SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOORAMA
  • KOOX DHAKHAATIIR SAMOFAL INDHAHA AH OO LA YIRAAHDO (KUKUYA EYE UNIT) OO SOO GAADHAY BOORAMA
  • Munaasabad loo sameeyay dugsi hoose dhexe Boorama oo loogu magacdaray marxuum maxamed cabdi Dhimbiil (Galbeedi)
  • AQOON ISWAYDAARSI  KU SAABSAN  ILAALINTA XUQUUQDA CARRUURTA OO LAGU SOO XIDHAY XARUNTA HAY’ADA SAMOFALKA WADANIGA AH EE KAALMO BOORAMA. 

Mar 7, 2005

Xasan Axmed Caynaan
hasanjacayl@hotmail.com

KOOX DHAKHAATIIR SAMOFAL INDHAHA AH OO LA YIRAAHDO (KUKUYA EYE UNIT) OO SOO GAADHAY BOORAMA

Waxaa maanta galinkii dambe abaaro 4;45 daqiiqo soo caga dhigtay dhabada diyaaradaha ee magaalada Boorama diyaarad siday koox dhakhaatiir samafal indhaha ah oo ka socota cusbitaalka kikuyu Eye Unit ee magaalada Nairobi ee dalka kiiniya oo qaliin samafal indhaha ah u fidin doona 450 bukaanada indhaha ah oo ay hawl daawayn iyo qaliin ah ugu samayn doonaan isbitaalka guud ee borama.

Kooxdan dhakhaatirta ah oo ka kooban sedeed xubnood oo iskugu jira sadex dhakhtar iyo shan kalkaaliye oo hogaaminayo Dhakhtar lagu magacaabo Mundia Daniel ku waas oo ku sugnaandoona magaalada borama mudo afar maalmood ah waxa gagada diyaaradaha ku soo dhaweeyey maayarka degmada Borama Md C/raxman Sh.Cumar, Isku duwaha Caafimada Gobalka Dr. C/raxmaan Jamac Hadi, Agaasimaha isbitaalka guud, Dr. Ismaacil Muxumed, Taliyaha Qaybta Boliska Gobalka Daahir Muuse Abraar, Odayada Magaalada iyo Dadweyne badan oo iskugu jira qaybaha bulshada,kuwaas oo u soo galbiyay dhinaca cusbitaalka guud ee dagmada Boorama oo ay ku diyaar yihiin 826 bukaan oo ka cabanaya xanuunada indhaha oo uu hore baadhis hordhac ah ugu sameeyay Dr Cabdi Cilmi Obsiiye oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurada indhaha,kuwaas oo ay ka soo dhex saari doonanaan 450 ka xubnood ee qaliinkan ka faaiidaysan doona kooxdani baadhis labaad oo ay maanta galinkii dambaba ka bilaabeen cusbitaalka oo amaankiisa aad loo adkeeyay.

Kooxdan samafalka indhaha oo sanadwalba laba goor Boorama u yimaada hawshan qaliinka samafalka ah tiro ahaan tan iyo bilowgii hawsahtabaruca oo ay kharashka ku baxa kafaalo qaado hayad jarmal ah oo lagu magacaabo CBM ,waxay ay ku yimaadeen 15-jeer oo markii ay ugu yaraayeen qaliin indhaha ugu fiiqeen 400 [afar boqol]oo qof,guud ahaana waxaa ka faaiiday mudooyinkaas dad dhawr kun kor u dhaafaya.  

Munaasabad loo sameeyay dugsi hoose dhexe Boorama oo loogu magacdaray marxuum maxamed cabdi Dhimbiil (Galbeedi)


marxuum maxamed cabdi Dhimbiil (Galbeedi)

xafalad balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay laguna xusayo magic bixinta dugsiga hoose dhexe ee maxamed cabdi dhimbiil (galbeedi) ayaa lagu qabtay xarunta dugsigaasi ee magaaada boorama ,waxa munaasabadaas qiimaha aad ka u balaadhan xambaarsanayd ka soo qayb galay dad wayne aad u faro badan oo iskugu jira aqoonyahano , culimaa’u diin , xildhibaano , masuuliyiinta gobalka iyo degmada salaadiin, cuqaal , ururada haweenka iyo dhalinyarada hayadaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba, ardayda dugsiyada , macalimiinta iyo qaarkaloo ka tiran dadwaynaha ku dhaqan boorama.

Waxa ugu horayn hadal koban ka jeediyay isuduwadaha wasaarada waxbarashada ee Gobalka Awdal mudane maxamed axmed yabaal , waxa aanu sheegay galbeedi allaha u naxariiste inuu ahaa nin magic wayn ku leh bulshada reer boorama iyo guud ahaan Somaliland iyo caalamka . waxa kaloo sheegay inuu galbeedi ahaa macalinkiisii Dad badan oo dalka iyo dibada kala joogaa ay run ahaantii og yihiin dadnimadii Iyo aqoontii lama ilaawaanka ahayd ee uu maskaxdooda ku reebay . Hadaba aniga oo wasaarada waxbarashada ku hadlaaya waxaan soo jeedinayaa oo aan Hortiina ka cadaynayaa ina laga bilaabo maanta dugsigan hoose dhexe ee horay loo odhan jiray xaawo taako lagu badalay maxamed cabdi dhimbiil (galbeedi) sidaas daraadeed waa in magaca uu maanta wixii kadanbeeya lagu txigaliyaa inuu dugsigani yahay dugsiga hoose /dhexe ee (GALBEEDI). Aniga oo qadarinaaya sumcadiisii, kartidiisii, dadnimadiisii, uu ka kasbaday bulshada Dhexdeeda inuu magacaasi yahay mid hirgalay oo uu marxuumkaasi kasbaday. Itaas marka uu sheegay guddoomiyuhu waxa u dhacay sacab aad iyo aad u dheer oo socday ilaa mudo labo daqiiqo ah ardayda dugsiyada wax ka baratana oo galas galas u safana waxa ay si wada jir ah ay ugu dhawaaqeen iyaga oo ay aad shucuurtoodu u sarayso kuna dhawaaqaya (GALBEEDI,) waa iskuulkayaga si kastaba ha ahaatee waxa aad munaasabadaas moodaysay in qofkasta oo munaasabadasi lagu marti qaadayba uu la mid ahaa ardayda dugsiga dhigataa sida ay ugu farax san yihiin magaca dugsigooda loo bixiyay , suldaan sh. Muuse jaamaca goodaad oo ah xildhibaan ka tirsan guurtida Somaliland ahaana odayaashi mudada dheer kawada shaqeeyeen hawlo badan oo bulshada dhexdeeda ah waxa uu sudaanku ku nuux nuuxsaday mahadhoooyin taariikhi ah oo uu bulshada dhexdeeda guulo waa wayn oo lasoo koobi Karin ka galay .

Waxa uuna carabaabay oo uu yiri waxa aan aad ugu farax sanahay inaan goob joog ka ahaado xaflada loogu magic bixinayo dugsiga H/dhexe ee M.C.D.GALBEEDI .

Waxaanu yidhi marxuumku allaha u naxariistee shakhsiyad qiimo wayn iyo magacba ku leh bulshada oo dhan , run ahaantii waxa lo xusayaa inuu ahaa nin dadaal badan , oo aqoonyahan dhab ah oo isku kalsoon ahaa .nin muhani ah oo dad jecel ayuu ahaa waxa kale oo uu ku darsaday oo aanu marna qalbigayga iyo dadkii yaqaanayba xusuus gaara ku reebaysa marka la xasuusto magaciisa waxa markaaba kuu sawir maaya inuu marxuum GALBEEDI ahaa shakhsiyad aanu illaahay kuba abuurin waxa la yiraahdo cadhada waxa intaas dheer inuunu lahayn xaasidnimada oo aanu aqoon beenta isku dirka iyo lacag jacaylka iyo ku dhaqanka qabyaalada arrimahaas waxa ay marag ka yihiin inuu maanta ku leeyahay adduuyada oo dhan gaal iyo muslimba saaxiibo noqday walaalihii ruma.

Suldaan sh.muuse waxa uu yidhi galbeedi waxa uu ahaa nin kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay dib u heshiisiintii beelaha Somaliland iyo nabadayntoodii marna kama seexan kamana nasan ilaa Somaliland noqonaysay jamhuuriyad markaa waxa halkaa inooga sawirmay inuu galbeedi ahaa nin illaahay yaqaan oo xor ka ah musuqa iyo dhibaatadaba , wuu istaahilaa waanu u qalmaa iskuulkan magacisa loo bixiyay . waxaanu ku booriyay ardayda dugsigan GALBEEDI ay dadaalkooda sii kordhiyaan waxaanu ka codsaday inay hal faataxo u maraan marxuumka .

Marwo kalluunle oo hadal kooban munaasabadaas ka jeedisayna waxa ay tidhi anigu waxa aan ka mid ahaa ardaydii ugu horaysay ee dugsigan wax ka barata o uu waliba ahada uu macalin iigu noqday run ahaan tii aniga iyo dad badaniba waxa aan qiraynaa inuu ahaa GALBEEDI macalin aanu aad u jecelnahay waxa intaas dheer inuu noo ahaa walaalkayo oo wax nabaraaya hadaba waxa aan ka codsanayaa wasaarada waxbarasha iyo masuuliyiinta kale ee joogta munaasabada inay balaadhiyaan dhismaha dugsiga oo ay waxbarashadoodana ay daba gal ku sameeyaan si macalimiin tayo leh ay uhelaan kadibna arday tayo leh. Waxaanay ku boorisay dhamaan kazoo qayb galayaashii in uu u qalmo marxuum M.C.D. Galbeedi.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in munaasabadan maantu tahay magic bixinta Dugsiga H/Dhexe ee M.C.Dhimbiil Galbeedilaga bilaabo maantana uu hadhay magacii hore ee uu dugsigu lahaa. Wuxuu sheegay suldaanku inuu isaga laftiisa macalin u ahaa. Sidaas daraadeed wuxuu suldaanku balan qaaday in uu ku kordhin doono dhismayaal Iskuulka mustaqbalka.

Wuxuu hadalkiisii kusoo gabagabeeyay in uu ahaa marxuumku nin bulshada ka dhex muuqday,sida arimaha dhalinyarada, odybeeleed ahaa, dhexdhexaadiye ahaa, nabadoon ahaa.waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay dad fara badan oo ay ka mid yihiin X. Axmed Miisaan Aare, Maxamed Daheeye iyo dad kale oo fara badan waxaanay dhamaan tood isku raaceen inuu marxuumku ahaa nin kaalinta uu bulshada kaga jiro ay ayahay kaalin mihiim ah oo baal dahaba kaga taal taariikhda Gobalka iyo S/land ba.

Ugu danbayntii waxa hadal kooban oo nuxur leh fariin mihiima xanbaarsana ka soo jeedisay Gabadhii uu ku curtay marxuum M. C. D Galbeedi, Ifraax Maxamed Cabdi Dhimbiil (Ifraax Galbeedi)oo ka midahyd dufcadii u horaysay ee ka qalin jabisa Jamacada Camuud, oo ahayd gabadh kali ah ee ugu horaysay kuliyada Waxbarashada ,

Ifraax waxay hanbalyo u soo jeedisay dhamaan dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadan maanta ee qiimaha leh ee lagu xusayo magic bixinta Dugsigan loogu magic daray Aabaheed, (magaranayo sharaf ka wayn in bulsho dhan magaca aabahay kor uqaado ee ilaa heerkaa gaadhsiisay waxaan ugu abaal gudo) ayay tiri Ifraax, hase yeeshee waxa ii cadaatay sharaftii uu Aabahay hore bulshada uu ugu lahaa waanad ku mahadsantihiin sida qiimaha leh eed Magaciisa u xusteen, waxay ku boorisay ardayda dhigata Dugsiga H/Dhexe ee Galbeedi dadaalkooda waxbarashana kor u qaadaan oo aany is dhigan si ay u higsdaan waxbarasho ilaa heer Jaamacadeed ah waxaanay ku soo gaba gabaysay wanaaga aadnoo haysaan Hooyo iyo Aabo inaanan gudi karayn abaalkiina, laakiin waxaan Ilaahay baryayaa inuu ii fududeeyo sidii aan u gudi lahaa abaalkaa.

AQOON ISWAYDAARSI  KU SAABSAN  ILAALINTA XUQUUQDA CARRUURTA OO LAGU SOO XIDHAY XARUNTA HAY’ADA SAMOFALKA WADANIGA AH EE KAALMO BOORAMA. 

Axad March 6, 2005

Inka badan 175 xubnood oo isugu jira macalimiinta ka hawl gala Degmada Boorama,Gudiyada ardayda dugsiyada , Gudiyada    Waalidiinta waxbarashda, xubno ciidanka Booliska iyo asluubta  ah ayaa manta loogu soo gaba gabeeyay Xarunta MANNA-Guest House ee Magaalada Boorama ,tababarkan Aqoon-iswaydaarsiga ah oo la xidhiidhay daryeelka Xuquuqda Caruurta iyo habka maamulka iyo maaraynta-Haboon.  

Aqoon iswaydaarsigaa oo socday  shan maalmood waxa fulintiisa iska kaashaday ururkka wadaniga ah ee KAALMO oo xanaaaneeya caruurta agoomaha ah iyo hayada gar-gaarka caruurta ee SCD ( Save the children Denmark),Waxaana ka soo qayb galay madaxda Gobolka ,degmada,aqoontahyano,odayaal,ururada ku bahoobay Dalada dhalinyarada ee loo yaqaano YOU Umbrella,hay’adaha samofalka wadaniga ah iyo ururada haweenka ee ka hawlgala magaalada Boorama. Waxaana mudadii uu socday lagu falan qeeyay sida ugu haboon ee loo ilaalin karo  xuquuqda caruurta iyo doorka ay ku yeelan karaan xubnaha siminaarka ku kulmay, iyada oo la isla soo qaaday xuquuqdooda aasaasiga ah iyo waxyaalaha ka reeban ka sokow marka laga tago  in carruurta lagu fuliyo sida jidh dilka garaacicista ,xabsiyada lagula dhex xidho dadka waawayn, in aan lagu shaqaysan carruurta aan qaan gaadhaka ahayn iyo qodobo kale oo muhiim ah. 


dadweyne fadhiya child celebration day

Ugu horeyn Gudoomiye ku xigeenka uruka wadaniga ah ee KAALMO Marwo Xaawa Rooble Cidheere oo halkaa ka hadashay ayaa carab baabtay in aqooniswaydaarsigan uu muhiimad gaar ah leeyahay maadaama waxa laga hadlayaa ahayd xuquuqda caruurta oo ah mid qof walba taabanaysa inxil la iska saarana ay haboontahay.Xidhiidhiyaha hay’ada SC Denmark iyo waaxda waxbarashada dadban ee G/Awdal Mr,Axmad Cige Riiraash oo isna halkaa ka hadlay ayaa carabaabay in hayadan SCDenmark ay ka hawl gasho dhawr gobol, balse 70% mashaariicda ay qabtaan ka fusho Gobalkan Awdal oo si toos ah ula wada shaqeeyaan Hayadan KAALMO LNGO, oo ay ka taageeraan tababaradan xuquuqda carruurta ka sokow, dhinacyada waxbarashada dadban, iyo tababar xirfadeeyo ka fula xaruntooda . Waxa kale oouu ku tir tirsiyay xubnaha ka qayb galayaasha inay muhiim tahay ilaalinta iyo dhawrida xuquuqda caruurtu, Waxyaabihii ay korodh sadeena ku daba qaan hawlahooda shaqo. Madaxa waaxda Waaxda Waxbarashada Dadban ee KAALMO Marwo Madiina Axmed Jagne ayaa si balaadhan uga warantay ururkooda kaalmo oo ku Unkamay dhacdo dhab ah ooka dhacday magaalada Borama maalin Gudoomiyaha KAALMO marwo Caasha Jaamac Faarax ay dhex maraysay magaalada Boorama in ay la kulantay labo wiil aoo ah carruurta darbi jiifka ah oo mid ka mid ah uu ay cunay ka dibna ay ka naxday daranyada haysata ubadkaasi dayacan iayada oo labadaasi wiil ada’doodu ahayd 6 jir ilaa 8 jir waxaana carruurtaasi ka muuqatay diif iyo dacdaro,hoy la’aan,waalid la,aanba ah waxaanan sheegtay marwo caasha in uu labadii wiil midkii aygu ciunay ku dhintay dhakhtarka wayn ee Boorama kii kalena uu noqday hada nin wayn oo  taabo galay maantana magic ku leh magaalada Boorama isla markaana dhigta  dugsiga sare ee sh.ali johar,ahaana ardaygii ugu sareeyay imtixaanka dugsiyada dhexe ee fasalka 8aad ee Gobolka Awdal oo dhan, waxa kale oo  ay sheegtay  in hawlaha waxqabadkooda ay ugu horeysiiyeen muhiimadana siiyeen  xanaanaynta iyo daryeelka   carruurta dayacan  ee Agoomaha  ah iyo waxbaridooda iyagoo bilawgii gacan ka helay Hayada UNHCRi yo WFP.waxa kale oo ay caro baabtay in ururkoodu  ku bilaabay 90 caruur ah waxbarashadooda iyo quudintoodaba hadase waxaa dugsiga dhigta 125 arday oo hablo iyo wiilalba leh oo boodhin ah, 40 ayaa habla ah ,108 kalena waxay ka yimaadaan magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda  ardeydaasi oo ah kuwa awoodi waayay inay dhigtaan dugsiyada caadiga ah ee lacagta laga bixiyo.


carruurta kaalmo oo udabaaldegaaya maalinta caruurta aduunka

Waxa dugsigu ilaa hada uu waxbarasho dadban siiyaa da’da  u dhaxaysa 14 ilaa18 jir oo isugu jira wiilal iyo gabodhoba ,dhalinyaradaasi oo ay ka lumeeen fursadihii waxbarasho,sidoo kalena ay ku hawlan yihiin kobcinta iyo sare u qaadida xirfadaha dhar tolista, computerka iyo  xog-haynta xafiisyada, Cunto karinta, Barashada maamulka iyo Maareynta iyo qaybo kale oo fursadaha shaqo u fududayn kara dhalinta seegtay inay helaan waxbarasho heer Jaamacadeed ah oo ay u fidiyaan inay sii yaan xirfad uu kula soo baxo nolol maalmeedkiisa sida makaanikada oo aan barno ilaa imakana ardaydii u horaysay ee ka baxay ay ka shaqaystaan Magaalda gudaheeda, Dadka uu aadka uu wax ugu taray mashruucani waxa ka mida dadka ay  soo  baro kici yeen dagaaladii sokeeye,qoysaska faqiirka ah iyo qoxootiyadii dib loogu soo celiyay dhulkoodii hooyo.Waxaanay dadkaasi ku soo laabteen deegaanadoodii iyaga oo faro madhan oo aanan haysan fursado ay ku helaan waxbarashada ubadkooda,goobo caafimaad iyo xirfado ay ku shaqaystaan midna, iyadoo mudooyinkaasi ayna jirin dawlad dadka ufidisa gargaar bini’ aadantanimo waxay dadkaasi noqdeen inay ahaadaan darbi jiifyo iyo masaakiin dadka dawarsata oo ka rajo dhigay dib u helida nolashii ka luntay. Waxaa nasiib wanaag ah in manta ayay tidhi marwo Caasha Jaamac oo ah Gudoomiyaha hayad  KAALMO in wiilkii ugu horeeyay ee ka mid ahaa ardaydii aan ku furnay dugsigan kaalmo uunaqday ardaygii ugu sareeyey sanad dugsiyeedkii  tagay ee dugsiyada dhexe ee Boorama,oo uu hada waxka dhigto dugsiga Sare ee Sh.Cali Jawhar ee Magaalada Boorama,waxa sanadkii tagay aan u gudbinay dugsiyada H|dhexe ee kala ah Sh. Cismaan Sh.C|raxmaan Qaadi ,Aadan Isaaq ,Galbeedi oo ah dhamaantood ah dugsiyo Hoose Dhexe ee magaalada Boorama .Waxaana ka qalin jabiyay tiro ka badan 50 xubnood,l28 arday ayaa lagu qisaayayaa tirada aan u  gudbinay dugsiyada caadiga ah ee magaalada Boorama .8 arday oo ardaydaasi ka midina waxay waxka bartaan dugsiga Sare ee Sh. Cali Jawhar  Boorama .

Waxa kale oo ay intaa raacisay caasha inay qorshaha ay damac san yihiin hada ka dib ay tahay inay kor u sii qaadaan qaybaha xirfadaha dhalinyarada ooy u qorshaysant ahay inay ku kordhiyaan Barashada korontada iyo tuubistaha, faarada iyo hawlo kale oo farabadan  waxa lake oo warbixin halkaa ka jeediyay Idiris Faarax Muuse oo ah madaxa tababarada qaybaha computerka iyo waliba Barshada Xirfada xoghaynta iyo maamulka iyo maaraynta xafiisyada oo sheegay inay waxwayn ka tartay xirfadahii aanu halkan uga gudbinay dhalin yaradaasi  oo ay maantaba ka shaqeeyaan meelo badan oo kamida jam. Soomaaliland.waxa uu hadalkiisa ku daray in ay jiraan qaybo kale oo iyaguna ka socda xarunta kaalmo sida karinta noocyada kala duwan ee cuntada , iyagoo hablaha baraya sida loo sameeyo adigoo haysta kaliya cuntada ka baxda dhukeena iyo qaababka casriga ah ee loo kala badbedelo cuntadadaasi, maadaamama ay jiraan caruur yaryar iyo dad waayeela ah oo ubaahan in lasiiyo cunto jilicsan oo nafqo lehna waxaa loo baahan yahay in labrto noocyada loo kariyo cuntada runtiii way barteen qaar kamid ihina waxaabay sameeyaan noocyada Jaamka iyo sabaayada Iyo waliba shuurada  oo nuucyo kala duwan ah, waxaa kaloo jirta in la baro hablaha sida loo Tolo dharka ee loo sameeyo alaabada ayka midka yihiin saladaha,koofiyadaha,boorsooyinka, cawda Duraaxadaha,dharka ciyaalaka,qurxinta gogolaha kala duwan iyo dacsadaha oo ay ka sameeyaan suuf iyo dunba  iyo kuwo kale oo badan oo lagu sharaxo guryaha, waxaa kale oo intaa raaciyay in ujeedada machadka  barashada toliinka iyo farshaxanimadu uu yahay in dib loo soo nooleeyo hidaha iyo dhaqan keenii hore oo aan la luminin kaalintii ay Hooyada soomaaliyeed kaga jitray hurmarinta qoyska,iyo in ay dhalinyaradu helaan xirfado ay ku shaqaystaan sim ay noloshooda iyo ta qoyskoodaba horey ugu mariyaan,taasina ay yarayso dhalinyaradii darbi jiifka iyo budhcada magaalada noqon lahayd.             


Xaflada furitaanka dalada (YOU Umbrella) oo ay ku bahoobeen ururada dhalinyarada Boorama

Gabagabadii barnaamijkana waxaa hadal qiimo leh ka jeediyay,ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Awdal  Mudane Maxamed Xasan Axmed oo  u mahadnaqay ururka KAALMO iyo hay’ada  samofalka caalamiga ah ee SCDenmark ee iska kaashaday  Fulinta Tababaradan uu ku Tilmaamay mid ahmiyad wayn u leh,Bulshadan iyo dhamaan dalka oo dhanba,Waxaanu G|xigeenku ku booriyay xubnaha ka qaybgalayaasha ah inaanay noqon aqoonta ay korodhsadeen mid halkan lagaga tago balse loo baahan yahay inay ka muuqato goobaha shaqo ee ay ka  hawl galaan. Sidoo kalena ay noqdaan horumoodka ilaalinta xuquuqda caruurta,sidii reer Boorama hore tusaalaha ugu noqdeen Nabadgelyada iyo Waxbarashadaba umada  ku nool soomaaliland.

Xasan Axmed Caynaan
hasanjacayl@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 7, 2005

»Xaflada furitaanka dalada (YOU Umbrella) oo ay ku bahoobeen ururada dhalinyarada Boorama

»Jaammacadda Cammuud oo Waddo cusub loo Sameeyey  

»Cisbitaalkii u Horeeyay ee Dhimirka oo Boorama laga Furay

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD