SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LETTER FROM MAHIGA

Mahiiga: "Waxaan ka wada hadalnay arrimo khuseeyo Kooxda Aala-Sheekh iyo sida ay u fahamsanyiin diinta Islaamka."

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey u qaabisan Arrimaha Soomaaliya, Mahiga, oo warqad u qoray Soomaalida ayaa yiri "Toddobaadkii la soo dhaafay waxaan dhowr jeer wadahadal iyo dood wanaagsan yeelanay madax ka socota culimada, odeyaasha dhaqanka iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda, waxaana ka wada hadalnay arrimo khuseeyo Kooxda Aal Sheekh iyo sida ay u fahamsanyiin diinta Islaamka."

Mahiiga ayaa dhowaan waxa uu sheegay in kooxda Aala Sheekh ay afgambi ku qabsadeen madaxtooyada DFKMG ee Villa Somalia, waxana uu yiri "Aala Sheikh waa soo laabteen, waana in aan la dhayalsan.

"Koxda Aala-Sheekh waxaa lagu qeexaa koox aan weligood doonayn in awoodda xukunka lala qaybsado, waxay ka soo horjeedaan Roadmap-ka," ayaa laga soo xigtey Mahiga, isagoo intaas raaciyey "Wax farqi weyn uma dhexeeya ayaga iyo AlShabaab, marka laga reebo in Aala Sheikh aysan doonayn in ay hubqaataan. Waxayna hadda isu diyaarinayaan in ay xukun ka kusoo laabtaan, waxayna hadda sameeyaan urur hoos taga Farmaajo. (Ururka uu ka hadlayaa waa ururka la sameeyey bartamahii bishii Febraayo ee sannadkan 2012, lana baxay Daljir Party oo la sheegay in ay ku midaysan yihiin Aala-Sheekh, Al-Islaax iyo Al-Ictisaam, ayna ku jiraan madax ka tirsan xukuumaddii ra'iisul wasaarahii hore ee DKMG Farmaajo).

Haddaba, Mahiiga ayaa warqadda uu Soomaalida usoo qoray ku sheegay sidan "Waxaan ka xumahay in aragtidayda meelaha qaar si xun loogu fasiray loona dhigay inay tahay mid ka soo horjeedda diinta iyo xorriyadda hadalka siyaasadeed iyo weliba dhalleecayn loo jeediyay Hay’adda Fulinta ee Dowladda (Xukuumadda)."

Xafiiska Qarammada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya laga soo bilaabo 1991 waxaa soo maray ilaa 14 ergey, oo ka soo jeeda dalalka Sierra Leone, Algeria, Ciraaq, Maraykanka, Guinea, Ghana, Sierra Leone, Tanzania, Britain, Liberia, Guinea, Mauritania, iyo Tanzania. Ilaa xilligaasna xafiiskaas qaabilsan arrimaha Soomaaliya looma magacaabin qof Soomaali ah.

Warqaddii oo dhamaystiran oo Af-Soomaali ah hoos ka akhri:


UNITED NATIONS - NATIONS UNIES

UNITED NATIONS POLITICAL OFFICE FOR SOMALIA - UNPOS

9 Maarso 2012

As-Salaamu Calaykum.

In ku dhow lix toddobaad ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii aan idiin soo qoray waraaqdii iigu dambeysay, anigoo markaa uun u soo guuray magaalada Muqdisho. Waxaan u degay caasimadda si aan ugu dhowaado maalin walbana ula xiriiro dadka iyo madaxda Soomaaliyeed ee aan wada shaqeyno, taasina waxay nagu kaalmeynaysaa inaan “ka soo kabano waqtigii naga lumay.” Waxaan welina ku sii dhiirrigelinayaa xubnaha kale ee bulshada caalamka inay halkan nagu soo biiraan iyagoon daahin si ay u muujiyaan hawsha ay ka hayaan Soomaaliya, ayna goobta u joogaan si ay kaalmo uga geystaan horumarinta geeddisocodka nabadda.

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhacay dhacdooyin aad u waaweyn. Dalku weli wuxuu ku jiraa qalalaase baarlamaan oo xayiray xitaa hawlihii ugu darnaa ee asaasiga ahaa ee sharcidejiyeyaasha (xildhibaanada). Baarlamaanku ma marin karo sharci cusub mana qaban karo hawlihii caadiga ahaa. Soomaaliya sinaba kuma awooddo inay ku jirto ismariwaagan iyadoo ay marayso marxaladan xasaasiga ah ee taariikhdeeda. Loolan awoodeedkan hadda socda ma aha keliya inuu khatar ku yahay inuu weeciyo guulihii waaweynaa ee ay dhinacyada Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso iyo saaxiibadooduba ay si aad u dhib badan ku gaareen, weliba wuxuu la hayste ahaan u haystaa hawlo muhim ah oo ka mid ah geeddi-socodka, sida ansaxinta Qorshaha Qaran ee Amniga iyo Xasilinta. Aniga waxaan dadaalkayga ku soo xoogga ku saarayaa inaan la hadlo dhinacyada is haya si aan u baadigoobno waddo looga baxo qalalaasahan loona xaqiijiyo in ay xildhibaanadu shaqadooda ku soo noqdaan iyagoo eegaya danta Soomaalya.

Inkastoo xaaladda hadda jirta ay cakirantahay, waxaan guulo la taaban karo ka gaarnay Qorshe-Hawleedka lagu dhammeynayo xilliga ku meelgaarka. Ka dib markii la qabtay Shirkii Kowaad ee Wadatashiga Dastuurka Soomaaliyeed ee lagu qabtay Garoowe, Maamulka Dowladda Puntand, bishii Diisembar, halkaasoo lagu soo saaray tallaabooyin lagu dhammeynayo xilliga ku meelgaarka, waxaan markaa ka dib qabanay shirkii labaad ee dastuurka oo guul ku dhammaaday oo la qabtay 15kii ilaa 17kii bishii Febraayo. Shirkan oo loo yaqaano Shirkii Garoowe ee 2aad, wuxuu caddeeyay aragti qeexan ee dowladda mustaqbalka ee ay Soomaaliya yeelan dooonto, oo ka kooban nidaam federaali ah oo leh baarlamaan ka kooban aqal sare iyo aqal hoose oo ugu yaraan boqolkiiba 30 xubnihiisu haween yihiin. Ansaxinta Qabyo-qoraalka dastuurka waxaa loo qabtay inay dhacdo 22ka bisha May 2012.

Waxaa caddaatay in hanaanka kalaguurku uusan ahayn mid dad gaar ah u xiran ama mid kor laga soo unko. Tani waxay ahayd arrin muhimsan oo ka soo baxday shirkii Garoowe, oo ahaa mid si ballaaran looga wada qaybgalay ayna si xoog leh uga qaybqaateen saameyna ku yeesheen xubnaha bulshada rayidka. Gole Dastuur oo u eg Soomaaliya – oo dad gaaraya 1,000 qof oo Soomaali ah oo ka kala socda bulshada qaybaheeda kala duwan – ayaa la sameyn doonaa. Ergadu waxay ka iman doonaan degaannada hoose. Arrintan waxay u baahnaan doontaa shaqo aad u weyn si hawsha loogu dhammeeyo waqtigii loo dejiyay. Caalamku wuu daawanayaa, anagana nooma harin waqti badan oo aan lumino.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaan warbixin siiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay anigoo magaalada Muqdisho kala hadlaya qalabka xiriirka video-ga, waxaana kala hadlay guusha weyn ee laga gaaray geeddi-socodka nabadda Soomaaliya. Kadbi markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray Qaraarka tirsigiisu yahay 2036 (ee 22 Febraayo 2012) ee lagu ballaariyay awoodda iyo tirada ciidamada AMISOM iyo taageerada Qaramada Midoobay ay siiso AMISOM, ciidamda AMISOM waxaa u suurtogeli doonta inay dhul hor leh qabtaan ayna xasiliyaan magaalada Muqdisho iyo meelaha ka baxsanba. Ciidamada AMISOM waxay horeyba u gaareen horumar la taaban karo. Mar haddii ciidamada Kenya ay ku soo biireen, waxaan filaynaa inay guushaasi sii socoto. Mar kastoo dhulka la xoreeyo u kordho, waxaa muhiim noqonaysa in Dowladda Federaalka KMG lagu taageero inay sameyso dibuheshiisiin ka dhex dhacda bulshada, dib u soo celiso sharciga iyo kala dambeynta iyo caddaaladda, dhiirigelisana in si degdeg ah loo sameeyo maamullada degaanada iyadoo la raacayo hanaan wadatashi oo loo wada dhanyahay. Sida aan marar badan sheegay, dadweynaha Soomaaliyeed waa inay sida ugu dhakhsiyaha badan u helaan faa’iidada nabadda.

Farriin kaloo aan u gudbiyay Golaha Amaanka waxay ahayd in digniin loo jeediyo “qaswadayaasha” – kuwaasoo ka faa’iideysanaya dhibaatada dabadheeraatay ee ka jirtay Soomaaliya labaatankii sanno ee la soo dhaafay. Dhowaanahan waxaa warbaahinta laga sheegay hadallo aan fiicnayn kuna wajahan fikradayda la xiriirta arrintan. Haddaba aan caddeeyo arrintan: geeddi-socodka siyaasadda kaalin ayaa uga banaan dhammaan dadka niyadsamida leh. Hase ahaatee, qaswadayaasha aan dooneynin in xasillooni ay ku soo noqoto Soomaaliya ama doonaya inay horjoogsadaan geeddi-socodka siyaasadda, ha ahaadeen kooxo ama shakhsiyaadba ama ha ka tirsanaadeen urur siyaasadeed ama diineedba, waa in la tilmaamaa lana joojiyaa. Sidaa darteed, aragtideyda waan in sidaa loo fahmaa. Waxaan aad uga walaacsanahay iskudayga ula kaca ah ee ay wadaan kooxo ama shakhsiyaad doonaya inay weeciyaan Qorsh-hawleedka, oo doonaya inay muddo kordhin kale ku sameeyaan xilliga ku meelgaarka, sidoo kalena doonaya inay carqaleeyaan in arrintu ay noqoto mid loo wada dhanyahay sida la doonayo in la hirgeliyo kuna qeexan Qorshe-hawleedka iyo hanaankii geeddi-socodka Garoowe.

Waxaan ka xumahay in aragtidayda meelaha qaar si xun loogu fasiray loona dhigay inay tahay mid ka soo horjeedda diinta iyo xorriyadda hadalka siyaasadeed iyo weliba dhalleecayn loo jeediyay Hay’adda Fulinta ee Dowladda (Xukuumadda). Waxaan raalligelin ka bixinayaa haddii si qalad ah loo fahmay hadalkeyga. Ujeeddadeydu waxay ahayd inaan caddeeyo khatarta mar walba ku jirta in kooxi ay adeegsato saameyn siyaasadeed oo dheeraad ah, ku dhowaansho ay ku dhowdahay awoodda siyaasadeed awgeed. Toddobaadkii la soo dhaafay waxaan dhowr jeer wadahadal iyo dood wanaagsan yeelanay madax ka socota culimada, odeyaasha dhaqanka iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda, waxaana ka wada hadalnay arrimo khuseeyo Kooxda Aal Sheekh iyo sida ay u fahamsanyiin diinta Islaamka. Dadkii aan doodda yeelanay waxay ii xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan geeddi-socodka Qorshe- Hawleedka, anigana dhankeyga waxaan mar labaad u xaqiijiyay inay weligay iga go’antahay in geed-socodka nabadda Soomaaliyeed uu guul ku dhammaado. Waxaan dhiirigelinayaa soona dhoweynayaa in fikradaha siyaasadeed ee kala duwan ay ka qaybqaataan geeddisocodka inta loo socdo dhammaadka xilliga ku meelgaarka iyo doorashada madaxda mustaqbalka iyo hanaanka siyaasadeed ee ka dambeeya bish Agoosto.

Waxaan tagay magaalada London ee dalka Ingiriiska si aan uga qaybgalo Shirkii London ee Soomaaliya. Shirku ma ahayn kulan kale oo caalami ah keliya. Wuxuu dardar cusub geliyay hanaanka siyaasadda wuxuuna muujiyay in xubnaha muhimka ee ka mid ah bulshada caalamka ay ka go'antahay inay kaalmo ka geystaan sidii geeddi-socodka nabadda Soomaaliya uu hore ugu socon lahaa isagoo hagaagsan oo loo wada dhanyahay. Soomaaliya waxay sannado badan dhowreysay in sidan heerka sare ah oo kale loogu soo jeesto. Farriin cad oo ka soo baxday Shirkii London waxay ahayn in wada xiriir iyo dibuheshiisiin qaran loo baahanyahay inay ka dhacdo Soomaaliya oo idil lana gaarsiiyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaan ku hanweynahay in arrimahan si dheeraad ah ugaga hadalno Shirka 2aad ee Istanbul ee ka dhici doona Turkiya bisha Juun. Waxaan dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay fursadan ka faa'iideystaan.

Waxaan toddobaadkan la murgooday dilkii loo geystay Cali Axmed Cabdi, oo ahaa saxafi ka shaqeyn jiray Idaacadda Radio Gaalkacyo kana qaybqan jiray Somalia Online. Waana saxafigii Soomaaliyeed ee afaraad ee la dil sannadkan. Ilaa iyo hadda qofna looma soo qaban dilalkan dhammaantood. Arrintan ma aha wax la aqbali karo. Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxay ku shaqeynayaan duruuf aad u dhib badan si ay cadaadiska ugu hayaan dembiileyaasha isku dayaya inay cadaadiyaan dadka Soomaaliyeed. Xorriyadda hadalku waa qayb muhim ah oo ka mid ah geeddi-socodka nabadda iyo dibuheshiisiinta. Waxaan ku deeqay in Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) uu ka geysto wixii kaalmo ah oo suurtogal ah.

Waxaan farriintan ku soo xirayaa hadal aan ku aqoonsanayo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, sida saxafiyiintaas oo naftooda khatar gelinaya si ay u soo saaraan warka ay hayaan, dhallinyarada u shaqaynaysa inay isbedel dhaliyaan, iyo kooxaha haweenka u halgamaya inay helaan xaqooda ay kaga qaybgalaan siyaasadda. Xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya way isbedeli doontaa, mustaqbalkana idinka, dadweynaha Soomaaliyeed, ayaa horseed u ah. Waan idin garab taaganahay, waana sii wadaynaa.

Salaan diiran

Danjire Augustine P. Mahiga

P.O. Box 48246 – 00100, Nairobi, Kenya Tel: +254 (0) 20 7626815 / 7626880. Fax: +254 (0) 20 7622697

(Warqadda oo Af-Ingriisi ah ka akhri halkan)

Akhri: Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;