SOMALITALK.COM



EID GREETINGS

Eidmubarak.com

Eid Mubaarak...

khalidmosque.com


Home | Webs | Email | TellFriends | Search | Eid 1423 |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
| Zakaat | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat | Hajj |

HAMBALYO CIIDA BARAKAYSAN
EID MUBAARAK 1424
Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. La ila-ha ill-lal-lah. Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. Wa-lilahill xamdu. * * * * Allah is great, Allah is great. There is no god but Allah. Allah is great, Allah is great. And all praises are for Allah.
الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Bismillah:
XAJJ 1424

In Kabadan 2-Million oo Xujey ah oo Sanadkan Gutey Xajka

Waxaa maalintii shalay (Sabti Jan 31, 2004) isugu soo baxay buurta Carafa in kabadan 2-million oo xujey ah. Markii qoraxdu dhacdayna waxay xujaydii u dareereer dhankaas iyo Muzdalifa si ay halkaas ugu negaadaan xalay oo ay maanta (Axad Feb 1, 2004) oo Ciid ah ay u tuuraan dhagaxa [ MINA]. Dhanka kalena waxaa maanta ciidaya gebi ahaanba dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan daafaha dunida.

Wasiirka arimaha gudaha ee sucuudiga waxa uu xujeyda sanadkan ku qiyaasay 1,419,706 kuwaas oo ka kala yimid dunida dacaladeeda. Tiradaas waxaa dheer sida uu sheegay wasiirka xajka sucuudigu waa 250,000 xujey ah oo ka yimid dalka Sucuudiga iyo weliba tiro aan la cayimin oo ah dadka degan magaalada Makka.

CIID MUBAARAK

Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr  

Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.

Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan umadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida.

Waxaan xujeyda sannadkan 1424 u rajaynaynaa baraara iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo cibaadadooda. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID MUBAARAK.

Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda ha isuwanaajiyo.

Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha noosoodiray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.

Allah sannadkan fooda inagu soo haya ee 1425 hakadhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaaliya iyo dunida oo dhanba. insha Allah.

Marlabaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma.

Kulu Caam wa-antum Bikheyr.

CIID MUBAARAK

2 million oo Qof oo Sannadkaan Soo xajidey

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Wabillaahi Towfiiq

 

Bahda SomaliTalk.com
Hajj 1424 | Feb 1, 2004


Ehalkaaga iyo Asxaabtaada ma u direysaa Hambalyada Ciida Ramadaan, Soobooqo boggaga hoos kuqoran:

WAXYAABAHA SUNNADA AH MAALINTA "IIDA" [osmanB.]

MA-OGTAHAY:  Sannadka cusub ee Islaamkuna uu bilaabmi doono 21 Febraayo, Maalinta cashuurana ay ku beegan tahay 1da Maarso, bisha Ramadaana 15ka Octobar, insha Allah, ee isxisaabi

FADLIGA SALAADDA: http://somalitalk.com/salaat/ 

SAWIRADA: SaudiGazete / IslamOnline

 

SIIRADA RASUULKA SCW:
index | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35

 

SAXAABADA 0 | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | maanta
SOONKA: GUJI....  
SAKADA:
1  | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7  
 

Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.