SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxay yihiin Kooxda G8(Goup 8)..

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)

ibraahim@hotmail.com , sayfudiin@gmail.com 
Nairobi-kenya


Hordhac.

Waxa maagaalada Heiligendamm ee wadanka Germany lagu soo gabagabeeyay shirkii sanadlaha ahaa ee wadamada G8 la'isku yirahdo ay bartamaha sanad walba ay yeeshaan, sanadaana shirka waxa sanadan oo shirka ahaa mid muran aad u fara badan uu ka dhashay.sida isbadalka cimilada aduunka, dhibaatada Dafur ee wadanka Sudan, HIV/AIDS iyo dhibaatada ka socota Bariga dhexe( Middle East).shirkada waxa uu socday intii u dhaxeeysay 6-8 bishan June.

Maxay yihiin kooxda G8(Group 8).!!

15-16 November ee sanadii 1975 waxa shir isugu yimid magaalada Rambouillet ee wadanka France, maxdaxdii markaas ka talineeysan 6 wadan oo ka horumaray dhanka warshadaha si ay dood dheer kaga yeeshaan dhaqaalada iyo siyaasada wadamada ay xukumaan mustaqbalka dhow iyo midka fog intaba, wadamada kulankaasi goob jooga ka ahaa waxa ka mid ah:- 1- France, 2-Italy, 3-Britain , 4-United state,5-Germany iyo wadanka 6-Japan

Isug imaatanka lixdan wadan waxa ka dhashay koox la magac baxday G6(Group 6),balse shirkii xigay ee ka dhacay 27-28 June 1976. San Juan, Puerto Rico, ee wadanka United state. Waxa si toos ah ugu soo biiray wadanka Canada, sidaasna waxa ay kooxdii isugu badashay kooxda G7(Group 7).shirkii xigay ee intuu u dhaxeeysay 7-8 May 1997, ka dhacay magaalada London ee wadanka Britain. Midowga Yurub oo si toos ah shir walba oo dhaca oo madaxa midowga yurub uu ka soo qeeb galo.

Dhoor shir oo uu koob joog ka ahaa wadankii la isku oran jiray Midowgii Soviet kadib waxa suura gashay in shirkii ka dhacay intii u dhaxeeysay 15-16 May 1998 magaalada Birmingham ee wadanka Britain. In kooxdii G7 ay isku badashay waxa manta loo yaqaan G8 (Group 8). Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan xilliga iyo meelaha lagu dhigay dhamaan shirarkii kooxdan G8 ay yeelatay waxa aad kala xariiri kartaa website-kan. http://www.g8.utoronto.ca/summit/index.htm#top .

Wadamadan 8-da ah waxa ay heestaan 43% dhaqaalada aduunka oo dhan, sidoo kale waxa la sheegaa in ay heestaan 65% dhaqaalada aduunka oo dhan.waan xadi aad u fara badan, sidoo kale 13% dadka caalamka wax ay ku nool yihiin 8-dan wadan, marka la is bar-bar dhigo dhaqaalada ay heestaan iyo dadka ku nool waa wax aad u kala badan, sida caadiga ahna dadka inta badan waxa ay jecelyihiin in ay ku noolaadan wadamadan waa dadka ka dhashay wadamada saboolka ah.ama dalkooda ay dhibaatada ka socdaan sida somaliada.

Madaxtimada wareega ah ee kooxdan waxa xiligii ugu badnaa heesay Margaret Thatcher oo heesay xilgan mudo 8 sano ah, maxaa yeelay waxa ay Ra'iisul Wasaare ka aheen wadanka Britain mudo 11 sano ah.sidoo kale waxa uu ururkan ka kooban yahay marka la fiiriyo hanaanka dowladaha ay u dhisan yihiin, 4 Ra'iisul Wasaare sida wadamada Japan, Britain, Canada iyo Italy, iyo 3 madaxwayne sida wadamada United state, France iyo Russia, waxa kaloo jira hal Chenceller ee u dhigma jakada Ra'iisul Wasaare ee wadanka Germany.

Ujeedada loo sameeyay Ururukan G8.:-

Xilligan la joogo aduunka waxa uu marayaa meeshii ugu sareeysay dhanka horumarka cilmiga iyo Technology-da intaba. Si looga fogaado isku dhac iyo muran waxaa ay wadamadan ku heshiiyeen in sanad walba ay ka hadlaan wixii danahooda ah, waxay ku heshiiyeen in sanad walba bartamihiisa ay yeeshaan shir soconaya mudo 3 maalmood ah wadan walbana uu sanad martagaliyo.

Aadunka maanta waxa ka jira kooxo iyo ururo fara badan oo isku dan ah, cid walbana cida ay is leedahay waad is fahmeeysaan ayay la sameeysataa isbaheesi " Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan".xaalada cakiran ee siyaasada dunida ee maanta soo waajahdan waxa ay jahwareer ku riday wadamadan G8, arinta ugu balaaran ee maanta muranka uu ka taagan yahay waa cililada aduunka oo is badashay, waxaana arintaas sabab u ah wasaqda ay hawada ku sii daayaan warshadaha wadaman ku yaala.

Sanadii 1998 markii wadanka Russia uu si toos ah ugu soo biiray ururkan waxa ka dhashay muran badan oo xitaa kudaha wadaman ah, maxaa yeelay maanta wadanka Chine waa wadanka afaraad ee ugu dhaqaalada badan caalam oo dhan, 11% ayuuna sanadan dhaqaalaha wadanka Chine kor u sii kacay inta la maleeynayay, wadanka Chine waxa ay ugu danbeesta kooxdan ku kalifeeysa in ay ka daraan, taasna waxa ay keeni kartaa in kooxdo ay isku badasho G9.mustaqbalka.

Sida la sheeko waxa jira wax ay ku heshiiyeen oo ah in ay ka wada hadlaan mustaqbalka aduunka, maadaama ay aaminsan yihiin in ay aduunka ugu dhaqaalo iyo xoog badan yihin, balse sanada arintu way ka badalneed sidii hore markii wadanka Russia uu tijaabiyay Gantaala qaaradaha ka goosha isla markaana aysan difaaci Karin gantaada difaaca, sida muuqatana waxa soo laabtay Cold war oo mareekanka iyo Midowgii soviet- ka u dhaxeeyay oo maanta wadanka Russia uu madax ka yahay.

Waxa horay u jirtay kala qeebsanaan reer Galbeed iyo reer Bari ah, mareekanka waxa uu yurub ka sameeystay xarumo sidoo kale hada waxa uu wada qorshe ah in uu sameesto gantaalada difaaca arintaasna waxa si xoogan ooga soo horjeeda wadanka Russia.

Gabagabo..

Ururkan la magac baxay G8 waa urur ay ku aruursan yihiin wadamada cadowka Islaamka ah, waxa ay maalin walba ciidanka wadamadan ay daadiyaan dhiiga shucuubta islaamka, tusaale Russia waxa ay dhib badan u geesataa Kosovo, waxa ay Iraq iyo A fghanistan ka geestaan waa dhibaato ay ku heshiiyeen, kama hadlaan dhibka loo geesto shacabka masaakiinta ah ee in ka badan 40 sano kumeesiga ku jira ee Falastiin, kabama hadli karaan.ileen waa ila iyagiiyee.

Waxa ay isugu yimaadan waa dhibaatada ay ku hayaan shucuubta islaamka in ay sii xoojiyaan, waxa ay ka tashaadan sidii ay quwadooda ciidan ay u xoojin lahaayen, balse waxa ay warbaahinta ka sheegaan waa wax dadka wax magartada ah loo sheego.

Hadduu Alla yiraahdo way soo dhamaantoontaa xooga ay ku faanayaan iyo lacagta ay waxyeelada ugu geestaan dadka masaakinta ah ee caalamka ku nool, maanta wadanka Mareekanka dhibka ugu badan ee ka socda Somali waxa uu ka yahay "Number one".

Akhristoow adiga side kula tahay waxa ay wadaan kooxdan makula tahay in danta dadka masaakiinta ah ay ka hadlaan waxa ay wadamada Africa ay ugu deeqaan lacago ay ku sheekaan ay lagula dalaamayo dhitaada iyo faqriga balse yaa dhibka ka socda Africa abuuray, sida runta ah wax abuuray gumeestayaashi ka socday reer galbeedka ee maanta riwaayada ku dhigayaa sanada walba wadan inta ay yiraahdaan waxa aan ka hadleeynaa dhaqaalada aduunka iyo dhibka aduunka socda waxa ayna sameesteen kooxdan ay ugu yeereen G8.

Aniga ilma aha in ay kooxdan aduunka wax badan ku soo kordhinayan dhibka ay wadaana iyada ayuu saameen doonaa wadamadooda ayna ugu tagi doonta sida wixi ka dhacay New York,London iyo Madrid.?!!!!!!!!!!!

Salaamat.

5 June 2006 -5 June 2007 ma u siman tahay Umada Soomaaliyeed!!?. Akhri

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
ibraahim@hotmail.com , sayfudiin@gmail.com 
Nairobi-kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sawirada: Google Search/images

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 9, 2007

Maxaakimta: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH