SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
Madaxdii Adduunka: Qarniyada 20aad & 21aad:
Daabaco Boggan | Print

SADDAM XUSEEN



XULASHADA HOGAAMIYAYAASHA: QAYBTII LABAAD WAA KUMA SADDAM XUSEEN

 Qaybtii hore ee Waa Kuma Saddam Xuseen waxaynu kaga hadalnay taariikh nololeedkiisi, soo koritaankiisi saaxadda awoodeed ee dalka Ciraaq, iyo awooddii baaxada lahayd ee uu ku yeeshay Xisbigii Hantiwadaaga “Bacath” iyo weliba bedelkii u u bedelay Madaxweyne Al Bakr ee uu ku noqday Madaxweynaha dalka Ciraaq, dibu shandhayntii uu ku sameeyey maamulka sare ee xisbigiisa Bacath.

 Hadaba qaybtani labaad waxaynu ku soo qaadan doona Dagaalkii Saddam Xuseen la gallay waddanka Iran, qabsashadii uu qabsaday Kuwati iyo dagaalkii aan dhamaadka lahayn ee ka bilawday gacanka Carbeed    

DAGAALKII IRAQ IYO IRAN

 Sannadkii 1979-kii waxaa afgambi hogaanka Iran lagaga xayuubiyey Boqorkii Sunni-ga ahaa ee waddanka Iran xukumaayey Boqor Shah Mohamed Reza Pahlavi waxaana afgambi hubaysan tallada dalka Iran kula wareegay, hogaamiyahii kacaanka Islaamiga ahaa ee mudada badan dalka Iran musaafuris dibadiisa ugu maqna waa Ayatullahi Khumaini, Khumaini iyo wadaadadii shiicada ahaa ee ku wareegsana waxay Iran ka yagleeleen Jamhuuriyad Islaami ah, taasina waxay war war ku reebtay dalal badan oo carbeed oo xidhiidh sokeeye la lahaan jiray dalka Iran oo shiico badan ku leh dhulkooga  sida Waddanka Ciraaq oo Saddam Xuseen uu taxadar weyn ka muujin jiray inuu ka tirtiro ama aan Ciraaq gudaheeda aanay ku baahin nidaamka Islaamnimada ama diinta ku xidhani Maadama oo dadka Ciraaq %60 ama badankood ay yahiin dad Shiico ah oo ku hoos noola dawlad xukunkeeda sare tahay Sunni, Saddam Xuseen wuxuu u arkay Khumaini iyo nidaamkiisa cusub ee uu ka yagleelay Tehran inay khatar gelin karto xukunkiisa iyo weliba awoodiisa uu ku lahaa mandaqadda.

 
Ayatullahi Khumaini
 

Sidoo kalana intii uu Khumaini musaafuriska kaga maqna Iran Gudaheeda wuxuu talxiil ku joogi jiray waddanka Ciraaq gudahiisa halkaasi oo intii uu joogay waa sannadahii u dhexeeyey 1964-kii ilaa 1978-kii, Saddam Xuseen shaki weyn ka muujiyey Ayatullahi khumaini oo waagaasi Karballa iyo magaalooyinka Shiicadu degto Ciraaq gudaheeda ka aas aasay dhaq dhaqaaqyo u jan jeedha Shiicada Muslimka ah, Sannadkii 1978-kii ayuu Saddam Xuseen ka musaafuriyey Ayutallahi Khumaini Ciraaq gudaheeda, hadaba Sannad ka dib markii uu Khumaini qabsaday hogaanka Sare ee dalka Iran waxaa bilaabmay shaki weyn iyo weliba necayb gun weyn oo salka ka soo bilawday, Maadama Saddam Xuseen taxadar weyn aalaba ka bixin jiray in uu arko nidaam salka ku haya dhaq dhaqaaqyo islaam, wuxuu go’aan ku gaadhay inuu ka takhaluso ama xukunka Ayatullahi aanu ku raagin Tehran.

 Muddo bilo ah ka dib markii Ayatullahi Khumaini la wareegay hogaanka Dalka Iran waxaa labada dal waa Ciraaq iyo Iran xuduudka labada dal  ku dhex maray dagaalo yar-yar oo googoos ahaa oo labada ciidan ay iskaga horyimaadeen kuwaasi oo hadafkoogu ahaa muran dhuleed oo xuduudka labada dhinac ku dhereran dhulkaasi oo ahaa Biyo mareenka “shatul Arab” oo labada dalba sheegan jireen.


Biyo mareenka shatul Arab oo ay ciraaqiyintu garacayaan.
 

Bishii September 22-keedii Sannadkii 1980-kii ayaa labada dal waa Ciraaq iyo Iran waxaa xuduudka kala qaybiya ku dhex marray dagaal qadhaadh oo aan joogsi lahayn, kaasi oo salka ku hayey muran xuduudeed oo ay ku muran sanaayeen biyo mareenka “Shatul Carab” dagaalka waxaa bilaabay Saddam Xuseen oo taageero military iyo dhaqaalaba ka helaayey Midawgii Soveitka iyo dalka Maraykanka labadoodaba kuwaasi oo aan doonaynin inay arkaan Kacaan Islaami ah oo ka bilawda Mandaqadda beriga dhexe iyo dunida Islaamka.

                Saddam iyo Rumesfeld oo kulmaya

Maalmahii dagaalku bilawday waxaa labada ciidan ee labada dhinac is dhaafsadeen dagaal xoogan oo dhinaca dhulka ah, Ciidamada Ciraaq waxay garaac xagga gantaalaha ah oo aan joogsi lahayn ku ganeen dekedaha waddanka Iran iyo dhulka Saliidda iyo bansiinka ku qaniga ah ee Iran waa gobolka carbeed ee loo yaqaano “khuseztan” waxaa ciidamada dhulka ee Ciraaq ay heleen guulo badan oo ay ka gaadheen dhinaca dhulka iyaga oo hore ugu ruqaansaday xuduudka baaxadda weyn ee labada dal kala qaybiya balse Ciidamada Iran waxay abaabuleen inay isku biimeeyaan cutubyada dagaal ee dhulka ee dalka Ciraaq iyaga oo miinooyin isku soo rakibaayey iskuna dhex qarxinaayey iyaga oo biimays ah (Human wave shield) , taasi waxay khasaaro laxaadleh u gaysatay ciidamadii waddanka Ciraaq ee guulaha dhuleed hellay waxaanay ku khasabtay inay dib usoo gurtaan.

 Sannadkii 1982-kii laba sanno ka dib dagaalka labada dal markii uu bilawday ayaa Saddam Xuseen wuxuu dejiyey nidaam kale oo uu ku doonaayey in dagaalka labada dal ku joogsado, Iran laftigeedu waxay qabtay dareen ah in ay faraha la gashay dagaal qadhaadh oo aan maskaxdooda weligood ka bixi doonin, kaasi oo labada dhinacba ay gaysteen foolxomooyin dagaal, intii uu dagaalka labada dal socday Ciidamada Ciraaq waxay u adeegsadeen ciidamada Iraniyiinta iyo weliba Kurdiyiintii kacdoonka wadday  Hubka khatarta ah ee Kimikalka (Chemical Weapons), Bishii March 16-keedii sannadkii 1988-kii Ciidamada Ciraaq oo doonaayey inay tirtiraan ama dhulka dhigaan Shacabka Kurdiyiinta oo kacdoon sameeyey ayaa waxaa iskaga horyimid kumanaan qof oo mudaharaadayey magaalada Halabja iyo ciidamada waddanka Ciraaq, dabadeed Ciidamada Ciraaq waxay u adeegsadeen Maadooyin ka samaysan sunta kimikalka ah iyo weliba sun ka samaysan kuwa neerfaha bini-aadmiga waxyeeleeya (Chemical and nerve danger poisons) waxaana halkaasi ku naf waayey dad tiradooda lagu qiyaasay shan kun (5000 oo qof) oo kurdiyiin ahaa oo iskugu jiray maati, caruur iyo dad aan waxba galabsan, inkasta oo dhimashada dadkaasi la sheego mararka qaarkood in la buun buuniyey sidoo kalana la sheego in suntan ay ku dhinteen aan la garan Karin meel ay ka timid iyadoo wakhtigaasi dagaal culusi u dhexeeyey labada dal ee Ciraaq iyo Iran.

 Xiisadda dagaal ayaa sii fogaatay Saddam Xuseen wuxuu garaacay albaabada dalalka carbeed isaga oo ka raadsanaayey taageero dhaqaale iyo weliba diblomaasiyadeed si uu xukunka uga xayuubiyo Ayatulahiyada Tehran, Sidoo kale Taliskii Tehran iyo Ayutallahi Khumaini wuxuu ku adkaystay inuu doonaayo inuu diirka ka saaro fikradaha qalafsan ee Saddam Xuseen ee ka dhanka ah in kacaanka Islaamku ku fido gudaha dalka Ciraaq, waxaanu Khumaini sannadkii 1988-kii ku gacan saydhay xabbad joojin uu dalka faransiisku usoo bandhigay labada dhinac.


Maydka oo daadsan xuduudka labada dal kala qaybiya iran-iraq
 

 Dabayaqadii sideedtameeyadii ayaa labada dal waxay joojiyeen dagaalkii Sideed sanno jirsaday waxaana lagu qiyaasay inay ku naf waayeen dad tiradooda lagu qiyaasay 1.7 milyan qof oo labada dhinacba ah, sidoo kale waxaa ku burburay hanti dhan 80 bilyan oo dollarka maraykanka ah, Amaah badan oo Saddam Xuseen ka qaatay dalka maraykanka Maamulkii Reagan ee waagaasi ayaa wuxuu isbiday Saddam inuu yahay nin aan la ceejin Karin oo ah geesiga carbeed ee tahli kara inuu soo celin karo xuquuq kasta oo dadka carabta ahi sheeganayaan, sidoo kale Saddam kuma ekayn Amaahda uu ka qaadanayey dalka maraykanka eh wuxuu Amaah badan ka soo qaatay wadamo badan oo carbeed oo saliidda qanni ku ahaa sida Kuwait iyo Sacuudi Arabia, ka dib dhamaadkii dagaalkii qadhaadha ee Iran iyo Ciraaq Saddam Wuxuu markale carabta ka dalbaday lacag amaah oo kale si uu Ciraaq dibu dhis ugu sameeyo. 

XIISADDII DAGAAL EE CIRAAQ IYO KUWAIT

 Saddam Xuseen wuxuu cadaadis ku saaray dalka Kuwait inay ka dhaafaan lacag amaah ah oo qiimaheedu dhannayd 30 Bilyan oo dollarka maraykanka ah oo uu ka qaatay wakhtigii uu ku jiray dagaalkii Iran, wuxuuna ku doodaayey in uu dagaalka ugu jiray danta wadamada gacanka Carbeed iyo weliba dalkiisa Ciraaq oo uu ka dhicinaayey gardarada dalka aan carabta ahayn ee Iran oo doonaayey inay weeraran waa siduu aaminsanaaye dalalka qanniga saliidda ku ah ee carbeed sida Kuwait, Sacuudi Arabia iyo isku tagga Emirate ka carabta, waxaanu u sheegay Amiiradii Kuwait in uu Kuwait ka bad baadshay gardaradii Iran sidaa darteed aan lalaba soo qaadi Karin lacagtaa Amaahda ah.

 Sidoo kale Saddam Xuseen wuxuu cadaadis ku saaray ururka dalalka qanniga ku ah  Saliidda adduunka (OPEC) inay kor u qaadan qiimaha adduunka saliidda ay kaga iibinayeen sababta oo ah isaga oo doonaayey inuu iskaga bixiyo amaahdii badnayd ee lagu lahaa dalkiisa iyo weliba inuu kor ugu qaado dhaqaalaha waddankiisa oo ku burburay dagaalkii uu Iran la gallay, balse soo jeedintaasi uu Saddam usoo jeediyey OPEC inay kor u qaadan qiimaha Saliidda waxaa ku gacan saydhay dalka Kuwait waxaanay Kuwait taageero laxaadleh ka gaysatay olole balaadhan oo ay u gasho in saliidda qiimahii ay taagnayd hoos loogaba sii dhigo, iyadoo Ciraaq wakhtigaasi doonaysayba in qiimahaasi kor looga qaado, Kuwait waxay soo saartay Saliid badan oo Suuqa si baaxadleh u gashay si saliidda adduunku hoos ugu dhacdo, taasina waxay ka cadhaysiisay Saddam Xuseen iyo Maamulkiisi.

 Midda kale ee meesha taallay waxay ahayd iyadoo Ciraaq ay dayacday ceelal badan oo ku yaallay xuduudka u dhexeeya Ciraaq iyo Kuwait, kuwaasi oo muran siyaasadeed dhex galiyey labada dal, sidoo kale Saddam Xuseen oo shakhsiyan u aaminsana midaynta carbeed ayaa wuxuu ku tirin jiray Kuwait qayb ka mid ah Ciraaq oo maxmiyaddii ingiriisku ka jartay, taasi oo caan ku ahayd goobaha waxbarashada iyo manaahiijta Ciraaq ardayda reer Ciraaq-na u barran jireen juquraafi ahaan inay Kuwait ka mid ahayd dalka Ciraaq, Saddam Xuseen wuxuu dejiyey qorshe uu doonaayey inuu Kuwait dhamaanteed kula wareego maadama oo maraykanka uu taageero badan oo diblomaasiyadeed ka haystay uuna isku tiriyey inuu yahay libaaxa mandaqadda,
 

Dalka Kuwait dabcan waa dal Juqraafi ahaan ka yar Ciraaq, Kuwait bulshadeeda ama dadkeeda waxaa lagu qiyaasa 2 milyan oo qof, halka Ciraaq dadkeeda lagu qiyaaso 25 milyan oo qof, Kuwait waxay leedahay Ceelal saliideed oo le’eg tirada ceelasha saliidda ee ku yaal dalka Ciraaq gudahiisa (Saddam Xuseen wuxuu ku fikiray haddii uu Kuwait qabsado wuxuu taageero kaga helaya maraykanka iyo sovietka sidoo kalana wuxuu kula tartami karaa suuqyada saliidda adduunka oo uu ku yeelan karo %20, oo ah kaydka saliideed ee labaad ee adduunka ugu badanaya marka laga reebo waddanka Sacuudi arabiya oo leh kayd saliideed oo dhan %25 adduunka oo dhan) 

 

Saddam Xuseen wuxuu amar ku bixiyey in Saliidda ku jirta ceelasha xuduudka Ciraaq iyo Kuwait oo muran ka dhexayn jiray la qodo saliidana laga soo saaro, taasi waxay ka cadhaysiisay Boqortooyadii Kuwait oo u arkaysay inay tahay gardaro uu Xuseen la soo beegsaday, Saddam wuxuu waagaasi xidhiidh toos ah la lahaa wasaaradda arrimaha dibadda ee maraykanka oo uu ku wargelin jiray tallaabooyinkuu doonaayo inuu qaado, balse diblomaasiyiin Madax banaan ayaa xaqiijinaya inaan la caddayn Karin waxay wasaaradda ama waaxda arrimaha dibadda ee maraykanku waagaasi ugu soo jawaabi jirtay Saddam Xuseen.

 Saddam Xuseen waagaasi wuxuu lahaa ciidamo aad u tababaran oo ka soo laabtay dagaalkii Iran oo haysta qalab casri ah iyo weliba tababar aad u heer sareeyey, wuxuu amar ku siiyey ciidamada Ciraaq inay tagaan xuduudka Kuwait, waxaa xumaaday xidhiidhkii labada dal waa Ciraaq iyo Kuwait, balse Saddam kuma uu deg degin inuu weerar kadis ah la beegsado Kuwait wuxuu ka dhur sugay inuu war ka helo maraykanka oo ay aad iskugu dhawaayeen diblomaasiyad ahaan, Maraykanku wuxuu siiyey Saddam markii uu ku jiray dagaalkii Iran lacag dhan 40 Bilyan oo dollar oo amaah ah sidoo kale wuxuu deeq u siiyey 2 bilyan oo dollar oo uu saddam Xuseen ka doonaayey in uu xidhiidhka u jarro Sovietka.

 Safiirkii Maraykanka u joogay Baqdad oo magaciisa la odhan jiray  April Glaspie ayaa wuxuu kulan deg deg ah la yeeshay Saddam Xuseen 25 July sannadkii 1990-kii, Saddam Xuseen wuxuu dhinaciisa doonaayey inuu sii wado wada hadal nabadeed, xagga maraykanku doonaayey inuu ku qanciyo fikradahiisa khaaska ah oo uu doonaayey inuu ku qabso Saddam inuu si bilaa shuruud ah dib ugu soo celiyo ciidamadiisa uu u diray xuduudka Kuwait, sidoo kalana ka noqdo sheegashadiisa uu sheeganaayey Kuwait inay tahay qayb Ciraaq ka mid ah, sidoo kale Madaxweyne George H. Bush iyo wasiirkiisi Arrimaha dibadda James Baker waa ka gaabsadeen inay wax lug ah ku yeeshaan muranka xuduudeed ee labada dal waa Ciraaq iyo Kuwait sidoo kalana may jeclayn inay arkaan Ciraaq oo Kuwait weerarta.

 Saddam Xuseen wuxuu magacaabay ergey gaar ah oo wada xaajood Kuwait kula yeesha sidii xal loogu heli lahaa murankooga, waxaanu mar kale bilaabay inuu wada xaajood la yeesho balse kulan labada dhinac dhex  maray ayaa lagu guul daraystay in wax xal ah laga gaadho, ka dib guul darradaasi ku timid hanaankii wada xajood ee labada dal, Saddam Xuseen wuxuu amar ku bixiyey in ciidamadiisu geli karaan gudaha dalka Kuwait

 DAGAALKII GACANKA CARBEED IYO LUGTII UU KU YEESHAY SADDAM XUSEEN

 2-dii August Sannadkii 1990-kii ayaa Ciidamadii Ciraaq oo si toos ah uga amar qaadanaya Saddam Xuseen waxay galeen Kuwait waxaanay ku qabsadeen wax ka yar 5 saacadood gudaheed dhammaan dalka Kuwait, Maalmahii ugu horaysay ee dagaalka Madaxweyne George H. Bush-kii dalka maraykanku, wuxuu uga hadlay si dareen ku jiro gardarada Saddam Xuseen ku qabsaday Kuwait, balse hadana dhinaca kale Kuwait oo ahayd cadawga koobaad ee Israel xidhiidh diblomaasiyadeed oo adagna la lahayd Sovietka ayuu ka gaabsaday inuu faragelin toos ah ku abaaro, dhinaca kale ayaa khubaro Militery, Siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka socday Washington iyo beriga dhexe waxay wal wal weyn ka bixiyeen burbur weyn oo ku soo foodleh balaayin dollar oo dalka maraykanku mandaqadda beriga dhexe ku maal gashaday, taasina waxay baqdin ku keentay maraykanka oo ku taliyey inaan xaaladda sidaasi loo daawan, iyada oo baqdin weynna ku dhufatay dalka maraykanka oo ahaa mac miisha ugu weyn ee mandaqadda oo ka qaadan jiray saliidda iyo bansiinka inuu kor u kaco amaba dhammaan la waayo bansiinka beriga dhexe baqdin military awgeed.

 Madaxweyne George Hebert Bush-kii dalka maraykanka oo ka maag maagaya inuu dhex gallo ama ku lug yeesho arrinta Saddam ku qabsaday Kuwait ayaa wuxuu hadana ka maarsiin wayday inuu wada xaajood ula tago dalka Britain oo waagaasi xidhiidh jirrid adag la lahayd waddanka Kuwait oo ahaa Maxmiyadiisi hore, Maraykanka oo kaashanaya tallada ra’isal wasaarahii ingiriiska ee waagaasi Margret Thatcher oo ahayd gabadh adag oo Madaxweynahii  Bush ka horeeyey waa Reagan si weyn ula soo shaqaysay ayaa wuxuu soo hordhigay golaha ammaanka ee qaramada midoobay qaraar dhigaayey in ay Ciraaq ciidamadeeda kala baxdo dhulka Kuwait ama ay la kulanto tallaabo military oo adduunku iskugu bahaysan doono, qaraarkaasi waxaa sidoo kale lagu qanciyey midawgii Sovietka oo wakhtiyadaasi burbur ku dhawa, waxaana qaraarkaasi ay beesha caalamku isku raacday wakhti kooban oo ay Saddam u qabatay inuu ciidamadiisa kala baxo Kuwait gudaheeda, balse Saddam Xuseen waa diiday wakhtigii loo qabtay inuu ciidamadiisa kaga soo saaro Kuwait gudaheeda, dhinaca kale Maamulkii Bush ee Washington wuxuu waagaasi shaki weyn ka qabay in uu Saddam Xuseen Kuwait uga sii tallaabi doono Boqortooyada Sacuudi Arabia oo maraykanka ka dhexeeyey xidhiidh soo jireen ah oo xidido badani u aasnaayeen ilaa 1940-kii, sababta uu shakigaasi maraykanka u gallay oo ahayd in boqortooyada Sacuudi arabiya ay ku mucaariday qabsashada uu Saddam Qabsaday Kuwait.

 Wixii intaa ka danbeeyey Washington waxay amar ku bixisay in ciidamo qaramada midoobay ka kooban ay u hogaamiso gacanka carbeed, waxaa kumanaan ciidamada maraykanka ah oo ay xulafaysan yahiin ciidamo ka kala socda waddamo kala duwan siiba waddamadii Ciraaq ugu dhawa sida Syria, Masar iyo weliba Chzolovakia, ahmiyadda qorsheed ee ciidamadan is bahaystay waxay ahayd in Ciidamada Ciraaq la go’doomiyo si loogu qasbo inay Kuwait ka baxaan waxaa ciidamadaasi la tubay Xuduudka ay Kuwait la leedahay dalka Saudi Arabia.

Waxaa beriga dhexe soo food saartay cabsi military oo adduunku iskugu bahaystay cududii military ee mandaqadda beriga dhexe waa ciidamada Ciraaq eh, wakhtigaasi ayaa qaramada midoobay waxay soo saartay wakhti kooban oo marlabaad Saddam Xuseen loogu baaqay inuu si nabad ah ciidamadiisa uga saaro gudaha Kuwait haddii uu doonaayo inuu wada xaajood beesha caalamku u dhantahay gallo. 


Gantaalaha Ciraaq oo ku habsaday Televiv

Balse Saddam Xuseen waa ku gacan saydhay wakhtigaa kama danbaysta ahaa ee loo soo jeediyey inuu ciidamadiisa  kaga saaro Gudaha Kuwait, wakhtigaasi waxaa soo cusboonaaday xiisadda falastiin iyo yuhuudda waxaana si weyn u kacsana shacabka falastiniyiinta oo u halgamaayey xorriyad, wuxuu Saddam Xuseen beesha caalamka usoo jeediyey inuu Kuwait ka baxayo haddii Israel ka baxdo dhammaan dhulka ay carabta ka haysato wuxuu markaasi ciyaaray siyaasad aad u fakir saraysay oo uu doonaayey inuu ku kala qaybiyo dalalka carbeed ee xulafada kula ahaa maraykanka qaraarkii qaramada midoobay, taasi waa dhabawday wadamo badan oo carbeed ayaa ku kala baydhay arrintaasi, balse markii ugu danbaysay ayaa la isku af gartay in la kala saaro arrinta falastiin iyo yuhuudda iyo arrintani Ciraaq iyo Kuwait, xiisadda dagaal ayaa saaqday dhammaan gacanka carbeed iyada oo saacaddu is tirinaysay, dhinaca kalana Ciidamada Ciraaq ee ku jiray gudaha Kuwait iyo weliba kuwa ku xeerna xuduudka Ciraaq ayaa lagu qiyaasay inay ahaayeen 175000 (boqol iyo shan iyo todobaatan kun oo askari), Ciidamada maraykanka oo xulafaysanaya kuwa ingiriiska ayaa soo gallay gudaha ciraaq, waxaanay haraareyeen ciidamadii Ciraaqiyiinta ahaa ee ku jiray ciidda Kuwait, xagga diyaaradaha dagaalka Fransiiska ee Miraj iyo kuwa ingiriiska ee Tornado ay garaaceen xarunta Ciraaq ee Baqdad, sidoo kale gantaalaha Al-Xusayn iyo weliba Al-Cabasi ayaa ciidamada Ciraaqiyiintu waxay ka soo ganeen badhtamaha Ciraaq iyagoo si tallan taalli ah ula dhacaayey xarunta Israel ee Televiv si ay ugu noqoto xulafada carbeed ee kula jira dagaalka maraykanka, france iyo ingiriiska farriin cad. 

 

 Balse ugu danbayntii ayaa cududii ciidameed ee gacanka carbeed waa ciidamada Ciraaq eh waxay tahli waayeen ama awoodi waayeen inay dagaalka kula sii jiraan xulafada is bahaysatay oo ay ka mid ahaayeen dalalkii dunida ugu waaweyna waa laga qabtay ciidamada Ciraaq 100,000 askari xagga ciidamada maraykanka ay kaga dhinteen ilaa 200 askari, sidoo kale waxaa khasaare badani soo gaadhay ciidamadii Ciraaqiyiinta ahaa ee Kuwait ku sugna, dabadeedna wuxuu golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ay gudoominayaan Maraykanka, France, Ingiriiska, Ruushka iyo China ay ku dhawaaqeen xabbad joojin buuxda in la gaadho Saddam Xuseen waa aqballay taasi, waxaana si xoog ah ciidamadiisii looga soo saaray qaarkoodna maxaabiis looga qabsaday gudaha dalka Kuwait.

 DHAMMAADKII DAGAALKII GACANKA IYO DHACDOOYINKII KA DANBEEYEY CUNAQABATAYTII QARAMADA MIDOOBAY

 Markii dagaalkii gacanku dhamaaday waxaa shacabka kala duwan ee Ciraaq sida shiicada,Sunni-ga, Kurdiyiintu ay dejiyeen dariiq cad oo ay ku midoobayaan sidii ugu yaraan Ciraaq 20 sannadood oo dagaal iyo xiisado siyaasadeed ah looga saari lahaa Saddam Xuseen-na loogu qancin lahaa inuu sameeyo siyaasad degen oo dunida lagula socdo, balse waxaasi oo dhan Saddam Cagta ayuu mariyey, wuxuuna ku qasbay dhammaan shucuubta Ciraaqiyiintu inay amarkiisa iyo odhaahdiisa ka danbeeyaan, 1992-kii ayaa CIA da maraykanku waxay dejisay qorshe ay doonayeen inay ku kiciyaan saddam Xuseen dadkiisa balse taasi waxay noqotay hal bacaad lagu lisay waxbana waa ka socon waayeen, maraykanku wixii intaasi ka danbeeyey wuxuu qaramada midoobay hor dhigay qaraar dhigayey in Ciraaq la saaro Cuna qabatayn xagga dhaqaalaha iyo inay dibadda wax ka soo dhoofsadaan ama u dhoofiyaan ah si loogu awood tiro muruqyadii Saddam Xuseen.

Maraykanku wuxuu soo jeediyey in la siiyo Kurdiyiinta ku xeeran Ciraaq, Turkiga iyo Iran xorriyad kaamil ah oo ay ku lahaadaan dal gaar ah, balse dalka Turkiga ayaa ku mucaarida ahmiyadaasi, taasi oo maraykanku uga gol lahaa in la helo xuduud kale oo lagu cidhibtiro Maamulkii Saddam Xuseen.

 Saddam Xuseen wixii ka danbeeyey dagaalkii gacanka wuxuu bedelay siyaasadihiisi uu ku dhaqmi jiray wuxuu huwaday koodh kale wuxuu soo jeediyey in dalka Ciraaq lagu dhaqo qaab diimeed, sidoo kalana laga mamnuuco dalka waxyaabaha reer galbeedku leeyahiin wuxuu dil usoo jeediyey dadka laga roonayaasha ah iyo weliba dadka khamriga iyo sinnada ku dhaqaaqa, sharciyadaasi islaamiga ah waxaa lagu darray sharciyo kale oo laga soo araartay qawaaniinta shiicada si loogu qanciyo bulshada shiicada ah, sidoo kale si beesha caalamka loo tuso in aanay Saddam iyo Ciraaq kala hadhayn waxaa callanka Ciraaq lagu darray kelmado uu saddam gacantiisa ku qoray.

 2003    IYO GELITAANKII CIIDAMADA MARAYKANKA IYO INGIRIISKA CIRAAQ GUDAHEEDA

 Saddam Xuseen wuxuu ku jiray maanka maraykanka baqdin looga qabbay inuu maruun weeraro Xulafada dalka maraykanka iyo weliba dannaha maraykanka ee beriga dhexe, maraykanku wuxuu maanka ku hayey Saddam Xuseen oo markale hella awood ciidameed iyo dhaqaale inuu khatar u yahay jiritaanka Israel ama maamulka Yuhuuda iyo weliba boqortooyada Sacuudi Arabia oo ay maraykanka wadaageen xidhiidh saaxibtinimo oo aad u qoto dheera, Madaxweyne Bill Clinton wakhtigiisi waa intii u dhexaysay 1993-kii iyo 2000 eh wuxuu ku cadaadin jiray Ciraaq cunaqabataynta ay qaramada midoobay saartay waxaa kale oo uu sameeyey goobo laga mamnuucay in ay diyaaradaha ciraaqiyiinta ee rayidka iyo weliba dagaalku maraan “Iraqi no Fly-Zones” si loogu xannibo Ciraaq inaanay dhaafin ama ka talaabin cunaqabataynta sidoo kale maraykanku wuxuu bedda carbeed dhigay maraakiibtiisa dagaalka si loo baadho ama loo ogaado inay ciraaq galayaan wax hub iyo raashin ah oo aanay qaramada midoobay ogayn.

 Hal sanno ka dib markii uu Madaxweynaha hadda tallada maraykanka haya waa Madaxweyne George W. Bush oo ah wiilka curdeed ee Madaxweynahii dagaalka Ciraaq ku bilaabay ee maraykanka George Herbert Bush  la wareegay xilkii Madaxtinimo waxaa dalka maraykanka ka dhacay dhacdooyinkii 11 September ee daarahii dhaadheera ee Ururkii ganacsiga adduunka iyo weliba guriga gaashandhiga dhulka loo soo dhigay ee ay ku naf waayeen tiro dad ah oo dhamayd 2500 oo qof, Madaxweyne George W. Bush-ka dalka maraykanku wuxuu qudbadiisa sannad laha ah ee uu u jeediyo labada gole ee dalka maraykanka ee loo yaqaano “State of the union address”  ku darray Ciraaq wuxuu ugu yeedhay dalalka “Seefta shaydaanka” “axis of the evil” isaga oo maalintaasi waa bishii January ee sannadkii 2002 eh ka khudbadaasi sannad laha ah u jeedinaayey labada gole ee maraykanka wuxuu yidhi Bush “Taliska ciraaq wuxuu caadaystay inay horumar ku sameeyaan hub ay ku khal khal geliyaan mandaqadda beriga dhexe, waanu ognahay in keligii taliyaha Ciraaq (Saddam Xuseen) oo samaystay huba khatarta ah ee kimikalka sida suntan neerfaha iyo weliba Maadada Anthrax-ka. 

 
Madaxweyne Bush oo labada gole u jeedinaya khudbadiisi Jan-2002

Wuxuu Bush ku qeexay khudbadiisaasi inuu tallaabo ka qaadi doono ama uu ka tuuri doono xukunka Saddam Xuseen, waxaa kale oo uu ku eedeyey Saddam Xuseen inuu taageero siiyo waa siduu Bush hadalka u dhigaye Wuxuu ugu yeedhay argagixisada.

Balse gudidii golaha senate-ka ee loo xil saaray inay soo baadhaan inuu Saddam Xidhiidh la lahaa qaraxyadii ama weeraradii loo gaystay maraykanka 11 september ayaa ay xaqiijiyeen in Saddam Xuseen lagu waayey inuu wax xidhiidh ah la lahaa ururka Alqaacida.

 Bush wuxuu go’aan ku gaadhay inuu si kasta ha ahaate mansabka awoodeed ka wareejiyo ama ka xayuubiyo Saddam Xuseen wuxuuna kumanaan ciidamada maraykanka oo taageersanaya ciidamada ingiriiska ah soo dhoobay xuduudka waddanka Kuwait, iyada oo dagaalku uu maalmahaasi yahay mid cad oo aan qarsoodi ahayn saacaduna is goraysay ayaa waxaa Saddam Xuseen waraysi la yeeshay oo Baqdad ku booqday weriye ka socday Televisionka maraykanka ah ee CBS oo magaciisa la yidhaahdo Dan Rather, wuxuuna Saddam waraysi siiyey weriyahaasi, weraysigaasi oo socday in ka badan 3 saacadood wuxuuna ahaa waraysigii ugu horeeyey ee weriye maraykan ahi la yeesho Saddam Xuseen.

 Ciidamada maraykanka oo xulafaysanaya kuwa Ingiriiska ayaa ku jabiyey kuna baabiyey ciidamadii xoogga dalka Ciraaq waxaanay Muddo Seddex todobaad gudahood ah ku galeen gudaha magaalooyinka waaweyn ee dalka Ciraaq, maraykanku intii uu dagaalkaasi seddexda todobaad socday waxay isku dayeen seddex jeer inay kaga takhalusaan Sadam Xuseen balse seddexda jeerba waa la waayeen, 8 april maalin ka hor markii ay maraykanku qabsanayeen Baqdad Saddam Xuseen oo ku labisan dharka ciidamada Ciraaq ayaa lagu arkaayey meel duleedka baqdaad ah isaga oo la jooga taageerayaal badan oo uu leeyahay.

 QABASHADII SADDAM XUSEEN

 Waxaa todobaadyadii ugu horeeyey ee xulafada maraykanka iyo ingiriisku galeen Ciraaq lagu dawakhay in la ogaado meesha uu Saddam Xuseen ku suganyahay Saxaafadda Madaxa banaan ayaa waxay markii ugu horaysay kamaradda la heleen goobahii uu Saddam Xuseen ku raaxaysan jiray, iyo weliba qasriyadii kala duwana ee uu ku raaxaysan jiray, todobaadadii xigayna waxaa laga war hellay cajalado cod ah oo uu usoo diri jiray Saxaafadda Afka carabiga ku hadasha sida saldhiga Televisionka la iska arko ee afka carabiga ku hadla ee Al jazeera ee xaruntiisu tahay Magaalada Doha ee dalka Qatar, maraykanku waxay daabaceen sawiro ay ka sameeyeen turub oo ay saddam Xuseen qabashadiisa ku dareen liiska qofka koobaad (Wanted Number 1), waxaa maalmahii hore adkaatay in laga helo meesha uu Saddam Ku suganyahay wax war ah sidoo kale waxaa lagu dawakhay in la qabto isaga laftigiisa iyadoo markaasi ay ciidamada maraykanku gacanta ku dhigeen saraakiishii ugu saraysay waddanka Ciraaq sida Madaxweyne Xigeenkiisi Daha Yasin Ramadaan, Ra’isal Wasaarahiisi Tariq Casiis, sidoo kalana bishuu July waxaa la dilay labadiisii wiil Quday iyo Usay.

 14 December ee sannadkii 2003 ayaa wakaaladda wararka ee jamhuuriyada islaamka (Islamic Republic News Agency “IRINA” oo soo xiganaysa hogaamiyaha kurdiyiinta Jalal Talibani waxay xaqiijisay in ciidamada maraykanku ay gacanta ku dhigeen Saddam Xuseen, intaa wixii ka danbeeyeyna waxaa xaqiijiyey qaar ka tirsan gudididii ku meel gaadhka ahayd ee Ciraaq xukumaysay, inyar ka dibna waxaa shirar jaraa’id oo is xiga qabtay wakiilkii maraykanka u xil saarna Ciraaq “Paul Bremer” iyo ra’isal wasaarahii ingiriiska Tony Blair Bremer oo hadlaya wuxuu yidhi “Mudanayaal iyo Marwooyin waanu hellay!!!” “Ladies and gentle Men we got him!!!” isaga oo ula jeeda Saddam Xuseen waxaana halkaasi buuq iyo qaylo iyo dareeno kala duwan ku soo dhaweeyey suxufiyiintii ka qayb gashay shirkaa jaraa’id oo ay ka mid ahaayeen suxufiyiin Ciraaqiyiin ah, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay sawiro laga soo qaaday Saddam Xuseen oo gaadhku ku baxay, timahu ku baxeen, wajigiisana ay ka muuqato tiif badan, wuxuu Bremer sheegay in ay ciidamada maraykanku  qabteen 8:30 subaxnimo wakhtiga baqdad 13 December 2003.

 XUKUNKII MAXKAMADEED EE LA SOO ISTAAJIYEY SADDAM

 30-kii bishii June 2004 ayaa maraykanku waxay Saddam Xuseen iyo 11 kale oo ka tirsana xukunkiisi sare waxay ku wareejiyeen Maamulkii cusba ee Ciraaq loo sameeyey ee Ra’isal Wasaare Iyad Allawi, Saddam Xuseen waxaa markii ugu horaysay la soo istaajiyey Maxkamad 1 July ee sannadkii 2004, taasi oo markii danbe laga soo daayey televisionada carabta iyo kuwa galbeedkaba, Saddam Xuseen oo ay ka muuqato wajigiisa kalsooni badan, isaga oo ku hadlaya kelmado ay ku dheehantahay adkaysi iyo geesinimo ayuu wuxuu yidhi “Waxaa looga gol leeyahay in Bush loogu ololeeyo Masrixiyadani la isoo istaajiyey” isaga oo markale hadlaya ayaa wuxuu yidhi “anigu halkani uma aaminsani maxkamad ee waxaan u aaminsanahay masrixiyad waxaanu ku eedeeyey Madaxweyne Bush inuu yahay danbiilaha koobaad, sidoo kale Saddam wuxuu difaacay gelitaankii uu gallay Kuwait 1990-kii isaga oo ku eedeyey madaxda Kuwait inay yahiin “Ay” “Kalb” “dogs” waa sida uu hadalka ka yidhi maxkamadda eh isaga oo ku macneeyey madaxda Kuwait inay yahiin sida kuwa aan daahir u ahayn carabta dhexdooda.

 Inkasta oo markaasi aanay xaakinadii ama garyaqaanadii difaacayey Saddam ku sugnayn Maxkamadaasi la soo istaajiyey hadana Xaaskii Saddam ee ugu weynayd ayaa waxay shaqo gelisay ilaa dhawr xaakin oo mustaqbalka u doodi doona Saddam. 

DHAMMAAD. 

LA SOCO QORMOOYINKA XIGA IYO TAARIIKHDA HOGAAMIYAYAASHA ADDUUNKA HADDII ALLA IDMO IYO TODOBAADYADA SOO SOCDA.

N.B: Haddii aad jeceshahay hogaamiyayaasha adduunka iyo xulashadooda soo booqo web linksani: www.somalitalk.com/diridhaba

Qormadani waa tii koobaad oo ka hadlaysa Madaxda dunida oo dhan iyo taariikh nololeedkoodii ay soo mareen Shar iyo Kheyr labadaba.

QORMADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com


Mobile: 00-92-300-2600907

LINK: www.somalitalk.com/diridhaba

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2005

ISHA SAWIRADA: Google, Yahoo search

TAARIIKHDA DALKA CIRAAQ..... GUJI
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD