244 Qof oo Maanta Ku Dhintay Xajka
Feb 1, 2004

Halkan ka Daawo
... GUJI
XAJJ 1424 |

In Kabadan 2-Million oo Xujey ah oo Sanadkan Gutey Xajka
Waxaa maalintii shalay (Sabti Jan 31, 2004) isugu soo baxay buurta Carafa in
kabadan
2-million oo xujey ah. Markii qoraxdu dhacdayna waxay xujaydii u
dareereer dhankaas iyo Muzdalifa si ay halkaas ugu negaadaan xalay oo ay
maanta (Axad Feb 1, 2004) oo Ciid ah ay u tuuraan dhagaxa [
MINA]. Dhanka kalena
waxaa maanta ciidaya gebi ahaanba dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan daafaha
dunida.Wasiirka arimaha
gudaha ee sucuudiga waxa uu xujeyda sanadkan ku qiyaasay 1,419,706 kuwaas oo
ka kala yimid dunida dacaladeeda. Tiradaas waxaa dheer sida uu sheegay
wasiirka xajka sucuudigu waa 250,000 xujey ah oo ka yimid dalka Sucuudiga
iyo weliba tiro aan la cayimin oo ah dadka degan magaalada Makka.
 |
Wararka ka imanaya dalka Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 244
qof ay maanta ku dhinteen Xajka, dadkaas oo ku dhintay dhagax tuurkii MINA.
Sida uu xaqiijiyey wasiirka Xajka ee sacuudiga,
Iyad Madani, dadkaas
xujeyda ahaa waxay dhinteen dhagax tuurkii maanta ayagoo is-buurtay [ciriiri
dadka halkaas dhagax ka tuurayey awgeed].
Waxaa lagu soo waramay in dadka maanta xajka ku dhintay in ay u badan yihiin
dad u dhashay Sucuudiga.
Sanadihii tegey dadka ku dhinaty Xajka:
Xajkii 2002 - 14 qof
ayaa xajka
Xajkii 2001 - 35 qof ayaa dhintay
Xajkii 1998 - 180 qof ayaa dhintay
Xajkii 1997 - 343 qof ayaa dhintay, waxaana
dhaawacmay 1,500
Xajkii 1994 - 270 qof ayaa dhintay
Xajkii 1990 -1,426 qof ayaa ku dhintay xajka
Xajka 1987 - 402 qof ayaa dhintay oo u badna Iiraaniyiin, waxaana
dhaawacmay 649.
Allah janadii fardowsa haka waraabiyo xujeyda dhintay.
<><><>
Soomaalida
Minnesota oo u Ciidey si Heer Sare ah
Qiyaastii 10,000 oo muslimiin ah ayaa Axadii
salaadii ciidul-adxaa ku tukadey bartamaha magaalada Minneapolis ee gobolka
Minnesota, USA...
Guji...
C I I D M U B A A R A K
Hambalyada Bahda SomaliTalk
ee Ciidul-Adxaa
2-million oo qof oo Gutey Xajka Sannadkan 1424
Guji [
Feb 1]
Faafon: SomaliTalk.com | feb
1, 2004

Sawirada: SaudiGazete,
Islamonline, CBC |