SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jir-Jiroole Xuseen Ceydiid: shalay miyuu qaldanaa mise maantuu saxan yahay?.

Q.2-aad.

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)

ibraahim@hotmail.com , sayfudiin@gmail.com 

Nairobi-kenya


 

Xayawaan-ka Jir-Jirjiloole ah waa Xayawaan meelkasta oo uu joogo midabkeeda ayuu leeyahay runtii waana Nicmo uu Alle ugu talaglay, aroohdan waxa aan u soo qaatay waxa ay tahay aniga oo la yaabay siyaasada Somalia-da iyo gaar ahaan ragg siyaasadba aanan aqoon iskaba daa xitaa in ay soo barteene intooda badan aqoon noocwalba oo la barto ma garanayaan.

Xuseyn Caydiid waa nin runtii aanan laheen ujeed sax ah, meel uu ka socdo iyo meel u socdana ma yaqaano.?!. maanta meehsii aad ku ogeed maahanee meel kale ayuu haddana kaaga soo muuqanayaa waa sida ay somalidu tiraahdo maba dhalanee dhoorteysan ogaa.

Waan ku dhalee isoo raac ma jirto Allaha u naxariistee abihii waxa uu ahaa nin Geesi ah Go'aan cadna aad ugu imaneeysid, inkastuu Qaladaad badan galay. Haddana sinaba iyo meelna inta ninkan oogama dhanka Hogaan-ka iyo siyaasada kama matalo.!!!!!!!!!!!

Qof walba oo aan mabda' iyo ujeed uu tiigsanaya aysan jirin ugu danbeeyntii wuu isku dhaxyaacaa, Xuseen sida uu markii uu joogay waddan-ka America uu warbarashadiisii uu ugu guuldareestay ayuu maantana siyaasada ugu guuldareestay, shalay waxa uu lahaa Ethiopia iyo Somalia waa dal qura maantana Kooxda sameeysatay Calan-ka gaarka ah ee Asmara wax ku dhoob dhoobtay ayuu waxa uu ka mid ah ragga ugu cad-cad balse xageey gaari doonaan.? Jawaabta way soo bixi doonta Haddu rabi idno.

Xuseyn Karti dari iyo Siyaasad xumo…!

Markii uu magaalada Mogadishu yimid sanadii 1996 xilligaas oo uu geeriyooday Aabihii isla markaana xiisad dagaal ay u dhaxeesay isla Familka uu ka dhashay oo aabihiisna uu u dhintay waxyeelo ka soo gaartay dagaal uu kula jiray walaalkiis Danbiile Cusmaan caato, intooda badan siyaasiyiinta somalida waa danbiilayaal dalkana bur-buriyay.
heshiisyo aanan macna ku dhisneen waa
tan siyaasada somalia. google/search.

Sida ay sheegaan dad badan oo tolkiisa ah waa nin aan inta badan waxa uu sheegaya mararka qaarkood ay tahay in looga cudur daartos ida caruurta hadal baradka ah, maxaa yeelay hadal afdhaafay afeef dhaaf, runtii sida cad xuseyn hantidii dadka masaakiinta ah ee Shirkadii iyo Bangigii Barakaat ee uu Mareekan-ka xanibay waxa ay ku tmid hadalno xuseyn u jeediyay ama uu si hoose ugu xogwaramay Mareekan-ka iyo sirdoonkiisa ku dhisan cadaawada islaam naceebka ay ku hogaamiso yuhuuda iyo Kirishtaanka mayalka adag sida kooxda Bush uu hogaamiyo ee maanta waddamo badan oo islaam ah bur-buriyay.

Isaga ayaa laga hayaa Somalia waxaa joogta Al.Qa'ida, haddii aanan laga soo gaarina kooxda uu hogaamiyo Usama ay saldhig ka dhigan doonto, sidoo kale hadalo badan ayaa jira uusan u meel dayin balse meel dheer gaaray oo uu yiri, intaan wixii ka badan ka badan ma jecli in aan arimiisa sii kuda galo.

Doqanimadda Dawo ma leedahayne…!

Dabcan sida ay Somali-duba tiraahdo "Sadar muuqda su'aal ka dhan", Doqonimada wax dawo ah ay leedahay ma jirto waa Cudur Alle laga baryo in uu san kugu salidin, siyaasada Somali-ya maanta ee u dhow waalida ayaad moodaa in ay xukunto qofka sheegta siyaasi Sheikh,Shariif iyo Daalim kale intaba.
xuseen oo dhiil caano ah afka kula jira bidixna uu ka
fadhiyo mid ka mid ah ciyaartoodii uu ugu jeclaa intii
uu joogay kooxda Qaranka waa Ali Geedi. sawirka
goodlle/search.

Dad uu ku dhacay jawareer markii qof jahwareersan ay talada u dhiibtaan waxaan filayaa in ay xaaladu ay isku rogeeyso Kadaran oo Dibi Dhal. Dhibka jahawareerka siyaasada Somalia ka taagaan waa mid mudo soo socday sida muuqana sii socon doona haddii uusan Alle inoo gar-gaarin toobad keena sax ahna aanan la imaanin dhamaanteen Culamo iyo Caamo intaba.

Ninkan aan ka hadlo ee Xuseyn ah inta badan dadka siyaasada falanqeeya waxa ay ku sheegaan in uu yahay in aan siyaasidba aan loogu tala galin wuuna ku khafiifay siyaasada isla markaana ama ugu yaraan uu u baahan in uu sameesto la taliyo dhanka siyaasada ah oo uu noqdo nin la wada oo aan isaga uusan is waddin.

Dadka Qaar ayaa la yaaba Hadalada is khilaafsan uu ee inta badan uu ku hadlo Xuseyn Caydiin, taasi la yaab malahan oo waxa uu la mid yahay nin Waalan waalidiisa loogama sheekeeyo.! Sida siyaasiinta barkoodba ay yihiin No comment fiiri qoraalka webkan uu ka qoray shaqsiyada xuseeyn 

Isbaheeysiga uu maanta ku jiro maku sii nagaadi doonaane..

Runtii waxa dhici kara mustaqbalka cidna kama hadli karto balse saadaasha iyo waxa jira oo la cabiraa waa mid meesha ku jirtaa, sida la wada ogyahay siyaasada somalia waa mid ku dhisan dan iyo daneeysi marka urur walba oo la dhisa ujeedka uu leeyahay inta uusan gaarin ayuu ku kala guuraa wax sidaa aan u sii buurneen, Maba dhalanee dhoorteeysan Ogaa waa meesha ay Somalida ka tiraahdo.
xuseeyn iyo ciyaartooda
uu ku biiray oo uu dhinac
socdo. sawirka Google/search

Aniga ahaan ma aaminsani in ay jirto dhoor Qofood oo isku ujeed ka ah arrimaha Somalia why.? Jawaabta waa mid fudud maxaa yeelay dhamaanteen waxaanu nahay dad jiran oo cudurka Qabyaalada ayaa aduunka iyo horumarkiiba inaga reebay, tusaalooyin badan waad heli kartaa haddii aad wax badan oo dhacay aad dhib ugu laabato balse aniga ahaan ma jecli in aad cid gaara ah ama koox gaara ah aan tilmaamo.

Balse su'aasha waxa ay tahay cida Somalia Xoriyada u raadineeysa yay yihiin ma kuwii shalay ummada laayay ayaa inta marba ay riwaayadan sameestay dadka si kale u gumaadaya mise xeelado kale ee siyaasadeed ayaa Gayiga Somalia ka biloowdayne.? Su'aashaas waxaan jawaabteeda u daayay aqristayaasha.

Isbaheeysiga cusub ee uu ninkan Xuseyn ah ku biiray intooda badna dadka Hormuudka ka ah waa kuwii shalay uu ku tilmaamayay in ay yihiin argagixiso balse iyaga Qudhoodo ma ninkan ayay talo wadaaag la noqdeen mise Riwaayada socota ee ayay Jilaayaa ka yihiin.?

Ugu danbeyti waxaan jeclaan lahaa in aan ku soo gabagabeeyo su'aal aan ooga tagayo aqtirsyaasha oo ah. Ninkan Xuseyn ah xaalkiisa siyaasadeed ee sida uu hadda ku socdo ma yahay mid sii socon kara mustaqbal siyaasadeedna nin leh makuula muuqdaane.
Dhamaad.
wixii talo iyo tusaala ah waa soo dhawenayaa.
bal fiiri Qoraaladan..
http://www.hobyo-one.com/index.php?name=News&file=article&sid=1183 waa nin sidee ah xusyn waa qormo aad loo falanqeeyay.
http://somaliatalk.tripod.com/aragti/caydiid2.html  ma askari baa mise waa hogaamise xuseyn.

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
 sayfudiin@gmail.com 
Nairobi-kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2007

IbraahimKooxaha kala ah mucaaradka iyo Dawladda FDKMG oo Isdhaafsaday ciyaaryahanno...Akhri...

Maxaakimta: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH