SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CAMUUD

Jaammacadda Cammuud oo Waddo cusub loo Sameeyey



Jaamacada Cammuud...  

Waddo cusub oo isku xidha jaamacada camuud iyo magaalada boorama ayaa la hir galiyey todobaadakan horaantiisii waddadan oo dhererkeedu yahay 3.5 km waxaa maalgaliyey hayada wadaniga ah ee somaliland road authority. Caadiyan gaadiidka  jaamacadu leedahay waxay mari jireen wado dhererkeedu yahay 8.5km waxa ay gaadiidku kala kulmi jireen dhibaatooyin badan oo ka soo gaadhi jiray roobabka. Maamulka jaamacadda waxa ka soo gaadhi jiray dhibaatooyin Dhaqaale waddo xumadaasi sabatey; xaga qalabka dayactirka baabuurta, iyo shidaalkaba, waqti badana wuu kaga lumi jiray safarkaas, dhibaatada waddada asi ayaa iyana waxaa ka mid ahaa dooxyada oo aan  laga talaabi jirin xili roobaadka taasina ay sababi jirtay inay hakadaan habsami u socodka waxbarashadu. 

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud prof Saleebaan Axmed Guuleed oo arintaasi aan ka waraystay waxaa uu ii sheegay inay wadadan cusubi ay faa,iido wayn u leedahay Jaamacada iyo dadweynahaba; waxaanu yidhi waddadani cusubi way ka dhowdahey  wadadii hore, waxaana  jaamicadda lagu gaadhi karaa  in ka yar  yar kii hore shan iyo toban daqiiqo (15).  

Baabuurta yaryarina ilaa 8 daqiiqo oo kaliya ayey ku tagi karaan Jaamacada. Isagoo ka hadlaya faa,iidada ay waddadani u leedehay jaamacada prof Saleebaan wuxuu tibaaxey in ay ka saacideyso jaamicadda xagga wakhtiga maadaama ay  basasku ay awoodi karaan in qaadaan ardeyda  sedex ilaa afar jeer maalintiiba halkii markii hore ay laba goor uun kala qaadi jireen ardeyda.  

Waxaa kale oo xusid mudan in waddadani ay faaiido u leedahey beeraleyda ama degaanka Jaamacadda Camuud ay ku taalo isagoo arrintaasi ka hadlaya prof Saleebaan Axmed Guuleed wuxuu yidhi beeraleydu waxey  midhahooda si fudud u geysan karaan suuqyadda Boorama. Waxey waddadani horsed u tahey  horumarka bulshada iyadoo jaamacadda Camuud ay u tafaxaydatey horumarinta mashaariicda horumarineed.

Mar uu ka Hadley mustaqbalka ay waddadani ay jaamacadda camuud u horseedi doonto waxa uu Prof. Saleebaan Axmed Guuleed  tibaaxey in ay baabuurta yaryar ee shacabku  qaadi doonaan ardeyda Jamacadda taasina ay keeni karto in ardeydu seexdaan Jaamicadda isla markaana ka faaiideystaan wakhtigooda iyo markaasi u helaya fursad ay ku akhriyaan buugaagta taala Jaamacadda; mustaqbalka waddadani waxaa uu  rajeynaynaa in ay noqoto waddo laami ah oo leh buundooyin adag. 

Wuxuu Prof. Saleebaan u mahad naqay hayadda wadaniga ah ee Somaliland Road Authority, Wasaaradda hawlaha guud, iskaashatada iska rogooyinka Boorama oo iyaguna ku yaboohay in ay lacag la’aan  ku keenaan ciida carro kaawadda ah ee loo baahan yahey iyo dadka leh beeraha ay wadaddani  marayso kuwaas oo uu sheegay inay ogolaadeen meelkasta oo ay wadadani maraysona in jid laga saaro.

Wuxuu ugu baaqey dadwenaha reer Soomaaliland in ay u furan tahey ciddii waddadan wax ku darsaneysa. 

Wariye Xasan Axmed Caynaan
hasanjacayl@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2005

Cisbitaalkii u Horeeyay ee Dhimirka oo Boorama laga Furay

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD