SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

11-august-2007 MAALIN AYSAN HILMAAMI DOONIN WARBAAHINTA XORTA AH EE SOMALIA.!
Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)

ibraahim@hotmail.com , sayfudiin@gmail.com 

Nairobi-kenya


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

AS WR WC 

Saacadu waxa ay aheed ku dhawaad 12:00 Duhurnimo xilliga magaalada Nairobi ee dalka Kenya sabti 11-august-07, ayay aheed markii mid ka mid ah saaxiibadeey uu si aan farxad ku dheehneeyn hadal hoose iigu sheegtay waxa la dilay wariyii Capital voice iyadoo magaciisa uu ii sii raacisay. Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi oo aysan hilmaami doonin dad badan. Markaas kadib ayaan bilaabay in aan xiriiro la sameeyo saaxiibadeeydii bahda saxaafada waxaana ii cadaatay in uu geeriyooday Wariye Mahad.

 Si aan wax badan ooga ogaado ayaan baaritaan ugu dhaqaaqay ilaha wararka somalida (Websites), wax ka sii daran ayaanba arkay oo maxay yihiin.? Mid ka mid ah website-yada somalida ayaa wax uu soo qoray war dag-dag ah mise waaba Ali Iiman Sharmaarke oo kamid ahaa milkaalayaasha shirkada warbaahinta ee Hornafric oo ay miino ay la qaraxday baabuurkii uu watay mar uu ka soo laabtay duugta saaxiibkiisa ay maalin god wada galeen ee marxaan mahad..

  Aad ayaan u naxay aniga ahaan waxaana filayaa dad badan ay iga sii naxdin badanyihiin, waa arin murago gaar ah leh gaar ahaan bahda saxaafada. Waan ka xumahay somalida malaha wax danbi baaris iyo dabagalid intaba. Dhibkii la geestaba mid ka daran ayaa soo ifbaxa si gardaro ah ayaa loo toogtay Mahad kadibna dadkii asturayay ayaa si arxan daro ah loo beegsaday inkastuu waqtiga uu iska dhamaaday, haddana falalkan oo kale in lagu kacaa waa arin aad u xanuun badan.

    Mahad Axmed Cilmi iyo Barnaamij-ka Mogadishu iyo maanta.!

   Qof walba waxbuu si gaara u xiiseeya marka uu wax dhageeysano. Aniga ahaan Barnaamijak Mogadishu iyo maanta ee ka bixi jiray idaacada uu agaasima ka ahaa Mahad ee Capital voice(Codka caasimada) aad ayaan u dhageeysan jiray intii aanan sanad ka kor ka soo tagin magaalada Mogadishu marka aan firaaqa leeyahay, waxa aan ku tilaami lahaa in uu iila mid ahaa aniga ahaan sida barnaamija-ka TV-ga Al.jazeera ka baxa ee Top Secret ama sir xulus oo ah barnaamij daba gal ah (Investigation program).uuna soo diyaariyo wariye sida gaarka ah aan u jeclahay ee Yousri Fouda. Barnaamij-ka Mogadishu iyo maanta waxa uu  si gaar ah diirada u saari jiray dhacdooyinka ka dhaca waddanka gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Mogadishu .

Marxuum Mahad oo ay dadku dul taagan yihiin markii dilka loo geestay

marna lagu asturay sawirka. .(AFP) 

  Anniga waxa iiga xasuus badan dadka laga tira badan yahay amaba aan iraahdo dadka masaakiinta ah ee dulmiga loo geesto oo uu fursad u siin jiray in ay meykaroofanka idaacada Capital voice ka hadlaan si ay u cadeeyaan dhibka loo geestay bulshada ay wax badan kala socoto waxa ka socda magaalada ay ku noolyihiin ee bur-bursan.

  Dhibaatada iyo tacadiyada ka dhici jiray magaalada waxa ay ahaayeen wax iska caadi ah aduunka oo dhana way ka dhacaaan, balse wixii hore waxbaa badalay mooryaanti ayaaba yaabay, dagaal oogayashii ayaa guryahooda ku ah maxbuus ah. Siyaasiyiinta maanta siyaasadeena jahwareersan horboodaya ayaa waxa ay casumaad u fidiyeen ciidanka waddanka Ethiopia. Oo ah ciidan cadow ah, magaaladana waxa ka dhacayana aad ayaa loogu baahan yahay xilligan oo kale mar waxa aan mar is iraahdaa ka hadalka arimahn armaa loo dilayne marnaba iguma soo dhicin in loo dilay arrimo qabiil maxaa yeelay wariyaha waa ku ceeb arimo qabiil waa Qaran buuxa balse Qof walba iyo meesha uu si dhigo ayay arintu ku xirran tahay.

 Mahad waxa uu ahaa qof jecel iyo uu banaanka soo dhigo waxa qarsan gaar ahaan dulmiga iyo dhibaatooyinka dadka aan waxba galabsan loo geesto. Markii aan Mogadishu joogay dilalka loo geesto dadka somalida ah ee ku nool wadanka Koonfur Africa waxa uu ahaa Mahad Axmed Cilmi qofla kaliye ee aan ka war dhooro ee hornafric ooga soo warami jiray waddanka Koonfur Africa waxa uuna ka soo warami jiray dhibaatada, dilalka iyo gumaadka lagu hayo Somalia ku nool wadanka south Africa, markii uu Mogadishu ku soo laabtayane Barnaamij-ka Mogadishu iyo maanta waxyeelada ka dhacda Somalia ayuu diirada saari jiray hadda oo dhib fara badna uu waddanka ka socdo waaba mid loo baahnaa. Balse yaa wadi doona Barnaamij-ka Mogadishu iyo maanta.?. marxuum Mahad waa la tabi doonaa.    

Marxuum Ali Iiman Sharkaame geesi naftii hura ah..

  Dalka kala yaacay iyo dadka kala hayaamay ee dunida dacaladeeda dibad jooga ku ah ee aan nasiib nabadna u helin ee aanu ka dhalaynay ee Somalia qofkii yiraahda waxbaan u qabanayaa waa qofkii naftiisa huray geesinama ku darsaday. Adiga oo heesta passport Canada ah ama waddan kale oo xurumay ee yiraahda dalkii aan u dhashay ayaan wax u qabanyaa waa arin u baahan geesinimo.

  Marxuum ali waxa uu wadanka Canada uga soo baqoolay sidii uu waddankiisa horumar u gaarsiin lahaa wuuna ku guuleestay isaga iyo saaxibadiisa kala shaqeeyn jiray warbaahinta Hornafric.cid waliba oo wanaag u hibeeysay Somalia baal dabah ah ayuu ka gali doonaa tariikhda Somalia ee maalin un la daabici doono.                                                                                    

  Dhibka baaxada leh ee loo geestay warbaahinta Hornafric waa mid saameyn ku yeelan kara guud ahaan warbaahinta Somalia gaar ahaan saxaafada madaxa banaan ee ay Hornafric u tahay hogaanka tan iyo sanadii 1999 la furay.

Marxuum Ali Iiman oo dhulka yaala kadib

markii ay dhibaatada gaartay waa sawir naxdin

leh isha sawirkan. GUJI HALKAN

Waayadan danbe waxa soo wajahay dhibaato aad u fara badan warbaahinta horta ah, tacadiyada lagu hayo warbaahinta way sii baahayaan tan iyo markii cadowga Tigeega uu waddanka xoog kula wareegay, gaar ahaan gumaadka ka socda caasimada Mogadishu.

Canbaareeynta dilalkan loo geestan 2-dan warfidiyeen.

  3-da mas'uul ee ugu sareeysa ee kala jooga Nairobi, Baydhabo iyo Mogadishu  ayaa sheegay in ay tacsi gaarau dirayaan dhamaan somaliga gaar ahaan bahda saxaafada  iyaga oo si wada jir u ah u sheegay "waxaan si weyn ugu tacsiyeeynaynaa geerida ku timid mid ka mid ah shaqaalaha idaacada hornafric iyo capital voice iyo mas'uuliyiinka tirsan shirkadoon waxaana si weyn uga tacsiyeeynaynaa eheladoonaa meel kasta oo ay joogaan".

 Sidoo kale wax canbaareeyn si wada jir ah u soo saaray Qaramada Midoobay iyo Mareekanka ayaa si wada jir ah u canbaareeyay dilkan. Loo geestay qaar ka tirsan madaxda warbaahinta Somalia.

Dhanka kale waxa canbeaareeno soo jeediyay dhamaan bahda saxaafada ee dunida oo dhan, waxaana la filayaa in dilkaasi war cad ay ka soo saari doonaan warfidiyeenada ku sugan dalkan Kenya.

Tacsi..

  Ehelada, Bahda saxaafada, iyo guud ahaan dadka somaliyed gaar ahaan inta caqliga u saaxiib-ka ah waxa aan uga tacsiyeeynayaa geerida ku timid Maruum Mahad Axmed iyo Ali Iimaan Sharmaake oo naftooda ku waayay ka hadlida dhibaatada iyo dulmiga baahsan ee ka socda waddanka Somalia.

Gunaanad..

 Dilkan maahan midkii ugu horeeyay balse waa kii ugu danbeeyay ee taci balaaran loogu geesto warbaahinta somalia gaar ahaan inta xurta ah, waxa ka dhacaya magaalada mogadishu waa wax la yaab leh, runtii xaalku waa mid iska cakiran waxa aana aamin sanahay in inta uu cadowga nagu dhaxjiro uu dhibkan sii socon doono.

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
ibraahim@hotmail.com , sayfudiin@gmail.com 
Nairobi-kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007

Maxaakimta: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH