"Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso
Dawlad Soomaaliyeed"
Warbixin/Faallo: Heshiiskii Lagu soo af-jaray Xaaladdii Iskacaabinta oo
dhexmaray Jabhadda Soomaali Galbeed (UWSLF) iyo Itoobiya...
- SomaliTalk.com | August 11, 2010 | Taariikh Sixid: Aug 13, 2010
نحن نريد الشعب الصومالي ، ولا نريد الحكومة الصومالية :
زيناوي 1993 -- الشيخ إبراهيم 2004
- "Annagu waxaan rabnaa SHACAB Soomaaliyeed, oo meelahan xawaaladaha aan u
furno, meelahaas hadday rabaan guryo ka dhista Addis Ababa, oo baasaboor kanaga
qaata, oo ganacsigooda meelahaas la socda. Laakiin DAWLAD Soomaaliyeed ma
rabno," kaasi waa hadalkii Zenawi 1993 mar uu sir ku qarsaday qabqable-dagaal oo
ka qaybgalayey shirkii Soodare, sidaas waxaa yiri Sheikh Ibraahim Maxamed mar uu
muxaadaro ka jeediyey Minneapolis (ka hor 2005).
نحن الشعب’ والشعب لنا : الشيخ إبراهيم محمد حسين 2010
- "Annagu waxaan nahay Shacab, Shacabkuna waa annaga" sidaas waxaa yiri
Sheikh Ibraahim, 2010 isagoo waraysi lagula yeeshay Addis Ababa.
Guddoomiyaha Jabhadda UWSLF iyo Wasiirka Arrimaha Federaalka Itoobiya ayaa
29-kii July 2010 waxay kala saxiixdeen heshiis lagu soo af-jaray Xaaladdii
iska-caabinta (muqaawamada) ee Jabhadda Soomaali Galbeed ay muddo 18 sano ah
kula jireen Itoobiya si ay uga xoreeyaan dhulka Soomaaliyeed. Heshiiskaas markii
ay maqleen dadweynaha Soomaaliyeed:
Qaar ayaa hambalyo u diray, in badan oo
kalena waa ka soo horjeestey ayagoo ku tilmaamay in Jabhaddii UWSLF ay isu dhiibtey
Itoobiya.
Haddaba qormadan oo ah hoga tusaalayn, waxaan ku falanqayn doonaa
heshiiskaas, oo aan soo bandhigi doona tarjumada dhammaan qodobada uu ka
kooban yahay heshiiskaas UWSLF iyo Itoobiya iyo caqabadaha ay Itoobiya
hordhigtay Jabhadda marka ay aqbashay in ay Shacab noqotay. Waxa kale oo qormadu
jawaab u raadinaysaa: Maxay jabhaddu ku bedelatay heshiiska oo ay ka
faa'iidaysaa?
Taariikh Kooban ee UWSLF (1992/2005)
Midowga Jabhadda Xoreynta
Soomaali Galbeed (UWSLF) (United Western Somali Liberation Front)
waxay dagaalka hubaysan ee ay kaga soo horjeedey gumaysiga Itoobiya bilowday
1992, xilligaas oo loo aqoon jirey magaca Al-Itixaad.
Waxaana ka horeysey jabhad lagu magacaabi jirey WSLF (Western Somali Liberation
Front) Jabhaddii Xoreynta Soomaali galbeed oo bishii Jannaayo sannadkii
1976kii lagu asaasay shirweyne lagu qabtay tuulada Yaaqbadhiweyn ee
Afgooye ka xigta dhinaca Wallaweyn ee Koonfurta Soomaaliya. Waxaa kale oo
jirta taariikh dhigeysa in fikirka asaaska uu sidoo kale sanadahii 1970-naadkii
ka dhacay magaalada Hargeysa.
Ururkaas WSLF
waxa uu qayb libaax ka qaatay halgankii iyo dagaalkii 1977-78 ee xoraynta dhulka Soomaaliyeed
ee dhexmaray gumaysiga Itoobiya iyo Soomaaliya. Dagaalkaas oo markii Itoobiya ay
u soo gurmadeen Ruushka, Liibiya iyo Cuba ay ciidamadii Soomaaliya dib uga soo baxeen
dhulkii ay xoreeyeen oo lagu qiyaasay boqolkiiba 90% dhulka ay xabashidu
gumaysato. Dagaalkaas oo la qiyaaso in ay ku dhinteen Ciidankii Soomaaliya
(15,000) iyo Jabhadaha (5,000), Cuban (2,000) iyo Itoobiyaan (15,000).
Halgankii xoraynta waa sii socdey. Ururkii Dhallinyarada Gobanimodoonka
Soomali galbeed (U.DH.G.S.G) oo ka dhashay baahida halganka shacabka ayaa
magaalada Muqdisho lagu aasaasay 13-kii June 1979. Markii dagaalkii laga soo noqday
Jabhadda WSLF waxay sii waday
dagaalka nooca loo yaqaan Guerrilla ama ku dhufo oo ka dhaqaaq ilaa 1989,
ayadoo taageero ka heleysay dawladdii Soomaaliyeed - Balse taageeradaasi
istaagtay markii uu wiiqantay xukuumaddii Siyaad Barre. Xilligaas wax yar ka hor waxaa
WSLF ka farcamay jabhadda ONLF (Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya, JWXO) oo la asaasay 15-kii August 1984. Ururrada
bulshada Soomaaliyeed halkanka muddo dheer ayey kusoo jireen, waxaana kamid
ahaa: Ururradii Nasrullaahi, Jabhaddii xoreynta ogaden (OLF) iyo xisbigii
xoreynta Soomaali galbeed, oo soo jirey intii u dhaxeysay 1948kii ilaa 1964kii.
Sannadkii 2005 ayaa ururka UWSLF ay magacaas u badasheen, waxaana la
oranjiray magac kale (Al-Itixaad Al-Islaami) oo ay katanaasuleen. Waxaana
la xusaa in xubno kamid ah ururkii WSLF
ama qaar taageerayaashoodi ahaa ay ku biireen ururka la baxay magaca cusub ee
UWSLF kuwaas oo ONLF ku dhaliilay in magaacaas ONLF uu ka muuqdo
magac beel (Ogaden), halkii, sida ay sheegeen, ay ka qaadan lahaayeen magaca
Soomaaliyeed, sida (Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Soomaaliyeed, JWXS).
Sidaas ayaa ururka la baxay magaca cusub uu kusoo shaac baxay UWSLF (2005).
UWSLF Maxay u dagaallamaysay (1992-2010)
Ummaadda
Soomaaliyeed oo ah midda ugu xadaarad dheer Geeska Afrika, islamarkaasna lahayd
imaarado lahaa xadaarad dheer sida imaaradihii Saylac (Awdal) iyo
Harar (oo ahayd xadaaraddii Islaamku ka faafi jirey) ayaa gumaystayaashii
reer Yurub bilaabeen in ay kala dhantaalaan quwaddaas xoogga lahayd ee ka jirtey
geeska Afrika. Markii ay gumaystayaashii reer Yurub soo gaareen geeska Afrika
(si Afrika loo qaybiyo 1884) ayay Soomaaliya u kala qaybsadeen saddex (Talyaani,
Ingiriis iyo Faransiis).
Muddo markii la joogey oo ay gumaystayaashii u caddaatay in aysan sii haysan
karin ummadda Soomaaliyeed ayey u dejiyeen khidad lagu kala qoqobayo si aysan
weligeed ugabixin kala qaybasanaanta. Gumaystayaashii oo taas ku mashquulsan
ayaa waxay dib u xasuusteen warqad uu April 10, 1891
Boqorkii Itoobiya Menelik u qoray quwadihii reer Yurub oo isagoo ku beer laxawsaneyey
qoray erayadan "waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd,
hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga
kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taari waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay
u gacan-galeen quwado Muslimiin ah". (Eeg khariidadda dhanka bidix oo
muujinaysa xaqiiqo ahaan dhulka Itoobiya sidii uu u koobnaa Menelik ka hor.)
Warqaddaas markii uu diray 3 sano kaddib ayaa 1894 Boqortooyadii Ingiriiska
iyo Talyaanigu waxay qaybintii dhulka Soomaaliyeed ka qayb geliyeen Itoobiya in
dacal loo gooyo, laakiin arrintaas horay kama dhaqan gelin. Waxaa ku xigey
heshiis kale oo Boqortooyadii Ingriisku ay May 14, 1897 la gashay Itoobiya oo ku
saabsanaa dhul daaqsimeedka Soomaaliyeed. Waxaase si rasmi ah dhulka Soomaali
Galbeed ay Boqortooyadii Ingiriisku ugu wareejisey Itoobiya markay taariikhdu
ahayd November 29, 1954. Sidoo kale dhulka Soomaaliyeed ee NFD waxaa
1963
la hoos geeyey Kenya, ayadoo weliba SHACABKA ku dhaqan NFD markii codkooda la
weydiiyey ay si qeexan u sheegeen in ay doonayaana in ay dib ugu biiraan Soomaaliya
oo markii hore laga soo gooyey,
laakiin Boqortooyadii Ingiriisku arrintaas dheg uma jalaq-siin.
Soomaalida intii xornimadooda heshay (1960) waxay bilaabeen sidii ay dib ugu
soo celin lahaayeen, marka hore, dhulka ballaaran ee Borotooyadii Ingiriisku
hoos geysey Itoobiya. Waxaana sidaas ku dhacay dagaalkii saddexda bilood socdey
ee bilowday Febraury 1964 ee dhexmaray dawladdii Soomaaliyeed iyo Itoobiya. Dhexdhexaadin markii ay gashay xukuumaddii Suudaan
ayaa dagaalkaas la qaboojiyey. Laakiin Soomaalidu marna kama tanaasulin
dhulkooda la hoos geeyey gumaystayaasha la jaarka ah, waana sababta dhalisay
dagaalkii xoogga lahaa ee aan kor kusoo xusnay ee dhacay 1977.
Jabhadda UWSLF waxay qayb ka ahayd xooggaga ku hanweynaa in maalin uun ay
helaan dhulkaas oo ka xorooba Itoobiya, sidaasna hubka u qaatay.
Halgankaas UWSLF waxaa cadeeyey Sheekh Ibraahim oo waraaysi (Maarso 2010)
siiyey TV Aljazeera ayuu yiri "Hadaan u Qeexo qofkii aan aqoon Gobolka Soomaaligalbeed, waxa weeye 8 Milyan oo ka mid ah Muslimiinta oo ku nool Dhul dhan 650 kun oo laba jibaaran oo ku yaala Bariga Afrika, Inta ay Gumeysiga ku jirtana waa mid la mid ah inta ay Falastiiniyiintu ku jiraan Gumeysiga, laga soo bilaabo Sanadkii 1948 waxay ku hoos Noolyihiin Gumeysiga Itoobiya,
illaa iyo maantana Hal Maalin isma dhiibin Shacabkaasi, Kacdoonka ka dhanka ah Gumeysiga itoobiyana wuxuu ahaa mid kolba dib u laba kacleeya".
UWSLF oo Noqotay Shacab (2010)
Sida kor
ku xusan, waxaa Hotel ku yaal magaalada Addis Ababa uu heshiis ku dhexmaray
Guddoomiyaha UWSLF, Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Itoobiya u
qaabilsan Arrimaha Federaalka. Heshiiskaas (oo tarjuman hoos ku
arki doono), waxaa qodobkiisa 1-aad uu qeexayaa Soo Afjarid
Xaaladdii Iskacaabinta (muqaawamada) - qodobkaas oo farqaddiisa 1-aad ay ku
qoran tahay: "Xaaladdii iska
caabinta ee UWSLF ay ka wadeen gobolka Soomaalida ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
Federaalka Itoobiya ayaa si xaqiiqo ahaan halkan loogu soo af-jaray, waxaana la
unkay nabad." Qodobadda kale ee heshiiska gadaal ayaa ka arki doonaa.
Arrintaas waxaa sii cadaynaya waraysi uu C/risaaq Xaaji Catoosh oo ka tirsan
Idaacadda Boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC) la
yeeshay Guddoomiyaha Jabhadda UWSLF oo uu weydiiyey: "Jabhaddii
Soomaali Galbeed xaggee ku dambayn doontaa, maxayse noqon doontaa?.
Sheikh Ibraahim waxa uu ku jawaabay: "Waxaan jeclaan lahaa su'aasha in loo
dhigo dhinac kale, oo la yiraahdo SHACABKII muxuu noqon doonaa, annagu
waxaan nahay wiilashii waddankan u dhashay, dagaal galay 'Annagu Shacabka
ayaan nahay, Shacabkuna waa annaga'. Laakiin haddaan u soo noqdo
ururkii magaca loo yaqaanay muxuu noqonayaa - heshiiska ayey ku qorantahay
ururku in uu xaq u leeyahay in uu noqdo urur siyaasi ah oo shacabkiisa matala,
oo doorasho gala. Laakiin annaga ayaa waxaan rabnaa in aan niraahno 'annaga iyo
shacabkayaga ayaa ka tashan doona waxa aan noqon doono,' ee urur gooni u
tashanaya ama afar gooni u shireysa ma noqonayno, mustaqbalkayaga iyo habka aan
u shaqaynayno waa aragtida ugaaska iyo hooyada iyo culimaa'udiinka iyo siyaasiga
iyo aqoonyahanka iyo ardayga, iyo shaqaalaha iyo kii jabhadka ahaa ee duurka ka
yimid. Sida aan hawshanada u maamulanayno waa wax aan annaga iyo shacabku
wada leenahay."
Sidaas ayaa Sheikh Ibraahim u caddeeyey in ururkaasi uusan hadda xitaa magac
ahaan u jirin marka uu yiri "ururkii magaca loo yaqaanay" (oo ah tagto),
isla markaasna uu ku xoojiyey "Annagu Shacabka ayaan nahay".
Gadaal ayaan
ka arki doonaa micnaha oraahdaas.
UWSLF Maxay ku bedelatay Heshiiska
Ummadda Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay nabad barwaaqo ugu
noolaadaan geeska Afrika, ayagoo ah dad xor, waxay xaq u leeyihiin xorriyad buuxda
in ay helaan, una helaan nabad iyo degannaansho, dalkooda oo aan taako ka mid ah la
gumaysan. Waxay Soomaalidu u galeen halgan dheer sidii ay arrintaas u xaqiijin
lahaayeen. Sida halgankii Axmed Gurey, halgankii gumaysi diidka ahaa ee
Seyid Maxamed Cabdulle Xasan (oo qaar gabayadiisii aad hoos ku arki
doontid), Iska caabintii Sheikh Xasan Barsane,
Iska caabintii Cumar Samatar, Iska caabintii Sheikh Bashiir, Qalin
ku difaacii Xaaji Faarax Oomaar, Baraarujintii Xaaji Aaden Axmed
Afqallooc, halgankii SYL 1943, halgankii xornima doonka Dhulka
Soomaali Galbeed ee 1964, halgankii xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee
1977-1978, halgankii Jabhadaha Soomaaliyeed ee ka dagaalamayey Dhulka
Soomaali Galbeed oo ay ka mid ahaayeen JWXO iyo UWSLF.
Sidaas daraadeed marka heshiis lagu galo magaca qowmiyadda Soomaaliyeed waa
in uu jiro wax cad oo la taaban karo oo ay faa'iidayaan ummadda Soomaaliyeed.
Haddii aanu soo laabano su'aasha UWSLF ma xaqiijiyeen halgankii dheeraa ee
ummadda Soomaaliyeed? Jawaabta aan ka dhegeysano weriye Soomaaliyeed oo la
kulmay guddoomiyaha UWSLF oo ku sugan goobtii heshiisku ka dhacay:
Cabdi Nuur Sh. Maxamed Isxaaq ayaa C/risaaq Xaaji Catoosh waxa uu weydiiyey:
UWSLF maxay ayadu ka faa'iideysaa heshiiska maxaabiis loo siidaayo ma ahane? Ma
xisbi ayey noqonaysaa, ma xukunka Soomaalida ayaa wax laga siinayaa, wax kale oo
ballan qaadyo ah ma jiraan. Catoosh oo laga dareemayo qiiro Soomaaliyeed, oo
laga dareemayo in uu la yaaban yahay, waxa uu ku jawaabay: "MAYA, lamana
sheegin, keliya waxa ay ku bedesheen waxa weeye in ay nabad qaataan,
dadkoodana ka mid noqdaan. Sidaas waa sida uu ii sheegay Guddoomiyaha, oo
horayna loo sheegay, maantana la sheegay, xukunna kuma aysan bedelanin, xilalna
kuma aysan bedelanin, in dagaalkii la joojiyo, Itoobiyana ay Jabhadda u ballan
qaado in ay maxaabiista u siidaynayso, nabadna ay kula noolaanayso, isla
markaasna wixii xuquuq ah oo Jabhadda ama SHACABKA deegaankaasi ay
lahaayeen ay dawladda Itoobiya ka raali noqonayso".
- Catoosh oo xanaaq laga dareemayo
Dhegeyso
Muxaadaradii Sheikh Ibraahim (Minneapolis ka hor 2005)
Inta ayaan u gudbin heshiiskii ururkii magaca loo yaqaanay (UWSLF)
iyo Itoobiya, waxaan is-dul taagi doonaa qoraal ku saabsan muxaadaro dheer oo
Sheikh Ibraahim ka jeediyey magaalada Minneapolis oo xilligaas uu Soomaalida reer Minnesota ku guubaabiyey in aysan
illaawin taariikhdii magaalada Harar ay ku dhacday gacanta Gumeysiga,
oo ahayd 1887. Iskaba daa inay ilaawaan soo celinta iyo xoraynta
Soomaali Galbeed oo ka danbaysay.
*****
Sheikh Ibraahim hadalkii uu ka jeediyey Minneapolis:
FG: Hoos waxaa ku qoran Muxaadaradii Sheikh Ibraahim oo qoraal ah
iyo tixraacyo taariikheed iyo sawirro xoojinaya qormada.
Sheikh
Ibraahim waxa uu yiri: Islaamka soo gaaristiisii iyo faafidiisii Geeska
Afrika waa kala duwanayd. Soo gaaristiisii diinta Islaamku soo gaartey Geeska
Afrika waxay ahayd markii saxaabadii ka soo hijroodeen Quraysh taas oo ahayd
markii koox saxaabadii kamid ah lagu dhibay Makka ayaa Nebigu NNKH waxa uu yiri
u hijrooda Xabasha waayo waxaa jira Boqor aan agtiisa waxba lagu dulmin. Markaas
ayaa waxaa soo haajirey koox uu madax ka yahay saxaabiga Jacfar Bin Abuu
Daalib (radiyallahu canhu) oo Nebiga ina adeerkiis ah, kooxadaas ayaa timid
Geeska Afrika oo laga soo dhaweeyey. Taasi waxay ahayd soo gaaristii Islaamka.
Waxaana Islaamay boqor Najaasha.
Imaaradda Saylac (Awdal)
Gaar ahaan Xeebaha Soomaaliya waxaa la dhehi karaa in Diinta Islaamku faafid
rasmi ah u qaadatay waqtigii dawladdii la dhahi jirey Dawladdii Umawiyiinta
(Islamic dynasty 661–750) oo
ahayd dawlad Islaam ah oo magaala madaxdeedu ahayd Dimishiq. Gaar ahaan markii
dawladdaasi sii dhacaysay ayaa waxaa soo qaxay qoysaskii boqortooyada ahaa ee ka
talin jirey Dimishiq. Waxaana la tilmaamaa meelihii dhulka Soomaaliya ee ay aad u soo degeen waxaa ka
mid ahaa dekedda Saylac oo markaas isu bedeshay in ay noqoto caasimadda Diiniga
ah ee Geeska Afrika oo ay dacwadu ka fiddo, ahaydna meel lagu baran jirey
Qur'aanka, xadiiska iyo fiqiga.
Kaddib waxaa Soomaaliya ka aasaasmay dawlado yaryar oo lagu magacaabo
imaaradihii Islaamka oo ay ugu weynayd imaarada Saylac, iimaradahaas oo ahaa
boqortooyooyin Islaami ah oo aad xoog u leh oo diinta Islaamka wax ku
dhaqa, luqadda rasmiga ah ee dawladda lagu maamulona waxay ahayd luqadda
Carabiga.
Imaaradahaas Soomaaliya ka hano qaaday waxay markii dambe gaareen ilaa 7
boqortooyo oo Islaam ah. Markaas Soomaaliya siday u dhantahay waxay isu bedeshay
wadan Islaam ah oo ay ka taliyaan dawladdo Islaam ah. Muddo waxaa ugu xoog badnayd
imaaradii Saylac oo ay ka soo baxeen culimo badan, sida iimaam Saylaci oo aad
loogu xuso taariikhda, ahaana Sheikh Soomaaliyeed oo ka soo baxay magaalada
Saylac.
Saylac siday u ekayd qarnigii 19aad
Dad badan oo wax ka qoray taariikhda Soomaaliya waxay sheegaan haddii la
baari lahaa, oo la qodi lahaa dhismayaashii hore ee magaalada Saylac waxaa laga
heli lahaa taariikh aad u badan oo ummadda Soomaaliyeed. Dawladahii Soomaaliya
soo marayna si ula kac ah ayey u diideen magaaladaas in la qodo ama wax laga baaro.
Nin Suudaani ah oo magaciisa la yiraado Makki buug oo qoray oo la yiraahdo
Soomaali wayn waxa uu dhahay: Haddii la heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo
magaaladaas Saylac waqti ku bixisa, waxaa laga heli lahaa kutubtii taariikhda
Soomaaliya oo gacan ku qoran oo aad u farabadan. Ilaa hadda dadka magalaada
tegey waxay sheegaan in aad ku kor soconaysid dhismayaal ama guryo hoos
ku jira oo marka aad ku kor socotid sanqaraya. Masjid dhan oo aasmay oo
bacaadkii dusha ka maray oo lagu dul soconayo.
Imaaraddii Harar
Saylac waxay ahaan jirtey meesha dacwada Islaamka looga fidiyo Geeska Afrika.
Kaddib waxay boqortooyadii u wareegtey magaalada Harar (imaaraddii Harar).
Imaaraddii Islaamiga ahayd ee Harar ayaa markii u dambaysay waxaa ku soo
urursamay xukunkii ugu dambeeyey ee islaami ah oo Soomaaliyeed ee ay yeeshaan
Muslimiinta Geeska Afrika u ahayd Dawladda. Boqortooyadii ka jirtey Harar waxaa
lagu qiyaasaa in ay jirtey ilaa 300 sano oo xiriir ah oo ay kala
dhaxleen ilaa 35 amiir ama boqor. Imaaradaas iyada ah waxay dhacday sannadkii
1887.
Waxaan jeclahay in aad taariikhdaas xafidaadaan oo qof kasta xafido (waa 1887), wax
kasta taariikhdaas ayaa ka muhiimsan, maxaa yeelay taariikhaas maalintii ay
inaga go'aday ayaa waxaa go'day dawlad Islaam ah oo aan ku hoos noolayn oo soo
jirtey wax ka badan dhawr boqol oo sano.
Imaaraddii Harar oo ahayd dawladdii u dambaysay ee Muslimiinta Soomaaliya iyo
Muslimiinta kale ee Geeska Afrika ay ku hoos noolaayeen ayaa mudan in aan is dul
istaagno oo ka sheekayno waxyaabaha ay qabatay.
Imaaraddaas Harar waxay ahayd tii uu ka soo baxay Axmed Ibnu Ibraahim (Axmed
Gurey oo noolaa intii u dhaxaysay 1507 - February 21, 1543) oo ahaa iimaam
Soomaaliyeed oo mar ka talin jirey Geeska Afrika badankiisa, laga bilaabo
Soomaaliya ilaa Itoobiya ilaa Musawac (Eritreya). Sidaas daraadeed ayaa caalamka
ama Masiixyadda oo dhammi isu kaashadeen sidii looga takhalusi lahaa imaaradaas
Soomaaliyeed ee Islaamka ah. 1887-dii
ayaa Itoobiya oo uu hoggaaminayo nin la yiraahdo Minelik iyo
Bortoqiiska oo markaas matalayey Masiixiyadda kuwooda ugu sareeya ayaa isu
kaashaday si meesha looga tuuro boqortooyadii Harar, taas oo dhalisay in la rido
boqortooyadaas.
Harar oo la qabsaday
- (Sida ka muuqata taariikhda, si sahal ah gacanta Soomaalida ugama bixin
magaalada Harar dhimashadii, waayo maalintii uu dhintay Axmed Gurey kaddib
344 sano ayaa Itoobiya oo garab ka heleysay dawlado ay ka mid yihiin
Bortoqiis waxaa u suurta gashay in ay tuuraan iimaaradii Harar).
Waxaan idin xasuusinayaa, ayuu yiri Sheikh Ibaraahim Maxamed: maalintii Harar la ridey, bayaankii laga akhriyey
Harar. Ninkii la dhehi jirey Minelik markii uu qabsaday Harar waxa uu ku fasaxay
ciidamadiisii in ay wixii Muslimiin ah ay arkaan ay dilaan kana bililiqaystaan
ama dhacaan wixii ay haystaan, wixii la arkona la faraxumeeyo. Muddo markii uu
sidaas ku wadey , ayaa maalintii dambe waxa Menilik uu korka ka fuulay masjidkii Jaamica
ahaa ee Harar ee iimaamkii Cabdalla Cabdishakuur dadka ku tujin jirey ayuu
dhalada inta uu ka fuulay oo weliba ku kaadshey oo Kitaabka Masxafka Quraankana
ku istaagey ayuu isagoo halkaas joogey waxa uu warqad u qoray boqoraddii haystey
wadanka Bortoqiiska.
Warqaddu waa dheerayd, laakiin macnaheedu waxa uu ahaa: Ka socota Minelik
boqorka Geeska Afrika. Ku socota Boqorada Bortoqiiska. Waxaan kuu sheegayaa
maanta laga bilaabo in aan Geeska Afrika ka ridey maamulkii Islaamka ahaa. Harar
oo magaalo madaxdoodii ahna ay noqotay qayb ka tirsan dawladdayda oo aan dibna ugu
noqon doonin gacan Islaam.
Masjidka Jaamica ee Harar siduu u ekaa qarnigii 19aad
Xigasho
Buugga: Richard Pankhurst
- FG: Cabdalla Cabdishakuur waxa uu ahaa amiirkii ugu dambeeyey
imaaradii Soomaaliyeed ee Harar, waxana uu xilka hayey 1884-1887. Maalintii
Harar uu u bilowday gumeysiga Itoobiya waxaa lagu asteeyaa January 26,
1887, welina waa ka maqan tahay gacanta Soomaalida.
Sawirka Harar oo derbi ku wareegsan yahay: Eeg Sawirka oo weyn
(Wikipedia)
- FG: Harar xilligii imaaradahii Soomaaliyeed ayaa lagu wareejiyey
derbi aad u xoog weyn, waxaa lagu qiyaasay in ka badan 100 masaajid
in ay ka dhisan yihiin gudaha derbigaaas ku wareegsan Harar, waxaana loo sameeyey 5 albaab oo laga soo galo
magaalada, albaabadaas oo ay jooji jireen waardiyaal hubaysan, habeenkiina
looma ogolaan jirin in cidi soo gasho magaalada gudaheeda ilaa waagu beryo.
Waxaan idin xasuusinayaa, ayuu yiri Sheikh Ibraahim: in Masjidkii Jaamica ahaa ee Harar ilaa
maanta waa Kaniisad, ayada oo aan minaaradihii laga bedelin sidii ay ahaayeen.
Halkaas ayaa waxaa lagu gabagabeeyey ama ku dhammaaday nidaamkii Islaamiga ahaa
ee Geeska Afrika ee halkaas ka jirey ilaa maalintii Islaamku soo galay, waxayna
ku dhacday gacanta Itoobiya iyo nimankii kale ee reer Yurub ee u kaalmaynayey.
Waxaana bilowday waqdi xusub oo ah markii gumaystayaashii soo galeen Geeska
Afrika. Soomaaliya markii la soo galay waa la qaybsaday. Waxaa loo qaybiyey 5
qaybood: Qayb Talyaaniga, Qayb Ingriiska, Qayb Faransiiska, Qayb Itoobiya
iyo Qayb Kenya ah. Qaybtaasi waxay ku timid xanaaqa loo xanaaqsanaa dadka
Soomaaliyeed oo welidood Geeska Afrika u ahaa saldhiga Diinta Islaamka.
Mowqifka Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya
Ka hor intii aan Soomaaliya xorriyaddaa qaadan, markii la isugu tegey
Qaramada Midoobay waxaa jira erayo cajiib ah - waxan rabaa in aan isugu kiin
xiro wadanka deriskeena ee Itoobiya qaddiyaddena mowqifyadii uu ka istaagi jirey
- saddex madaxweyne oo Itoobiya soo maray erayadii ay ku hadleen ayaan idin
xasuusinayaa, ayuu yiri Sheikh Ibraahim:
Qarammada Midoobay ayaa looga dooday in Soomaaliya xornimo la siiyo. Waxaa
hadlay Xaile Selaasi, waxana uu yiri dal xorriyad la siiyo ma aha, ee waxaa jira ayuu
yiri dad xoolaha raacda oo noo dhexeeya annaga iyo Afrikaanka madow oo marba
meesha roobku ka da'o u guura, oo dawladna lahaan jirin dad jirana ahaan jirin
dawladna aan qabsan karin. Ingriiska ayaa hadalkaas diidey oo yiri: War nimankii
waa kuwii ila dagaalamay ee aan dayuuradaha u isticmaalay, ee lahaa imaaraddii Harar
miyaad hadda i leedahay lama siin karo xorriyad, waxba kama jiraan warkaaga.
Mingiste markii uu dhacay ee uu u qaxay ayaa la weydiiyey: Ma ka
xuntahay in xukunkii Itoobiya lagaa qaaday. Waxa uu ku jawaabay: MAYA, waayo
waxaan dhaliyey gool uusan dhalin madaxweyne iga horeeyey oo uusan dhalina
doonin mid iga dambeeyana.
Maxaa jira ayaa la weydiiyey? Wuxuu yiri waxaan ridey cadawgii Itoobiya ka
hor intii anigu aanan dhicin - cadawgaas oo uu ku tilmaamay dawladdii Soomaaliya.
ALLAAHU AKBAR, ayuu yiri Sheikh Ibraahim.
- Mingiste Xayle Maryaam (1991): "Waxaan Itoobiya u qabtay wax aanu
u qaban madaxweyne iga horreeyey. Waxaan burburiyey cadowgii 1aad ee
Itoobiya, waa dawladdii Soomaaliyeed".
Meles Zenawi ayaa 1993 mar uu Soomaalida ku shiriyey meesha la yiraahdo
Soodare, ayuu mid kamid ah Qabqablayaashii dagaalka inta uu la fariistay waxa uu
ku qarsaday sir: Waxa uu ku jiri:
نحن نريد الشعب الصومالي ، ولا نريد الحكومة الصومالية :
زيناوي 1993 -- الشيخ إبراهيم
"Annagu waxaan rabnaa, ayuu yiri, SHACAB Soomaaliyeed, oo meelahan
xawaaladaha iyo aan u furno, meelahaas hadday rabaan guryo ka dhista Addis Ababa
oo baasaboor kayaga qaata oo ganacsigooda meelahaas la socda. Laakiin DAWLAD
Soomaaliyeed ma rabno." Sidaas waxaa yiri Zenawi 1993 mar uu sir ku qarsaday
qabqable dagaal oo Soomaali ah oo joogey shirkii Soodare.
Waa saddex nin oo ay u dhaxaysan 20 sano iyo ka badan marka ay eraytaas
dhehayaan. Sidaas daraadeed waa muhiim in aad baraarugtaan in xorriyada xitaa
marka la qaadanayo cidii keliya ee ina hor istaagta nimankaas ayey ahaayeen
(Itoobiyaanka), ayuu hadalkiisa ku xoojiyey Sheikh Ibraahim muxaadaro ka
jeedinayey Mutamarka Minneapolis ka hor 2005.
*****
Halkaas haddii aan kaga gudubno qoraalkii muxaadarada, waxaa
halkaas ku cad in Sheikh Ibraahim uu xilligaas Soomaalida ku guubaabiyey in ay
xusuusnaadaan in Itoobiya aysan doonayn dawlad Soomaaliyeed, balse ay doonayso
in Soomaalidu ahaadaan shacab. Haddii aan dib u jalleecno waraysiyadii uu
bixiyey Sheikh Ibraahim, kaddib markii uu heshiiska la saxiixday Itoobiya, waxa uu ku caddeeyey in ururkii uu guddoomiyaha ka ahaa
ee 18-ka sano u halgamayey xornimo doonka uu hadda aqbalay in ay noqdeen SHACAB.
Waxa kale oo hore uu Sheikh Ibraahim Soomaalida u xasuusiyey
in aysan illaawin taariikhdii HARAR ay ka baxday gacanta muslimiinta Soomaaliyeed,
1887. Maanta magaaladii xadaaradda Soomaaliyeed waxay xitaa bannaanka ka tahay
xaydaanka khariidadda lagu asteeyey dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos jira
Gumaysiga ee Itoobiya u bixisay Kililka-5aad (Eeg sawirka hoose).
Sheikh Ibraahim Maxamed,
guddoomiyaha ururka UWSLF, heshiiskii uu 29 July 2010 magaalada
Addis Ababa kula saxiixday Itoobiya, kuma qorna in Itoobiya ay hadda ogoshahay in magaalada Harar dib ugu
soo celiso xorriyadeedii laga xayuubiyey 1887 oo loo soo celiyo
Soomaalida, kaddib markii ay ka maqnayd 123 sano. Haddaba maxaa ku qoran
heshiiskaas?
Heshiiskii UWSLF ku aqbashay soo afjaridda Xaaladdii Iska-caabinta
Hoos waxaa ku qoran turjumada heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray UWSLF iyo
xukuumadda Itoobiya, qoraalkaas oo ka kooban 6 qodob oo kala ah (1) Soo Afjarid
Xaaladdii Iskacaabinta, (2) Xuquuqda Dastuuriga ah, (3)
Dib-u-dejin & Baxnaanin (rehabilitation), (4) Xuquuqda dib-u-soo laabashada, (5)
Dar-dar gelinta horumarinta, (6) Dhaqan Gelin.
Haddaba inta aynaan u gudbin qodobada xeeladaysan ee heshiiskaas caqabadda ku
ah, aan marka hore ka boganno heshiiskaasi sidii uu u qornaa oo Af-Soomaali ku
tarjuman, waa kan heshiiska oo dhan:
*****
Heshiis Dhexmaray
Dawladda Federaalka Jamuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya
iyo Midowga Jabhadda Xoreynta SoomaaliGalbeed (UWSLF)
ee ku saabsan Soo-Afjaridda (Joojinta) Xaaladda Iskacaabinta (Muqaawamaada)
Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya iyo
Midowga Jabhadda Xoreynta SoomaaliGalbeed (UWSLF) oo qoraalkan wixii halkan ka
dambaya loogu yeeri doono "Qaybaha" (heshiisku dhexmaray):
Markay si xooggan ugu qanceen habka istaarijiyadeed iyo nabad sal-ballaaran ee
gudaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya; Markay marlabaad xaqiijiyeen qaybaha (heshiiskani dhexmaray) taageeradooda
heshiiskii nabadda ee kulankii koowaad lagu gaaray Jabuuti iyo
wada-xaajooyaadii ku xigey iyo kulamadii la qabtay wixii ka dambeeyey baqii
xabbad-joojinta ee dhexmaray qaybaha markay taariikhdu ahayd March 2010;
Markay garwaaqsadeen in baaqii xabbad-joojinta uu ahaa taariikhi asaaska
u dhigay nabad iyo xasilooni waarta, waxana uu u gogol-dhigayaa koboca iyo
horumar dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha. Markay sidoo
kale ku qanceen xaqiiqada ah in xuquuqda bini-aadamka iyo midda
dimoqraadiyaddu in ay ku lakaban yihiin (ama ku lammaansan yihiin) dhexda
dastuurta Federaalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya oo si xoog weyn ugu
ballan qaadaya dadka Jamhuuriyaadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya in ay
yeeshaan xuquuqda dastuuriga ah si nabad gelyo; Markay garawsadeen
in qodobka 39-aad ee Dastuurka Federaalka Jamhuuriyaadda Dimoqraadiga
Itoobiya uu xuquuq buuxda siinayo in ay danahooda ka tashadaan oo ay ku jirto in
ay go'i karaan dhammaan (الأمم والقوميات والشعوب) ummadaha,
Qowmiyadaha, Shacabka Itoobita iyo in ay
helaan is-maamul goboleed oo dhamaystiran oo laga hirgeliyo gobolka Soomaalida
taas oo loo gogol dhigayo nidaam sharci iyo siyaasadeed oo kor loogu qaadayo si
siman u horumarinta si nabad gelyo ah. Markay muujinayeen
in heshiiskan uu yahay fursad dahabi ah oo keenaya heshiis taariikhi ah oo dhex
mara qaybaha (heshiiskani dhexmaray) kaas oo bud-dhigaya horumar mustqabalka oo
ay gaaraan dadka aadka ugu baahan; Waxay ku casumayaan
qaybaha kale ee arrintu khusayso in ay ku soo biiraan geedi socodka nabadda ee
bilaabatay oo ay sida xad-dhaafka ah u taageereen dadka jooga dalka iyo
jaaliyadaha ku nool dibadda (qurbaha). Waxay gaareen heshiiska soo
socota: Qodobka 1aad Soo Afjarid
Xaaladdii Iskacaabinta (muqaawamada) 1. Xaaladdii iska
caabinta ee UWSLF ay ka wadeen gobolka Soomaalida ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
Federaalka Itoobiya ayaa si xaqiiqo ahaan halkan loogu soo af-jaray, waxaana la
unkay nabad. 2. Dawladda Federaalka Dimoqraadiga Itoobiya waxay
aqbashay siidaynta xubnaha UWSLF ee ku jira xabsiyada. 3. Qaybaha
heshiiskani dhexmaray waxay isku raaceen in Dastuurka Federaalka ee
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya uu asaas u yahay dhammaan xuquuqda ay
dalbadeen UWSLF. 4. Qaybaha heshiiskani dhexmaray waxay isku
raaceen in labada dhinacba ay fuliyaan ballan-qaadkooda ee waafaqsan xabbad
joojintii lagu heshiiyey kulankii lagu qabtay Jabuuti. 5. UWSLF waxay
aqbashay in ay u hoggaansamayso Dastuurka Federaalka ee Jamhuuriyadda
Dimoqraadiga Itoobiya iyo qawaaniinta kale ee dalka. Qodobka
2aad Xuquuqda Dastuuriga ah Qaybaha
(heshiiskani dhexmaaray) waxay isku raaceen in hoggaanka iyo xubnaha UWSLF ay
helayaan xuquuqda dastuuriga ah ee ku qeexan Dastuurka Federaalka
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya, xuquuqdaas oo aay ka mid yihiin:
-
A. Xorriyada Diinta, wax qofku rumaysan yahay, iyo ra'yiga
-
B. Xuquuqda horumarinta
-
C. Xuquuda hab fikirka
-
D. Xuquuqda lahaanshada
-
F. Xuquuqda qowmiyadaha (الأمم والقوميات والشعوب), gaar ahaan
xuquuqda ay u leeyihiin aayaa ka tashidoogda ilaa ay ka go'i karaan ayadoo
la raacayo qorobka 39aad ee Dastuurka Itoobiya.
Qodobka 3aad
Dib-u-dejin & Baxnaanin
1. Dawladda Federaalka Jamhuuriayada Dimoqraadiga Itoobiya waxay
ogolaatay in ay qaado tallaabooyin ku haboon oo lagu agaasimayo soo dhaweynta
xubnaha UWSLF ayadoo loo qoondeeyey imkaaniyaad (hanti) si loo siiyo dib-u-dejin
iyo kaalmo iyo weliba in la dhaqan geliyo tallaabooyinka ku haboon ee xubnahaas
ay uga mid noqonayaan bulshada.
2. Dhammaan xubnaha UWSLF waxay xuquuq u yeelanayaan inay ka
qaybgalaan geeddi socodka horumarka ayagoo ku biiraya hay'adaha kala duwan ee
heer goboleed ama heer federaal.
Qodobka 4aad
Xuquuqda dib-u-soo laabashada
Qaybaha (heshiiskani dhexmaray) waxay isku raaceen, isla markaasna
uu dhigayo qodobka 32aad ee dastuurka Federaalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
Itoobiya, in heshiiskani uu u baaqayo dhammaan dadkii ka baxay dalka, sabab la
xiriirta dagaal hore ee ka dhexeeyey qaybaha heshiiskani dhexmaray, in ay ku soo
laabtaan Jamhuuriayada Dimoqraadiga Federalka Itoobiya oo ay ka qayb qaataan
horumarinta geedi socodkan socda.
Qodobka 5aad
Dar-dar gelinta horumarinta
Ayadoo la garwaaqsaday horumar la'aanta muddada jirtey oo ay
qayb ka ahayd bururkii ka dhashay iskacaabinta iyo degganaansho la'aanta ee
Gobolka Soomaalida, waxay qaybaha heshiiskani dhexmaray isku raaceen in ay si
buuxda uga wada shaqeeyaan kobcinta dhammaan horumarinta gobolka Soomaalida.
Qodobka 6aad
Dhaqan Gelin
Heshiiskani waxa uu dhaqan geliyaa maalinta la saxiixo,
islamarkaasna waxa uu jirayaa weligiis.
GOOB JOOGAYAAL; anagoo leh saxiixyada hoose; oo ay noo xil
saarteen qaybaha ay kusheyso; waa saxiixnay heshiiskan.
Waxaa lagu saxiixay Addis Ababa, 29-kii bisha July ee sannadka
2010, waxaana la saxiixay laba nuqul oo ku qoran Luqadda Ingiriisiga oo labada
qoraalka ku qorani isku mid yihiin.
(Waxaa saxiixay Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen oo ah
Guddoomiyaha UWSLF iyo Dr.Shiferaw Teklemariam oo ah wasiirka arrimaha
Federaalka Itoobiya).
*****
Laba qodob oo ka mid ah Dastuurka Itoobiya ayaa ku xusan heshiiska sare, waa
Qodobka 32aad (oo ku saabsan Xorriyada Socdaalka) iyo 39aad (oo ku
saabsan xuquuqda Shucuubta iyo Qowmiyadaha) - Tarjumadoodana hoos ayaan ku arki
doonaa. Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim markii uu heshiiska saxiixay kaddib
waxa uu xooggan uga hadlay Qodobka 39aad mar uu waraysi siiyey Idaacadda Codka
Maraykanka (Dhegeyso
ama soo rogo).
Qodobka 32aad waxa uu ku saabsan yahay Xorriyada Socdaalka,
waan aqodob khuseeyo dadka shacabka ah iyo safaradooda, waxana uu qodobkaasi
dhigayaa sidan:
- Qof kasta oo Itoobiyaan ama ajnabi ah oo si sharci u jooga Itoobiya;
waxa uu inta uu ku jiro dalka gudihiisa uu xuquuq u leeyahay in uu si xor ah
u socon karo oo si xor ah u degi karo meesha uu doono, waxa sidoo kale uu
xaq u leeyahay in uu ka bixi karo dalka markii uu doono.
- Qof kasta oo Itoobiyaan ah waxa uu xaq u leehay in uu dalkiisa ku soo
laabto.
Qodobka 39aad ee Dastuurka Itoobiya iyo Shuruudaha ku xiran
Guddoomiyaha ururka UWSLF oo waraysiyo bixiyey kaddib heshiiska sare ee uu la
saxiixday Itoobiya, waxa uu dadweynaha xusuusiyey in heshiiskaas uu ku jiro
qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiya. Haddaba aan eegno qodobkaas.
Qodobkaas 39-aad waxa uu qeexayaa xuquuqda ay leeyihin Shucuubka iyo
Qowmiyadaha ku dhaqan Itoobiya oo dastuurka Itoobiya ku macneeyo"Nations,
Nationalities, and Peoples" (الأمم والقوميات والشعوب). Qodobkaas oo aan tarjumadiisa hoos ku arki doono waxaa ka
mid ah in uu qeexayo in "Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku nool Itoobiya ay xuquuq u
leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, oo uu ka mid yahay in ay xuquuq u
leeyihiin ay goostaan." Laakiin waxa uu qodobkaas qaybihiisa kale qeexayaan
shuruuddaha ku xiran in arrintaasi dhaqan gasho, waxaana shuruudahaas ka mid ah:
- Markii ay ansixiyaan saddex-meelood-oo-labo (2/3) xubnaha Golaha Sharci
dejinta
- Markii ay xukuumadda Itoobiya ay qaban qaabiso cod bixin
- Markii lagu ansixyo aqlabiyadda codbixin la qaado
- Markii ay xukuumadda Itoobiya ay awoodda ku wareejiyo guddiga Qowmiyadda
- Markii qaybinta hantida loo maareeyo sida uu dhigayo sharcigu.
Ugu horayn waxaa xusid mudan Dastuurka ay ku dhaqanto Itoobiya waxaa la
ansixiyey 8 December 1994 (oo si rasmi ah loo dhaqan geliyey August 22,
1995). Halkaas waxaa ka cad in dastuurkaas la dhaqan geliyey 2 sano kaddib
markii ay jabhadda UWSLF hubka qaaday (1992) si ay u xorayso Soomaali Galbeed.
Jabhaddu xilligaas ma aqbalin qodobkaas, waayo waxay dagaalka sii wadey 16 sano
oo kale.
Halkaas waxaa kaaga soo bixi kara in caqligu ku siiyo sababta ay madaxdii
ururku muddadaas dheer u aqbali waayeen qodobkaas (39aad) oo ay u arki karaan in uu
yahay qodob caqabdo xoogweyn la hordhigay. Waa marka lagaba soo tago in markii
horeba ee gumaysiga la hoos geynayey aan cidna dadka afti weydiin, sidaas
daraadeedna aysan u baahnayn in la yiraahdo xornimo in aad rabtaan ayaan
codbixin idin weydiinaynaa - taas oo qadaf ku ah Qowmiyadda Soomaaliyeed.
Su'uaasha la is waydiinayaa waxay tahay miyuu jiraa wadan Geeska Afrika kuyaal
oo Dastuur ama waxay qortaan ku dhaqma, ama raaca marka laga reebo dowladihii
rayidka ahaa oo Soomaaliya soo maray oo lagu tilmaamo kuwii ugu roonaa abid.
Hadaan si kale u dhigno Itoobiya cusub miyaa dhalatay, goormaa Itoobiya Dastuur
tix galin jirtay? goormayse dadka ay gumaysato wax xuquuqa u ogolayd?. Qodabkan
39-aad waxaa la dhaqan galiyey 1995 xilgaas ilaa hadana ma shaqayn, maxaa iska
badalay Itoobiya oo soo kordhay iyana waa su'aal kale. Marka laga yimaado dadka
Soomaalida ee la gumaysto, miyeysan xabsiyada Itoobiya ku jirin kuwa Itoobiyaan
ah, oo kaliya lagu haysto, kala duwanaanshaha fikirka ama mucaaridnimo afka ah?
Arimaha kale oo la is waydiinayaa waxay yihiin Jabhadaan Soomaaliya ayaa lagu
aas aasay ilaa hadana jiritaankeeda waxaa sabab u ah ummadda Soomaaliyeed ee
magaceeda ay wadato, hada Su'aashu waxay tahay; Itoobiyana xilligan hadda ah oo
heshiisku dhacayo waxa ay Soomaaliyadii xorta ahayd ka samaynayso waa laga wada
dharag sanyahay, gobola ay soo marayaan ama kasoo duulayaana waa gobolkii maqnaa
ee loo baaba'ay dartiis, hadaba jabhadda muxuu noqonayaa dowr koodu? Ma shacab
dowladooda iyo ciidan kooda taageersan ayey noqon doonaan?, mise waa go'i
doonaan oo Dowlad aan dowlad kale loosii marin ayey noqon doonaan?.
Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim Maxamed oo ka hadlayey mowqifka ay qaateen
waxa uu yiri "Qiimayntaasi waxay ku salaysan tahay: nin haddii uu 200 doolar kaa
dhaco, oo aad 100 ka heleyso, oo 100 kaa maqantahay, ma waxaad leedahay 100-kaas
ma qaadanayo ilaa 200-dii boqol aan helo, mase inta 100-ka qaadatid, ayaad
100-ka kale oo weliba loo jidbixiyey sidii aad ku raadsan lahayd ayaad ku
raadsanaysaa, annaga jawaabtadu taas ayey ku salaysan tahay. Wixii naga maqnaa
waxbaan helay, waxa kalena iyagoo weliba loo jidbixiyey oo si qaanuuni ah oo
dastuuri ah loogu jidbixiyey in aan ummaddaas qoratay kamid noqonno taas
ayaan annagu ku qanacnay. (Dhegeyso
ama Soo rogo).
Qodobka qiilbixinta ee laga hadlayaa waa qodobka 39aad ee Dastuurka Itoobiya.
Waakan qodobka 39-aad oo tarjuman:
*****
Qodobka 39aad (Article 39) ee Dastuurka Ethiopia .
Shucuubta iyo Qowmiyadaha
1. Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku nool Itoobiya ayadoo aan wax shuruud ah ku
xirnayn waxay xuquuq u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, oo uu ka mid
yahay in ay xuquuq u leeyihiin ay goostaan.
2. Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku dhaqan Itoobiya waxay xuquuq u leeyihiin in
ay ku hadlaan oo qoraan oo horumariyaan luqadda ay leeyihiin; si ay u muujiyaan,
oo u kobciyaan, una horumariyaan dhaqankooda; isla markaasna ay xafitaan
taariikhdooda.
3. Shucuubta iyo Qowmiyadaha ee ku dhaqan Itoobiya waxay xuquuq u leeyihiin in
ay si buuxda isu maamulaan, taas oo ay ku jirto xuquuqda ay u leeyihiin
maamulidda dhulka ay deggan yihiin, iyo in ay wakiilo matala gobolkaas ku
yeeshaan dawladda federaalka.
4. Shucuubta iyo Qowmiyadaha Xuquuqda ay u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan,
oo ay ku jirto in ay go'aan (ama ka go'ayaan itoobiya), waxay dhaqan geleysaa:
(a) Markii ay arrintaas ansixiyaan saddex-meelood-oo-labo (2/3) ee xubnaha
Golaha Sharci dejinta (Legislative Council)
ee ay khusayso.
(b) Markii ay Dawladda Federaalku qaban qaabiso cod bixin taas oo ay shardi
tahay in ay dhacdo saddex sano gudahood marka ay soo gaarto
in guddiga ay khusayso ay gudbiyaan go'aanka (secession).
(c) Markii ay go'itaanka la dalbaday lagu ansixyo aqlabiyadda codbixin la
qaado
(d) Markii ay dawladda Federaalku ay awoodda ku wareejiyo guddiga Shacabka
iyo Qowmiyadda dalbatay in ay go'aan, iyo
(e) Markii qaybinta hantida loo maareeyo sida uu dhigayo sharcigu.
5. "Qowmiyadda ama Shacabka" uu dastuurku xusayaa waa dad ay si xoog leh uga
dhaxayso dhaqan, isku mid ahaansho xagga luqadda, waxa ay rumaysan yihiin, oo ay
ka dhaxayso qaab isku mi dah oo cilmi nafsi, oo deggan aag cayiman oo ay u badan
yihiin oo dhul ah.
*****
Halkaas
waxaa markale kaaga cad caqabadaha aan la mari karin ee Itoobiya hordhigtay waxa
ay ugu yeertay Qowmiyadaha iyo Shucuubtu in ay xaq u leeyihiin in ay aayahdooda
ka tashadaan oo haddii ay doonayaan Itoobiya ka go'aan. Waxaa caqliga fekerayaa
ku siinayaa in haddii qodobka 39-aad ay Qowmiyad ku dhaqan Itoobiya adeegsan
karto si ay u go'do, waxaan looga dheerayn lahayn Qowmiyadda Oromada oo laga soo
bilaabo 1973 dagaal hubaysan kula jirtey xukuumadda Itoobiya si ay madax
bannaani ugu helaan dhulkooda OROMIA.
Qowmiyadda Oromada ee ku dhaqan Itoobiya waxaa lagu qiyaasaa 27
million - waxay boqolkiiba 34.49% ka yihiin dadweynaha ku dhaqa dhulka hadda
loogu yeero Itoobiya oo ay ku nool yihiin 79 million qiyaas la sameeyey 2008.
Tan kale qodobka 39-aad, sida aan soo aragnay, waxaa ku xusan in: Markii ay arrintaas ansixiyaan
saddex-meelood-oo-labo (2/3) ee xubnaha Golaha Sharci dejinta (Legislative Council)
ee ay khusayso." Qowmiyadda Oromadu sababta ay taas ugu hirgeli la'dahay ayaa
waxaa ka mid ah in golayaasha laga hadlayo ay yihiin kuwo fikir ahaan marka
horeba raacsan xisbiga talada haya si ayba u soo galaan golaha.
Halkaas waxaa ka cad in marka aad SHACAB noqotid in lagu talo galay,
caqabadaha qodobkaas la socda awgood, in aad ku jirtid gumaysi waligaa adigoo
fahamsan ama is diidsiinaya.
Arrintaas waxa kale oo durbadii laga dheehan karaa qaabka ay u hadleen
madaxda Itoobiya kaddib markii ay hubsadeen heshiiska lagu soo afjarayo
Iskacaabintii ay wadey jabhaddii UWSLF oo aqbashay in ay Shacab noqotay.
Jees Jeeska Zenawi iyo xukuumaddiisa ee ku aadan cidda la heshiisay
Wasiirka warfaafinta Itoobiya Bereket Simon ayaa April 9, 2010 sheegay in
UWSLF ay aqbashay in gebi ahaan ay u hoggaan samaan dastuurka Itoobiya, isagoo
arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri "Jabhadda UWSLF waxay aqbaleen gebi ahaanba
in ay u hoggaansamaan dastuurka Itoobiya oo si sharci ah u hawl galaan ayagoo ka
tanaasulaya halgankii hubaysnaa," Waxana uu intaas ku daray "Waxaan
rajaynaynaa in madaxdoodu halkan (Addis Ababa) yimaadaan si ay u sharxaan qaabka
ay ugu hawl geliyaan nidaam sharciyeedka Itoobiya.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo saxaafada la hadlay
ayaa sheegay in UWSLF iyo Itoobiya ay heshiis isla galeen kaddib markii UWSLF ay
ka daashey dagaalkii. Hadalkaas waxa Zenawi yiri wax yar ka hor intii aan
heshiiska la saxiixin. Sheikh Ibraahim markii taas la weydiiyey waxa uu
kaga jawaabey "waxba hadaladaas warbaahinta laga sheegay macno nooma
samaynayaan". (Dhegeyso
| soo rogo).
Zenawi oo hadalkaas mar labaad ku celiyey, oo sii xoojiyey:
Zenawi waxa uu markale si qeexan u sheegay, shir jaraa'id oo uu August 11, 2010 ku
qabtay Addis Ababa, in kooxaha heshiiska la gala gashay ay yihiin "hadda kuwa
ugu taagta daran" oo ay heshiiska ogolaadeen kaddib markii "kooxahaasi ay ku
badbaadi waayeen degaanka."
C/Risaaq
Xaaji Xuseen (2002): "Shantii ilaa lixdii sano ee aynu soo
dhaafnay,taliska Meles Zenaawi ee Itoobiya marnaba ma qarsan sida uu ugu
raad-joogo meel-marinta himilada haliilka joogtada ahi weheliyo ee
muddada qarniyada ah uu dalkaasi ku soo taamaayey; taas oo ah
isballaarinta iyo dhul-ka-gogashada dalalka deriska la ah sida
soomaaliya...
Warqaddii
C/risaaq Xaaji Xuseen.. |
Zenawi oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Gobolka Soomaalida isbedelka
ugu weyn waxa uu yimid markii dadka rabitaankooda nabadda ay difaacdeen, taas oo
ah furaha, waxay dadweynahu isu diyaariyeen in ay difaacdaan nabadooda oo u
dhintaan, taas ayaa waxay bedeshey miisaankii gobolka oo dhan, waxayna ka
dhigtay mid aad ugu adag kooxahaasi in ay ku badbaadaan gobolka, taas weeye
sababta ay hadda u yihiin markii ay ugu taagta daraayeen. Dadweynaha ayaa
dawladdu awoodeeda ku xoojisay si ay ula dagaalanto ONLF iyo (U)WSLF, arrimahaas
awgeed nabad gobolka ayaa soo ifaysa, waxaan filayaa dhawr bilood gudahood
waxaan ku gaari doonaa nabad gelyo raaxo leh ee gobolka. In aan heshiis la gallo
kooxda ugu taagat adaran su'aal aniga iitaal ma aha.
Zenawi waxa uu UWSLF ku eedeeyey in ay ahaan jireen Argagaxiso oo hadda
nabadda qaateen, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: "Sidaad ogtihiin
(U)WSLF waxaa markii hore loogu yeeri jirey Al-Itixaad, waadna ogtihiin
wixii Al-tixaad ka samaynayeen halkan Addis Ababa, waxay ahaayeen argagaxiso wax
xasuuqa, xilli dhexaad ah ayey waxay go'aansadeen in ay ka baxaan Al-Itixaadka
Soomaaliya, markaas ayey bedeleen magacoodii. Hadda waxay raadinayaan nabbad,
waxaana ku faraxsanahay taas mar haddii ay u soo gudbeen dhanka nabadda."
Eedaymahaas waxa uu soo jeediyey Agoosto 11, 2010 oo ah kaddib heshiiskii
xukuumaddiisa iyo UWSLF ee July 29, 2010.
Zenawi oo adeegsanaya xirfadii gumaystayaashii reer Yurub ee "Qaybi oo Xukun"
ayuu isku deyey in uu sharaxaad qabiil ka bixiyo laba garab oo uu sheegay in ay
ka tirsan yihiin ONLF oo garab kamid ah uu heshiis kula jiro, garabna uusan kula
jirin. Waxana uu yiri: "Waxa kale oo wada hadal nagala dhexeeyaa garab ONLF, oo
ah garabka ugu muhiimsan. Sidaad ogtihiin ONLF sida bulshada Soomaaliyeed oo
dhan waa kuwo ku salaysan qabiil. Kooxda wada hadalku noo socdo waa jilibka
labaad ee ugu weyn beesha Ogaadeen. Jilibka ugu weyn Ogaadeen weligood kama qayb
qaadan ONLF. Garabka aan wada hadalku noosocon waxay ka tirsan yihiin jilib kale
oo yar oo ah Ogaadeen. Kooxda wada hadalku noosocdo waa jilibka Reer Cabdille,
kooxda aan wada hadalku noo socon waa jilibka Reer Isaaq."
Culimada Soomaaliyeed hore ayey uga digeen in aan la aamini karin Itoobiya
iyo qiyaamooyinkeeda, waxayna si kulul uga hadleen cidda raacda Itoobiya.
Culimadaas hore uga hadlay waxaa ka mid ah: Sh. Maxamed Sh. Cusmaan oo
Swden 1997 muxaadaro uu ka jeediyey yiri: "Waxaad ahaan jirtey ma rabno ee hadda
maxaad tahay, hadda amxaar keene ayaad tahay iyo amxaaro soo hoggaamiye, ka
soodare. Sheikh Aadam Maxamed Ciise (Sweden 1999) waxa uu yiri:
"Jabhadaha aad arkeysaan waa mindidii xabashida iyo cadawga." Sheikh Maxamed
Rashaad (Swden 1997) Allah ha u naxariistee waxa uu yiri: "Dalka Soomaaliya la yiraahdo in marka
hore loo qaybiyo gobollo, oo gobol kasta loo sameeyo nin governatoore ah, oo
ra'iisul qabiilo ah in loo sameeyo, goboladaas nimanka jooga ee qabqablayaasha
dagaala ah waxaa laga saxiixay in aanu waxba ka qabinin ku hoos noolaadka
dawladda Itoobiya. Tallaabada xigtaana waa in Soomaaliya la hoos keeno Itoobiya.
Qaddiyadaas waxaa diidan ninkii mutacallim ah ee toosan, ninka wadaadka ah ee
toosan iyo shacbiga toosan. Sh. C/laahi Cali Xaashi (Sweden 1997) ayaa
sidoo kale ka hadlay dadka soo raaca Itoobiyaanka iyo xukunkooda. Sh. Cumar
Faaruuq (Swden 1997) ayaa yiri "waxaa muuqda Amxaaradii dad ayaa la socda.
Ninkii gaalada raaca ee hiil iyo hoo ku darsada, wixii qof muslim ahi lahaa
qofkii gaalo siiyaa waa gaaloobayaa. Sheikh Maxamed Umal (Sweden 1995)
waxa uu yiri "ninkii gaalo awliyo ka dhigta Ilaahay agtiisa waxa uu ka yahay ma
jirto."
Muxaadarooyinkaasi waxay ku beegnaayeen xilli uu Zenawi oo garabsanaya rag
Soomaaliyeed oo uu soo hubeeyey ay weerarro ku soo ekeeyeen goobo ay joogeen
ururkii Al-Itixaad, gaar ahaan gobolka Gedo, sida Luuq, Beled Xaawo iyo Doolow,
waxayna culimadu ka hadlayeen dadka garabka soo siiyey oo la saftay Zenawi oo
goobahaas ka geystey xasuuq ba'an.
- Hadalkii Culimada
Dhegeyso ama soo
rogo (ama Daawo Video)
- (FG. Codku waxa uu ku bilaabanayaa Sheikh Shariif xilli uu ka soo
hor jeedey Itoobiya oo isagoo dhehaya: "Waxaa xaqiiqo ah oo aan su'aal la
iska weydiinayn in dalkaan aan madax looga noqonayn dabaabadaha Itoobiya.
ALLAHU AKHBAR.. Hadday is leeyihiin Itoobiya ayaa idin gaarsiinaysa
madaxnimo oo dabaabadeeda ayaa idiin qabanaya waxaan idin leenahay naftiinu
been ayey idiin sheegtay. Soomaaliya waa xor, insha Allahana xor ayey ahaan
doontaa, mana laga adkaan doono insha Allah.. Waxa jaba waa ciidamada ee
SHACAB ma jabo, shacab ku talo galay in uu is digaaco ma jabo. Waxa jabi
doona ciidanka Tigreega insha Allah).
Sheikh Ibraahim oo lagu fariisiyey
Kursigii...
- Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Gumaysiga
Itoobiya
Inta aynaan u gudbin hadallada laga soo weriyey kulan Addis Ababa ku
dhexmaray Sheikh Ibraahim iyo Zenawi waxaan akhristayaasha
xasuusninaynaa erayadii Sheikh Ibraahim hore uga yiri qorshaha uu wato Zenawi ee
ku aadanaa shacabka Soomaalida:
- "Annagu waxaan rabnaa SHACAB Soomaaliyeed, oo meelahan xawaaladaha aan
u furno, meelahaas hadday rabaan guryo ka dhista Addis Ababa, oo baasaboor
kanaga qaata, oo ganacsigooda meelahaas la socda. Laakiin DAWLAD
Soomaaliyeed ma rabno," Zenawi 1993 mar uu sir ku qarsaday qabqable-dagaal oo
ka qaybgalayey shirkii Soodare, sidaas waxaa yiri Sheikh Ibraahim (Minneapolis ka hor 2005).
- "Annagu wadankayagii ayaan ku soo noqonay, dad wadanka u dhashay ayaan
nahay, haddii aan siyaasad geleyno iyo haddii aan ganacsi geleyno
iyo haddii aan waxbarsho geleyno waa noo furantahay, ma jiro wax qaanuun ah oo
naga mancinayaa ama noo diidaya...." Sidaas waxaa yiri Sheikh Ibraahim
(Addis Ababa 2010)
نحن نريد الشعب الصومالي ، ولا نريد الحكومة الصومالية : زيناوي
1993 -- الشيخ إبراهيم
Kulan
ay Khamiis August 12, 2010 yeesheen Meles Zenawi iyo
Guddoomiyaha Ururka UWSLF Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa Zenawi waxa uu si
jees-jees ah ku yiri "Dawladda Federaalka Itoobiya waxaa ka go'an in ay
horumariso nolosha SHACABKA Soomaaliyeed," maalin ka horna (Aug 11, 2010)
waxaa Zenawi sheegay in uu ciidamadiisa markale u dirayo Muqdisho "haddii
laga fursan waayo."
Kulankaas waxaa ka hadlay Sheikh Ibraahim oo waraysi siiyey Idaacadda
Boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC), waxana uu
yiri: "Geeddi socokii nabadda ee aan soo bilownay 2-dii Febraayo 2010 ilaa hadda
oo ah 12-kii Agoosto 2010 waxay ahayd muddo aan wax ku daraasayn karno oo aan ku
qiimayn karo dhinaca Itoobiya isbedelka ka jiro. Runtii waxaa noo soo baxay
Itoobiya gobolka siyaasadihii hadda ka hor ku wajahnaan jirey iyo kuwa maanta
18sano kaddib in ay kala duwan yihiin. Tusaale ahaan ilaa 7-jeer oo hore ayaan
wada hadalay, wadahadaladaas waxaa kow ka ahaanjirey qoriga soo dhiiba, sidaan
yeel, waan ka raayey, waan diley, waan xiray, waan qabtay, laakiin maanta runtii
arrimo taas ka duwanayaa nooga muuqda, oo ku salaysan horumar, dhaqaale,
Interest ayaa nooga dhex muuqda, ilaa maanta oo aan heshiiskii kala saxiixanay
oo aan nala weydiin hubkii jabhadda, taas waxay ku tusaysaa in Itoobiya ay ka
go'an tahay in ay dadka la heshiiso."
"Intii
aan la fadhinay ra'iisul wasaaraha waxaan ka dareenay wax la yiraaho
ITOOBIYADA CUSUB oo uu aad ugu soo celceliyey oo uu xusay Itoobiyadii hore
iyo siyaabaha ay ahayd, dhinacna waxaad moodaa in uu jiro dareen ah ah waxaa la
joogaa waqtigii la is fahmi lahaa oo wax la dhisi lahaa, oo aan wax la
burburiyeen."
Sheikh Ibraahim isagoo ku sugnaa Addis Ababa oo ka jawaabay su'aal la
wydiiyey ayaa yiri "Annagu wadankayagii ayaan ku soo noqonay, dad wadanka u
dhashay ayaan nahay, haddii aan siyaasad geleyno iyo haddii aan ganacsi geleyno
iyo haddii aan waxbarsho geleyno waa noo furantahay, ma jiro wax qaanuun ah oo
naga mancinayaa ama noo diidaya in aan dhan kasta ka qayb qaadano, aadna waa
naloola jecel yahay in aan ka qayb qaadano, waana uga mahad celinaynaa
ismaamulka Soomaalida sida ay diyaarka ugu yihiin in aan wax walba uga qayb
qaadano."
Sida aan kor kusoo xusnay Zenawi waxa uu si qeexan u sheegay, shir jaraa'id oo uu
qabtay August 11, 2010 ku
qabtay Addis Ababa (oo ahayd maalin ka hor kulankii uu la yeeshay Sheikh
Ibraahim), in kooxaha heshiiska la gala gashay ay yihiin "hadda kuwa
ugu taagta daran" oo ay heshiiska ogolaadeen kaddib markii "kooxahaasi ay ku
badbaadi waayeen degaanka."
Taas oo kuu muujinaysa Itoobiyada cusub in aan qorshaheeddii ku
wajahnaa Soomaalida aan waxba iska bedelin - markel tixraac khaariidada aan kor
kusoo aragnay ee ka hor Menelik intii uu leekaa dhulka Itoobiya.
Xusuusnow in waxa ay Itoobiya doonayso uu yahay in shacab loo noqdo oo aan laga xoroobin
oo ay dhulka Soomaaliyeed beenbeen ku gumaysato. Eeg hoos sida xitaa ay
shacabkaas taariikhdaada qaab khidadaysan ugala dagaalamayso.
Inta aynaan u gudbin nidaamka khidadaysan oo dhulka Soomaaliyeed ee ay
Itoobiya gumaysato ay xitaa kuwa ay ula baxday "Kililka 5aad" aysan u ogolayn
calankoodu in ay ka muuqato xiddigtii ku dhexjirey buluugga, waxaan is
xusuusinaynaa markale in culimada Soomaaliyeed ay marar badan ka hadleen
khiyaamooyinka "Xabashida Cusub".
Culimaada kale ee ka hadlay qadiyadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya
(2008 oo ahaa xilli Itoobiya ciidankeeda u dirtay Muqdisho) waxaa ka mid ahaa
Sh. C/raxmaan Abyad oo yiri: "Taariikhda geeska Afrika lama sheegin Itoobiya
oo wax u tartay dad Muslimiin ah oo halkaas ku dhaqan, in ay wax yeesho mooyee,
Itoobiya damaceedu waxaa weeye in ummadda Soomaaliyeed laga dhigo dad raacato
ah oo looga taliyo Addis Ababa." Sheikh Mustafa Xaaji Ismaaciil waxa
uu yiri:"Itoobiya ayadaa jiritaankeedu liitaa, waayo Itoobiya taariikhdeeda la
garanayo ee dambe ee CUSUB waxay kamid tahay wadama ay u taliyaan kooxo diin
ahaan iyo dad ahaanba laga tiro badan yahay, Itoobiya hadday noqoto diin, dad
iyo qowmiyad dawladii Menelik, tii Xayle, tii Mingiste iyo tan Meles intuba
waxaa u talinayey kooxo laga tiro badan yahay diin ahaan iyo dad ahaanba."
Sheikh Maxamed Idris waxa uu yiri: "Waxaa loo baahan yahay in aragtida hadda
socota mid ka dheer aan wax ku fiirino, oo cadowga meeshan dhoow wax laga
fiirinayo in ay ka ballaarnaato, waayo cadawga waa mid is bahaysanaya, inaguna
intaas mid ka ballaaran oo Soomaalinimo iyo muslimimo soo hoos geleysa ayeynu u
baahanahay in aan kaga hor tagno." Waxaa kale oo arrintaas ka ahadlay culimo
kale sida aad ka dhegeysan karitid codka.
Waxa kale oo qaddiyada u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ka hadlay
aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo farabadan, sida ra'iisul Wasaarahii
hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo kulan April 2007 ka dhacay
Minneapolis (xilli ay Itoobiya ciidamadeedu ka joogeen Banaadir) ka yiri
"Taariikhda weligeed waa la ogyahay in Itoobiya ay u hanqal taageysey in ay
qabsato Soomaaliya iyo Ereteriya, waxay sheeganaysaa waddan weyn ayaan nahay oo
ah 70 million, badna ma haysano" Waxana uu si xooggan u sheegay in Itoobiya ku
hamiyeysey in Soomaalida ay hoos keento calanka Itoobiya.
Taariikhda iyo Astaanta Soomaaliyeed oo la suulinayo
Marlabaad: dad dhulkooda la gumayso wax xaq ah looguma laha in la yiraado "nasoo
weydiista in aad xornimo doonaysaan". Haddiibase UWSLF loo mala wanaajiyo,
waxaa muuqata in aan meesha wax fursad ahi uga furnayn sababtoo ah golayaasha uu
ka hadlayo qodobka 39-aad waa kuwa suurta geliyey maalmo ka hor intii aan
heshiiska wada saxiixan UWSLF iyo Itoobiya in si bareer ah loo bedelay calankii
degaanka ay Itoobiya gumaysato ee ay ugu yeerto "Dawlad Degaanka Soomaalida ee
Itoobiya" ama Kilinka 5-aad.
Bishii July 2010 oo ah maalmo ka hor intii aan heshiiska UWSLF iyo
Itoobiya lagu kala saxiixay Addis Ababa ayaa XIDDIGTII
CADDAANKA ahayd iyo MIDBAKII BULUUGGA ahaa laga saaray calankii qaybta ay
Itoobiya ku magacawdo "Kililka 5-aad". Calankaas waxaa bartii buluugga ahayd lagu
bedeley HURUUD, xiddigtiina waxaa loo bedeley TULUD/RATI/HAL.
Waxaa aad u cajaa'ib badan, oo Itoobiyaanku u haystaan in aan lagu fahmayn,
waa in midabka BULUUGGA iyo xiddigta shanta gees leh ay calankooda ku
darsadeen. Waxay ahayd 1996 (oo ah intii ay Soomaaliya ku
jirtey burburka) markii Itoobiya ay bedeshey Calankeedii hore oo sida kamuuqata
sawirka sare waxay calanka cusub dhexda kaga dhejisay xidig shan-gees ah oo
kudhexjirta qayb buluug ah.
Marka sow jees-jees ma ah in maanta ururka UWSLF laga saxiixdo qodob dhigaya
sidan: "Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku dhaqan Itoobiya waxay xuquuq u leeyihiin in
ay ku hadlaan oo qoraan oo horumariyaan luqadda ay leeyihiin; si ay u muujiyaan,
oo u kobciyaan, una horumariyaan dhaqankooda; isla markaasna ay xafitaan
taariikhdooda." Waa qodobka 39-aad, farqaddiisa 2-aad.
Waxaa laga yaabaa in aad
isweydiisid: Waa maxay taariikhda la qaraniyaa? Waa taarikhda calanka buluugga
ah ee leh xiddigta shanta gees. Wixii ka horeeyey July 2010 wiilka iyo gabadha
ku shashay dhulka ay Itoobiya gumaysato waxay ahaan jireen kuwo ku garaadsada
calan ay ka dhex muuqato calaamadda Soomaaliya, calankaas oo xambaarsan taariikh
ay ummadda Soomaaliyeed ku hanweyn yihiin in ay maalin uun midoobaan dhammaan
Soomaali. Taas ayaa lagala dagaalamayaa, waayo maxaa kale oo lagu galay in waqti
iyo lacag ay Itoobiya ku bixiso in ay bedesho calanka, kana saarto midabka lagu
yaqaan calanka Soomaalida.
Yaa Difaacaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos jira Gumaysiga
Waxaa muhiim ah in la fahmo in heshiiska joojinta Iskacaabinta waxa Itoobiya
la saxiixday ay tahay hal garab oo keliya (UWSLF) oo kamid ah garabyadii wadey
iskacaabinta. Caqliga saliimka ah waxa uu ku siinayaa in Itoobiya aysan dan ka
lahayn heshiiska ay la gashay Jabhadda maadaama ay aqbashay in ay noqoto
shacab, waayo waxaan soo dhiraan dhirinay in Itoobiya aysan rabin dawlad
Soomaaliyeed, sida Zenawi iyo kuwii ka horeeyeyba isaga markhaati fureen.
Iyadoo taariikhda madow ee Itoobiya iyo Soomaaliya uu wadani kasta xafdisan
yahay ama ay u qorantahay, iyadoo masuuliyiinta iyo waxgaradka kale ee
heshiiskan hogaaminaya aan iyaga iyo Diintooda, Wadaniyadooda iyo shaqsiyadooda
midna la tuhun sanayn, iyadoo la og yahay xaalada adag ee dhinac walba
taabanaysa ee shacabka Soomaaliyeed ee dagan gobolka Itoobiya gumaysato ee
Soomaali Galbeed ay kujiraan, iyadoo la qiimaynayo xaaladda wadankii Soomaaliya
hadda ku sugan yahay, iyadoo taariikha la baal rogayo, waaqicana isha lagu hayo,
timaadana lasaadaalinayo, ayaa waxaa soo baxaysa jawaabta ama natiijada marka
intaas oo dhan la isu geeyo, inaan waxba is badalin marka laga reebo in Jabhadii
aqbashay 20-sano kadib inay shacabka Itoobiya ka midnoqoto, dastuurkeeda aqbasho.
Markaad xogaha iyo falanqaynta kooban ee kore dhuuxdo, miyaynan soo baxayn
20-sano wixii Jabhada Soomaaliyeed diidanayd oo u halgamaysay in lasoo afjaray.
Fikrad kalaa waxay leedahay, heshiiskan waa hor dhac, waa xabad joojin oo kaliya
ee heshiiskii mustaqbalka looga arrin san lahaa waa soo socdaa, faaladaana
xiligeedii ayey ka hor dhacaysaa?. Fikrad kalaa waxay ugu jawaabay saa "Looge,
Looba Jooge".
Ummadda Soomaaliyeed waa fahaamsan tahay in aysan shacab u noqonayn Itoobiya.
Faafin: SomaliTalk.com | August 11, 2010 | Updated: Aug 18, 2010
Taariikh Kooban ee Geeska Afrika: – May 5, 1936 maalintii Talyaanigu qabsaday Addis Ababa. Talyaaniga ayaa duulaan ku qaaday Itoobiya, waxaana duulaankaasi sababay in May
2, 1936 uu boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie uu ka cararay dalka Itoobiya.
Saddex maalmood kabacdi ayaa May 5, 1936 waxaa Addis Ababa qabsaday ciidankii
Talyaaniga. May 7, 1936 ayaa talyaanigu waxa uu Itoobiya si rasmi ah ugu
darsaday dalkiisa, laba maalmood kabacdi ayaa May 9, 1936 boqor Victor Emmanuel
III oo Talyaani ah waxa uu ku dhawaaqay in uu isagu boqor u yahay Itoobiya.
Talyaanigu Gumeysi ku haystay Itoobiya muddo Shan sano (1936-1941). – Qaybintii Soomaaliya
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka geeska Afrika waxay ahaan jireen dad
xadaarad iyo ilbaxnimo leh oo ka taariikh dheer shucuubta kale ee ku dhaqan
Geeska Afrika, sida uu Dr. Saadiq Eenow ku sheegay warbixin taariikh uu ka
jeediyey Minneapolis (July 2010). Shacabka oo sidaas ayaa waxaa isu soo
bahaystay gumaystayaashii reer Yurub, waxayna ku kala qaybiyeen shan qaybood oo
laba qaybood ay weli ku hoos nool yihiin Gumeysiga - waa SoomaaliGalbeed iyo
NFD. (waxay ahayd sannadkii 1954 markii ay gumaystayaashii Itoobiya u gacan
geliyeen SoomaaliGalbeed.) – Dagaalkii 1977: Dagaalkii 1977 waxa uu ahaa dagaal ay Soomaalidu ku doonayeen in ay ku xoreeyaan
dhulka Soomaalida Galbeed. Laakiin waxaa Itoobiya markii laga xoreeyey badanaa
dhulka Soomaaliyeed ayaa waxaa u soo hiiliyey ciidamo uu soo diray Fidel Castro
ee dalka Cuba oo gaarayey ilaa 17,000 iyo taangiyada iyo hubka casriga oo
Ruushka oo taageeray Itoobiya. Waxaa la weriyey in ilaa 2000 oo askari oo Cuban
ah ay ku dhinteen dagaalkaas. March 9, 1978 ayaa Siyaad barre ku dhawaaqay in
ciidamadii militariga uu dib ula soo baxayo. "Saaxiibkii Itoobiya,
cadowgii Somalia Fidel Castro taariikhda Soomaaliya baal madow ayuu ka galay ka
dib markii uu si cadaalad darro ah dagaal ugala saftay Ethiopia ayadoo aanay
jirin shacabka Soomaaliyeed wax ay u dhimeen. Waxaa uu sabab ka ahaa jabkii ku
dhacay xooga dalka Soomaaliyeed qorshahii la rabay in lagu xoreeyo Soomaali
Galbeed asagoo xulafo la ahaa xukuumadii koofurta Yemen iyo Jarmalka Bari iyo
Soviet Union iyo WARSOW weliba isticmaalaya lacagtii Qadafi." Wardheere (2006).
- Dagaalkii 2006-2008
Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga
saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey
Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa
inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley
dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa intii
u dhexeysey Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009).
- Cilmi baaris ay dhawaan wada sameeyeen Jaamacadda Oxford University iyo UN
ayey ku sheegeen in Itoobiya ay tahay wadanka labaad ee adduunka ugu fiqiirsan,
halka Soomaaliya oo 20 sano aysan dawladi ka jirin ay tahay waddanka 6aad.Marka
la eego 10 dal ee adduunka ugu saboolsan sida ay u kala horeeyaan waxaa cilmi
baaristu ku sheegtay sidan:1. Niger, 2. Ethiopia, 3. Mali, 4. Burkina
Faso, 5. Burundi, 6. Somalia, 7. Central African Republic, 8. Liberia, 9.
Guinea, 10. Sierra Leone. (Akhri
Halkan).
Bedka Dhulka Soomaalida: Sida ku qoran buugga uu qoray Khaalid Cali-Guul Warsame (2003 Denmark) oo
cinwaankiisu yahay Taxanihii Taariikhda Soomaaliya, guud ahaan bedka dhulka
Soomaaliyeed waa:
- Jamhuuriyadda Soomaaliya: 640,000 km2
- Jamhuuriyadda Jabuuti: 23,000 km2
- NFD (dhulka ku maqan Kenya): 384,000 km2
- Soomaali galbeed (ku maqan Itoobiya): 416,000 km2
- Jasiirada Suqadara (oo ay sheegato Yemen): 2,655 km2
- – December (1962) waxaa NFD oo ah dhul Soomaaliyeed loo kala qaybiyey laba
qaybood, labadii qayboodna waxaa la hoos geeyay xukunka Kenya. Bedka NFD waxaa
buugga (Alan J. Day, 1982, pp. 131) uu sheegay in bedka NFD uu yahay 388,000km2
(150,000 square miles).
Gabaygii
Idinkaa dalkaba lehee, Dawlad maa u noqotaaan ee Seyid Maxamed
Taariikh-yahannada ayaan u dhaafaynyaa in ay ka hadlaan waxyaabihii ay
gumaysiga ka yiraahdeen aqoonyahankii hore ee Soomaaliyeed ee Af-maalka iyo
Aftahanka ahaa sida Xaaji Aaden Afqallooc (oo qiyaaskii sannadkii
1940-kii qeexay arrin uu ku macneeyey saddexdii dhardhaar ee Gumeysiga oo uu
sheegay haddii saddexda dhardhaar laga hoos saaro in ay gumaystuhu dhulka kusoo
dhacayo).
Balse waxaa xusid mudan Gabay uu tiriyey halgamaagii Soomaaliyeed,
Sayid Maxamed Cabdullaah Xasan oo mirihiisa ay ka mid ahaayeen:
- Doodna waxaan u leeyahay ...... Culima dafaarka ah
- War ani idinma doocine ............ Idinkaygu diimayee
- Dalkaad iibiseen baa ................ Dacarta igu kiciyayee
- Shan haloo idiin daran .............. Dannigiin ka fiirsada
- Mar waa inaad dayoowdeen .....Diirad haydin qabatee
- Dadka aydin raacdeen .............. Isna wuu idin diga gubi
- Dillaalkii la siiyana .................... Dunna kama helaysaan
- Ninkii idin darraabana .............. Ajri iyo ducuu heli
- Dibna deeqda Eebahay ............ Dibinta saari maysaan
- Diin nimaan lahayni .................. Dameer caynsan weeyee
- War maxaa dufulayahoow ........Cadaawaha ugu daranteen
- Wanka doosha wayn iyo........... Ma dagadaad u xilateen
- Qandiga mayska duubtaan ....... Dawarsigu ma fiicnee
- Awyaaloow ma diiddeen ........... Jahaad maw dareertaan
- Warma danana iyo seef ............ Darta maad ku qaaddaan
- Darmaan haad la qooqdiyo ....... Doolaab maa u fuushaan
- ......
- Idinkaa dalkaba lehee .............. Dawlad maa u noqotaaan
- Illeen doqni calaf maleh ............ Dulbaax** maxaa ka baylahay.
Tixdaas Gabayga ah uu akhrinayo Axmed Faarac Cali Idaajaa
Dhegeyso ama
soo rogo (mp3)
(Idaajaa waxa uu tixdaas iyo taariikh Sayid Cabdulle Xasan ka akhriyey Idaacadda
Codka Maraykanka ee VOA, barnaamijka Suugaantii Gobanimo-doonka Soomaaliya,
16 June 2010)
** DULBAAX: Baruurta xalleefsan ee haragga xigta. Waxaa kale oo lagu
macneeyaa: Meel sare oo babac ama taag ah (Eeg eray bixinta C/salaam Cismaan X.
Cige:
http://www.somalitalk.com/maanso/26.html)
LINK:
http://somalitalk.com/2010/uwslf/
|