Assalaamu calaykum,
Haddii uu qofku rabo inuu ugu noolaado
dhulka si wanaagsan oo aan lahayn mushkilad nafeed iyo mid caqliba
islamarkaana uu jeclaysto inuu kabadbaado jaahwareerka adduunka
waxaa lagama maarmaan ah in uu kudadaalo qodobbada aasaasiga u ah dhaqan-gelinta
himilooyinkaas iyaga ah:
~ Waa in uu caabudaa oo weeyneeyaa ILAAHA
cirka jooga, si ay ugu hagaagto qofkaas noloshiisa dhulku,
qodobkaani waa furaha sacaadada adduunka iyo weliba nolosha
waaritiin ee daai'im ka ah ee aakhiro, Alle waakan abuurtay
addoonkiisa, waakan irsaaqa waana kan kasoo saaray kuna nabadyeelay
calooshii hooyo ee mugdiga ahayd, xaalku maaddaama uusaas yahay,
Alle waakan xaqa uleh cibaadada iyo camalka oo isaga keligiis loo
baraxtiro.
~ Sidoo kale qofkaan dhulka kunooli
waa inuu raacaa raadkii RASUULKA Muxammed ah(NNKH), kaasoo ah
soodirihii Allaha weeyni uu ummaddiisa usoo diray, si uu ubaro SIRTA
NOLOSHA DHULKA & BADBAADADA, waa lagama maarmaan in uu qofka dhulka
joogaa kuxiriirsamo Rasuulka Alle, maxaa yeelay isaga ayaa yaqaan
waxa umaddiisa uroon, qofkii kudaydaa waa liibaanaa waana hanuunaa,
inta qof dhulka-dushiisa kusocotay isaga ayaa ugu khayr badan
rasuulku, haddaan Eebbe soo diri lahayn dadku waxay lamid ahaan
lahaayeen xayawaanka xagga garashada iyo dhaqankaba.
~ Qofka dhulka kunooli wuxuu
ubaahanyahay shay u-iftiimiya MUGDIGA DARIIQA NOLOSHA, si uu uga
badbaado boholaha shaydaanku uu kaqoday dariiqa nolosha , haddaba
waxaa Alle usoo dhiibay Rasuulkiisa(NNKH) shay uu qofku iftiinsado ,
haddii uu misbaaxdaas daartana madhumayo weligiis khatartana waa
kabadbaadayaa, shaygaas waxaa lagu magacaabaa QUR'AAN, kaasoo ah
hadalkii Ilaah, sharaf gooni ah buuna leeyahay. Haddaba waalagama
maarmaan in qofka dhulka joogaa qaato oo kudhaqmo Qur'aanka si uu
ugu iftiimiyo mugdiga hortiisa ah, haddii uusan saas yeelinna wuu dhumayaa,
wuxuuna gacanta ugalayaa Shaydaanka oo cadaw aad uneceb ah..
~ Waxaa kale oo jira meel looga
dhuunto shaydaanka oo Ilaahay kadoortay dhulka una yeelay
addoonkiisa, kaasoo looyaqaan MASJID ahna gurigii ILAAHAY. Shaydaanku
wuu necebyahay mana soogalo, wuuna kaharaa qofka gala, waa meesha
lagu soofeeyo qalbiga laguna nuuriyo, salaaddii lagutukadaa way ka
ajarbadantahay salaadaha kale ee guryaha bini'aadamka lagu tukado,
qofkii caadeeysta aadista iyo booqashada gurigaan-Alle wuxuu noqdaa
qof nabadgalay, waxaa kordha nuurka santuukhiisa laabta ee iimaanku
ku-ururo, waxaana Alle siiyaa qofkaan ajarka gaarka ah ee uusiiyo
dadka booqda gurigiisa, sidaas daraadeed waalagama maarmaan in
qofka dhulka kunooli badiyo booqashada guriga Alle si Eebbe uga
raalli noqdo dabadeedna ugu fududeeyo noloshiisa iyo aayihiisa dambe.
~ Sida cirku uleeyahay xiddigo oo
kale, ayaa dhulkuna wuxuu leeyahay xiddigo, xiddigaha dhulku waa
dadka CULUMADA ah iyo EHLU KHAYRKA, waa dadka raacay qodobada aan
horay usooshegnay oo idil kuna dhaqmay, waxay aad ubarteen sirta
nolosha dhulka kaddib-markay kacabeen ceelka qur'aanka iyo sunnada,
waa ilaaliyayaasha shareecada muqaddaska ah ee Eebbe noodooray,
waxay yaqaannaan xalaasha iyo xaaraanta, sidoo kale waa tiirarka
dhaqangelinta diinta Islaamka. Sidaa daraadeed lagama maarmaan bay
utahay qofka dhulka kunool inuu arrimaha diintiisa ee shaki kagalo
uu iyaga ula laabto, si uu uga badbaado duufaanta shahwada iyo tan
shubahaadka, hadhoowna uu ula kulmo Rabbigiis isagoo raalli ka ah.
Waxaa qoray
Maxamed Axmed
Toronto, Canada