w w w . S o m a l i T a l k . c o m
AAFADABG
Daabaco Boggan | Print


Madax Sare Oo Ka Tirsan Qaramada Midoobey Ayaa Soo Gaaray Magaalada Bosaso

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey ahna ku xigeenka madaxa gargaarka oo lagu magacaabo Tomson iyo madax kale oo uu hoggaaminayo ayaa ka soo dagay Gagida diyaaradaha ee magaalada Boossaaso.
Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reermiyiga DGPL Cali Cabdi Awaare
Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reermiyiga DGPL Cali Cabdi Awaare.

Gudoomiyaha G-Bari Yusuf Caways Dhado
Guddoomiyaha Gobolka Bari Dr. Yuusuf Maxamada Wacays

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide

Sawirada: File [Sawir qaade: c/fatax jaamac | Boosaaso | SomaliTalk]

Waftigan waxaa safarkooda ku weheliyay Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Cali Cabdi Awaare oo kala soo socdaalay magaalada Nairobi ee dalka Kinya kadib markii uu halkaasi si kadisa ah ugu ambabaxay si loogu gurmado dadkii ku barakacay duufaan badeedkii waxyeeleeyay degmooyin ka mida Gobolka Bari.

Waftiga waxaa garoonka diyaaradaha Boosaaso ku soo dhoweeyeen Guddoomiyaha Gobolka Bari Dr. Yuusuf Maxamada Wacays iyo madax kale oo ka tirsan Maamulka Puntland waxa uu sheegay Mr. Tomson in socaalkoodan uu dhabarka ku hayo inay soo sahmiyaan qasaarihii dhacay inta uu le,egyahay si loo qiimeeyo gargaarka loo baahanyahay.

Isla Degmooyinkaas dhinaca Bari sii xiga waxaa maalintii ku laba ahayd markii dhibaatadu dhacday u ambabaxay ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Dr. Yuusuf Muumin Bidde oo hoggaaminayay qaar ka mida Heyadaha gargaarka bixiya sida WFB iyo UNICEF iyo xoogaa macaawina ah oo raashin u badan.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax gargaara oo u dhigma kan la siiyay dalalka Asiya ee isla bad gariirku uu ka dhacay oo Beesha Caalamku ay la soo gaareen kummanaan dada oo ay biyuhu burburiyeen hoygoodii iyo hantidoodii.

Dhinaca kale Profissor Cali Maxamad Geedi Ra’iisal Wassaaraha Dowlada Fadaraalka oo la filaayay inuu soo gaaro Gobolada Puntland gaar si uu u tago dagmooyinkii ay baddu aafaysay ayaa illaa iyo iminka aan war sugan laga hayn xilliga dhabta ah ee uu imaanayo, inkastoo warar aan hubsoonayn ay sheegayaan in safarkiisii uu dib u dhacay.

Mr. Geedi ayaa si weyn socdaalkiisa looga hadal hayaa magaalada Boossaaso, dadkuna ay kuu sheegayaan inay si weyn u soo dhowayn lahaayeen. [Maanta waxaa la xaqiijiyey in safarkii uu Prof. Geedi ku tegi lahaa Dhulka uu ay ka dhacday aafada bad gariirku uu baaqday.. Akhri halkan...]

Dhinaca kalena xilligii jiritaanka Golaha Xukuumada Puntland oo shalay ku ekaa ayaa isla shalayba waxaa lagu dhawaaqay Xubnihii Baarlamaanka ee beeluhu ay soo gudbisteen kuwaasoo isugu jira Xildhibaanadii hore iyo kuwo cusub, maalinta bishu ay todoba tahayna waxaa dhici doonta u codaynta musharaxiinta doonaya inay u tartamaan xilka Madaxweynaha Puntland. [Akhri Liiska Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka DGPL]

Magaalada Garowena waxaa xilligan la isaga yimi dhamaan magaalooyinka Puntland iyo dibadaba, waxaana ka socda olole aad lixaad leh kaasoo aan la saadaalin Karin halka guushu raacidoonto.

C/raxmaan Maxamed Shire
Nairobi kenya
gaambool@yahoo.com

BOGGA: Aafadabg: www.Somalitalk.com/aafadabg

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 1, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD