaho ee waxa uu shaxaad(Baryo)
ku soo helo cidiisa u keena, bal ka fakir ilmaha uu korinayo
mustaqbalka sideey noqon karaan.? Maheestaan daryeel
caafimaad oo wanaagasan, ma heestaan mana heli karaan aqoon
mustaqbalkooda wax badan ka badali laheed.? Waa maya.!
Waxaaba u sii dheer cabsida uu ka qabo in ay maleeshiyadii
baahneed ee ujeedkoodu ahaa in ay laamo Qaad ah haleen ay
dilaan kana xayuubsadaan waxa uu shaxaadka ku soo helay.
Ra'iisul wasaarihi hore ee waddanka Malaysia Mahtir
Mohamed waxa uu sheegay in dadka reer Malaysia qof walba uu
helo conto ku filan, sidoo kale dhalinyarada oo dhana ay wax
bartaan. Marka baahida dadka lagala dagaalo wax badan oo
dadka ku kalifi lahaa in ay baahi darteen u sameeyaan ayaa
meesha ka baxaya…fiiri qoraal uu ka qoray Mahatir Mohamed
qoraa Mohamed Botaan.
http://www.somalitalk.com/2007/qiso/qiso13.html
Madaxdeena iskaba dhaaf in sida Mahatir ay u fakraan
Wasiirka arimaha gudaha ee dowlada cadowga gacanta ku hayo
Gacmadheere waxa uu diiday in raashin mucaawino ah ee dadka
masaakiinta ah loo waday la keeyo koobaha dadka dagaalada
Mogadishu ka soo barakay inkastuu wali diidan yahay
arintaas.. xitaa madaxdeena maanta ay Ethiopian- ka ka
dhigtaan walaalo waxa u geenaya Iiman daro iyo baahi. C/aahi
yusuf waxa uu xabsi u galay in uu diiday in Ethiopia ay
calankeeda ka taagto dhul somaliyeed, balse isla isagii ayaa
calanka Ethiopia ka taagay meel aan sidaa uga soo fogeen
xarunta madaxtooyada Villa Somalia. Halkeey aaday
wadaniyadii ku jirtay xilligaas.? In uu baahanyahay shaki
kuma jiro.? Ama in loo awood sheegtay.? Wax walboo haddi la
siiyo ma dhargayaan.
Haddii nabadgalyo la waayo…
Nabadu waa nolol, waa tii fanaanad somaliyeed ay
laheed "Nabad ayaa Naas la nuugo leh ". Waa arrin run ah.
Dadkii oo dhan maxay waddanka ay ku naceen.? waa nabadgalyo
la'aanta jirta. Qof walba meesha uu ku nabad galayo ayuu ku
noolan karaa. Markii saxaabadeena dhibka ay ku hayeen
Kufaarta Qureesh ay noqotay mid saxaabada ku noqotay
caqabad. Ugu danbeentii nabagiina Mohamed (SCW) ah waxa uu
saxaabada u sheegayay in ay aadaan(HIJROODAAN) Dhulka
"XABASHIDA" wuxuuna u sheegay In uu joogo Malik(BOQOR)
caadil ah magaciisana la oran jiray "Najaashi". Runtii way
ku nabad galeen.
Maanta waxa aan mareeynaa in Qooskii ama Qofkii hela
Fiiso waddamada Yurub ama America ah uu yahay Qooska ama
qofka dadka ugu nasiibka badan. Wax dhibaato ah malaha in
waddan shisheeya aad aado dano badan ayaan ka yeelan kartaa
markii Qoosas dhan ay ka guuraan waddanka yaa u maqan
waddankii.? " CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA". Ma madaxda
maanta joogta iyo gumeesiga Ethiopia ayaan waddan dhan oo uu
Alle hibo inoo siiyay aan ooga guurnaa. Tusaala ahaan cid
walba caruurta ay ku dhashay Qurbaha(DIBADA) ama kuwa iyaga
oo yar la geeyay dhaqan aan Somali iyo islaam intaba aheen
soo barta. Mustaqbalka side loogu qancin karaa in uu
leeyahay waddan la yiraahdo Somali.?
Meeshii aysan Nabadgalyo ka jirin nolal kama jirto.
Haddi ay ka jirtana waa mid cabsi iyo walaahoow ah sidan tan
hadda Mogadishu ka taagan. Markii aad cabsi ku nooshahay in
marka aad nabad heesato nolasha kala macaan. Shacabka reer
Mogadishu inta wanaaga jecel ay gacantooda iyaga oo kaashana
Midowgii Maxaakimta ay maalic cad iska saareen Hogaami
kooxeedyadii isu baheestay in ay ladagaalamaan diinta ay
sheegayaan iyaga oo lacagna lagu siinayo. Ugu danbeentii 6
biloow ayay heesteen nabadgalyo. Dad badan ayaa ka soo
laabtay Qurbaha balse maanta iska dhaaf in Qurbaha laga soo
laabtee intii wadanka ku hartay ayaa isaka baxay inta soo
hartayne ay ku nool yihiin cabsi iyo nolal maalinba waji
cusub ah.
Kahor inta aanan Mogadishu ka soo tagin sanad ka hor
bishan oo kale xilli ay socdeen dagaaladii ay maxaakimta
kula jireen ashahaado la dirirkii waxa aan magaalada ku arki
jiray boorar ay ku qoran yihiin ducoyiin sida " Allow
magaaladan ka dhig mid naba ah" waxa ayna ku qorneed afka
carabiga waana duco uu Nabi Ibraahim uu ugu duceeyay
magaalada Makah oo ah xarunta Diinteene Islaamka. Ducadaasna
waxa aad ka fiirisaa aayada 126-aad ee suuratul Baqarah.
Dadka macna daradda loo dilayo..
Sida uu lahaa Faylasuufka dadka haddi aysan jirin wax
ay rumeeysan yihiin waa baaba' ugu daran, balse ALLE mahadii
somalidu waa dad 100% Muslim ah. Sidaa oo ay tahay maxaan
isku dileeynaa?, isu dhaceeynaa?, oo waxaan oo dulmi ay u
socdaan.? Inkastoo inta dhibka wado ay yihiin in yar haddana
inta kadaba sacbineeysa( Taageereeysa) ayaa ka sii badan.
Dulmiga ka socda Somali-da dhaxdeeyda haba ugu darnaadee kii
dhacay markii ay dowlada burburtay.
Wixii hore wax ka daran ayaa yimid, oo markii Midowgii
Maxaakimta meesha laga saaray waddankiina ay dad madax
Somali ah sheegaya ay ku casumeen Ethiopian. Dhib nooc walba
ah ayaa ka dhacaya magaalada caasimada ah ee Mogadishu.
Waxaana la oran karaa waa magaalada ugu dulmiga badan ee
Somali.. Hadda oo ay dowlad ka jirto waddankii iyada ayaaba
ciidan cadow dadkii ku fasaxday..
Balse waxa aan dhaliilsanahay waxa ay tahay dilalka
micna darada ah.? Maxay tahay dilalka aan ka hadlayo. In
gaalo lala dagaalamo kama hadlayo. Oo maxaa yeelay taasi
waa mid waajib ah. Balse in dad Somali ah la dilaa ma
jihaadbaa.?. waxa maanta loo yaqaan Muqaawamo(Iska
caabin) ee soo ifbaxay markii maxaakimta meesha ay ka
baxeen, Maxaakimta ay yiraahdeen waxa aan badalnay
Tabkii( Taatikadii) dagaalka In waddanka iyo diintaba la
difaaco waa mid waajib ah. Laakin adiga oo sheegayana in
aad diin difaceeyso haddii aad baabuur inta aad wax
yaabaha qarxa ka soo buuxiso aadna la beegsato dad
Somali ah ujeedo kasta lahoow markaasna aad wax
yeeleeyso dadka masaakiin ah ma wax fiican ayaad
sameeysay.?! Tusaale ahaan waxa aad dhib u geesatay
islaan sheeh iibineysa, wiil caseeya, iyo qof aanan
heesan wax uu isku daweeyo marka ma wax fiican ayaan
sameeyay Ilaah baan kugu dhaariyee…..?—Miyaadan
xasuusneen markii saabigii jaliilka ahaa ee USAMA BIN
ZEYD uu dilay rag Towxiida qiray, nabiga "SCW" uu yiri
Usaama halkee ayaad maalinta khiyaamo aad ka gali doonta
Ashahaada. Miyaadan xasuusneen in dadka Alla uu abuuray
Jano iyo Naarna dadkana uu la xisaabtami doono.cid
iilka(Qabriga) lagula dhigayo ma jirto, xiibsaadana
adiga un ayaa iska leh ee "Inta aadan falin ka fiirso"
Sawirka| AP
Abdulaahi oo salaad ku jira.......
Ma dhaliilsani dadka wax qarxiya xilliyada habeenkii
ah sida tooska ahna u beegsada ciidanka waddanka ku soo
duulay. Bal haddii aan is bar bardhig aad ku sameeyso
Maxaakimta iyo ururkii Dhaalibaan. Ka soo qaad in ay isku
mid yihiin, u fiirso waxa aan ka hadlayo waxa ay tahay
dilka macna darada ah. Way yartahay in Dhalibaan ay dadka
reer Afghanistan ay dhib u geesato balse dhibka ugu badan
waxa ay la beegsataa waa gaalada ku soo duushay. Haddii aad
taageersaneed Maxaakimta ama waddanka aad difaaceeyso
maxaad u dileeysaa dadka masaakiinta.?. marka hore soo baro
sida loo isticmaalo miinada iyo hubka kala duwan.inta aadan
tilaabo ku tilaabsan. Maxaakimta in ay gacan ku leedahay
waxa socda waxa arintaas cadeeyay Sh. Shariif Sh. Axmed
isaga oo wareeysi siinayay Idaacada British BRoadcasting
Coporation.
Fiiri qoraal uu
ka qoray webkan.
Waxa xasuunin mudan in mar walba caddow aad dadkaada
kula dhaxdagaalamto uu yahay mid xanuun badan. Dhiba ugu
badana waxa uu gaarayaa dadka aad adiga ka dhalatay.
Maanta annagii ayaa iskala reebeeyna. Ilaa hadda ku
dhawaad waxa la dilay 6 mas'uul dagmo oo uu ugu
danbeeyay Allaha u naxariistee G/kuxigeenkii dagmada
Yaaqshiid. Marka la dilo qof ka soo baxaya masjid ma
wanaag ayaa la sameeyay. Anigu koleey ma garan karo cida
wax dileeysa wax wax baartana ma lihin. Hadalka ha u
qaadan in aan ula jeedo in wadanka in la difacaa ay
tahay qalad. Balse maxaa dhici kara markii aad ciidan
dhan oo milatari ah aad ku tuurto "Hoobiye".
Jawaabtiisana ay tahay BM ma waanaag ayaas sameeysan.?
Sawirka: http://d.yimg.com/
dadkii sidan ayay u dhibaateysa yihiin.!!!
Isbitaaalada Mogadishu waxa ka buuxa maahan Ethiopian
iyo Uganda . Waxa ka buuxa waa shacabkeena oo ay u
badanyihiin dadka danyarta ah sida Caruurta, Haweenka, iyo
dadka aan awoodin in ay iska bixiyaan dawada, taasoo ay u
sii dheertahay cabsi iyo cuno la'aan.
Arrinta ku saabsan dilalalka lala beegsanayo
mas'uuliyiinta ama dadka madaxda ah. haddi aan wax ka
iraahdo aniga ahaan 100% way ila qaldantahay sabab.? Tusaale
ahaan haddii madaxwayne C/laahi yusuf axmed dhibaato loogu
geesto ama uu lagu dilo magaalada Mogadishu maxaa ka dhalan
kara.?. waxa ka dhalan kara way iska cad yihin waana Fidno
ka balaaran mida maanta socota. Mahan C/laahi oo kaliya
dhamaantood balse madaxda oo dhan waa iksu wada mid.
Alla u naxariistee mudane Mohamed Siyaar Barre
waddankii markii laga bixiyay waxa la galay qalad weyn,
haddi la iska dhaafi lahaa is badal ayaan iman lahaa. Maanta
madaxda inoo joogto iska dhaafa waqtikooda wax yar ayaa ka
dhiman. Bal aan ku xasuusiyo Xadiis Nabiga " SCW" laga soo
wariyay micnihuusu ahaa "Anagu waxa aan xukmineeynaa waxa
baanaanka yaal balse waxa Qalbiyada ku jira Alle un baa og".
Haddii aan tiraahdo dilkooda wuu banana yahay hadda
xasuusnoow qof aan gaalnimo sheegan in aadan adiga xukumi
Karin. Qof walba danbigiisa Alle ayaa kala xisaabtami doona.
In ay waddanka danbi ka galeen waa wax hubaal ah…
Gunaanad.
Baaba' aan ka hadlayo waa mid baaxan weyn leh umana
maleeynayo in qoraal kaliya lagu soo koobi karo. Wax walba
way is badeen, iskuulo, caafimaad iyo shaqo intaba ma jiraan
nabad haba soo hadal qaadi.
Caasimad waddan dhan ah oo ay madaxdiina kuryo waardiye
adag laga hayo ay ku nastaan, dadkiina la xasuuqayo ma garan
karo sida ay caafimad ku sii ahaan karto. Bal fiiri qoraal
uu wariye Fahad Yasin uu ka qoray Mogadishu.
http://www.somaliatalk.com/2003/february/2c070203.html
Afeef..
Qoraalkan micnihuusu maahan in aan ka soo horjeedo
kacdoonka waddanka ka socda, balse sida ay wax u socdaan
ayaan dhaliilsanahay oo yaysan arrinta inaga noqon sidii
Yusuf Indhacadde oo yiri " Ethiopia ayaan salaada ciida ku
tukan doonaa" dagaalna waa xeelad somalid waxay tiraahdaa "
Sidee laf loo xagtaa ilkana ku nabadgalaan". Sidee ummada
loo badbaadiyaa gaaladana waddanka looga soorayaa wax yar
mahan waxa ay u baahan tahay xeelad iyo dagaanaan.
Somalia Somali baa leh…..!!
Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
ibraahimdc@hotmail.com
Nairobi-kenya
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
10
SANO KADIN IYO HONG KONG IYO 17 SANO KADIB IYO SOMALIA.?!!
Akhri....
Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2007 Sawirada: Google
Search/images
|