SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Khudbadii Wasiirka Saxaafadda ee Puntland ka jeediyey Minneapolis (June 14, 2010)

QAYBTA 1aad

QAYBTA 2aad

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

Warbixin Kulankii Wasiirka Saxaafaddu la yeeshay Jaaliyadda Minnesota

Waxa xalay casho sharaf qurux badan lagu qabtay qolka shirarka iyo aroosyada ee Minneapolis, Minnesota. Cashadaas ayaa ku saabsanayd soo dhaweyntii Wasiirka Warfaafinta ee Puntland. Wasiirka ayaa waxa uu ka jeediyey qudbad xasaasiya oo ku saabsanayd marxalada guud ee Soomaaliya iyo Puntland. Intii uu shirka socday ayaa waxa lagu soo bandhigay gabayo, buraanbur iyo qudbado ku dheehneyd Alle ka cabsi, wacyigalin, iyo guubaabo.

Wasiirka ayaa waxa ku soo dhaweeyey makarafoonka Maxamed Xasan Abgalaaow oo ah Gudoomiyaha (PDF) ee chapterka Minnesota, halkaas oo uu ka akhriyay Warbixin kooban oo ka hadlaysay hordhac barid ah Wasiirka marti sharafta. Hordhacaas ayaa waxa ka mid ahaa in uu Wasiirku ahaa dhalinyaradii ugu horeysey ee ka khudbadeysay aasaaskii Puntland iyo ninkii ugu horeeyey ee sameeyay idaacada Quraanka Kariimka. Gudoomiyaha ayaa intii hadalka uu waday ku daray kaftan iyo qosol dabacsan. Sidoo kale waxa xaflada furay Wakiilka Boqorka Abdullahi Axmed Khayre oo xafladan ku tilmaamay mid ka duwan xafladihii hore maadaama ay idaacadaha Soomaalida Minnesota aysan mid ka maqnayan.


Wasiirka oo lagu soo dhawaynayo Minneapolis

Dhinaca dumarka, waxa buraanbur qiimo badan ka soo jeedisay Dr’s Dahabo, oo ka hadashay runta dhabta ah ee ay ku jirto Puntland iyo in ay jiraan daldaloolo badan oo u baahan in la saxo. Buraanburkaas ayaa waxa ka dhex muuqday shucuur iyo talooyin badan oo ay u dhiibaysay Wasiirka in uu ka geeyo Puntland. Kaliya ma ahyn in Dumarka Dr’s Dahabo ka hadashay ee waxa sidoo kale ka hadlay Faaduma Hiirad oo u shaqayn jirtey Idaacada Radio Mogadishu, in ka badan 35 sano. Faaduma ayaa waxa ay ku dheeraatay muhiimada idaacada iyo sida ay u kasban karaan dadweynaha hadii ay idaacadu hesho dad qibrad u leh hab qurxinta hadalka iyo daacadnimo.


Jaaliyadda MN

Waxa xafladan ka maqnayn suugaanta dhinaca gabayada oo lagu soo bandhigay loogana hadlay marxaladii hore ee Soomaaliya iyo marxalada hada taagan. Gabayadan ayaa waxa ku luuqeeyey labo abwaan oo ka caan ah Minnesota: Abwaan Cusmaan iyo Abwaan Abdirsaq Dhagadheere. Gabayada ka dib ayaa waxa lagu soo dhaweeyey Hodan Caruus (Puntland Women Association) oo ku soo dhaweysey Farxiyo Absiiye oo ka hadashay Documentry ay soo bandhigi doonto bisha Oktoobar oo ku saabsan dhalinyaradii laga waayey Minnesota ee ku noqday Soomaaliya si ay u dagaalamaan. Documentarigan oo duuban oo ay ku dheehan tahay shucuur, maadaama ay ka hadlayaan waalidiintii dhalay caruuurta iyo macluumaad badan oo ku jira ay si kooban u dul martay Farxiyo, kuna casuuntay in ay ka soo qayb galaan marka lagaaro Oktoobar, marti sharaftii halkaas isugu timid. Waxa sidoo kale qadka telefoonka si toos ah ugala socday Soomaalida degan Atlanta oo runtii si qiiro leh u dareemayey hadalada uu Wasiirka u soo jeedinayey marti sharafta shirka, qadkaas telefoonka ayaa waxa suura galiyey aqoon yahan Mahdi Shakiib.


Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdixakiim Axmed Guleed oo la hadlayey Jaaliyadda MN

Ugudanbayntii, ayaa xaflada waxa ka hadlay dhinaca culimada oo si kooban uga hadlay nabada iyo sida Soomaaliya ay ugu baahan tahay diin daacad ah iyo dad daacad ah oo isku xiran. Culimadaas ayaa waxa ka mid ahaa: Sheekh Abdiraxmaan iyo Sheekh Sacad. Wasiirka ayaa gebogebadii kor maray hadaladii lagu soo dhaweeyey, kana jawaabay su’aalo dhor ah oo ay abwaaniinta iyo dadkii hadlayey ay qudbadahooda ku dhex weydiiyeen. Qudbadiisana waxa hal ku dhig ahaa Xabagta Isku haysa Ummadda Soomaaliyeed waxayna ka koobneyd sedex qodob oo kala ah: in qurbo joogto ka qayb qaadato mashruuc uu wado oo ah “One Dollar Development Foundation Bishii” in dadka qurbaha degan ay ugu deeqaan mashruucayada ka socda Soomaaliya hal dollar oo kaliya. Sidoo kale waxa uu taabtay in loo baahan yahay dad da’ yar oo ku soo bata siyaasada Soomaaliya. Ugu danbayntii in uu kor u qaadi doono hidaha iyo dhaqanka sii lumaya iyo sidii afgarad loogu samayn lahaa dhalinta dibada iyo gudaha.

Halkan ka daawo iyadoo video ah:

Qaybtii koowaad: http://www.youtube.com/watch?v=qLd3INKtn20
Qaybtii labaad: http://www.youtube.com/watch?v=HuOuW_fxyO4

Abdimalik Askar
Somali Media


Wararka kale ee maanta ka akhri Halkan:

  • Arday Soomaaliyeed oo ka qalinjebisay Jaamacad ku taal Indonesia
  • Magaalada Nairobi oo ay ka dhaceen qaraxyo geystay waxyeelooyin
  • Wasiirka Warfaafinta Puntland oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota
  • Shir aqooneedkii ardayda soomaaliyeed ee jaamacada Wuhan ee dalka China
  • Kulan Dhaqaale loogu uruurinayay Dawlad Goboleedka Bartamaha Soomaaliya oo ka dhacay Birmigham
  • Bandow lagu soo rogay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kadib markii…
  • Ka Akhri Halkan

Faafin: SomaliTalk.com / June 15, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS