SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

SOMALILAND IYO ARAGTIDAYDA GUUD: WAA SIDEE XAALADDA NOLOLEED EE HARGEISA
  • WARBIXINTII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Waxaa hadda laga jooga imaatinkaygii xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ee hargeisa Muddo ku siman 22 Caano-Maal, waxaan cudur daar dheer ka bixinaya oo aan ka siinaya dhammaan akhristayaasha meel wal oo ay ku suganyahiin inaan la daahay ama aan idhaahdo eh la habsaamay barnaamijyo iyo weliba qoraallo gaar ah oo aan doonaayey inaan ku gorfeeyo xaaladaha Nololeed,Siyaasadeed,Bulsho iyo weliba dhaqaale ee dalka Somaliland guud ahaan gaar ahaanna aniga oo ka tusaale qaadanaya xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ee hargeisa oo ah halbawlaha laga dheehan karo dhammaan dalka intiisa kale, Runtii mudadii koobnayd ee aan ku Sugna Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ee hargeisa waxaan arkay ama aan idhaahdo eh indhaygu ku dhaceen waxyaabo badan oo iga yaabiyey, waxyaabo badan oo iga nixiyey, waxyaabo badan oo iga farxiyey, Runtii guud ahaan waxaan odhan karaa dalku waxaa ku dhacay isbedel horleh oo aan qiyaas lahayn, balse qormadani ayaan akhristayaal jecelahay inaan si kooban ugu qeexo nolosha guud ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland Hargeisa aniga oo qormooyin taxane ah ku samayn doona oo ka hadli doona ama faaqidi doona xaaladaha Nololeed, Siyaasadeed, bulsho, dhaqaale, Caafimaad, iyo waxbarasho.

WAA SIDEE XAALADDA NOLOLEED EE KU XEERAN XARUNTA HARGEISA

Hargeisa Waa Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland, waa halbeegta u xudun ah Xukuumadda dhexe,  golayaasha qarranka, haayadaha dawliga ah iyo kuwa Madaxa banaan, iyo axsaabta Siyaasadda ee ka hanaqaaday dalka seddexdii sannadood ee ugu danbeeyey, Muddo ku siman 5 sannadood oo aan ka maqna Magaalada Hargeysa oo runtii ah Magaaladii aan ku dhashay kuna barbaaray ayaa iila muuqatay mid aad u baaxadleh, taasi oo goob kasta iyo meel kasta aad ku arkayso horumar baaxadleh oo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ku samaynayso, magaalada Hargeysa waa balaadhatay cidhif kastana waxaad ku arkaysa dhismayaal quruxbadan oo dadku ka dhisanayaan ha u badnaadeen qurbe jooga oo si weyn u maal gashanaya eh, sidoo kale waxaa magaalada aad ugu batay goobaha ganacsiga, iyadoo ay layaab weyn igu noqotay inaad maanta Hargeisa ku arkayso dukaanada waaweyn ee wax weliba iibiya oo aad ka heli karto noocyada alaabaha kuwii ugu danbeeyey ee lagu farsameeyey wershadaha reer Galbeedka, Mid ka mid ah Mulkilayaasha Dukaanada ama Mac-daarada waaweyn ee Hargeisa oo aan ka waraystay ama aan weydiiyey meelaha uu  ka keeno alaabaha ayaa ii sheegay inuu ka soo xawilo ama ka soo daad gureeyo waddamada Khaliijka Carbeed, Galbeedka Europe iyo weliba waqooyiga america, isaga oo ii sheegay inuu xidhiidh ganacsi la leeyahay wershadaha waaweyn ee dalalka koobaad ee dunida, taa macnaheedu waxay tahay inaanad u baahanayn allaab maanta aad hargeisa dibadeeda u dirato, sidoo kale Wergeysyada Madaxa banaan ee ka soo baxa hargeisa iyo weliba Idaacadda Xukuumadda dhexe ayaa wakhti badan siiya xayaysiiska wershada yar yar iyo weliba goobaha ganacsi ee waddanka ku soo kordhay , Maalin kasta saacadda Geeska Afrika markay tilmaamayso 1:20 daqiiqo ilaa laga gaadhayo abaaro 2:00 duhurnimo waxaa Idaacadda Radio Hargeisa ay si tallan taali ah usoo tabisa xayaysiisyo loo adeegsanaayo xikmado iyo gebayo lagu soo jiidanayo Macaamiisha, sidoo kale xilliga casarkii ayaa indhahaagu qabanayaan haddii aad booqasho ku timaado suuqyada ganacsi hargeisa oo la ciir ciiraya dad badan oo iibsanaya allaabo kala duwan.

Hargeysa ayaa runtii noqotay meel aan ku tilmaami karo Halbawlaha Waxbarashada dhammaan geyiga Geeska Afrika intii aan arkay, laga bilaabo 7:00 Subaxnimo ilaa 10:00 habeenimo ayaad arkaysa arday wiilal iyo gabdho leh oo si tallan taali ah ugu laafyoonaya buugaag iyo qallimaan oo ku sii socda ama ka soo rawaxay goobaha waxbarashada, wallow aan warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka diyaarin doono waxbarashada guud ee jamhuuriyadda Somaliland  ayaa hadana waxaan booqasho ku tegay Jaamacadda Hargeisa (Hargeisa University) oo ah jaamacadda ugu weyn ee ka jirta Magaala Madaxda Hargeisa, waxaan socod dheer ku maray dhammaan qaybaha ay Jaamacaddu ka koobantahay iyada oo aan la kulmay gudoomiye ku xigeenka  Jaamacadda Hargeisa Abdi Haybe Cilmi, iyo masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan jaamacadda hargeisa waxaa la ii sheegay inay Jaamacaddu ka koobtanahay  Kuuliyadda Sharciga, Kuuliyada Caafimaadka, Kuuliyadda Diinta iyo Carabiga, Kuuliyadda Ganacsiga, Kuuliyadda Waxbarashada (Education Faculty),Kuuliyadda dhaqanka, Kuuliyadda Culuumta Computer-ka, sidoo kalana waxaa la ii sheegay in dhawaan lagu soo kordhin doono kuuliyado badan sida kuuliyadda Engineering-ka, siyaasadda, Saxaafadda iyo qaar badan oo kale, runtii wejiyo badan oo aqoonta iyo waxbarashada u ehel ah ayaa iiga muuqday Gudaha dhismaha Jaamacadda iyada oo la ii sheegay in ay ugu adeegaan jaamacadda si tabaruc ah waxaana ka mid ahaa Macalimiintaasi, Yuusuf Caynab oo ahaa wasiir hore oo ka tirsana Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo ah Abwaan miisaan weyn ku leh dhammaan geyiga Geeska Afrika, iyo runtii Mutacalimiin badan oo Somalilanders ah oo u heelan u adeega dalkooga hooyo.

Haddii aan usoo noqdo hawlaha bulshada ee Caasimadda Hargeisa ayaa u muuqday qaar kala daadsan oo runtii u eg qaar dayacan, Hargeisa waa xarunta Jamhuuriyadda Somaliland balse ayaan darrida ugu weyn ee haysata waxay tahay waddooyinka dhex mara magaalada oo dhammaantood burbursan aanad is odhanaysid malaha halkani weligeed waddo la maray oo mar la sameeyey may noqonin, sidaasi oo ay tahay ayaa hadana waxaa buux dhaafiyey xawliga gaadiidka dhex goosha gudaha magaalada waxaana la ii sheegay in ay maalin kasta dekadda magaalada Berbera ka soo degaan tiro baabuur ah oo aad u badan, waxaan odhan kara qoys kasta oo reer hargeisa ahi ugu yaraan wuxuu leeyahay hal gaadhi oo u dhex goosha caasimadda Hargeisa oo ayaan darrida haysa tahay waddo la'aan, Dawladda hoose ee magaalada ayaanan arag ama maqal amaba aan la ii sheegin xita mashruuc horumarineed oo ay ka waddo gudaha magaalada, mar aan si qarsoodi ah u booqday gudaha dhismaha dawladda Hoose ee hargeisa ayaa u muuqday mid shaqaale badan la ciir ciiraya hadana aan anfac badan bulshada ugu fadhiyin, boodhka iyo dhaska magaalada ayaa ah mid aad u badan iyadoo wakhtigani lagu jiro xilligii jiilaalka.

Magaalada Hargeisa waxaa ka dhex shaqeeya badiba afar shariikadood oo ah kuwa isgaadhsiinta, kuwaasi oo la iigu sheegay magacyadooda SOLTELCO,TELCOM,TELESOM, iyo STC, kuwaasi oo bixiya adeega telephonada guryaha la geliyo iyo weliba kuwa gacmaha lagu qaato, iyo weliba adeega internetka, Magaalada Hargeysa ayaad is odhanaysa yar iyo weyn, lab iyo dhedig, arday iyo ganacsade looma kala hadhin sidashada telephonada lala wareego ee loo yaqaano (wireless Mobile Phones) oo ah kuwii weliba ugu casrisana (prepaid sim systems)  dhibaatooyinka dadka ka haysta shariikadaha isgaadhsiineed ayaa runtii ah qaar aad u tiro badan iyadoo dhibaatada koobaad ee la yaabka kugu noqonaysa tahay inaanay shariikadna laynkeeda kale shariikadda kale la xidhiidhi karin haddii uu guriga kuugu jirso khad Soltelco ahi ha fillan ama haba dhigan meesha inaad la xidhiidhi karto Khad Telesom ah, markaan isku dayey inaan wax ka weydiiyo dad arintaasi u dhuun daloola maadama oo Xukuumadda dhexe ay ugu xilsaarantahay wasaarad dhan oo lagu magacaabo Wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiinta ayaa la ii sheegay in Xukuumaddu ay dan weyn ku qabto Maadama oo shariikad kasta bixiso cashuur gaar ah, hadiiba ay midoobaana ay bixin lahaayeen halka ay mid ahaan bixiso, markaa Xukuumadda ayaa la ii sheegay inay qayb weyn ka ciyaarto inaanay shariikadaahaasi midoobi karin ama ugu yaraan ugu fududayn karin shacabka inay wada hadlaan, dhibaatoyinka kale ee haysta ayaa ay ka mid yahiin haddii aad wadato telefonada gacanta lagu qaato (Mobile Phones) oo ah qaar aad u itaal darran %60 maalintii hawada ayey ka maqanyahiin oo (Signal Frequancy) ama xidhiidhba kuma jiro taasi oo aan wax telephone ahi kuu soo dhaci karin, waxaanad is odhanaysa malah dadku tusaale ahaan ama magac u yaal ayey wataan, sidoo kale waxaan odhan kara hargeisa waxaa horumar baaxaleh laga gaadhay goobaha laga galo xidhiidhka internetka ee loo yaqaano (Cyber CAfes) iyagoo shariikadaha isgaadhsiintu ka dhex furtay xaafadaha iyo suuqyada magaalada goobahaasi oo ugu adeega lacag aad u jaban, tusaale ahaan shariikadda Telesom ayaa waxaa ay xisaabisa saacaddii 4500 sh/sl ah una dhiganta 0.5$ dollar (oo ah hal doolar badhkeed), iyagoo adeegsanaya xidhiidhka sateliteska (sattelite internet frequency dishes) oo ku xidhiidhya adeegaha weyn ee shariikadda (the Company Main Server).

Waxaan socod ku maray waddada u ah halbawalaha xarunta Jamhuuriyadda Somaliland Hargeisa waxaana ay indhahaygu badi qabanayeen goobo yar yar oo la iigu sheegay in loo yaqaano Koloyada qaadka oo badankood ay lahayeen ama ka ganacsanayeen haween ama hooyooyin tiro badan, mar aan ku dhawaaday Hooyo reer Hargeisa ah oo wadada suuqa badhtamaheeda la fadhida goobahaasi kollayada qaadka loo yaqaano ayaa ii sheegtay inay ku masruufto 5 caruur ah iyo aabahood oo aan isagu wax camal ah haynin, runtii shaqo la'aanta ayaa si weyn u asiibtay bulshada dhammaanteed hadana kama muuqato dadka, haddii aad gaadhi ama lug ku soo marto inta u dhexaysa suuqa weyn ee magaalada hargeisa ilaa aad ka soo gaadhayso Madaxtooyada hargeisa ilaa gobolka ayaad arkaysa maqaaxiyaha shaaha lagu cabo oo waddooyinka dhinaceeda ka furan oo dhalinyaro iyo waayeel badani ku lafa gurayaan xaaladaha siyaasadeed ee waddanka ka jira, waxaanad odhan karta fadhi ku dirirku wuxuu qayb weyn ka ciyaaray wakhti dhaafiska ay waayeel iyo dhalinyaro badan oo runtii wakhti badan shaqo la,aani ay wakhtiga ku dilaan.

WAXAAN TODOBAADKA SOO SOCDA LAFA GURI DOONA HAADANTA SIYAASADEED EE SOMALILAND OO MAALMAHANI UGU DANBEEYEY U MUUQDAY MID XIISADO IS TARAYA KA SOO CUSBOONAADEEN, WAXAAN ARAGTIYO UGU TAGAY MASUULIYIIN SAR SARE OO KA TIRSAN XUKUUMADDA SOMALILAND WALLOW AAN IDHAAHDO EH KULAMADAASI AHAAYEEN QAAR AAN SALAAN DHAAFSIISNAYN BALSE DAREEN WEYN IGU DHALIYEY, ANIGA OO LA KULMAY GUDOOMIYE XIGEENKA XISBIGA KULMIYE MUDANE CABDIRAXMAAN AW CALI FAARAX, WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MARWO D.Rs ADNA AADAN ISMACIIL OO AH HALYEYADA KA DHEX MUUQATA GOLAHA XUKUUMADDA SOMALILAND WAXAAN SIDOO KALE LA BALLAN SANAHAY MAALMAHA SOO SOCDA GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID MUDANE FAYSAL CALI WARAABE OO ISAGU SAFAR KU JOOGA GOBOLADA BERIGA SOMALILAND OO BILAABAYBA OLOLAHIISA DOORASHADA GOLAHA BAARLAMAANKA SOMALILAND. HA U DAYMA LA,AAN WAXAAN WARBIXINO TALLAN TAALI AH KA SOO GUDBIN DOONA XARUNTA JAMHUURIYADDA SOMALILAND EE HARGEISA.

WARBIXINTII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

HARGEISA, SOMALILAND.
Mobile: 00-252-2-379125
Home Phone: 00-252-828-7142

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com
LINK: www.somalitalk.com/diridhaba

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2005

TAARIIKHDA DALKA CIRAAQ..... GUJI
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD