SomaliTalk.com
Tell A Friend

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
Wadahadal >> Afgarad >>Heshiis >> Nabad >> Barwaaqo
Carta oo lagu dhisi doono dawlad ku meel gaar ah oo kadhalata Soomaaliya
Carta, Cali-Sabiix, Jabuuti

Abshir Abshir
Abshir2@aol.com
Carta, Jabuuti
June 19, 2000
(Arte, Djibouti) Salaan ka dib, waxaan maanta jeclaan lahaa in aan halka idiin ku soo gudbiyo wixii war ah sida shirku u socdo ilaa iyo hada.

Sida aad la socotaan shirku wuxuu ku guulaystay in uu gaaro qaybtii ugu danbaysay ee dib u heshiinta Somaliyeed. Malinta Shirku furmay waxaa furay Madaxweyne Ismaciil Cumar Gele. Furitaan shirku wuxuu madaxweynuhu ka aqriyey qudbad aad u qiimo badannayd kana tarjumisay dareenka qalbigiisa iyo rabitaan shacabka reer Jabuuti ay ku donayan in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye ee ka dheexeya shacabka walaaha ah ee Somaliyeed.

Ka dibna waxaa halkaa lagu doortay labo shir gudoomiye. Markii si qoto dheer ah looga baaran dagay, loona falan qeyey cidii wadi lahayd shir gudoonka waxaa ergoyinka meesha isigu yimid si xushmad ku jirto iyo qadarin leh u doorteen Hassan Abshir Farah iyo Cabdulqadir Deerow. Ka dibna labada Gudoomiye waxa ay ergooyinka u soo gudbiyen qaabka shirka loo wadi doono iyo qodabadii ugu waa weyned ee shirka looga hadli! lahaa.

Markii taas laga soo gudbo, qofkasta oo shirka galaya waxaa laga rabaa teesaraha shirka in uu haysto, nadaam keedana aad baa loo ilalinaya. Qofkii doonayo in uu galo shirka waa in uu haystaa ogalasho Ismada qabiilkisa si u helo teesaraha shirka. Kuwii ugu danbeeyey ee loo suubiyey teesaraha waxa ay ahayeen ergayinka ka socday Puntland, qaarkaleetana waa la sugayaa ergo iyo Ismoba in ay ka yimadan Puntland.

Lakiin waxaa farxad leh in maanta ismadii intii badnayd ay weli joogan Jabuuti, shaqada dib u heshiisintana si aan caadi ahayn u wadaan. Ergooyinka ka dhimana waxaa la filaya in mudo dhow la buxin doono haddi eebe ka raali noqdo.

Ismada reer Puntland ee jooga Jabuuti tiradoodu waa afar iyo toban ka kala socdaan gobalada iyo degmooyinka Puntland. Markii aan shirka lagu jirin, ergooyin kala duwan waxa ay galaan shirar gaar ah oo ay ku dhamaynayan dhibaatoyinka dhexdooda yaalo. Dadkaa mesha jooga waxaa wajiyadooda ka muqata wanaag iyo in ay ka daleen dagaalka sokeeye, waxayna rabaan inay mar uun ka baxaan walida oo inta badan ay wadaan shaqsiyaad donaya dantooda gar ahaaned.

Tan kale waxaan halka raba in aan idinka sheego in shacabka iyo dawlada Jabuuti aad ay noo soo dhaweeyen Somali oo dhan naguna hayaan ha dhicina ha jabina walalehena Somaliyeed. Dadkaasi waxa ay naga mudan yihiin mahad balaran iyo sharaf aan dhamaan doonin.

Guud ahaan, shirku waa ay cadahay in Arte lagu dhisi doono dawlad ku meel gaar ah oo ka kooban Somali oo dhan maxaa dhacay cid kamaqan majirto oo nabad iyo wanaag rabto.

Abshir Abshir
Abshir2@aol.com
Carta, Jabuuti


Posted by SomaliTalk.com team
June 19, 2000

Kor / Up

Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great
.
.
Canug Soomaaliyeed oo reer Christian loodhiibey

Maxkamadda Sare ee Mareykanka waxa ay diidey in ay dhegeysato rafcaanka laba waalid oo Muslim ah oo deggan Portland...
Guji halkan...
SomaliTalk June 10, 2000
.
Hambalyo iyo Bogaadin Ardada Soomaaliyeed

Akhristayaasha SomaliTalk waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ardada Soomaaliyeed ee Sannadkaan ka qalin jibeyey qaybaha kaladuwan ee waxbarashada meelkasta oo ay joogaanba
Guji halkan...
SomaliTalk 2000
.
freemail


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback