SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Puntland iyo ka Ganacsiga Tahriibayaasha
  • Qaybo Kamid ah Faallada SomaliTalk ee Febraayo 2005
    Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

    Faalladdan waxaa  isku soo dubaridey: Amiin yuusuf Khasaaro, C/fatax Jaamac, Faysal Xaaji Siyaad, Cabdi Xasan, Canab Mumtaz, Xasan Dhooye iyo Maxamed Cali.

Tahriibtu waa Xabaal Nololoodin aan la ogayn

Ilaahay Baa mahad leh Nabi Maxamed Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaato.

Haddaan ku hormaro macnaha kalimada Tahriib oo qeexid yar ka bixino, Tahriib waa ladhuumasho, labaxsasho, is qarin, ama waa in wadan lagu galo sharci daro xagga badda iyadoo laga dhuumanayo ilaallada Badda, haddaan sikale u fasirona waa [is daldalid, isqarxin iyo is qarqin] macnahaan danbe waxaan usiinay waa natiijada ay la kulmaan dad badan oo tariiba, ama dhibaatada uu sababo tahriibku oo keena dhimasho badan oo lamida kuwa sameeya magacyada aan soo maray. 

Burburkii waynaa ee Dowladii Soomaaliya kadib waxay ummadda Soomaaliyeed ka burburtay wax kasta oo ummadi higsato ama ay gadaal u dhigato, haddaan si kale u niraahno, waxay ummadda Soomaaliyeed noqotay ummad aan meela u fayoobayn, hanoqoto xag Diin, Dad, Duunyo iyo Dalba, iyadoo ay fara badan tahay dhibaatooyinka taagan maalinkasta mudana in laga hadlo ayaa  Waxaan Faaladeena bishaan kusoo qaadanaynaa Puntland iyo ka Ganacsiga Tahriibayaasha, cinwaan kan oo aan horay dib ugu dhignay hadana lasoo gaaray xiligiisii.

Sawir Guud

Masiibadii nagu habsatay kadib ayaa dad badan waxay uyaaceen aduunka daafihiisa iyagoo raadiniya inay ka badbaadaan is-cunidda ka jirta meel kasta oo wadanka kamid ah. Haddaba dad fara badan ayaa ku fakaray ama is tusay riyada ah inay maraan Badda kadibna gaaraan meeshii ay ku riyoonayeen, iyagoo is hilmaansiinaya dhibaatada ka sokaysa safarkaas mugdiga ah, markastana indhahooda horkeenaya mida ay ka baxsanayaan oo kaliya.

Dad fara badan ayaa ku guulaystay inay gaaraan meeshay u socdeen si kastaba ha ku gaareene ama dhib kasta ha la kulmeene, halka kuwa kalena ay la kulmeen taas caksigeed, iyadoo qiyaastii la oran karo makala yara ama aad bay isugu dhowyihiin tiro ahaan inta badbaaday iyo inta baaba'day, ulama jeedno dhimashada oo kaliya laakiin dad badan ayaa la kulmay dhibaato Caafimaad ama maskaxeed ama cuduro la xariira xaga nafsiga, oo qofkii ku sababa inuu galo mustaqbal madow, tusaale ahaan waxaa dhacda in qoys tahriibo kadibna dhibaato soo wajahdo ay kutimaado dhimasho, aabihii, hooyadii ama ilmihiiba, kadib markay qarqoomeen, jiradeenba ama ay waayeen baad iyo biyo ayna dhacdo inuu soo haro hal qof oo qoys kaas kamida, sida in badan aan kamaqalo dadka soo badbaada, anaa ka haray dadkayagii, ama ay yiraahdaan waxaan hoos galay maydka sidaan gabaad uga dhigto, ama ay yiraahdaan waxaa badda lagu tuuray waalidkay, ilmahaygii, xaaskaygii, saaxibaday iwm.

Badanaa dadkaas/qofkaas waxaa ku dhaca inay huq ku reebto ama uu khafiifo markuu soo xasuusto dhacdadii, waa hadduu ka badbaado waali qac ah e, ama waxaa dhici karta inuu qofkaas fadhiid noqdo oo noloshoo dhan ka argagaxo dhibaatadaas daraadeed. Dhibaatooyinkaan waxay ka dhacaan badanaa laba meelood dadka ka tahriiba Liibiya oo u socda Talyaaniga iyo dadka ka tahriiba Soomaaliya oo u socda Yemen, waxay i xasuusinaysaa faaladaan dhacdo naxdin lahayd oo ilaa hadda aanan ilaawin, taasoo ahayd Doon kasoo baxday Liibiya Oktoobar 2003 oo sidday 105 qof oo Soomaali tahriib ah ayna ka bad baadeen 15 ruux oo kaliya kadib markay dulsabaynayeen bada mudo laba asbuuc ah halkaas oo ay uga dhamaadeen waxay wateen ee quud ahaa.

 Waxaa dadkaas intooda badan tahriibkooda loo aaneeyaa qaraabadooda dibada joogta oo u dira lacagta ay ku tahriibayaan oo gaaraysa dhowr kun oo doolar, taasoo hadduu wadankiisa wax uga qabsado qofkaas uu galayo dabaqada dhexe ee bulshada wadanka ku nool, hadaan dhinac kale u dhigno wuxuu kamid noqon karaa ganacsatada wadanka kuwooda dhexe waayo dhowr kun oo dooral dad badan oo aan haysan ayaa ganacsato caan ah Soomaaliya dhexdeeda iyo meela kalaba, sidaa daraadeed ayaa dad badan is leeyihiin waxaa ka haboonaan lahayd inay tusaan ila kale oo ay nolol ku samays taan,  maxaa yeelay dadka tahriibaya mawada ahan dhibanayaal qaar kamida ayaa raadinaya wax kororsi, dhoof ama dhaqaale.

Tahriibka Boosaaso

Waxaan intaa ku dhaafayaa sawirka guud inagoo soo koobayna tusaalayaal badana aan keenayn, aan u talowno Tahriibka Soomaaliya ee Yemen, Waxay ka siman yihiin tahriibayaashu dhibaatada ay kala kulmaan badda, waxaase u dheer tahriibayaasha Soomaaliya inay  kala kulmaan dhibaato dadkay isku jinsiyada yihiin, hadaba su'aashu waxay tahay xagee laga tahriibaa Soomaaliya? yaase ka tahriiba? Waxaa laga tahriiba meelo badan oo kamid ah Soomaaliya, laakiin waxaan xoogga saareynaa maanta qaybo kamid ah marsooyinka ku teedsan badda Cas, siiba Boosaaso oo ah Caasumada Ganacsi ee Puntland, dadka halkaas ka tahriibaya ayaa ah laba qaybood, qayb katimid dhinaca koonfurta Soomaaliya iyo qayb ka timid dhinaca Itoobiya. Qaybta katimid koonfurtu waxay u badan yihiin dhalinyaro da'ayar ah oo rag u badan, 16 jir ilaa 35 jir, waxay isku arursadaan Muqdishu iyagoo isugu sheekaynaya ama loogu sheekeeyo waxaan ka dhoofaynaa Boosaaso waxaan ku tagaynaa Yemen halkaas ayaan Sucuudiga ka galaynaa kadibna jano ayaa noo bilaabanaysa, runtuse saas ma'ahan.

Waxaa inagu filan inaan ka xusno laba dhacdo kaliya kuwaasoo dhacay sanadii lasoo dhaafay bishii Maarso ay ku halaagsameen dooni dad ka badan 100 oo katagay Mareero oo Boosaso u  muuqata, sidoo kale isla sanadkaas waxaa iyana doon ku baaba'ay 45 qofood oo ka tagay Boosaaso, ma'ahan dadka ku dhibaatooba Gacanka cadmeed iyo Boosaaso dhexdeeda mid aan soo koobi karo, waxaase iyaga u dheer dhibaatada guud ee tahriibka in lagu qaado Doonyo ku sheeg aad u tabar daran oo ah alwaax uun la isku dhadhajiyey oo doon loo ekaysiiyey, waxaa kale oo intaa u dheer in mararka qaarkood bada xoog loogu dajiyo laba sababood awgood, marka doontu lakulanto dhibaato culays daraadiis ama duufaano waa labuux dhimaa oo dadka ayaa qori loo istic maalaa, marka kalana waa marka loo soo dhowaado xeebaha Yamen iyana dadka qasab ayaa lagu daadiyaa meel ka fog meeshii ay ka dagi lahayd maadaama ay tahay suuq madow dabaal aqood ama ha aqoon, yarow ama waynow, dumar ahow ama rag ahow nasiibkaa.

Waxaa kaloo u dheer dadka Yemen aada in markii laqbato iyagoo dhibkaas soo maray ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan, sida; Garaacis, dhicid, Xarig iyo kufsi gabdhaha la fara xumeeyo, oo gabdhuhu lakulmaan waxay raadinayeen wax dhinaciisa kale kasoo jeeda taasoo ah inay waayaan mustaqbalkoodii gabar nimo oo askari faajir ah uu sino ku garaar furo, dhibaataduse intaas ma'ahan intii ay u suura gasho waxay galaan Sucuudiga oo isna u baahan tahriib hor leh oo dhulka ah, oo isagana ay dhacdo inuu lakulmo qufku dhibaato aan ka yarayn tii aan soo maray, wali dhibaatadii maharin haday dhacdo inuu galo Sucuudiga waxaa suure ah in la qabto Asbuuca ugu horeeya illaa sharci malahan e, dhibaato fara badan kadibna dib loogu celiyo wadadii dheerayd ee bilaha uu soo jafayey, halka tahriibayaasha Yurub aada ay helaan Soo dhawayn iyo nolol, inkastoo ay tahay nolol qurbe.

Tahriibta Bada Cas

Badda dheer ee ay maraan Tahriibtu oo Doomahii fadhiyaan.

Baco iyo alwaax loo ekeysiiyey doon oo taalla xeebta bannakeeda, sugeysana war ma qabto...

Mid kamid ah Alwaaxda iyo bacaha la isku dhejiyey oo sugeysa dhallinyaro ay halaagto.

Alwaaxyo loo diyaarinayo in lagu gablamiyo waalid farabadan...

Sawiradan waxaa soo qaaday SomaliTalk.com

Tahriibta ayaa ah dhibta haysata Dadka Soomaaliyeed oo ay ku dhamaanayaan Badaha iyagoo Raacaya Doomo Gaboobay oo kula jaba Bada Gudaheeda kadibna Badda ayaa lagu waayo Dadkaa ama baddaa liqda.

Tahriibta waa ganacsi aad ubalaaran oo soo socday muddo aad u dheer laga soo bilaabo 1960kii, xilligaas oo ay dadka raaca doomaha ahaayeen kuwo aad u yar, waxaase isa soo tarayey dhoofka dadkaa aada dowladaha carabta oo ay dhici karto in dadkii xilliyadaas hore tahriibay ay hadda haystaan dhalashooyin dalalkaa ay tageen.

Tahriibta ayaa soo martay heerar kala duwan ayadoo hadda cawaaqib xumo keentay ayna gaartay in laga ganacsado Dadka laguna guro Doomo si fowqul caqli ah oo Doonta la saaro tiro ka badan inta ay Qaado.

Inta Badan Dadka ku howlan ka ganacsiga Tahriibta ayaa ah mid aad u xoog badan oo ay ka ganacsadaan Dad isugu jira Mas'uuliyiin, Ganacsato iyo kuwo soo waarida Dadka Dhoofaya (Muqalasiinta) kuwaas oo soo wada Dadka Rakaabka ah ee laga ganacsanaayo, Marka aad aragto Dadka ku howlan ka ganacsiga Dhoofinta Dadkaa u kala Dhoofaya Wadamada Carabta ee xeebta la wadaaga Soomaaliya oo meesha lagu dagaayo lagana sii dhoofayo ay tahay Wadanka Yaman Jasiirada ku taal oo inta badan ay halkaa ku sugan yihiin Ciidamo Yaman ah oo ka sii Ganacsada Dadkaa Tahriibayaashaa.

Xagee ka soo Bilaabataa soo dhoofinta Dadka tahriibayaasha ah?

Waxaa inta badan ay ka yimaadaan Dadka dhoofayaasha ah Koonfurta Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah Soomaaliya oo ay u badanyihiin wadanka Ethiopia Dadka Qoomiyada Oramada ah, waxaana ku sugan goobaha ay ka soo baxayaan Muqalasiin iyagu soo dhoofiya Dadkaa iyagoo Xafiisyada ay leeyihiin Muqalasiinta ay isku xiranyihiin ilaa ay ka fuulaan Doonida, waxaa ka mida xafiisyo ku yaal Magaalada Muqdisho Suuqa Bakaaraha, Magaalada Baydhabo, Magaalada Afgooye iyo kuwo kale oo ku yaal magaalooyinka Wadamada Dariska la ah Soomaaliya, waxaa muqalasiintaa ay isugu jiraan Rag iyo Dumar.

Maxaa ka qabsada Dadka Tahriibta ku dhoofa?

Inta badan waxaa ay aad ugu dhibtoodaan Dadkaa dhoofaya sidii ay u heli lahaayeen mid dhaqaalihii ay la baxeen sideedii u siiya, sida ay inta badan ka cabanayaan dadka dhoofaya iyadoo qaarkood laga dhaco Lacagtoodii ay baxsadeen awoodna loo sheegto madaama aysan haysan wax cadayn ah oo looga qaaday Lacagta, haddii uu haystana uusan helayn Sharci lacagtii uga qaada.

Waxaa jiray Dhacdooyin naxdin leh oo inta badan Qabsada Dadka Tahriiba, oo dhawr haddaan ka xusno ay ka midyihiin

1- Dad isugu jira Caruur, Dumar iyo Ragoodii oo u dhashay Ethiopia oo sida ay sheegeen laga soo dhoofiyay Magaalada Burco ayaa lagu soo rogay Magaalo xeebta ah oo layiraahdo Ceelaayo xeebtaa oo ka mida meelaha laga dhoofiyo Tahriibta. Dadkaa ayaa tiradoodu ahayd 90 (Sagaashan) Qof, xilliga ayaa ahaa xilli xagaa ah oo uu kulaylku martayo 55 Digri (oC). Dadkaa ayaa Gaarigii waday uu ku daadiyay Xeebta Ceelaayo oo Boosaaso u jirta 25km dhinaca Sanaag ka xigta. Dadkaa ayaa markii ay ku sugnaayeen muddo 10 Maalmooda oo wax la hadala ay wayeen lacagtiina laga qaatay ayaa Dad ku sugnaa meeshaa ay waydiisteen in ay u tilmaamaan Boosaaso kadibna ay u soo lugeyeen iyagoo xeebta soo raacaya. Dadkaa waxaa ka soo gaaray Boosaaso 14 qof oo aad u liita halka kuwii kale ay nafta ku daysay wadada haraad iyo kulayl dararan awgii, 14kaa oo ahaa Rag kaliya ayaa Maamulka Gobolka iyo kuwa Dagmada Boosaaso ay u soo gurmadeen kadib markii ay soo gareen Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Ciidamadii joogay ay Qaylo dhaan soo gaarsiiyeen Maamulka.

2- Dhacdada kale ee naxdinta leh waxaa ka mida dhoofayaasha raaca Doomaha Qaada Tahriibta oo la waayo meel ay la martay Doontii amaba ay laqdo bada Qadarka Ilaahay oo qoran ayaa hadana waxaa loo aaneeyaa in ay Doontu ka yartay Dadka ay qaadeyso oo Gaara halkii doon 200 Qof Taasna ay kaliftay in Qofkii loo ogalaan waayo in uu istaago hadii uu istago sida aan wararka ku helayno wagii hore waxa lagu dhufan jiray UL, lakiin hada waxaa Indhaha looga shubaa Batrool oo sida la sheegay ay ku Indho beeleen Dad badan.

3- Dhibaatad soo gaarta Dadka Tahriibayaasha ayaa ah mid aad uga wayn Maskaxda Bini,aadamka lakiin ay Tahriibayaashu ku wayntahay maskaxdooda in ay dhoofaan Marka aad waydiiso waxa ku kalifaaya Tahriibta dhibkaa badan ay ku jawaabayaan waa Nolol raadis lakiin kuma kalsooni Dalkeyga inaan ka shaqeysto waxaan ka helaayaa ma jiraan lakiin waxaan rabaa in aan Tago Dalka sacuudiga oo aan ka shaqeysto si aan dhaqaalo badan ula imado ayuu leeyahay.

Xiriirka iyo sida ay u dhoofiyaan Dadka ka Ganacsada Tahriibta.

Inta badan ganacsatada Tahriibta ayaa isugu jira dad kala duwan oo hadana Hubaysan, xiriirkooda ayaa ah mid aad u adag lakiin ay Badanaa aad iskaga dhacaan Dhaqaalaha ay ka helaan, ayagoo inta badana dhaca Dadka Tahriibayaasha ah. Ganacsatadaa ayaa ah kuwo isticmaala Telfooonada Gacanta iyo kuwa Laymanka ah, waxaa kaloo meelaha aan laheyn Telfoonada ay ku isticmaalaa Radio lagu hadlo (Fooneyaha).

Ganacsatadaa ayaa ah kuwo aad u badan oo ka soo dhoofiya dadka Xafiisyo ay ku leeyihiin Goobaha ay Dadka ka soo dhoofinayaan iyo Guryo ay ku soo dajinayaan. Magaalada Boosaaso ayay ku soo Dajiyaan Guryo caan ah oo la yaqaan Guryahaasna waxay uga kireeyaan sidii Hodheel oo kale, halkaana Raashinka ugu sameeya.

Goobaha laga dhoofiyo  Dadka

Inta badan ayaa laga dhoofiyaa Dadka tahriibayaasha ah Xeebo ku dhow Magaalooyinka W/Bari iyo W/Galbeed ee Soomaaliya, kuwaasoo ah xeebo caan ah oo ay ka mid yihiin Xiis, Maydh, Cadcado, Ceelaayo, Qow, Mareero, iyo Shimbiro oo ah kuwo ku yaal bada Cas.

Tirada Dadka ku Tabaalobay Tahriibta

Dadka dhoofayaasha ah ee ku dhintay ama ay ka soo gaartay Dhibaatooyin ayaan la hayen tirakoob dhab ah ayagoo xiliga la xasuusto ay maraayeen 3400 Qof xiligaas oo ay ahayd sanadkii 2001.

Dadka dhoofayaasha ah ayaa qaarkood ay ka mid yihiin kuwo ka dhoofay 3 ama 4 Goor Xeebaha Bada Cas ee Soomaaliya. Arintaas waxaa tusaale ugu filan Cabdiqaadir Faarax Cilmi oo ah aabbe 4 caruur ah leh oo deggan magaalada Kismaayo, waxana uu noo sheegay in tiro labo jeer ah ka tahriibay xeebaha ku yaala gobolada Bari, islamarkaana dib loogu soo masaafuriy dalkiisa. C/qaadir waxa uu markii ugu dambeeyey ka tahriibey magaalada Ceelaayo 17/4/2001, taas oo ay ku sigteen badda, markii uu tegey meeshii uu socdeyna inta la xiray ayaa dib loosoo masaafuriyey.

Magaalada Muqdisho waxaa jira meelo boosteejooyin ah oo ay ka baxaan dadka usoda Boosaaso si ay halkaas uga sii tahriibaan, boosteejada ugu caansan waa halka lagu magacaabo Carwo Idko oo aad ku arkeysid dad fara badan oo halkaasi dhooban oo u badan dhalinyaro isugu jirta Wiilal iyo Gabdho, kuwaas oo u jeeda Boosaaso.

Mar aan Muqdisho kula kulannay Wiil dhalinyaro ah oo ka soo laabtay tahriibka oo lagu magacaabo Ilayaas Cumar ayaa ka sheekeynaya dhacdo qabsatey waxa uu yiri, “sanadka 2000 ayay ahayd markii aan doon ka raacnay Xeebta Ceelaayo waxaan dhameyn 140 qof oo qofkiiba laga qaaday $30, markii aan Badweynta aan ku shalwanay ayaa Naakhuudayaashii nagu yiraahdeen waa joogtaan Yaman ee hala daato sidii ayaan dadkii ku daateen badda, anigu dabbaasha ayaan aad ugu dheereeyay, muddo markii aan soo dabaashay mase waa xeebtii Soomaaliya, waxay indhaheygu qabanayeen Maydadka fara badan oo Baddu soo caarisay.

Qisooyinkaas iyo kuwo kale oo farabadan waxaan ku arki doonaa linkiyada hoose ee isku xiriirsan oo qayb ka ah faalladan, balse marka hore aan jalleecno waxa la gudboon waalidka iyo mas'uuliyiinta Puntland.

Maxaa lagud boon Waalidka

Haddaba haddaan soo aragnay intaas oo dhibaato ah maxaa lagud boon Aabaha, Hooyada, Walaalka iyo Masuulka Soomaaliyeed inay ka sameeyaan dhacdadaan naxdinta leh? Waxaa la gudboon inay ka badbaadiyaan da'yarta Soomaaliyeed hogga ay ku daadanayaan sidii baalkaabiyihii (bahal yar oo markii roobku da'o dabka aan laga celin karin oo kudaata) waa mustaqbalkii bari, aadanuhuna wuxuu isku raacay wax beero ama latabco waxaa ugu qaalisan ugu faa'iido badan dadka, maxaa yeelay wax kasta oo kale iyagaa suura galin kara.

Aabaha dowrkiisu waa inuu hor istaago ilmihiisa uusana u ogolaan innaba inay biimadaas galaan siiba Gabadha yar ee cadrada ah, arintaas aabaha sameeya waa qayru masuul, wuxuuna soo galayaa kuwii Rasuuku (scw) dayuuska ku tilmaamay, oo macnihiisu yahay qofka ehelkiisa macaasida uga raali noqda, Hooyada waa lamid waa inay hor istaagtaa si hooyanima ku dheehan tahay oo marna aysan ka yeelin ilmaheeda uu galo dhibkaas, waxaa layaab leh see hooyo ugu ogolaan kartaa bakhtiyaa nasiibka intaa leeg gabadheeda yarta ah, waa su'aal ay ka jawaabi karto hooyada arintaan samaysay oo kaliya.

Walaalka iyo ehelka kaleba waxaa xaq ku ah inay hadii waalidku gabo booskiisii ay xasuusiyaan buuxiyaana kaalintiisa iyo toodaba da'yartana ka hor istaagaan tijaabadaas qaldan, oo in bada lagu khasaaray.

Faa Calida Badda

Ragga dhiig miiratada ah oo jaqaya walaalahood xinjirtooda intay isku xireen baco iyo alwaax, waa gacan ku dhiiglayaal u bareeray dhiiga walaalahood si ula kac ah, waxaa la gudboon inay illaahay u toobad keenaan inta goori goor tahay oo aan toodii imaan ama aan aduunkaba maxkamad la hor keenin.

Kaalinta Musuuliyiinta Puntland

Waxaa soo haray Masuuliyiinta khaasatan madaxda reer Puntland, waxaa la gudboon inay buuxiyaan door ay horay u gabeen, kaasoo ah inay joojiyaan ka ganacsiga dhiiga dadka maxkamadna soo taagaan kuwii ku mabay arintaan, waxaa hubaal ah in maamulkii hore ee Col. C/laahi uusan wax ka qaban arintaan ayna ku dhinteen boqolaal isugu jira Soomaali iyo dad kaleba iyadoo meesha dadka laga rakaabiyo ay kutaalo wadada loo maro Goobaha Dowlada ama airport-ka oo aad arkayso dad  ku xoon san meelo ay yaalaan wax Doon u eg laakiin aan ahayn. Hadaba Su'aasha iswaydiinta leh waxay tahay Maamulka cusub ee uu hogaaminayo Gen. Cade manoqon doonaa mid ay mahadiyaan waalid badan oo qarka u saaran inay gablamaan iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay damqayso arintan, mase noqon doonaa mid ka fakera arimaha bulshada dhibaatadooda iyo dheeftoodaba?, waa su'aal ay ku haboon tahay inay waydiiyaan Madaxwayne Cade Saxaafadu, iyadoo laga rajaynayo Madaxwaynaha cusub inuu wax badan ka qabto arimaha bulshada siduu u balan qaaday inuu baabi'in doono Faa Calida Barriga ayaa lafiyaa inuu baabi'iyo Faa Calida Badda.

Waxaa mudan in la xuso laguna amaano reer Puntland maamul iyo shacaba soo dhowaynta walaalahooda Soomaaliyeed ee kasoo bara kacay meelo kala duwan ee wadanka ah ama shaqo soo raad saday ee si nabad galyo ah ugu nool dhammaan Puntland gaar ahaana Boosaaso, qabtana noocyada  kala duwan ee shaqada.

Gabagabadii Waxaa waajib saaran ah qofkasta oo wax ka qaban kara dhibaatadaan af iyo adinba inuusan waxba laharin, si loo badbaadiyo hambada hartay, waayo arintaan waa mid dhan ka ah Islaanimada, Insaaninimada Soomaalinimada iyo Caqliga saliimka ah, ilaahay hanoo fududeeyo khayr dhamaantiis.

Haddana waxaan u gudbeynaa qaybta labaad ee faallada. [Guji linkiga hoose]

____________________________
Faalladdan waxaa ka qayb qaatay: Talo bixinta, Qorista & soo ururinta; Amiin yuusuf Khasaaro, C/fatax Jaamac, Faysal Xaaji Siyaad, Cabdi Xasan, Canab Mumtaz, Xasan Dhooye iyo Maxamed Cali oo kala jooga: Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso, Nairobi iyo Woqooyiga Ameerika.

Faalladan kala Xiriir:
tifatire@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2005
www.somalitalk.com/faallo

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD