Koox
Muslimiin ah oo ku dhaqan gobolka Banda Aceh ee ay aafadii badgariirku
halakaysay ayaa aad uga welwelsan imaanshaha gobolkaas uu yimid baadari
masiixi ah oo ka yimid Australia, waxayna uga digeen in uusan isku deyin in
uu carruurta Muslimiinta Diintooda ka bedelo, sidaas waxaa qortay shabakada
Islam online.
Baadariga magaciisa la yiraahdo Chris Riley, oo hogaamiya hay'ad samafal oo
la yiraahdo "Youth Off The Streets" ayaa Jimcadii yimid gobolka Aceh.
Waxaana u qorshaysan in uu xarun agooneed u asaaso 35,000 oo ah carruurta
reer Aceh, kuwaas oo waaliskood ku le'deen aafadii badgariirka.
Laakiin maalintii Sabtida ahayd ayaa madaxa "Islamic Defenders Front",
Hilmy Bakar Almascaty, weydiistey in baadariga Riley uu ku ekaado oo keliya
arimaha la xiriira mucaawinada bini-aadaminimo ee Aceh. Aceh waa gobolka
keliya ee dalka Indonesia sida rasmiga ah looga dhaqan geliyey Shareecada
Islaamka.
Si kastaba ha ahaatee, baadariga Riley waxa uu sheegay in aysan u
qorshaysnayn in kuwa uu caawinayo uu u bedelo masiixi. "Wax diin ah kuma
dhex labna barnaamijyadayda" ayuu yiri.
Kooxaha
Muslimiinta ah ee ku sugan gobolka Aceh waxa ay rabaan in ay sameeyaan
xaruno agooneed oo qaadi kara 1000 carruur ah, dawlada Indonesia waxay
ogolaatay in xarumahaas agoonta ay maamulaan ururka lagu magcaabo
Muhammadiyah oo ah kan labaad ee ugu weyn ururada Muslimiinta ee dalkaas ka
jira, xaruntiisuna ay tahay cirifka magaalada Banda Aceh.
Agaasime xigeenka ururka Muhammadiyah, Din Syamsuddin, waxa uu Sabtidii
sheegay in qiyaastii 15,000 oo carruur ah ay waalidkood ku lumeen aafadii
badgariirka.
Inkasta oo ay muddo ku halgamayeen in ay xorriyad gaar ah qaataan, Aceh,
oo qaybo kamid ah lagu xukumo sharcada Islaamka, waa meesha ubucda (ama
xudunta) u ah Islaamka Indonesia, waxana badankeeda lagaga dhaqmaa fahamka
diinta Islaamka oo khafiif ah, ayey tiri AFP oo ku dartay: Xadka iimaanka
Aceh iyo wadamada ku xeeran badweynta Hindiya waxaa la tijaabiyey December
26keedii markii dhulgariirkii ka dhacay ubucda baddu uu soo saaray qalcado
biyo ah oo burburiyey xeebaha, xaaqyna wax kasta oo ku beegnaa wadada ay
marayeen mowjadahaasi.
Gobolka Aceh waa meesha ay ka dheceen mucjisooyin ilaa hadda warbaahinta
Caalamku ay hadal hayaan, mucjisooyinkas oo ay ugu wey tahay in magaalooyin
dhan gebi ahaantoodiiba la waayey marka laga reebo Masaajidyadii.

Masjid Keligiis ka taagan meel ay
magaalo ahaanjirtey, Aceh |
Sawirka dhanka midig wuxuu muujinayaa masaajid keligiis gooni uga taagan
meel ay maago ahaan jirtey, halkaas oo ay aafadii badgariirku xaaqday. [Akhri
masaajidyada ka badbaadey Aafada Badgariirka]
Mucjisooyinka kale ee gobolkaas lagu arkay waxaa kamid ah in in
Xayawaankii ay intii aan duufaanta baddu soo burqan ay carareen oo fuuleen
meeelaha taaga ah ee aan biyuhu soo gaari karin, sidaasna ay ku badbaadeen.
Waxaa
kale oo dunida mucjiso ku noqotay in dad deggan qayb kamid ah Aceh oo ah dad
dunida oo dhan ka go'an, oo cid u tagtaa jirin, gooni u nool, jasiirado
khaas ah deggan, una nool sidii qarniyadii bilowgii adduunka, in ay fahmeen
badda soo burqan doonta oo ay ka caraareen xeebaha ay ka kalluumaystaan,
aafada kadib markii kor laga soo tira koobayna waxaa la arkay badidood in ay
ka badbaadeen aafadaas badgariirka.
Qabiilka lagu magcaabo Jarawa oo dega jasiiradaha Andaman
& Nicobar, waxaa la soo weriyey in gebi ahaanba 250 kii uu qabiilkaasi ka
koobnaa ay badbaadeen. Khamiistii la soo dhaafay ayey markii ugu horeysey,
aafadii kadib, dadkaasi ka soo bexeen kaynta ay ku jireen, dawlada oo dad u
dirtayna waxaa ay u sheegeen in ay aafada ka badbaadeen dhammaantood.
Qabiilkan oo la baaray dhiigooda (DNA) waxaa la sheegay in ay ka soo
kasoo safreen Afrika muddo lagu qoiyaasay 70,000 sano ka hor ilaa degeen
jasiiradaha Indonesia.