Akhristow waxba yaanan hadal kugu daaline Duuliyahii sare ee diyaaradda
Daallo hogaanka u hayey ayaa seddex Saacadood ka dib abaaro saacadda beriga
afrika markay tilmaamaysay 8:00 subaxnimo wuxuu ka kiciyey rakaabka
diyaaradda intii hurday hurdada kuwii kalana wuxuu ku war geliyey in
diyaaraddu muddo gaaban ay fadhiisan doonto madaarka Magaalada Jibouti,
waxaa jidhkayga ka booday jidhiidhici aan la koobi karayn, tiif inbadan oo
qalbigayga iyo maskaxdayda ku raaktay ayaa xaqiiqdii ay dareemeen saaxiibo
badan oo wakhti koobna ee diyaaradda aan rakaabka u ahaa agtayda fadhiyey
aanu ku saaxiibnay, waxaan indhaha si dareenleh ula raacay hareeraha
madaarka Magaalada Djibouti waxanay naftaydu aamintay in muddo ku dhaw 5
sanno ka dib ay ruuxdaydu ku soo laabatay beriga afrika.

Muddo hal saac iyo badh ah ayaanu ku nasanay Madaarka Caalamiga ah ee
jamhuuriyadda Jibouti, waxyaabaha naftayda ka yaabayey intii aan ku sugna
Jibouti waxay ahayd iyada oo ciidamada cirka ee dalka maraykanku si toos ah
u adeegsanayaan madaarka caalamiga ah ee magaalada Djibouti, iyadoo aad
arkayso markay diyaaraddu kula tegto, noocyada F16 iyo diyaaradaha dagaalka
Maraykanka oo si hoos ah u dul heehaabaya madaarka Magaalada Jibouti,
qaarkoodna aabay qabsadeen khariiraddii ay diyaaraddaha ganacsigu ku soo
degeyeen, runtii qosol badan iyo farxad badan oo naftayda saaqday awgeed
ayaa waxaa iga dareemay rag badan oo aanu isku baranay intii aan nasashada
ku ahaa madaarka, waxaanay igu boobeen su'aalo kala gedisan aniga oo
dareenkaygu aanu joogin ayaan runtii si qunyar ah uga jawaabaayey,
waxyaabaha naftayda ka yaabiyey qaddarkii aan ku nasanaayey madaarka
magaalada Jibouti waxaa ka mid ahaa iyada oo si weyn loo hadal hayey
doorashada Madaxtooyada Dalka Jibouti oo la quudaraynaayo inay dhawaan ka
dhici doonto Waddanka Jibouti, Nin dhalinyaro ah oo kuwa ka shaqeeya
Madaarka jibouti ayaa wuxuu ku boobay hadalo dadkii watay Basaboorada Dalka
Jibouti ee aanu wada soconay, isaga oo dhoola cadaynaya ayaa wuxuu yidhi "Mudane
Ismaciil doorkani cidi la tartami mayso!!" isaga oo kaftan uga dhigaayey
dadka la filaayo inay codkooga siiyaan isbahaysatada mucaaridka ee dalka
Jibouti.
Waxba yaanan hadal idinku daaline waxaa Madaarka Jibouti aniga iyo Rakaab
aan tiradooda ku qiyaasay 20-neeyo qof oo ku kala socday Magaalooyinka
Hargeisa iyo Muqdisho naga soo qaaday diyaarad yar oo ah kuwa loo adeegsado
magaalooyinka Beriga Afrika ka dib markay diyaaradda Boeing-ta ah ee daallo
ay ku dhigto jibouti, Duuliyahii diyaaradda ayaa nagu war geliyey in ay
diyaaraddani cago dhigan doonto Madaarka Caalamiga ah ee "Egal International
Airport" Muddo 35 daqiiqo ah ka dib

Hargeisa City |
Runtii markaasi ayaa waxaa igu bilawday dareen ka xoog badan kii hore ee
aan qabay, muddo 30 daqiiqo ah ka dib waxay diyaaraddu hawada u kor
heehaabto 40 Feet wax ka baxsan ayuu duuliyahii wuxuu hoos u dhigay jooga
sare ee diyaaraddu ku socotay, xaqiiqdii dhidid waaweyn ayaa iga soo booday,
bu'da indhahaguna waxay u balaqmeen si aan cadad iyo qiyaas lahayn, muddo
toban daqiqo ah ka dib saacadda afrikada beri markay tilmaamaysay abaaro
9:30 Subaxnimo ayaa waxaa dhinaca galbeed ee daaqadaha diyaaraddii yarayd ee
na wadday ka soo baxay hawo muddo badan nacawdeedu iigu danbaysay, naftayda
ayaa is bedeshay, waxaanan gallay dareen ka duwan kii hore aan u qabay,
waxaan dareemay Madaarka Hargeisa oo lagu sameeyey dayactir aad u fiican,
markaan dhulka cagaha dhigay ayaan arkay shaqaalaha diyaaradda Daallo oo
waji farxad ku jirto ku soo dhawaynaya dadka "Ku soo dhawaada dhulkiina
Hooyo" Ilaahay ayaan toban jeer u mahad naqay aniga oo si dareenleh u lahaa
"alxamdulilah, alxamdulilah" waxaan usoo dhaafay dhinaca dhismaha Madaarka
loogu tallo gallay dadka soo degay, waxaan qabay wergelin hore oo ahayd in
laga qaado dadka 30$ dollar oo dal dhis ah, markaan soo saaray ayaa waxaanu
indhaha isku dhufanay nin aanu is naqaanay oo madaarka ka shaqaynaaya
wuxuuna igu qaabilay sallaan naxariis badan ka muuqato, salaan ka bacdi ayuu
arkay gacantayda oo haysa lacagtii madaarka laga bixinaayey wuxuuna ii
sheegay inaan jeebka ku rito maadama oo aan arday ahay wuxuu iga qaaday
Passportkii isaga oo si farxad iyo rayn rayn ku jirto iigu soo gudbiyey
terminalka hore ee laga baxo ee Madaarka hargeisa, albaabka ayaa waxaa tagan
askari wuxuuna igu qaabilay weji furan isaga oo igu yidhi "Ku soo dhawaw
Hargeisa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland" .
Madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeisa (egal int airport)
Waxaan hore usoo dhaafay gaydhka wayn ee Madaarka looga baxo dibadda,
waxaanan indhaha la raacay dad badan oo tubna Madaarka hortiisa oo badankood
quudaraynaayeen ehelkooga oo imanaayey, waxaanu indhaha isku dhuftanay nin
aanu saaxiib ahayn ehelna ahayn oo madaarka igaga horymid, si deg deg ah
ayaa la iigu qaaday shandahadii iyo alaabtaan watay iyadoo gaadhi tagsi ah
la iigu raray, waxaan soo qaaday jidka dheer ee ka soo kicitama Madaarka
caalamiga ah ee Hargeisa waxaan indhaha la hellay Hotelka casriga ah ee
Ambasaddor oo markii aan waddanka ka ambabaxay shan sanno ka hor iska daa
dhisme eh aan seeskiisu taagnayn, Magaalada Hargesa waxaan ka dareemay dhaq
dhaqaaq ganacsi oo farabadan hareeraha waddooyinka waxaa tobna meherado iyo
goobaha lagu iibiyo qaadka oo si weyn ugu battay aragti ahaan indhayga,
dadku si farxadleh ayey isku dhex qaadayeen wallow aan kaftamo ah aragti
ahaan aan dareemay Ragga oo ay ka muuqato madaw badan iyo dumarka oo aad
moodo xuural cayn cadaanka awgeed oo aabad mararka qaarkood is odhanayso
malaha dadkani isku jinsi maaha!! waxaan su'aal la beegsaday raggii igu soo
dhaweeyey Magaalada aniga oo Su'aalay innay isiiyaan axwaasha Waddanka
waxaanay iigu jawaabeen kelmad caan ah oo runtii dadka noogu yimaadda
Pakistan aan ka maqli jiray Hargeisa waa nuuraysa balse waxaa jira horumar
la'aan xagga dawladda Sare ah, runtii anigu ma dareemin horumar la'aanta ay
saaxiibaday ii sheegeen, waxaan indhaha la raacay dadka jidka aan maraayey
dhex laafyoonaaya waxaanan arkay dad qurux badan oo si fiican u lebisan,
dhibaatada keliya ee indhayga qabanaysay waxay ahayd Geedka Qaadka oo faro
baas dalka ku haya, iyada oo la ii sheegay in yar iyo weyn bahalkaasi
gelinka danbe yar iyo weyn loo wada fadhiisto, Gunta iyo geba-gebada aniga
oo jecel inaan dib u dhigto warbixino badan oo caasimadda Somaliland
Hargeisa aan ka soo diri doono oo taabanaya dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha,
Bulshada, Caafimaadka, gacansiga iyo dhinac walba ayaan ku qeexi kara
Hargeisa Magaalo Degen, Ganacsi badan la ciir ciiraysa wallow la ii sheegay
in dekedda Berbera dhaq dhaqaaqeeda ganacsi gabaabsi yahay sababta oo ah
sida la ogsoonyahay Xoolahii noola ee ka dhoofi jiray oo muddo aad u dheer
xanniban, Aan ku qeexi karo Magaalo wadne u ah Waxbarashada oo aad arkayso
ardayda oo si rucub rucub ah wakhti kasta iyagoo buugaag iyo qalimaan watta
u dhex laafyoonaya waddooyinka Magaalada Hargeisa, Dadka ayaa badidood waxay
afka ku hayaan doorashada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhawaan
Xukuumaddu ku dhawaaqday inay dib uga dhigtay wakhtigii loogu tallo-galay oo
ku beegnayd 29 March ee sannadkani 2005, indhaygu ma qaban dhaq dhaqaaqyo
siyaasadeed oo xiisadaysan sidaan filaayey balse hadana afka dadka kama
maqna, waxaanu ballan sanahay maalmaha soo socda dad masuulyiin ah oo aan
jecelahay inaan hasaawi gaar ah kala yeesho hadaanta Siyaasadeed ee Geyiga
Somaliland.
WAA
WARBIXINTII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
LINK:
www.somalitalk.com/diridhaba