Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha:
Xadiiska 12aad
Matni
12- وَعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ
اَللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اَللَّهِ صَلَّى اَللَّهُ عَلَيْهِ
وَسَلَّمَ:{إِذَا وَقَعَ اَلذُّبَابُ فِي شَرَابِ أَحَدِكُمْ فَلْيَغْمِسْهُ، ثُمَّ
لِيَنْزِعْهُ، فَإِنَّ فِي أَحَدِ جَنَاحَيْهِ دَاءً، وَفِي اَلْآخَرِ شِفَاءً}.
أَخْرَجَهُ اَلْبُخَارِيُّ، وَأَبُو دَاوُدَ، وَزَادَ:{وَإِنَّهُ يَتَّقِي
بِجَنَاحِهِ اَلَّذِي فِيهِ اَلدَّاءُ}.
Abii Hurayrah- radiyal Laahu canhu- waxaa laga weriyey in uu
yiri: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri: “Markuu
dukhsigu ku dhaco midkiin cabitaankii, ha tiimbiyo, haddana haka bixiyo,
[sababtoo ah] labadiisa baal midkood waxaa ku jira cudur ka kalena dawo ayaa ku
jirta.” Waxaa weriyey Bukhaari iyo Abuu Daawuud, wuxuuna ku daray Abuu Daawuud:
“wuxuu ku gaashaamanayaa baalkiisa suntu ku jirto.”
Sharax
“ha tiimbiyo”
Qaxwe ama shaah ama caano ama biyo ama maraq waxay noqotaba, hoos ha u wada
geliyo. Baalka sunta watuu iska horreysiinayaayoo biyaha isaga xejisiinayaa oo
kaga gaashaamanayaa.
Abuu Daawuud
iyo Ibn Xibbaan baa siyaadada weriyey, waana siyaado saxiixa iyaduna. Waxaana
saxiix yeelay Albaanii: Saxiix alJaamic asSaqiir iyo Irwaa’ alQaliil iyo meelo
kale.
Xadiiskan oo
kale Abuu Saciid al Khudrii yaa isaguna weriyey oo waxaa laga helayaa
anNasaa’ii, al Xaakim, Axmad iyo Ibn Xibbaan.
Markaa
xadiisku saxiix weeyaan.
Xadiiska
nacnihiisu wuxuu noqonayaa, dukhsiga labadiisa baal midna waxaa ku jirta sun
midna dawaa ku jirta. Markaa, markuu cabitaan ku dhaco wuxuu gelinayaa kan suntu
ay ku jirto, kan dawadu ay ku jirtana kor buu u haynayaa. Saas daraadeed,
Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu amraayaa in la wada geliyo si ay u
nasakhdo dawadaas baalka kale ku jirtaayu suntii baalka kale ku jirtey.
Xadiiskan
markaa kuwa cilmaaniyiinta ah iyo acdaa’ul Islaam inay waxyaalo ka sheegsheegaan
baa jirta oo qaarkood Abii Hurayrihii weriyey iyo ay aflagaadeeyaan oo waxyaalo
dhiba ay u geysteen – radiyal Laahu canhu-, xadiiskuna waa saxiix.
Waxyaalahay ku
andacoodaanna waxaa ka mid ah: dukhsi muxuu ka garanayaa baalkan waxaasaa ku
yaalla baalkanna waxaasaa ku yaalla? taasna markaa jaahilnimo weeyaan oo
waxyaalahan xasharaatka iyo xayawaanaatka iyo xataa ma-noolaha Alle- subxaanahuu
wa tacaalaa- mid walbaba si aad iyo aad la yaab u leh buu u ilhaamiyey oo way
garanaysaa manaaficdeeda iyo wixii dhibaya. Ilmaha yar markuu soo dhasho in wax
la nuugo yaa baray? Naaskuu deydeyaayoo carrabkuu soo bixbixanayaayoo wax uu
jaqaa buu deydeyayaa. Xayawaan waliba meeshuu quwada ku leeyahay iyo meesha
muhiimka ah ee uu daafacanayo waa garanayaa. Masku waa kaad aragteen madaxa waa
qarsanayaa kolkii la dilayo. Xayawaanku meeshuu quwo ku leeyahay... kii geeso
lihi geesuu ku dagaalamaa, kii miciyo lihi miciyuu ku dagaalamaa, kii sun lihi
sun buu ku dagaalamaa; midba wixii quwadiisu ay ku jirto, siduu cuntadiisa u
kaydsado siduu ilmihiisa u xanaaneysto mid waliba Alle- subxaanahuu wa
tacaalaa- waa kii yiri:
﴿الَّذِي أَعْطَى كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَى﴾
Allaa markaa
shay walba masaalixdiisa ku hanuuniyey, oo waa garanayaa shay walbaba waxa
jismigiisa ku jira iyo waxa cadowgiisiyo waxa nafcigiisiyo waa yaqaanaa.
Markaa
xadiiskan sida kitaabka dahaarada uu ugu keenay waxaa weeyaan: in xasharaadka
aan dhiigga lahayn, dhiig qulqula aan lahayn, dhiig dabiici ah aan lahayn,
bakhtigiisu inaanu nijaas ahayn, kaasuu u daliishaday. Sida loogu soo
daliishanayaana waxa weeyaan dhukhsigii markuu ku dhaco cabitaankii waxaa la
yiri hala tiimbiyo oo hala dhexgeliyo. Waxaa kolkaa suuroowda inuu ku dhinto,
gaar ahaan hadduu cabitaankaasu mid kulul uu yahay, illeen maanu kala qaadine.
Ayadoo taasi jirto, markaa cabitaankii hala daadiyo lama dhihin. Markaa shilinta
iyo shinnida iyo dukhsiga iyo kabajaaga iyo jirriqaaga iyo waxa noocaas oo kale
ah biyahay ku dhacaan ee ay ku dhintaan waa inaanay nijaasaynayn. Ummul
Mu’miniin Maymuunah- radiyal Laahu canhaa- waxay ku weyso qaadan jirtay biyo
bahalkan doorshaanka oo fara badan oo bakhti ahi ku jiraan- radiyal Laahu
canhaa-.
......
La soco
Xadiiska 13aad, Insha Allaah
....
Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur
Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii
Shaykh Shariif Cabdinuur
W:
www.shariifcabdinuur.org
E: buluuq@shariifcabdinuur.org
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2013
|