
Sh.C/Khaaliq Jaamac Ismaaciil Email: darwiish101@gmail.com
Fashilka
& Asbaabtiisa
Ilaahay
kor ahaaye waxa uu nolashan ka dhigay mid uu yaalo loolan iyo siraac aad u badan
oo qofka kagama imaanaya meelo fara badan si toosana u saamaynaya
Himilooyinkiisa & Mashaariicda uu ku taamayo inuu fuliyo.
Hadaba
waxaa jira dad badan oo Ahdaaftooda u mara inay ku xaqiijiyaan si jamaaci ah (wadajir
& iskaashi). Ahdaaftaasi ha ahaato kuwo dacawiya oo ku wajahan bulshada ama
ha ahaato kuwo kheyri ah sida ururada samafalka iwm. Hadaba waxaa marag ma doona
in dadkaasi ay soo wajahaan arimo badan oo sababa inay ku fashilaan muraadkoodii
& inay gaadhaan Himilooyinkoodii, mararka qaarkood waxaa dhacda in Mashruuc
lagu bixiyo wakhti badan, kharash badan, soo jeed iyo dhafar. laakiinse markii
la hirgaliyo ay dhacdo in la xifdin Kari waayo lagana badbaadin Kari waayo
fashal iyo burbur, meel cidla ahna lagaga dhaqaaqo.
Gobanimo waxaan haybinaba waa la soo helaye Ha yeeshee sidii loo
hantaa hadal ka joogaa.
Markaad
u fiirsato Mu'asasaatkii dumay ama taariikhda ku yeeshay baalasha madow waxaad
arkaysaa inay isu dhawdhaw yihiin arimhii aasaaska u noqday in lagu daro
qaa'imada & liiska kuwa fashilmay.
Taa
macnaheedu ma'aha inuu fashilku yahay Miino (khaldaa ma saxo) oo hadii aad mar
fashilanto inaadan dib wax u saxi Karin, balse in badan wuxuu ku dhaxalsiiyaa
khibrad & waayo aragnimo kugu xanbaarta inaad dib u saxdo wixii kaa
khaldamay, cagtana aad la hesho toobiyaha & tubta toosan. Akhristaw waxaan
qoraalkan uga dan leenahay bal inaan wax ka nidhaahno asbaabaha keena inay
fashilmaan Mu,asasaatku ha ahaadaan kuwo dacawiya,samafal,waxbarasho iwm.Iyadoo
ay badan yihiin Asbaabtaasi waxaan ka tilmaami karaa kuwan soo socda oo ay iila
muuqatay inay yihiin kuwa keena fashilka & burburka.
1. Aqoon Daro:
Aqoontu waa furaha guusha, waana ta keenta in la soo hooyo guulo waaweyn oo lagu
naalaado. Waa geedka ay ummaduhu beertaan si midhihiisa waligood u goostaan,
hadba heerka aqooneed ee ummadi leedahay waxa uu ka turjumayaa hadba sida uu
mustaqbalkeedu u eekaan doono. Hadaba hadaan
la yeelan aqoontii loo baahnaa ee lagu hogaamin lahaa ururka ama hay,ada waxaa
hubaala inuu soo degdegayo fashal & burbur baaxad leh oo aan la hor istaagi
karin.
Hadaba si fashil looga
baadbaado waa in kor loo qaado heerka aqooneed ee ay leeyihiin hawl wadayaasha
ururku ama hay'adu.
2. Khibrad daro:
khibradu qiimo aad u weyn bay ku fadhidaa marka laga hadlayo in isbadel la
sameeyo ama in qof shaqo loo diro, mararka qaarkoodna waxaa dhacda in qof lagu
xusho khibradiisa isaga oo aan markaa la eegin inuu shahaado wato & in kale.
Hadaba haday dhacdo in dadka shaqada wadaa aanay lahayn wax khibrada waxaa
hubaala in dhibta ay keenayaan ka badanayso dheeftoodo. Sidaa daraadeed waa in
qiimo weyn la siiyaa khibrada iyo waayo aragnimada uu leeyahay qofka hawsha loo
dirayaa.
3. Shaqsi aan Munaasib
ahayn:
Marar badan waxaa dhacda in hawsha uu hogaanka u qabto qofkii aan munaasibka
ahayn ama aan ku haboonayn taasi oo keenta guuldarooyin waaweyn.
Waxaad suuraysataa qof
aan dareewal ahayn oo loo dhiibay bus ay saaran yihiin dad rakaabi. Maxay tahay
natiijada laga fili karaa saw maaha in loo diyaar garaabo sidii loo kala tirin
lahaa dhimashada & dhaawaca. Sidaa daraadeed waa in hawshaa loo diraa
qofka ku haboon ee la filayo inuu horumar gaadhsiin karo.
4. Kawaadir yari:
Ururada iyo hayadaha waxaa hogaamiya horumarna gaadhsiiya dad ku sifoobay aqoon
iyo waayo aragnimo aqoon xeel dheerna u leh hawsha ay qabanayaan, kana
badbaadiya fashalka, una ifiya dhabada saxda ah, soona bandhiga talooyin wax ku
oola oo uu ku shaqeeyo Ururku ama hay'adu ama Dowladu. Hadaba hadii ay
yaradaan kawaadirtaasi waxaa marag ma doona in mu'asasadaasi dumayso.
Si hadaba fashal looga
badbaado waa in la diyaariyo laguna tabco hogaamiyayaashii
Bari
hanan lahaa urukan ama hay'adan ama Dowladan.
5. Danaystayaal:
waxaa jira dad badan oo iyagu dhex muquura hawsha la wado, meeshana u jooga
sidii ay u fushan lahaayeen dano iyaga u gaara, danna aan ka lahayn in hawshu
guulaysto iyo inay dunto toona.Kuwaasi waa khataraha ugu waaweyn ee soo food
saara Mu'asasaatka marar badana ay adkaato in la garto ama la fahmo.Si kuwaa
looga baadbaado waa in daacadnimada qiimo weyn la siiyaa laguna qiimeeyo qofka
hadba inta daacadnimadiisu le'eg tahay oo aan lagu kadsoomin or-oradka iyo
xiiqsanaanta badan ee ka muuqata danaystaha.
Ilaah baa OG
qofka mukhliska ah iyo ka kale laakiin waxaa jira calaamaad badan oo ka soo
daahira dadka daacada ah.
6. Hawsha
oo lala gaar noqdo:
ibnu aadanku waxa uu wax isugu darsadaa inuu wadaagi karo wada tashiga iyo wax
is weydiinta, xaqna u yeesho inuu ka war qabo meesha loo socdo iyo waxa la
maagan yahay. laakiinse haday dhacdo in kooxyari afduubta hawshii sida ay
doonaana ka yeelaan dadka intiisii kalena ay u eekaadaan
Shimbiryahow Heesa -- Hees wanaagsan qaada
-- Kaalaya Hortayda
-- Halkan soo Fadhiista
Haday taasi dhacdo waxaa
hubaala inaan kala tag la hurayn, ayna ka dhalaynayso in lagu fashilo muraadkii
& ujeedooyinkii la rabay in la gaadho.
Si taas looga badbaado
waa in hawsha iyo talada la wadaagaa Lana fahmaa inaan qofna laga maarmin
taladiisa.Taa macnaheedu maaha inay dadku noqdaan garbo siman oo aan hawsha la
kala lahayn ee arinta aan ka hadlaynaa waa in hay'adii ama ururkii ama Dowladii ayna noqon
meel dhawr qof u af duuban.
7. Khilaafaadka
Daakhiliga ah:
hadii Muranka iyo is Maandhaafku bato, hadii la kala dhamaan waayo, hadii
gaadhiga Nin isteerinka qabto Nina bireega qabto, hadii la isku wareero, hadii
qofba qofka kale dhibsado, hadii la isku xajiimoodo. Waxaa xaqiiqa in dadkaasi
aanay meel gaadhahayn, noqonayaana kuwo iyagu door biday inay fashilmaan. Si
arinkaa looga badbaado waa in laga fogaadaa sababaha keena Ismaandhaafka, aqoona
loo yeeshaa sida loo maareeyo khilaafaadka, Lana xoojiyaa sababaha keenaya
wadajirka & Midnimada.
8. Kalsoonida
oo lunta:
kalsoonidu waa halbowlaha shaqada, waa ta keenta in mudo badan la wada socdo,
hawlana la wada wado. Waa ta keenta inaan dhaliilaha loo fiirsan khalad kasta oo
yimaadana lagu qaabilo niyad wanaag & in la isu cudur daaro. Hadaba
hadii kalsoonidu lunto waxaa meesha soo gala in la istuhmo, in la is lugooyo, in
khaladkii yimaadaba qolo gaara loo tiiriyo, inaan wanaaga la isu qirin, in laga
shaqeeyo sidii ururka ama hay'adaba loo mijo xaabin lahaa, in la isku been
abuurto, in sumcada la iska weeraro, in dadkii shalay wada socday cadow isu
noqdaan iwm. Haday taasi dhacdo waxaan filayaa inaan guul loo fadhiyin, jabkuna
yahay ka lagu tashaday, xaaladu sidsa ay ku danbaynaysana waa mid la saadaalin
karo.
Si kalsoonida loo
xoojiyo waa in la fiiriyaa shaqada
qofku qabanayo ee aan isaga shaqsiyan loo eegin, waana in malaha la isu
wanaajiyo Lana gartaa qofku isaga oo is leh wax hagaaji inuu khalad gali karo.
9. Sumcada
oo la dhawri waayo:
Sumcadu waa ta keenta in kalgacal loo qaado hay'ada ama ururka, keentana in la
helo in dad badan kula garab istaago Hiil & Hoo, kuguna kaalmeeyo hawsha aad
wado. Hadiise
la lumiyo sumcada iyo Haybada waxaa dhacaysa in lagaa dareero, hareerahaagana
aad ka weydo cid ku garab istaagta, casariyahana lagugu cabo , magacaaguna in
badan ku soo noqnoqdo goobaha fadhi
ku dirirka, aadna yeelato cadow badan oo isu diyaariya sidii ay kaaga
takhalusi lahaayeen, booskaagana u buuxin lahaayeen.
Sidaa daraadeed waa in
sumcada la dhawraa lagana fogaadaa waxyaalaha keenaya magac darada & in
haybadu lunto, Lana ilaaliyaa sharafta & karaamada.
10. Dhaliilaha oo
laga Faaiidaysan waayo:
Cid kasta oo ku dhaliilaysaa maaha inay ku neceb tahay ama ay doonayso inay
ceebahaaga faafiso ee waxaa jira dad badan oo la jecel ururka ama hayada ama
Dowladaba wanaag iyo horumar, doonayana inaad khaladaadkaaga saxdo , marka laga yimaado
kuwa adiga wanaag kula jecel xitaa waxaa laga faa'iidaystaa dhaliilaha cadawgu
kuugu duur xulayo. Hadiisa ay dhacdo inaan dhaliilaha la dhagaysan qof kastana
lagu tuhmo inuu cadaw yahay ama uu leeyahay dano gaara, una socdo inuu wax
dumiyo waxaa xaqiiqa inuu fashalku soo degdegayo ayna adag tahay in la
baajiyo.Si aan loo fashilmin waa in dhaliilaha la qaataa Lana dhagaystaa, oo la
saxaa khaladaadka farta lagu fiiqayo, Niyad wanaagna la muujiyaa.
11. Talooyinka oon
dhag jalaq loo siin:
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Talada adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola. Waxaa
jira dad badan oo ilaahay waafajiyo talada saxda ah, in badana soo bandhiga
talooyin wax ku ool ah oo hadii la dhagaysto lagu badbaadayo laguna badhaadhayo
laakiinse waxaa isku fuuqsada boqolkaan aqaan kaa akhrisan maayo, gabyaagii
soomaaliyeedna waa tuu lahaa Dhaaxaan jalaalugay Dheg baan jalaq la ii siine.
Hadiise
lagu gacan saydho talooyinka iyo waanooyinka ay soo jeedinayaa dadka Talo
qabeenka ahi waxaa laga dhaxlaa inaan hore loo socon, fashalkuna noqdo midhaha
la goostay ee lagu khasaaray. Si hadaba fashil looga badbaado waa in talooyinka
la qaataa Lana weeleeyaa laguna dhaqmaa.
12. Anaa Mudan:
waxaa ku dhacda ururada & muasasaatka in qof loo dhiibo inuu hawsha wado
masuulna ka noqdo ka dibna ay adkaato sidii meesha looga wareejin lahaa, taasi oo
sababta in laguba mashquulo, wakhti badana la galiyo sidii qofkan meesha looga
qaadi lahaa. isaguna u tafa xayto, kooxna u samaysto sidii aanu u dayaci lahayn
kursigan iyo jagadan qiimaha badan ee uu nasiibka u helay kuna doodo xagaad
jirteen intaan anigu dhibtoonayay, miyaad ila qaybsateen dhafarkii iyo
dhakafaarkii aan u maray hawshan, ma markii midhaha la wada arkay baa la soo
qamaamay.Arinkani
waa guuldarooyinka ugu waaweyn ee ku habsada ururada & hay,adaha sababana in
dagaal aan kala go lahayn oo dhex qarxo Aanaa Talin & Mucaaradkiisa loona
adeegsado dhaqaalihii ururka sidii loogu dagaalami lahaa. Si looga
badbaado arinkaa waa inuu jiro qorshe cad oo qof kasta qeexaya shaqadiisa &
mudada uu hawsha wadayo, waa inaanay dhicin in hal qof la kaliyoobo hawsha.
Sidoo kale waa in laga fiirsado qofka hormuudka laga dhiganayo inta aan waxba
loo dhiibin.
13. Anaa quman:
Waxaa dhacda in la horumar laga sameeyo dhinacyo badan ayna suura gasho in wax
badan oo lagu fakarayay loo badalo ficil muuqda oo la arki karo. Guulahaas la
gaadhay waxaa ka dhashay marar badan in la is mahadiyo Lana moodo in isku
filnaansho la gaadhay cid loo baahan yahayna ayna jirin, cagtana lala helay
dhabadii saxda ahayd.
Hadii
aragtadani noqoto mid saameyn yeelata waxay sababtaa talo xumooyin badan, ka
fiirsasho la'aan, iyo in la garan waayo in ibnu aadanku daciif yahay baahida
iyo dacfiguna yihiin kuwo ku lamaan basharka oo aan ka zuulayn. Si
arinkaa looga baadbaado waa inaan la is mahadin. Lana fahmaa in qabku sababo
guuldarooyin naxdin leh.
Anaa dunida kaligey leh baa koofil eersaday
** Kaskiiba ma gelin wiil
yarbaa keebka kuu qabane
** Ragow kibirka waa lagu
kufaa kaa hala ogaado.
14. Guuldarooyin
isdaba Jooga: Marka
laga hadlayo guusha macnaheedu ma'aha inaan ka hadlayno xaalad dagaal.
Laakiin Dowladuha, Ururada iyo
Hay'aduhu waxay leeyihiin yoolal ay hiigsanayaan oo ay doonayaan inay ku
guulaystaan. Hadaba haduu soo noqnoqdo fashilku waxay keentaa niyad jab badan
iyo in loo xiisi waayo in hawsha la sii wado. Waxay kalo sababtaa in laga
yaaco ururkii ama hay'adii laguna biiro kuwo kale oo la filayo inay guushu
xagooda jirto . Taasi waxay keentaa marar badan in ururkii ama hay'adii badasho
magacii si ay isugu eekaysiiso muuqaal kale una yeelato waji cusub & Magac
hor leh oo ay bulshada ku dhex mushaaxdo. Sidaa daraadeed waa in la isku
dayaa inaan raadkii dib loo raacin wixii shalay la khaldayna aan maanta lagu
celin. Lana dhuuxaa xadiiskii Nabiga (nnk) ee ahaa (Mu, minka hal god laba jeer
lagama wada qaniino).Waa in si feejigan loo talaabsadaa, daraasaduna
noqotaa mid laga hor mariyo wax isku dayga.
15. Hadafka oo aan cadeyn: Inta
aan dadka la ururin ama aan la isukeenin waa inuu jiraa hadaf cad oo la doonayaa
in la gaadho, markaa ka dibna la abaabulaa dadkii hiigsan lahaa yoolkaa isaga
ah, loona sharxaa meesha bar tilmaameedku yahay. Marar badan waxaa dhacda inaad
aragto hal urur oo xaanbarsan afkaaro aad u kala fog amaba aan isku ujeedo
ahayn.Hadii taasi dhacdo waxaa soo degdega Ismaandaaf fara badan & inaan
hawsha la wada qaban. Koox walibana ku hawl gasho sida ay iyada wax ula muuqdaan.
amaba ay dhacdo inay iyagii is dabraan meeshii laga rabay inay horumar sameeyaan.
Waxaad suuraystaa hal
gaadhi oo toban isteerin leh, isteerin kastana uu dareewal ku fadhiyo.Si
hadaba taa looga badbaado waa in wakhti badan lagu bixiyaa in la sharxo hadafka
ururka ama hay'ada, meesha loo socdo & waxa la rabo ee dadkan la isugu
keenay.
16. Qorsheyn la' aan: Si hawshu habsami ugu socoto waa inuu jiraa qorshe degsan oo la raacayo
si loo xaqiijiyo ahdaafta qiimaha badan ee la isku waafaqay in la gaadho.
Qorshayaashaas oo la fulinayo hadba inta awoodu gaadhsiisan tahay. Laguna
xadeynayo mudooyin loogu tala galay in marba mid la fusho. Laakiinse waxaa dhacda
in ururo badani karti u yeelan waayaan inay la yimaadaan qorshe cad oo ay ku
hawl galaan xubnahoodu, taasi oo keenta in wakhti badani lumo ka dibna lagu kala
dhaqaaqo, qof kastaana si shaqsi ah u tashado ururkiina noqdo magac u yaal aan
wax qiimo ah lahayn.
Waxaa laga yaabaa inaad
wax badan aragto urur ay xubnihiisu aad u badan yihiin laakiin ku fashilmay in
wax qorsha ah uu la yimaado. Si
taa looga baadbaado waa inaan la moogaan inaan qorshe la'aan meel
la gaadhi Karin laguna guulaysan Karin ujeedooyinka la rabo in la hiigsado.
Sidaa darteed waa in qorsheynta la siiyaa ahmiyad gaara Lana daraaseeyaa oo la
bartaa hababka & qaababka qorsheynta loo sameeyo. Waxaa la yidhaa hadaadan
waxba qorshayn waxay la micna tahay inaad fashil qorshaysay.
17. Fulin la'aan:
Waxaa la isugu yimi oo hay'ada ama ururka loo sameeyay in la fuliyo hawl galo
muhiimadooda leh taasi ayaa sababtay in la isa soo uruursado Lana door bido in
hawshan la wada qabto, taasi ayaa sababtay in qorshe la diyaariyo si loo fuliyo.
Akhristaha qaaliga ahow
waxaase dhacda in marar badan lagu guul daraysto in hawshii la fuliyo shaqaduna
ay soo dhaafi weydo afkaar qurux badan oo maskaxda ka dhex guuxaysa.
Hadaba haday meesha ka
baxdo in qorshihii la fuliyo waxaa iska cad inaanu qiimo samaynahayn magacan
quruxda badan ee lala baxay iyo jagooyinkan faraha badan ee lagu taxay xubnaha
ururka sida gudoomiye, ku xigeen, xoghayan, xisaabiye, gole tashi, gole fulin
iwm. Sidaa
daradeed waa inaan garano in qiimuhu yahay waxa la qabtay ee aanu ahayn waxa
la qoray.
18. Isbadelka oo laga baqo: Ha
noqoto isbedel lagu sameeyo Maamulka, Qorshaha, Xubnaha, qaab dhismeedka ururka
iwm.
Marar badan waxaa dhacda
in insaanku ka baqo inuu isbedel sameeyo isaga oo is leh armaad wax badan
lumisaa ama ay meesha soo galaan dad aan la fahmeyn oo aan la xakameyn Karin,
taasi oo keenta in la baasaysto isbedelka, laguna tuhmo qofkii ka hadla isbedel
inuu leeyahay ajande qarsoon oo uu doonayo inuu fushado, mijaxaabiyana Dowladii ururkii
iyo hay'adii sidaa darteed loo baahan yahay in qofkaa il gooni ah lagu eego
loogana digo xubnaha kale ee ururka si aanu uga dhaadhicin balaayooyinkan uu la
wareegayo. Hadaba hadii isbedelka loo qaado colaad gaara, loona arko in wax
badani lumayaan hadii lagu talaabsado waxaa marag ma doona inaan la fahmin
sababtii la isugu yimid, ayna dhici doonto burbur iyo kala tag aan la hakin
Karin.
Akhristaw sida loogu
baahan yahay horukac ayaa loogu baahan yahay in isbedelku noqdo joogto.
Isbadelku
waa qaababka shaqada lagu dardar galiyo, laguna abuuro kalsooni buuxda oo ka
dhex dhalata xubnaha dhamaantood. Waana hubka lagula dagaalamo kuwa ujeedooyinka
gaarka ah leh ee dhex boodaya shaqada iyo hawsha la wado & kuwa hawlgabka
noqday ee daalku dabray.
19. Taxadarka aadka u badan:
Shay kasta wuxuu leeyahay xad iyo heer loo baahan yahay inaan laga sare Marin
lagana hoos Marin. Hadaba markaan ka hadlayno taxadarka waa ficil qiima badan
hadii aan laga badbadin ama aan si saayida ah loo adeegsan. Waxaa marar badan
dhacda inuu taxadarku dhaliyo inaan hawl lagu talaabsan, Lana aamino hadii midig
loo dhaqaaqo in god lagu dhacayo, hadii bidix loo dhaqaaqana in biyo ku
qaadayaan hadii hore loo socdana in lala kulmayo masiibooyin aan la maareyn
Karin, markaa ka dib ay taladu ku soo ururto inaan far la dhaqaajin,
dhaqdhaqaaqana la yareeyo. Ficilka noocaas ahi wuxuu horseedaa in shaqadii
istaagto ururkii ama hay'adiina ay noqdaan fadhiid laga tashado laguna xisaabiyo
hawl gab.
Akhristow si looga
badbaado taa waa inaan fahano in loo baahan yahay marar badan in la qaato go'aan adag, horu socodkuna noqda ka lagu balamay Lana dareemo in iska fadhigu
marar badan ka khatar badan yahay isku day la' aanta. Odhaah baa ahayd (The trouble is, if you don't risk anything, you risk even
more)
20. Deg Dega:
Degdegu waa ficil xun, ayna haboon tahay in la iska ilaaliyo lagana dheeraaado.
Imisa guuldaro ayuu degdeg sababay? Imisa khasaare ayaa degdeg dhaliyay? Imisa masiibo ayuu degdeg soo
jiiday? lama tirin karo masiibooyinka
waaweyn ee uu degdegu sabab u noqday. Waxaan filayaa in Taariikhdu marag u tahay
Lana heli karo tusaalooyin aad u fara badan . Degdegu waa ficil halisa ee soo
dadejiya fashillo is daba jooga oo xalkoodu adkaado. Sidaa darteed waa in laga
dheeraado degdega Lana xasuusto inuu yahay dabinada shaydaanku dhigo si uu dadka
u seejiyo talada saxda ah.
21. Shaqada oo aan Qaybsanayn: Si
hawshu u fududaato, loona koobo wakhtiga, loogana faa'iidaysto khibradaha kala
gadisan ee ay leeyihiin xubnaha uruku waa in hawsha la qaybsadaa, qof kastana
lagu beegaa meesha uu ku haboon yahay,loona diraa shaqo uu qaban karo lagana
rabo inuu ku gabagabeeyo mudo xadidan. Loona sheego inuu masuuliyadeeda qaadayo
fashil & guulba. Hadiise
ay dhacdo inaan shaqada la qaybsan waxaa timaada inay dhacdo isku halayn, iyo
inay adkaato in la garto cida dhaliisha leh ee hawsheedii dayacday & Meesha
wax ka khaldameen. Waxaa timaada in la isku riixo guuldarada Lana garan waayo
waxa dhacay iyo siday wax u dhaceen.
Sidaa dardeed waa in
shaqadu qaybsan tahay qof kastana uu qaado masuuliyad buuxda oo ku aadan hawsha
loo diray.
22.
In la fahmi waayo
ujeedooyinka ururka: waa la arkay magacan quruxda badan waana la fahmay inuu urur ama hay,ad
yahay laakiin:
Muxuu rabaa?Muxuu
yahay?Muxuu doonayaa?Muxuu qabtaa?Yaa wada?Yaa ka danbeeya?Maxaa isu
keenay?Maxay qabteen?Xagey wax geeyaan?Muxuu faa'iido leeyahay?
Su'aalahan
iyo kuwa la mid ihi waa kuwa ku wareega maskaxda ibnu aadanka markay maqlaan
urur ama hay'ad. Hadaba haday dhacdo inuu ururku is sharaxi Kari waayo ama
bulshada ka dhaadhicin Kari waayo waxay yihiin & waxay rabaanba waxay
sababtaa in ururku ku koobnaado intii aasaastay, noqdaana koox yar oo go-doona
shaahana kuwada cabta xaruntooda iyaga uun kulmisay.
Arimahaasi
waxay keenayaan in la waayo taageeradii bulshada uuna noqdo ururku ama hay'adu
mid shaki hadheeyay, madmadow badanina ka sokeeyo, ayna adag tahay in lagu
dhiirado taageero loo fidiyo. Sidaa daraadeed waa in sharax badan laga
siiyaa bulshada la rabo taageeradeeda ujeedooyinka ururka & ahmiyada uu u
leeyahay, Si ay u fahmaan meesha loo socdo & dawrka kaga aadan iyaga.
Sabatoo
ah dadku ma fahmi karaan waxaad qalbiga ku hayso laakiin waxay wax ku qaybsan
karaan ficilkaaga & waxay kaa arkaan ama kaa maqalaan.
23. Qorshayaal badan oo
aan la Awoodin:
In qorshe la dejiyaa waa arin lagama maarmaana la'aanteedna aan horumar lagu
talaabsan Karin balse waxaa laga maarmaana inay noqdaan qorshayaashaasi kuwo la
awoodi karo Lana fulin karo sida lagu gaadhaana ay suurogal tahay. Laakiinse
waxaa in badan dhacda in qorshe la dejiyo isaga oon la fulina hadana kuwa kale
la dejiyo, caadana laga dhigto in marba mid la isku qaado isagoon la
dhamaystirin kii hore hadana mid kale lagu boodo. Ka dibna Isdaba marka iyo
yaacyaacuna noqdaan astaan & sumad uu leeyahay ururkani. Mararka qaarkood
waxaa dhacda in la dejiyo qorshe laakiinse aan qorshaha lagu darsan ma la fulin
karaa mase la awoodaa. xubnihiina lagu daaliyo arimo ayna waxba ka qaban Karin
oo ka baxsan awoodooda & daaqadooda. Ka dibna markay arkaan inaan meesha
waxba laga qaban Karin ay danahooda ka raacaan. Sidaa dardeed waa in la
caadaystaa in qorshe kasta lagu dhameeyo wakhtigii loogu tala galay. Waana in la
qorsheeyaa hadba inta awoodu gaadhsiisan tahay.
24. Tayo Daro & Tiro
Badan:
Ninbaa lagu yidhi inaadeerkaa wuu guursaday markaasuu yidhi (Tolkay Tayuu Rabaa
ee Tiro Ma Rabo).Aalaaba ururadu waxa ay xoogga saaraan sidii ay u heli
lahaayeen dad badan oo ka mid noqda umana aaba yeelaan tayada qofkani
leeyahay.Arimahan waxay soo jiidaan guuldarooyin waaweyn oo aan xisaabta lagu
darsan. dadka aan tayada lahayn waxay noqdaan kuwa ugu horeeya ee curyaamiya
ururka ama hay'ada, haday bataana kaba sii daran. Sidaa daraadeed waa in
lagu baraarugaa in dad kooban oo tiro yari ka waxtar badan yihiin daadxoor la
isu keenay.
25. Dusha oo laga
bilaabo: wax
kastaa waxay leeyihiin meel laga bilaabo iyo meel ay ku dhamaadaan. Markaan
eegno koriinka ilamaha waxaan la wada soconaa inuu maro maraaxil kala gadisan
ilaa uu ka noqdo qof dhamaystiran. Sidoo kale hadii la rabo in guri la dhiso
waxaa lagaa bilaabaa aasaaska ilaa laga gaadho in jiingada la saaro. Hadiise la
yiraahdo waa in jiingada/tarniiga laga bilaabaa si aan u dhakhsano, wakhtigana u soo
koomo, muraadkeenana u gaadhno, waxaa hubaala inaan xal laga gaadhahayn, lagalana
kulmayo fashil baaxad leh oo ay adkaato si looga soo kabto. Sidaa daradeed waa
in la gartaa in arimaha oo heraarar maraa ay ka mid tahay sunanta kawniga ah.
26. Waqtiga: Wakhtigu wuxuu
dawr muhima ka ciyaaraa guusha & guuldarada labadaba. Arin Barri suuro gal
ah ayey adag tahay in Maanta la sameeyo, mid maanta ku haboon ayaan loo baahnayn in
Barri loo dib dhigo. Sidoo kale arin maanta aad tageero ku heli karto ayaa laga
yaabaa inaadan Barri ku helin. Sidoo kale Arin maanta fulinteeda ay ka dhalanayaan
dhibaatooyin badan ayaa laga yaabaa hadii lala sugo wakhtiga ku munaasibka ah
inay fulinteedu sahlanaato.
Waxaa kaloo muhiim ah in shaqada aan korka laga saarin cid aan waqti u hayn oo
mashquulsan,si kastoo khibrad,aqoon iyo daacad u tahay. Sidoo kale waa inaysan
shaqada horarsan cid aan waqti u ahayn, si kasta oo ay umadan tahayba. Badanaa
waxaa howlaha maamulka horarsada dadka magaca raadinaya iyagoon awoodin inay
kabaxaan, magac
xumanaana ka raacda inta badan.
Waxaa la yiraahdaa siyaasadu waa Inaadan jaaniskaaga ka hor dhicin kana dib
dhicin. Sidaa daraadeed
waa in mashaariic badan wakhtiga loo fiiriyaa. laguna baraarugaa in guuldarooyin
badani ka dhasheen damac la damcay in shaqadii Barri
maanta la qabto.
27.
Xisaabtan La'aan: Ma'aha
macnaheedu inaan lacag ka waramayno laakiin waxaan ka hadlaynaa micne intaa ka
guda weyn oo ah in si dhaba loo xisaabtamo lana qiimeeyo Dowlada, Hay'ada ama
Ururka. Maxaa
qabsoomay? Maxaanse qabsoomin? Maxayse u qabsoomi waayeen? Maxaan saxnay?
Maxaanse khaladnay? Maxaan fulinay? Maxaase dhiman? Ma gaadhnay ujeedooyinkeenii?
Mise wali waxbaa hadhay? Maxaa laynagu dhaliilayaa? Maxaa ka jira? Maxaanse ka
qabanay? Maxaan khasaarnay? Maxaanse faaiidney? Maxaa kharasha oo baxay? Muxuu
ku baxay? Maxaase loo bixiyay? Suaalahan & kuwo la midka ahi waa inay
noqdaan joogto si aan loo hambaabarin mar xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo
aan waxba la qaban Karin.
28.
Xidhiidh La'aan:
Xidhiidhku waa arimaha ugu muhimsan marka laga hadlayo in shaqadu u socoto si
habsami ah. Hadiise ay dhacdo in hay'ada ama ururku ku guuldaraystaan xidhiidhka
ay la leeyihiin bulshada amaba ay
lunto isku xidhnaanta dhexdooda ka dhaxaysaa waxaa imaanaysa kala go & kala
tag. Sidaa daraadeed waa in mar kasta la xoojiyaa xidhiidhka lala leeyahay
bulshaweynta & isku xidhnaanta hawlwadayaasha.
29. Dhaqaale
la'aan?: Dhaqaaluhu
waa lafdhabarta howl kasta oo la doonayo in la dhaqaajiyo, marka laga hadlayo
Dowlad, Urur ama hay'ad waa in gacanta lagu hayaa dhaqaale sanadeedka loo
dajiyey Mu'asasadaas, tusaale ahaan hadii kharasha lagama maar maanka ah uu
yahay $100. 000 sanadkii, waa in aan walwal laga qabin lacagtaas heli deeda.
Hadii ay dhacdo in la waayo dhaqaalihii loo baahnaa oo ay ugu muhiim santahay
howl wadeenada mu'asasadaas mushaarkooda, waxaa dhacaya fashil wayn iyo in
shaqaalihii meelo kale ka raadiyaan mushaar ama in magacii Dowlada, Ururka ama
Hay'ada si khaldan loo adeegsado oo uu noqdo tiimbare qof jeebka ugu jira oo
laga gato marka loo baahdo. Sidaa daraadeed waa in khasnada ay ku jirtaa
dhaqaalaha shaqada lagu fulinayo, waa in howl wadeenada iyo howlaha dhaqaale
la'aan tiis aan la dhaqaajin karin kharashkoodu mala awaal iyo rajo ahayn.
30. Sabirka oo
yaraada: Shaqo
kastaa waxay u baahan tahay sabir, guushuna hal saac oo la sabro ayay ku
timaadaa. Hadaan sabir imaan marnaba la gaadhi maayo muraadka la leeyahay, Sidaa
daraadeed waa in lagu sabraa loona dhabar adaygaa culays kasta oo xaga shaqada
ka yimaada noocuu doonaba ha ahaadee. Akhristaw waxaan filayaa
inay sababuhu intaa ka badan yihiin laakiinse aan doorbiday inaan halkaa ku
joojiyo.
Wixii aan saxay ilaahay
baa I waafajiyay wixii aan khaldayna naftayda iyo shaydaan bay ka ahaatay.
F.G wixii
dhaliila iigu soo hagaaji fariinsidahayga
Maqaalkii hore ee Sidee Loo
Xaliyaa Mashaakilaadka? (Q-1aad) Akhri...
Sh.C/Khaaliq Jaamac Ismaaciil
Email: darwiish101@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2009
|