Cisbitaalkii u Horeeyay ee Dhimirka oo
Boorama laga Furay
G/xigeenka
Gobolka Awdal Mudane Moxamed Xasan Jabane oo Khamiis 27, 2005 Magaalada
Boorame xadhiga kaga jaray isbitaalkii u horeeyay ee xanuunka dhimirka
amaba dadka maskaxda wax uga dhiman yihiin; xafladaasi waxaa ka soo
qaybgalay dadwayne farabadan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee
buslshada ku dhaqan magaalada Boorama oo ay ka mid ahaayeen aqoon yahayano
, culamaa udiinka, dhakhaatiirta , maamulka goblolka iyo ka degmada Boorama
, ururada wadaniga ah iyo kuwa caalimaga ahba.
Waxaa hadalkii ugu horeeyey soo jeediyay
xubin ka mid ah ururka Gargaar ee wadaniga ah Xasan Axmad oo xusay in
ujeedada ururkan uu yahay in uu horu mariyo nidaamka ah ‘’Cummunity based’’
oo macnaheegu yahey in bulshadu wax qabsan karto oo ay is caawin karto oo si
mutadawacnimo ah horumar loo gaadhsiin karo bulshadda iyadoo lagu
xisaabtamayo waxqabadka iyo wada shaqeynta bulshada. Waxaana uu xusay in
wax kasta oo lagu fikiro horumar laga gaadhi karo. Waxa kale oo uu xusay in
baahi fara badan oo loo qabo dhakhtarka dhimirka oo ka maqan magaalada
Boorama ay jirto sidaa aawadeed ururka wadaniga ah ee GARO ee wadaniga ah
wuxuu ku fikiray in uu aas aaso dhakhtar dabooli kara baahidaas iyada ah
isagoo la kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada. Fikirkaa kadib waxaan
la kaashanay Dr.Abdirisaq Ibraahim Isaaq (Dhakhtar xanuunka waalida ku
takhasusay oo ka yimaada magaalada hargeysa todobaadkii laba jeer).
Fikirkii markii aanu u bandhignay isaga iyo
shaybaadhiiste la socda way naga ogolaadeen waxaanuna samaynay in aanu u
diyaarino dadka buka ee Boorama goob uu ku baadho magaalada Boorama, mudo
saddex bilood ah ayaanu hawshaas ku jirnay si tabaruc ah hada waxay nala
gaadhay in aanu diyaarino adeegii aan cisbitaalka ku furi lahayn maadaama
aan haysano dhakhtarki kalkaaliyayaashii iyo waliba dawadii, iyo adeegayaal
dhawr ah oo dhamaantood diyaar u ah inay u tabarucaan dadka tabaalaysan ee
cisbitalka gudihiisa la dhigi doono. Dadweynaha reer Borrama waxey muujiyeen
tageero dhinac walba ah in ayla garab taagan yihiin oow aliba ay soo
gudbiyeen deeqahoodii iyo waliba balan qaad yadoodii. ka dib waxaanu ku
talaabsanay talaabo kale oo ah inaan heli karno goob weyn oo la seexiyo oo
cisbitaal ah.
Dhamaan
hawshaasina waxay ahayd hawl ururkan wdanaiga ah ee GARO qabtey isagoo
lakaashanaya duqeyda iyo waliba indheergaradka iyo waliba qeybaha kala duwan
ee bulshada magaalda Boorame iyo waliba balanqaadyo iyo taageero dal iyo
dibadba ah uu isagu soo abaabulay. Waxaa kale oo isna halkaasi ka Hadley
Dr.Abdirisaq Ibraahim Isaaq oo ah dhakhtarka ku takhasusay xanuunka ee
fadhigiisuna yahey magaalada hargeysa ahna madaxa cisbitaalka dhimirka ee
magaalda Hargeysa isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi aad bey u balaadhan tahey
baahida loo qabo cisbitaalka furitaankiisu maadaama dadka xanuunkani uu hayo
lagu qiyaasi karo in ka badan sadex boqol oo qof. Waxa uu dhakhtarku xusay
in fikirka cusbitaalka lagu furay ay ii soo bandhigeen ururka wadaniga ee ah
GARO taasoo markii aan eegay in bahiyihii cisbitaalku lahaa in ay intii ugu
muhiimsaneyd ay u dhan yihiin sida hoygii; shaqaalihii caafimaadka ayaa
waxa aan gartey in aan la shaqeeyo ururkan.
Waxaan ku boorinayaa dadweynaha iyo waliba
hayafddaha wadaniga ah iyo waliba kuwa caalamiga ahba ee daneeya hawlaha
noocan oo kale ah in ay taageero siiyaan cisbitalkan sii uu uguto hawlaha uu
u hayo bulshada. Waxa uu dhakhtarku u soo jeediyay amaan iyo boogaadin
dadkii soo abaabulay hawshan dhabarkana u dhigatey culayskii dhaqaale eee ay
hawshani laheyd.
Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka Hadley
isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac
Haddi oo isaguna amaan iyo bogaadin u soo jeediyay hawlwadeenanadda ururka
wadaniga ah ee GARO; wuxuuna xusay in ururkani kaga duwan yahey waxyaalo
dhawr ah ururo hadda ka hor ka shaqeeyay hawlo noocan oo kale ah sida
shaqaalaha caafimaadka, dhakhtarka, shaqaalaha kale ee maamul iyo waliba
hawlwadeenadda kale ee cisbitaalka ka hawlgalaya aritaasina waxey igu
dhiirigalisay in aan siiyo ruqsadda furitaanka cisbitaalka; anigoo aaminsan
in dadkani yihiin kuwii la sugayay mudaba ee hawshan dhimirka wadi lahaa.
Waxaa hubaal ah in dadka cudurkan qabaa ay aad u tira badan yihiin daryeel
xumana hayso, waxaanan qiyaasayaa tiraddadadka cudurka qabaa ay kor usii
dhafeyso in ka badan sadex boqol oo qof; in kastoo tiro koob cayiman laga
hayn. Isuduwuha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan
Jaamac wuxuu ku guubaabiyay bulsho weynta Soomaliland iyo gaar ahaan
dadweynaha reer Boorama in hawshan ay waddo hayadda wadaniga ah ee GARO ku
garab istaagaan haddii ay noqon laheyd taageero hiil iyo hoo ba leh; wuxuuna
balan qaadey in wixii cisbitaalkani u bahan yahey aanu waxba kala
hagraneyn.
Waxaa
halkaasi ka Hadley Suxufiga Prof. Daahir Muxumed Xaddi ayaa wuxuu soo
jeediyay amaan iyo bogaadin fikirka lagu asaasey cisbitaalkan waxaanu
sheegay in uu isagu si gaar ah u dareemayey muhiimadda iyo baahida loo qabo
cisbitaalka dadka dhimirka qaba. Prof. Daahir Muxumed Xaddi wuxuu ku deeqay
cispitaalka in uu bixin doono konot doolar.
Waxaa kale o halkaasi ka Hadley Cali Daahir
cilmi oo ah waalidiinta Dr.Abdirisaq Ibraahim Isaaq uu u daweeyay ubadkooda;
waxanu cali tibaaxey in wiilkiisa oo la yidhaahdo cabdi wahaab Cali uu
xanuun sanayay muddo ka badan shan sanno isagoo walibana kala quustay in
uu wiilkiisa dawo u helo geeyayna goobo farabadan oo dakka gudihiisa iyo
dibadiisaba. Nassib wanaag markii dr. cabdirisaaq yimiday magaaladda Boorame;
wiilkaygu waxa uu ka mid ahaa dadkii u horeeyay ee loogeeyay dhakhtarka kuna
caafimaadey muddo bil ka yar markii uu qaadanayay dawadaasi. Waana wax lagu
farxo oo alleh loogu mahadiyo.
Eng. Abdi Axmed Geedi ayaa isaguna halkaasi
ka sheegay in wiil uu adeeer u yahey oo xanuunsanayayna muddo ka badan shan
iyo toban sanno oo uu geeyay Jabuuti, Hargeysa, Diridhaba iyo addisababa si
uu daawo ugu helo wiilkaasi uu gu danbeyntii ku caafimaadey gacanta
Dr.Abdirisaq Ibraahim Isaaq isagoo markaasi qaadanayay dawada muddo dhan
shan maalmood gudahood, kharashka ku baxeyna uu ahaa mid aad u yar. markii
aan maqley furitaanka cisbitaalka cusub ayaan waxaan gartey in ku caawiyo
dhul banaan oo cisbitaalka looga dhiso dhisme hawshan iyada ah u khaas ah.
Sheekh maxamed Siccid Saaweer oo ku
hadlayay magaca culimaa udinka ee magaaaladda Boorama e ayaa ku nuux
nuuxsadey in cudurka waalidu ay culimaddu aad u dareen san tahey o uu aadd
ugu badan yahay xitaa masaajiddada gudahoodu; dadkaasi oo muuqaalkoodu uu
iska fiican yahey ayaa waxey ku waydiinayaan maxaad iiga furtay shhekhow
xaaskayga iyo kuwa lamid ah; wxaanuna ka baqana dadkaasi in ay dadka
tukanaya dhibaateeyaan. Ilaahey quraankiisa wuxuu ku yidhi quraankiisa
ruuxa u gargaara ruux daranyeysan isagana ilaahey ayaa u gargaaraya.
Gudoomiyaha shirkadda biyaha ee SHABA Mr.
Mohamed Nour Fahiye oo halkaasi ka Hadley ayaa sheegay maanta in xafladani
tahey mid aad u qiima badan faaiidada uu dhakhtarkani xambaarsan yaheyna waa
mid aan cidna loo sheegayn. Laakiin waxaa muhiim ah in aan is waydiino
maxaynu qaban karaa; isagoo halkaas ka duulaya wuxuu bixiyay boqol doolar
isagoon kala tashan shirkadda waxuuna balan qaadey in uu arintan hordhig
doon shirkadda biyaha ee SHABA ee uu gudoomiyaha ka yahey; bulshada kale ee
ku dhaqan Booramena in ay muujiyaan taageero hiil iyo hoo ahba oo ay ku
caawinayaan horumarka cisbitaalkan. Waxaannu ugu danbeyntii hanbalyo usoo
jeediyay ururka wadaniga ah ee GARO oo muujiyay in si mutadawacnimo ah
horumar loo gaadhsiin karo bulshadda iyadoo lagu xisaabtamayo waxqabadka iyo
wada shaqeynta bulshada.
Gabagabadii munaasibadaasi qiimaha leh
waxaa ka hadely G/xigeenka Gobolka Awdal Mudane Moxamed Xasan jabane oo
isaguna goobtaasi ka sheegay in uu ururkan wadaniga ah ee GARO ururkii
koowaad ee uu fikirkiisa iyo waxqabadkiisa u bogo. Wuxuu u mahad celiyay
dadkii soo abaabulay xafladan isagoo raaciyay in adeega cisbitaalka la
gaadhsiiyo ilaa heer tuulo oo gobolka ka mid ah. Waxaanu balan qaadey in uu
la garab taagan yahey taageeero dhinac walba ah; wuxuuna halkaas ka sheegay
in uu ku caawiyay konton doolar oo jeebkiisa ah kana codsadey bulshadda in
ay taageero buuxda siiyaan.
Xassan Axmed Caynaan ( Xassan Jacayl).
Abdirahman119@hotmail.com
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
Abdi Ege |
abdirashid9@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2005
Xukumada Riyaale Daacad ma ka
tahay in la qabto Doorshada Baarlamaanka...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|